    Keyse | Tuesday, December 12, 2000 - 02:13 am Salaan kadib. Toban sano markay reer puntland haysteen nabad marka laga gooyo sadex sano,maamulona ay haysteen waxaan iswaydiiyaa ma dhib ayaa dadku tirsanayaa, ma dhulkaa gef laga galay, ma badaa laga caraysiiyay waa maxay waxa dadka ka siya. Shacabka reer Soomaaliland & kan reer Puntland farqi ayaa u dhexeeya una baahan in lafahmo ee bal adiguba garo. 1-Maxaa kalifay in shacabkeenu taageeraan badidoodu maamulka lagu dhisay carta? 2-Maxaa kalifay in ay u mudaaharaadaan oo dadkaga dhinto? 3-Maxaa kalifay oo ismada shacbkeena intooda badan ay u taageereen Shirkii carta sida A-Boqor Max,uud b-Suldaan Saciid Garaase c-Beeldaaje Cali faarax d-Beeldaaje Bin jeceel e-Suldaan Siciid irbad f- Suldaan Saciid C/salaam g- iyo garaadyo dhawra oo reer Sool ah. 4- Maxaa kalifay oo mediaha reer puntland ay dhinaca carta ugu xagliyeen sida Sahan, Yool, Sooyaal,Riyaaq etc. Hadaba dadku ma dheef bay ka heleen Puntlnad mise dhib oo sidaas ayay ku taageereen Carta jawaabtu aday kuu taal. nabadeey |
    ddeele aariye | Tuesday, December 12, 2000 - 03:20 am keyse boowe maxaad boqor maxamuud iyo caaqilada been ugasheegaysaa ina salaad ba,aaye cidi maraac sana iyo wixii carta ku doortay wxaanse kuu sheegayaa cabdilaai yuusuf waa diktatoor horumar ma ogola taasi waa xaqiiq amaana allaah iyo xiriir wanaagsan |
    Abdi | Tuesday, December 12, 2000 - 05:01 am Kayse, War nin yahow dhowr qoraal oo hore oo aad leedahayna waa arkay. Waxaan u malaynayaa waxaa ku jirtaa inta ay isaga khaldan tahay mucaaradnimada maamulka Puntland iyo Puntland state laf ahaanteedu. Ma garanayo aqoontaadu heerkay gaarsiisan tahay, waxaadse ogaataa in farqi wayni u dhaxeeyo labada arrimood oo kore. Haddaan usoo noqdo su'aalahaaga, jawaabtoodu sidan bay iila muuqataa. 1)Maxaad caddayn ah oo aad haysaa in shacabkeenna badidiisu taageereen maamulka Arta. Haddayse runtu taas tahay maxaa maamulka Arta cid ugu dirsan waayey shacabka taageersan oo tirada badan. 2)Waa runtaa oo qof baa uga dhintay, malaayiinka qof oo Puntland dega, sabab lagu taageerayey shirkii Arta (not Arta government). Inaan doodaadu aad usii qoto dheerayn, ma waxaad garan wayday farqiga u dhexeeya shirkii Arta, oo maamulka Puntland uu xataa mar taageersanaa, iyo dawlad ku sheegga ka dhalatay markii la majara habaabiyey. Ma waxaad aamminsan tahay in qofkii mar shirka taageeray uu haddana Abdiqasim raacsan yahay. Hadday taasi run tahay, dadka taageersan Abdullahi Yusuf ku dar, illeyn isba Jabouti tegyey oo shirka waa raacsanaa bilawgiiye 3)Tan qofkii iga horreey (sorry, waa magac adag magacaagu), baa kaala hadlay inay ceeb tahay issimadoo lagu been abuurtaa. Sida xaqiiqdu tahay Issimadii dhaqanka ku salaysnaa oo runta ahaa (genuine traditional elders) majority-goodu waxay dhex joogaan kuna ra'yi yihiin shacabka iyo maamulka Puntland, ee haku been abuuran. Qaar aad meesha ku qortay, waligood Arta ma tegin, waxayna ka qayb galayeen dabbaal