Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Reer puntland yaa xiga, CABDIQAASIM iyo MELES-ZANAWI?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid yare

Monday, December 11, 2000 - 11:07 pm
Waxaan naftayda waydiiyay su,aashaan, kadib markii aan arkay in dad badan oo reer puntland ahi ay ka xun yihiin in XASAN ABSHIR iyo KINKONG ay tagaan muqdisho, isla markaana ay ku farxaan markuu cabdullaahi yuusuf tago ADISABABA, .
Fadlan su,aashaan iiga jawaabo ,adinkoo aanan caaytamin, waan ogahay oo dadku isku wada fikrad ma aha, laakiin intiina badan(reer puntland) waad ku qanacsan tihiin xiriirka dhow ee amxaaro aad la leedihiin, waadna ka xun tihiin inaad, inaad xiriir wanaagsan uu idin dhex maro adinka iyo dowlada cusub?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Tuesday, December 12, 2000 - 01:23 am
war iska aamus suaashaadu aad bay u macno yarta hay ma c/laahi yusuf iyo ina booy baad isku meel dhigtay oo waliba qurunnimoda aad doonaysaa in madaxweyne c/laahi uu u tago mooryaanka ina salaad booy war nin yaho wax macno leh soo qor ama iska aamus ku caayi maayo laakiin hadalkaagu waa hadal nin wax aan wax garaneyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SACIID YARE

Tuesday, December 12, 2000 - 01:38 am
Wadani
walaal ni aqli badan adiga ayaa ahe,
ina salaad booy iyo madaxwayne cabdulaahi lama isma barbardhigi karo ayaa tiriye, . bal waxaad iiga warantaa CABDULLAAHI iyo MELES ZANAWI mala isbarbar dhigi karaa?.
Waxaan rabaa bal inaan ka faa,iidaysto caqligaada wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keyse

Tuesday, December 12, 2000 - 01:53 am
Saciid yare
C/qaasim dhalasho iyo diin iyo wadan ayaa naga dhexeeya

Mele zanaawi: diin nagama dhexayso dhalashona warkeed daa, dhulka isaguu nagag maqan yahay iska daa inuu nga dhexeyee.

maku kaafidaaintaasi
nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Tuesday, December 12, 2000 - 04:28 am
Said,

Si kooban haddaan uga jawaabo su'aashada, waa runtaa oo Puntland iyo Ethopia xiriir baa ka dhexeeya, xiriirkasuna wuxuu la mid yahay midka somalida kale oo maamulada leh iyo kuwo jabhadaha ahba oo Arta group ka mid yahay ay Ethopia la leeyihiin. Ethopia tegideedu iyo xiriirkeedu ma aha jeclaan iyo wada dhalasho naga dhexaysa, ee waa waddan aynu deris nahay xuduudka ugu wayna inala leh. Haddii dawlad somaliyeed jiri lahaydna waa lala xiriiri lahaa, hadda oo dawladi aysan jirina, dani ku badday weeye xiriirka gobolada iyo Ethopia ka dhexeeya, ee arrintu ma aha jacayl iyo nacayb sidaad moodday.

Tan Abdiqasim iyo dawladda aad sheegtay, maxaa Puntland uga kordhaya u tagidda Abdulkasim. Maxaad u oran wayday Abdikasim iyo taageerayashiisu taga Puntland oo Abdullahi u taga kana soo faa'iidaysta qaabka Puntland loo sameeyey, una dhisan tahay, dabadeedna ku dabakha degaanka Abdulkasim ku abtirsado oo ku caan baxay burcadnimada iyo xasilooni darada joogtada ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Tuesday, December 12, 2000 - 04:30 am
wali waxaad waydiinaysaa suaal aan munaasab ahayn, zanaawi waa hoggamiyaha itoobiya diintiisa shaqo kuma lihi, ha moodin caqli xumaadaada inaan zanaawi aaan wax weyn moodayno lakiin waxaan kuu sheegaayaa hawiye dadkiisa nabad hadhex dhigo wuxuu dadka kadhacay oohanti maguurto ahna ha u celiyo dadkoodii, ka dib wixii hawiyaha xaq u matala hala soo hadleen puntland ama ina booy ha ahaado ama ina culusoow markaas waa bar bardhigi karaa ciddii siaas oo kale maamul uleh now is clear....................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, December 12, 2000 - 04:46 am
To: Siciid Yare( waxaan u malaynayaa in aad C/waxid oo magaca badashay aadtahay)