daggii 2nd anniversary-ga Puntaland, markii Arta wax lagu dhoodhoobayey. Marka beentu waana xaaraan waana ceeb, ee la soco. 4)Waxaad media-ha ugu yeertay adigu, armay yihiin waraaqo ay shakhsiyaad kula mid ah, oo waxa aad adigu Internet-ka kusoo qortid oo kale qaba ay waraaqo ku qoraan, kaddiban photo copy inta ku rogaan qaybiyaan, iyagoo ujeedadoodu tahay qofna taageer, qofna mucaarad, ee aysan ahayn ka tarjun xaqiiqda dhabta ah ee Puntland taal. Media-ha adduunka waxaa wax ku qura dad loo tababaray journalism-ka, waxayan dhowraan journalism ethics-ka, ee ma aha tabloids-ka shaqsiyaadka iyo qabiilada lagu caayo inaad Media ugu yeertid. Finally, Adiga haddaan su'aal ku waydiiyo, haddii Puntland ay wax ka khaldan yihiin, oo sidii la rabay aysan ku socon, ma in la toosiyo oo cid ka fiican ciddii hore loo dhiibo baad qabtaa, mase in Muqdisho loo raro, oo hoteelada xamar looga arrimiyo baad ku talinaysaa? |
    Wiil-qardhood | Tuesday, December 12, 2000 - 05:18 am TO: Keyse walaale Keyse waxaa aad iyo aad iyo aad u khalad ah in aad Bogor Maxamuud been ka sheegtid, see alle kuu galay mawaadan xishoonayn! Tankale walaale waxaad ogaataa in dadka aad meesha ku qortay qaarkood aysan ahayn isimo sax ah ee ay yihiin wax Afweyne dhoobdhoobay,sidaas darteed aysan kahari karin saaxiibadood (Boy & X Abshir). Waxaan anigu waraystay joornaalistayaal badan oo Puntland jooga wax carto raacsanna ma arag, waase jiraan wax Cabdullaahi ku kacsan, laakiin khalad bay ahaanlahay in reer puntland oo dhan ay raacaan C/llaahi Yey, in Puntland jiritaankeeda hadal lagaiyo ayaa khalad ah mooyee ina Yey waa qof caadi ah oo waa la nici karaa. Midda kale shacabka reer pl waxay u badan yihiin dad sugay oo raba in ay ogaadaan bal sida ay wax noqdaan.(mardhan baan aritaan sifiicin uga hadlidoonaa) |
    Keyse | Tuesday, December 12, 2000 - 05:45 am Salaan kadib: Walaalayaal madoonaayo inaan qof qof ugu jawaabo laakiin waxaan idin leeyehey. Punttlnad waa degaan iyo maamul deeagaan haday noqoto waam u dhiman lahaa, waxaan dhaafsiisanaayona majirto. Mida shacabka hadaan usoo noqdo hadaan indhaha iska ridayno dadku C/laahi ayay raacsiisanyihiin maamulkoodadan waa u daacad waxay dhaafsiisanayaan majirto. Mida jaraa,idka haday waraaqo yihiin ogow gobolka waxaa kasoo baxa waa faro ku tiris Kaaha Bari sahan Riyaaq Yool Sooyaal intaasi waa wada mu ayidiin oo waxay taageeraan C/laahi abaalkooduna wuxuu noqday in xabsiyada loo taxaabo Waxaa soo hartay Xidigta Puntland ama hadaad doonto dhehWarsidaha puntland waa layska fahmaayaa. Mida isimada Boqor Maxmuud been kama sheegin afkiisa ayaan ka furaa inuu taageersanaa arimaha carta ka socda hadaad rabtidna waydii telefon ayuu leeyeheye. Hadaba walaal adiga wiil Qardhood waxaan kuleeyehey waxaad ku khaldantahay inaad kala saartid isimada reer Puntland kasoo qaad hadaad tiri Afweyne ayaa dhoodhoobay taasi waa cadaan oo waxaa markiiba soo baxaaya inaad ula jeedid Suldaan Garaase maxaayeelay inta kale way ka danbeeyeen afweyne, dadkuna waa beelo ee ma fiicna inaad suldaankooda wax ka tirahdo adiga oo arimo kale difaacaya awgood. Mida aniga iyo wax barashdayda togba taagtii ayuu rogmadaa ilaahan waan mahadin. mida ah dadku maxay cid ugu darsanwaayen haayoo way aamin sanyihiin in bahkasta cid ugu jirto. Mida ah dadku waxay u badanyihiin wax sugaya oo dhawraya sida wax noqdaan haa waan kugu raacsanahay laakiin labo ayay u kala baxaan iyo tiro yar oo Abdi oo lake ah. nabdeey |
    Abdi | Tuesday, December 12, 2000 - 06:30 am Kayse, angu sidii ay iila muuqatay baan uga jawaabay su'aalahagii badnaa, laakiin adigu halkii mid oo aan ku waydiiyay waad ka gaabsatay. Aamuska haah baa la xukumaa, marka waxaan u qaatay inaad leedahay Puntland wax baa ka khaldan, waxaana loo baahan yahay in lagu saxo xamar oo Abdiqasim loo geeyo, iyadoo hebel iyo reer hebel lagu xumaynayo. Marka walaal haddaan sidaas aan kuu qaatay arrintu tahay, hadde kaa yeeli mayno. Haddii wax naga khaldan yihiin, ha lagu saxo Puntland, wixii hagaagsan oo la gaaray 2-da sanona hala sii wado. Midda ah inaad carrabka ku dhufatid dadka qaarkiis adigoo leh reer hebel buu Wiil-Qardhod u jeedaa, waa khalad, waxaana u malaynayaa in maslaxaddu ku jirto in beelaha iyo issimada aynu doodda ka saarno, oo ku ekayno maamulka Puntland iyo inta raacsan, iyo inta Salad Boy iyo Arta raacsan oo aad adigu ka mid tahay, inaan iska dhaadhicinno qolo walba waxay sabab ka dhiganayso. |
    keyse | Tuesday, December 12, 2000 - 07:22 am Salaan kadib cabdiyoow marka hore uga raali noqo hadaan su,aada ka jawaabi wayay malaha waan ilaaway. in la toosiyo ayaan qabaa sidaas ayaana weligay taageerin jiray hadaad akhriday mawduucyadayda , marka la toosiyana in si xalaal ah soomali wax loola qaybsado ayaan qabaa. Laakiin aad ayay u adagtahay in latoosiyo taasi waa khibrdayda iyo waayo aragnimadayda Mida aad itiri inta C/qaasin iyo carta raacsan oo aad adigu kamid tahay hade iyadana aargoosasho dheh ina adeer taas taas utuur isumase qalmaan. Mida Isimada anigu walaal in la aflagaadeeyo uma keenin meesha ( iyo hadalka ah afweynaa dhisoo inaboy iyo X/abshirkoodi ayay u hiloobeen) waa waxaan meesha kujirin. keenuda aan anigu keenay dee walaal shacabka ayaan ka hadlaayay iyagaana u horeeya, aan xaqiiqda usoo noqono kana jawaabno su,aalaha ina horyaala. nabdeey |
    Wiil-Qardhood | Wednesday, December 13, 2000 - 01:02 am TO: Keyse Keyse awal waxaad u hadlijirtay sidii nin raba in Puntland hanaqaado laakiin Ina Yey mucaarad ku ah. Mawduucanse waxaad u hadlaysaa sidii nin raba in uu Hotel Ramadaan ("baarlamaanka" kooxda Carta) ina geeyo. Waxaad tiri Dadka Iyo Isimada iyo Joornaaliistayaasha reer Puntland waxay u janjeeraan dhinaca "dawladda" Carta , waxaa xaqiiqo ah in maskaxdaadu u janjeerto dhinaca Carta marka waxaa kaa dhaadhacsan in reer Puntland oo dhan maskaxdoodu janjeerto. Marka aan leeyahay dadka reer Pl waxay u badan yihiin dad aamusan oo sugaya siday wax noqdaan