Siciid yare waxaa jira in qof walba oo reer Puntland ah uu aadi karo meesha uu rabo ama Adis ha ahaato ama Moqdisho (caasimaddii hore ee soomaaliyeed) laakiin inigu inta seexdo Hotel Ramadaan ("baarlamaanka" kooxda ina Salaad Boy)ma dhihikaro baarlamaan soomaaliyeed ayaan dadkayga u fadhiyaa haddii aysan iyagu isoodirsan. taas waa tan reer puntland kaga xumaadeen Ina Boqor iyo Ina Abshir tagidii ay Xamar tageen ee haddi iyagoo dadka caadiga ah oo kale ay Hotel Ramadaan seexanlahaayen cidna kama xumaateen.


Haddi aan isbarbardhigo Ina Salaad Boy iyo Mella Zenawi
Mella Zenawi waa madaxweyna ha Itobia. Sida la ogsoonyahayna Itobianka iyo somalida guudahaan waxaa ka dhexeeya cadawtinimo. Marka hiddii aan reer Puntland nahay somalida taas waan laqabnaa. laakiin waxaa jira in Itobia aysan cadawtinimo gaarah u qabin reer Puntland aysana ugaysan wax gaar ah oo soomaalida kale aysan u gaysan.

Waxaa kuu sooharay Ina Salaad Boy waa nin soomaali ah oo Dawladii hore ee Ina Siyaad Bare kasoo qabtay xilal waawayn oo badan. Waxaana filayaa in aad xusuusan kartid Dawladdaas waxay ahayd iyo sida ay dadkeeda ay u gali jirtay reer Puntlandba ha ugu darnaadeen e. Haddaba Ina Salaad Boy iyada oon aan wali maxkamad loo soo taagin danbiyadii uu galay intii uu kamid ahaa Dawladii Bare ayaa waxaa laqabtay shirkii Carta kaas oo ay tageen dad u badnaa dawladii Bare iyo dad sheeganayay in ay diin yaqaanaan iyo dad uu Afweyne ka dhigay Isimo halkaas ayaa isaga lagu soo dhoobdhoobay oo ay dadka aan soosheegay u doorteen madaxweyne "soomaaliyeed" taas waxay noqotay danbi kale oo ziyaado ah oo uu kagalay dadka soomaaliyeed oo dhan waaayo waxa uu sheegtay in uu soomaaliya oo dhan madaxweyne kayayhay wuxuukale oo diiday in uu qirto maamulka Puntland.
Marka maadaama uusan qirsanayn in Puntland jirto ayaa waxaa macneheedu yahay in uu aaminsanyahay in uu utaliyo gobolada waqooyi bari ee Somaliya .
Horayna waxaa udhacaday in Dawladdiisii hore ay iyadoo bebayaal iyo tangiyo iyo Ciidankii wadanka oo dhan wadata ay dhib aad u wayn u gaysatay shacabka reer puntland.


Marka Siciid yare Mella Zinawi waa cadow aan soomali oo dhan la qabno.
Ina Salaad boyna waa cadow gaar ah oo aan leenahay horayna u soo lahayn.
Marka haddii Madaxweynahayagu uu Adis tagay wax lala yaabo maaha waayo siyaasada ayaa layiraahaa CADOW iyo SAAXIIB MALEH EE ULAJEEDO BAY LEEDAHAY.Marka masoconayso kanaa saaxiib kay ah iyo kanaa cadowgayga ah, marhaddii aad madaxweyne tahay waa in aad ulajeedo leedahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid yare

Tuesday, December 12, 2000 - 11:04 pm
Guud ahaan fikrada reer puntland ay ka qabaaan dowlada ku meelgaarka ah, ee uu madaxda ka yahay cabdiqqsim, waa mid negativ ah, markaan eegay fikradihiina.

ABDI,
Saaxiib waxaa tiri muxuu cabdiqaasim isagu u imaan waayay puntland?, waxaan filayaa inaad xasuusato inuu cabdiqaasim garoowe hore u yimid,su,aashuse waxa ay tahay, adiga in laguu yimaado mooyee, adigu dadka u tagi maysid miyaa?
hadii reer puntland laga faa,iidaysanayo xasan abshir kinkong, iyo galayr, miyaayasan ahayn reer puntland?
WADANI.
fikarada ah ha noola yimaado anaga waxaad la qabta walaalkaa ABDI, laakiin waxaan ku dhihi lahaa meesha hawiye laga hadli maynine, waxaa laga hadlayay qaran soomaaliyeed.