adigu waxaad ufasiratay in maskaxdoodu u janjeerato dhinaca Hotel Ramadaan. Laakiin xaqiiqadu waa dadka Puntland waxay sugayaan wixii soomaalinimo ula yimaada. Waxaadse ogaataa in Nimanka daggan Hotel Ramdaan aysanba qirsanayn Jiritaanka Puntland, sidaas darteed ayay ceeb iyo yaxyax nagu ahaanlahayd in aan waxkasugno Hotel Ramadaan. Waajireen in Isimada Puntland ay taageereen Shirkii Carta laakiin markay arkeen in aan dani noogu jirin ayay kasoo noqdeen.Haddii ay taageerayaan "Dawladda" Hotel Ramadaan kama aysan sootageen markii Carta ay joogtay. WAANA BALLAN ILAAHAY in aan Boqor Maxmuud lahadlo oo waydiiyo in dawladiisu fadhido Garawe iyo in Hotel Ramadaan mooryaani ku wardiyayso. -Midda kale markasta waxaad dawladda Puntland ku eedaysaa wax qabad laàan laakin marna ma arag adigoo sheegaya waxii Ina Salaad Boy iyo Ina Siyaad Bare ku sameeyeen reer Puntland. Dhibka ay Dawladdii ina Salaad Boy iyo ina Siyaad gaysatay ayaana keenay in aan u ololayno in qolowalba ay isa soo habayso kadibna aan isunimaadno. Marka Kayse kala baro C/llaahi Yusuf Yey iyo Puntland. Ina Yey waa madaxweynaha Puntland oo waxaana loo doortay ilaa in muddo ah in uu hayo. marka haddii aad Ina Yey oo kaliya necebtahay wax lalayaabo maaha ee iska sug inta xiligii ladoortay kadhamaanayso, una sii diyaargaraw haddii aad rabtid in adiga aan doorano, ama sii diyaarso ciddii aad jagada larabtid. Laakiin marna hakayaabin in aan Hotel Ramadan aadno. S/C Wiil-Qardhood |
    Keyse | Wednesday, December 13, 2000 - 01:43 am Salaan kadib: Horta aad ayaan uga xumahay marka laga hadlaayo Puntland in hal qabiil kaliya isha lal raaco, waxaan idi dhihi lahaa Majeerteen kaliya Puntland iskama laha Dawlada carta lagu dhisayna marka puntland laga hadlaayo waxaad weligiin ku orodaan sadex nin oo isku reer ah Kin-kong Abshir M/abshir aaway ninka raiisulwasaaraha ka ah maaha miyaa nin kasoojeeda Puntland mise sool Soomaaliland ayaad siisen. Miyaadan ogayn maalintii la doortay galayr dabaaldeggii ka dhacay laascaanood mise kuwaasi reer Puntland maaha oo cigaalbaa loo saxiixay. aaway sanaag bari mise reer Puntland maaha. anigu waxaan arkaa inay ceeb idinku tahay marka laga hadlaayo Puntland inaad hilmaantaan dadka kale oo aad bahdiin u hadshaan. Wiil Qardhood maluhu waa meeshiisa cid aan kabaqo oo aan ilaah ahayn majiro meeshaana afkaartayda ayaan ku soo bandhigaa waana wadayaa, ee walaal ka cudurdaaro isimada aad aflagaadaysay. nabadeey |
    Abdi | Wednesday, December 13, 2000 - 04:49 am Kayse, There you go again. War nin yahow dadka walaalaha ah ha isku xuuxin. Shalay waxaad lahayd Suldaan baa la caayay, adoo beel Majeerteen ah ku kicinaya, haddana waxaad leedahay Harti baa qaar laga tagay. Walal, fallaari gilgilasho kaagama haddho, ee ninkaan Wiil Qardhood waxaad mooddaa inuu godkaad gashidba kaa saaray. Adna reer hebel baa maqan iyo hebel maa lasoo qaado baad qiil ka dhiganaysaa. Haddii Wiil-Qardhod uu sida uu u dhaliilay Ilma Abshir iyo Kinkong, uu