WIIL QARDHOOD
Walaal cabdiwaaxid la ima yiraaahdo.
waxaan kuu sheegayaa inaanan kula qabin murti gaaleedka dhahaysa "SIYAASADU MALAHA SAAXIIB JOOGTA AH EE WAXA AY LEEDAHAY, DAN JOOGTA AH",
Taas waxaa isticmaaala reer galbeedka , waana qaacido uusan isticmaaali karin qof muslim ah,.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

islam

Tuesday, December 12, 2000 - 11:47 pm
Aniga waxay ila tahya A/hi yusuf
ayaa inooga dhow waa gudanyahay Xaajigu
Zenawi ma gudna that is the simple

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Wednesday, December 13, 2000 - 02:49 am
walaal siciid waxaa boggaan loo furay inlooga hadlo siyaasad especially puntland, marka muslimiintu waa walaalo qodobka ah haddii aad doonaysid inaad ka hadashid go tothe religiuos sites, i think you need to understand many things so you will you have the clarity of mind needed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid yare

Wednesday, December 13, 2000 - 03:15 am
wadani
walaal waa hagaag waan, ka baxay bogaan, maadaama loo ogol yahay reer puntland oo akliya.
waxaad i soo xasuusisay hadda ka hor waa aaan tegay boosaaso oo la igu yiri uma dhalan dhulkaani aad halkii aad ka timid.
WA BILAAHI TOWFIIW, koley reer puntland aan wada doodno waxaan ka helayaa bogaga kale sida HIIRAANE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Wednesday, December 13, 2000 - 10:49 pm
waxaan kala garan waayay inaad isyeelyeelayso iyo hadalku labo shub inuu kuugu dhaco, your always welcome

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Saturday, December 23, 2000 - 04:43 am
Asalaamu calaykum

Wiil Qardhood,

Waad ogtahay waxay diintu ka qabto, malaha xun oo malo awaalka ah, maxaa ugu khasbaya forum-kan aan cidna iga aqoon inaan magaca badbadasho.Anigu siyaasi ma ahi.
Badanaa anigu waxaan ka hadlaa mowduucyada aan anigu bilaabo, kuwa kale waxaa iska yar mar' aan galo.
Hadaan Saciid Yare Su'aashiisa ka jawaabo oo dadka qaarkii si sax ah uga jawaabeen, laakiin forum-ka waxaan ku aqaan dad iyaga oo aan mowduuca fahmin horey ka jawaaba.

Sidii ninkii intuu maqley meel xadiis zekada ku saabsan lagu micnaynayo, markii Shiiku marayey, Geela wax zeko ah laguma leh...............xadiis oo dhamaanbaa ninkii boodey oo dadkii ku faafiyey inaan geela wax zeko ah lagu lahayn.
Marka jawaabteydu waa:
Dadka Punland Zenaawi bey usu dhowyihiin.
Laakiin dadka Waqooyi Beri C/Qaasim bey usu dhowyihiin.
Shaki ma leh inaan magaca la aqoon ugu yaraana uu Mushrikiin ka soo jeedo.
"Al-khabiithaatu lil khabiithiina, wal khabiithuuna lil khabiithaati."
Marka dadka muslimiinta ah wey isleeyihiin, wixii khabiithaat ah iyo magac xun iyo gaalana wey is leeyihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr.Wiilwaal

Saturday, December 23, 2000 - 11:17 am
To: Sacid Yare
Walaal wax aadan wakhti badan aadan iskaga dhubin baan kuu sheegaya ee igo qaado, ninkalana ha waydiin. Abdullahi Yusuf waa nin aad iyo aad u xukun jecel aaminsana in uu maalinmaalmaha ka mid ah uu noqdo Madaxwaynaha Somaaliya. Marka haddii adiga Madaxwyne laga dhigo wuu kula qaadin oo wuxu ka shaqayn siddii uu kaaga takhalusilahaa, amma Etobio ha aado amma Libiya ha aado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sayidcumar