u dhaliili lahaa Ali Khalifna, sow maad tiraahdeen maxaa reer laascaanood loo caayey. Marka walaal sidaan horeyba kaaga codsaday, inaka daa beelaha Puntland, oo kala duwan, ee ka hadal gobolka aynu wada leenahay iyo inaad rabtid in xamar loo raro iyo in kale. Haddaan ku iraahdo maxaad uga tagtay daaroodka kale oo Puntland dega, oo Hartiga kaliya usoo qaadday, bal ka warran?. Markastoo Puntland lasoo qaado, muhim ma aha in list-ka qabiilada ama siyaasiyiinta la taxo. |
    Badhan | Wednesday, December 13, 2000 - 05:11 am To:Keyse, Saxib faqash xun baad tahay.Usagagii Afweyne ama moortaan xun baad tahay.Reer Puntiland ma tihid. Xasid waxaad ku tahay Puntiland ee kolba anaga madaxweynha jamhuuriyada Puntiland mudane Abdillahi Yusuf ha noo tusin in uu yahay kali talis. Yaa miskiin Abdillahi waxaa lagu doortay cod gaaraya 99%.Mar kaste oon arko injir xun oo adoo kale ahna waxaan xusuustaa sida cadawgaydu uu u faro badanyahay taasoo midnimadayada sii kordhisa. Iminka hadaad marlabaad doonayso in aad qaar kaaga dambe u daabusho dugaaga muqdisho, you are free to do so, but leave Puntiland alone,and get a job .living on welfare and posting trash on this forum is not gonna do any good for you. |
    wadani | Wednesday, December 13, 2000 - 11:10 pm war keyse bal waxxad rabto caddee oqor, laakiin waligaa ha isku dayin inaad ka dhuumato wiil qardhood haddaad dhawaaqdo wuu kumaqli haddaad is qariasana wuu ku arki maxaa yeelay isagu puntland waa u daacad, adiguse macaaddda inaad daacad tahaty iyo in kale ilaa iyo hadda waxaad rabtid magaran waana doqonnimo inaad wax doonayso aan lagaran haddii ladoodayo marka get life and clean your house................ |
    Wiil-Qardhood | Wednesday, December 13, 2000 - 11:16 pm Aniga iyo keyse waxaa nadhexmaray dood laakinn wax dagaal ah nama dhex marin ee yaan laysku kaaya waabin. dadkuna waa kala fikrad duwanaankaraa taas baan anigu qabaa e. |
    RealWiilqardhood | Wednesday, December 13, 2000 - 11:46 pm Asalaamu calaykum: waxaan dhihi karaa keyse aad ayuu u sax sanyahay maalintii la dooranaayay madaxweynaha Soomaaliya waxaan joogay qardho waxaana huraday hotel layiraahdo GUFURE HOTEL waxaana magaalada wada qabsaday dhalinyaro ku hesaaya heeso wadaniah. Puntland waa meel yaroo afguduud masaakiinta ku khaldo waxaana loo dhisay in lagu gaaro dawlad soomaaliyeed waana lagaaray loomana baahna maanta keligii taliyuhuna xidigiisi waa dhacay awalba wuxuu ahaa MARNA AFWEYNE MARNA AFGUDEED THERE 'NO DIF. keysoow ogoow kuwaan ku hinaasoonaya waa kuwii inatay labada miskood qabsadaan iyadoo rag badan calooshu kalaadlaado dhihi jiray maa anigoo(MM) ayaad ila hadlaysaa oo weli ninkii dhagarqabeenka ahaa dabada kawata. Wasalaamu calaykum |
    Wiil-Qardhood | Thursday, December 14, 2000 - 12:43 am TO: RealWiilqardhood Warninyohow maad magacayga ii dhaaftid ha iga wasakhayn e, ilaahbaa magacyada badiyay e. waa ciyaalnimo in qof magac uu caan kaga yahay meelaha lagu doodo ee netka aad isticmaashid. Soomaalida ayaa ku maahmaahda "shimbirba shimbirkiisuu laduulaa" marka sidaas darteed ayaan filayaa in markii aad Qardho joogtay aad lajoogtay kuwo sidaadoo kale maangaabyo ah.waxaykale oo soomaalidu kumaahmaahdaa "doqoni sidaytahay kumoodaa" marka waxaad mooday in reer Qadho oo dhan ay Ina Salaad Boy rabaan. Ogaadana Magaalokasta dad maan gaab ah waa joogaan |
    Waasuge | Thursday, December 14, 2000 - 01:12 am To: Realwiil-qardhood & Keyse nin yahow fikradaad qabtidna waa khalad Abdullahi Yusuf waxaa loo doortay madaxweynaha Puntaland waxaana dooratay dadweynaha Puntland si dimuqaraadi ah ayaa lagu doortay. Meeshaan maaha SSDF oo kale, waa hab dowladeed shacab baana doortay waxaana uhartay 7 bilood, ee waxaa loo baahanyay in aad kafakartid ninmanka hotleda Xamar ku jira madan bay kuu hayaan?? 5 Gobal baad heesataa oo nabad ku dagan tahay marka mawaxaad rabtaa MOryaanta Gaalkacyo lagu horjoog in ay Boosaaso kugu bililiqaystaan? Taariikhda dib uraac Kisaamyo meeday? Salaad BOy iyo mooryaantiisa ayaa heesta mataas baa Dowlada aad noo sheegaysid? waxaan ayaan daro weyn ah in magaca Dowlada soomaaliyeed meelooga dhaco oo afartii TUUG oo meelkushirto sheegato DOwlad soomaaliyeed oo lacagta aduunka looga dhaco. Mooryaantii horay ufurfuratay soomaaliya, marka dhameesteen wixii soomaaliya gudaheeda yaalaya ayay hada waxay usoo jeesteen sidii loo bili liqaysan lahaa Xoolaha soomaaliya 10sano ee wadanka xaalufinaayeen Dibada yaalay oo mooryaanta kasamata baxay. Hadana shatai soomaaliyeed intii lasoo gashatay baa weerar kala soomaaliya lagu soo qaaday. Waxaad arkaysaa Gobalada nabada kajirto sida Puntland iyo Somaliland dadkii udhashay baa heesta kuna raali ah waana sida Mareekanka oo kale oo STATE walba isga is maamula waxaana taa keentay aaminaadii qaranimo oo luntay. Sidaas waan in maamulo kale looga dhisaa soomaaliya kuwaas oo fursad usiinaaya nin walba in uu ismaamulo dhulkiisa, kadibna Central Goverment la iskugu yimaado. Walaal taas maxaa adiga ku diidantahay, nika taas diidan waanin Interest gaar ah loo sheegay. Aniga markii hore ninna Xamar igama jecleen oo waaba kudhashay kuna soo koray lakiinse Xabad iyo Taangi baa la iiga soo saaray dadkii dariska ahaana waa na bililiqaysteen marka makuwas baa ileedahay dib ugu laabo oo dib hakuu bililiqastaan???? Taasi waa doqonimo, kayeeli mayno. aniga iyo inta wax garanaysa. |
    XERGOBLE | Thursday, December 14, 2000 - 02:52 am TO WAASUGE WALAAL WAXAAN KUU SHEEGAYAA INAAD TAHAY NIN MAANGAAABA KEYSE IYO WIILQARHO WAXAY IS WEYDAARSANYAAN WAXYAABO MACQUULA EE ADIGU MEESHA NACNACDA KALATAG WAXAANSE KUU SHEEGAYA MOORYAANTA AADSHEEGAYSO IYO IDINKU ISA SOORAACA WEYDIN GARAACAYNAA HADAANU NAHAY REER QARDHOOD ANAGU HADAANU NAHAY REER QARDHOOD WAXAANDOONAYNAA HURUMARKA PUNTLAND EEDOONIMAYNO KALIGIITALIYE CABDILAAHI OGOW REER PUNTLAND WAA DAD XOR AH MACASALAAMA |