Sunday, December 24, 2000 - 01:22 am
warniman yahow ileen anagaa khayr aragnay war ninku suaalbuu idin waydiiyee maxaa keenay hawiye iyo qabiilada la caayayo

ina adeer jawaabtu waa laba dadka ma wixii c/laahi raacsan mise wixii kasoo horjeeda

wixii c/laahi raacsan zenawi bay isku dhow yihiin wixii sidaydoo kale kasoo horjeedana c/qaasin bay isku dhowyihiin

hadaba adoon galin doodo kale caroona sidii cunug yar dooda adaa furaye dhamee hadii kale mardanbe hagalin hawl aadan ka bixi karin

wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi_salah

Sunday, December 24, 2000 - 09:52 am
Waxaa salaaman dhammaan akhyaarta, intaa kabacdi haddaan ugudbo mawduuca kor ku xusan, waxay annigga ila tahay inaynu marka hore ogaano inaynu nahay dad mar haddaynu dadnahayna waxaa mar walba inaggu taxaluqa gef iyo wax jeclaysi, taasi iyadda oo ay jirto ayeynu haddana waxaynu nahay soomaali oo aqoontu ku yar tahay aanna kala saari karin xaqa iyo xaq daradda iwm, intaa kadib waxaynu maraynaa maanta marxalad kala guur oo aynu isla garanay inteenna badani in colaaddii laga fara xasho nabadna la wada qaato soomaali oo dhan meel kasta oo la joogo waxaan aaminsanahay dadka soomaaliyeed intooda badan arrintaa hadal iyo dood midna kama qabaan, laakiin su`aasha lays weydiinayaa waxay tahay qaabkee iyo habkee baynu nabaddeena gundhig uga dhignaa,waa run ummadda soomaaliyeed dhibaatadu waa wada saamaysay meel bed qabtaana ma jirto laakiin waxaa jira kala duwanaansho u dhexeeya goboladda dalku ka koobnaa qaababkii ay ukala wajaheen dagaalkii sokeeye, goboladda qaar ayaa dadkii waxgaradka ahaa ee joogay arrintii gacanta ku dhigeen oo gaarsiiyeen nabad iyo weliba inay dhayaan dhaawacyaddii kasoo gaaray dagaalka sokeeye oo hadda raysmo ku dhow, iyo qayb la haystayaal ah oo tobonkaa sano inta ay xorta ahaayeen iyo inta la haystay ay is le`eg yihiin iyo koox kale oo iyadu daalimiintii awoodda gacanta u gashay oo wax garadkii goboladdaa joogay aysan fursad u helin inay dhibaatadda ay daalimiintu samaynayaan ka qabtaan oo ay nabad ku noolaadaan dadka kalena nabad geliyaan, meesha haddaba dadka soomaaliyeed arintoodu ka murugsan tahay waxay tahay ama laysla fahmi la`ayahay waxay ´tahay yaa xaq u leh inuu nabadda soomaali weyn ka shaqeeyo ma ninka beeshii uu ka dhashay nabad gaarsiiyey baa soomaali kale nabdayn kara mise ninka beeshiisii ka quustay ayaa soomaali kale nabadeeda ka shaqeyn kara su`aashaa jawaabteeda akhyaarta ayaan u daayey.


Salaaman

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/dulle

Sunday, January 21, 2001 - 02:35 pm
to muwadin su aal ayaa la gu waydiyaye hawiye nacayb ka ka buu xaa ogow in adan jano ku galaynin
aragtidada yar waxay cebey naysaa bahda samaha jecel
waxa lagu yiri labada nin yaa yaa xiga punt,,
wuu ka rayay nin ka su aasha ku waydiyay,, maxa yelayay ,
wuxu firinayay nec baan shaha aad qab tid hawiye
aan xuso qiso dhab ah ,,
waxaa meel wada sex day laba nin oo kala ah hawiye iyodarod
labadii nin way riyoodeen
kii darod wuxuu ku riyoday isago la dagalamaya waxa aan la aqoon , ki hawiyana si nabadi ku jirto ayuu u ryooday, kii hawiye ayaa so kacyay markabuu la yabay nin kan aad ka u qarwahaya markaa buu ku yiri ilaah niyadada ha wanajiyo waxaad sexatay adigoo niyad xun
marka waaxn ku wani nahayaa dadka niyada xun ku sexdo oo hawiye nacyb ka ku jiro in ka waan too baan byyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIILGAROOWE

Sunday, January 21, 2001 - 03:35 pm
WAR WAA YAAB HADII LALA YIMAADO SIYAASAD KA DUWAN TA C/LLAAHI YUUSUF MA MOORYAAN IYO DABA DHILIF BAA LA ISUGU YEERAYAA.
ANIGU WAXAAN AAMINSANAHAY IN NIMANKAAS XAMAR JOOGAA AY SHARAF IYO KARAAMO BADAN YIHIIN ODAY DUDAAYE IYO INTA TAAGEERSANBA.