    Wiil-qardhood | Thursday, December 14, 2000 - 04:23 am Waa la doodayay ee ma ahayn in laysu faanfaano ama ama lays caaycaayo marka qofku wax ku qorayo meelahan oo kale waxa wanaagsan in uu kahadlo danta guud ee reer Puntland |
    Hangool | Thursday, December 14, 2000 - 05:10 am To.Dhamaan dadka madalka Horta marka u horaysa gidigiin waad Salamantihiin salaan ka bacdi waxaan anigu arimahan aad ka hadlaysaan u arkaa in labo arimood ay iskaga kiin khaldameen. Mida hore waa Puntland eh horta anigu waxaan ku ogaa maamul goboleed ay samaysteen dad deegaan iyo dhalashoba wadaagaa taasi waa qodob. Midalabaad haduu Puntland ahaa maamul goboleed sidaa ku dhisan hadana Soomaaliyi intay isu tagtey samaysatey maamul guud oo kawada dhexeeya dadkoo dhan rag deegaanka ahina ay ka midyihiin maxay tahay doodan aan wadnaa ee kasoo horjeeda Soomaali. Aniga waxay ila tahay in sidaas aan u fahano maamul hoosaadka Puntland oo weliba lagu daro maamul goboleedyo iyo degmooyin in lasii adkeeyo aana la burburin sidaasna lagaga qayb galo lagulana xisaabtamo maamulka cusub ee Soomaaliyeed. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in si dhakhso ah aan nabad ugu soo dabaalo dhulkeena jubaland oo aan ogahay in dadka badankiisu heshiis ku yahay in aan dagaal danbe ka dhicin maamul wada jirana halkaa laga dhiso Jubaland aan sidaa maamulka guud kaga qayb galo. |
    Wiil-Qardhood | Friday, December 15, 2000 - 01:49 am To: Hangool war hangool goormaa soomaaliyi isu tagtay. Mase dad gaar ah baa adiga soomaali kuu ah. Carta waxaa wax ku dhistay dad yar oo soomaali ah oo badankood Afweyne lasoo shaqaysan jiray, markaas ayay doorteen waziirkoodii arima dibadda Ina Salaad Boy ee dawladoodii hore ee Ina Siyaad Bare madaxda u ahaa, Marka Hangoon waad khaldantahay in aad tiraahdid soomaali baa isu tagtay. Reer Puntland waxaa soomaalinimo u ah in soomaali oo dhan ay isu yimaadaan iyadoo qolo walba ay leedahay maamulkeeda gaarka ah. Taas ayaan dani noogu jirtaa oo soomaalida oodhan dan u ah. |
    Wiil-Qardhood | Friday, December 15, 2000 - 03:05 am waziirkoodii Arimaha Gudaha ayaan kawadaa ee waan khalday |
    wadani | Friday, December 15, 2000 - 04:37 am ma kodii gudahaiyo dibadda ayad kala jeceshahay waa wada tuugo lacag horena dadka kala baxsaday |
    Abdi | Friday, December 15, 2000 - 05:29 am War niman yahow markaan arko dad reer Puntland ah oo laga hayo inay dumiyaan dhulkooda, meelo kalena ku dhisaan dambaska ka hara, markaan arko dad qiil u raadinaya tuugadii shalay arxan la'aanta u laynaysey ehelkooda, isla markaana ku fag fakanaya oo laga hayo kii geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay difaacooda, markaan arko sida dadkaan la isu tusay, waxaa maskaxdayda kusoo dhacda, sheekooyin hore oo ahaa in alla u naxariisaygii Siad Barre uu hindi faalalow ah ka adeejiyey, oo dadkan la isku falay. Waxaana dareemaa quus, iyo allow adaa u maqan ummaddan. Haddana, markaan arko dad yar oo sida Wiil Qardhood oo kalaa, intaasna harjadaya, oo dadkaan la isku sixray kala horaynaya, baan is iraahdaa wali rajaad leedihiin. Allow noo hiili |
    Badhan | Friday, December 15, 2000 - 08:01 am Waxii Jibuuti isugu tagay waxay ahaayeeen hadhagii xaar wal waalkii Afweyne Somalina ma u hadli karaan. Puntiland ha noolaato faqashtii ama doofaarada dhasha ah oo afweyne iyo Cayrku iska dhaleen ha dhaceen.Puntiland State of Somaliaya ha waarto.Umada saaxiga ah oon sakhraansanayn oo Somaliyeed waa shicibka reer Puntiland iyo wax aan jirin. |
    Wiil-Qardhood | Friday, December 15, 2000 - 08:31 am to:Abdi Walaal aad baad u mahadsantahay oo runtii markii aan arko dad sidaada wax u fahansan aad ayaan u farxaa. waxaan layaabaa markaan arko dadka reer Puntland qaarkood waliba kuwa dibada jooga siday u wareersanyihiin, dadka waxaa isaga qasan arima badan sida: -Puntland waxay tahay iyo waxa aan u samaysanay. -Madaxweynaha Puntland iyo Dawlad goboleedka Puntland -Soomaalinomada saxda ah oo inoo cuntanta. Marka waxaa jira xil ina saaran oo ah in aan dadka u kala saarno arimaah. Marmarbaan is iraahdaa intarnetka waad ka badbadatay oo dadku armay si kale u reageereeyaan, hadana waxaan ogaadaa in xil isaaran yahay oo ah in aan dadkayga lagu khiyaanin beenbeen. In odayaal tuugo ah ay dadkooda gataan waa wax aad ugu baahsan dunida oo dhan waliba dunida sadexaad sababtuna waa dadkii oo aan aqoonbadnayn iyo dhaqankii hore iyo waxa dunida maanta ka jira oo aad u kalfog. mahadsanidiin idinkoo dhan S/C Wiil-Qardhood - |
    xaafuun | Friday, December 15, 2000 - 12:33 pm ku: kayse, abdi, Wiil qardhood Waad salaamantihiin dhamaantiin salaan ka dib Hadaan idin xusuusiyo waxa la yiraahdo maamul iyo qowmiyad way kala duwan yihiin soomaali waa qowmiyad (notion), stata(état)waa maamul leh dhul iyo xad iyo dad la maamulo. Marka p/land waa état ay samaysreen dadka dega oo leh in tii maamul lugu arki jirey, dadkuna waa mu'ayid iyo mucaarad haddii aan meesha mucaaradnimo jirin demoqraadinimo ma jirto, marka maamulka hadda jira waa la mucaaradi karaa, waana la raaci karaa ,laakiin wax uu kayse meesha la yimid ma aha wax la aqbali karo oo aan uguuurno hotal ramadaan iyo reer hebel baa la ilaaway waxaa la tagtaa carta iyo meesha qabiil wax lugu kala qaybsado,Tan kale ee aad ku celcelinayso ee aaad ku juqjuqaynayso wiil qardhood runta ayuu sheegay oo wuxuu yiri NABADOONO OO SIYAAD SAMAYSTAY BAA JIRA, miyaad diidantahay,in siyaad oo inta oo yiri qabiil baan aasay oo qabiilkii inta uu geeyay xeryaha meleteriga oo uu weliba soo tababaray oo dhex keenay shacabka oo weliba uu u bixiyay NABADOON SAMADOON etc iyagoo ah belaayodoon ilaa iyo hadana sii socda oo fekradii siyaad wata raadinayana lacagtii la baray. WAX QABATKA P/LAND ILAAIYO 10KII SANNO WAAD OGTAHAY HADDII AADAN INDHAHA ISKA RIDAYN TUSAALE: inta qof ee daganayd boosaaso 1889 10 000 qof 1969 20 000 qof 1979 5000 qof 1999 700 000 qof hadaba ka jawaab waxa ay faa'ido leedahay p/land xaafuun |
    LIBAAX | Monday, January 29, 2001 - 11:59 pm WIILQARDHO WAAwacal majeerteen sheegta |