    WIIL-MUDUG2 | Tuesday, December 12, 2000 - 07:41 am REER PUNTLAND WAA INAAN MARKAN DOORANAA NIN AAN EEDAYSNE AHAYN SIDA KUWA MADAXDA ISKU SHEEGA EE INA HORBOODA. 1- C/LAHI YUSUF( KALIGII TALIYE AAN SIYAD BARRE WAXBA DHAAMIN) 2-HASSAN ABSHIR (U ADEEGAYAASHII HORE EE AFWEYNE) 3-KING-KON ( BOQOR UU AFWEYNE DHOODHOBAY) 4-MOHAMED ABSHIR (WAXAY U TAHAY 1945 WAGII SOMALIDU IS JECLAYD, TUUG KASTA WUXUU U SHEEGO WUU ISKA AAMINAYAA) 5-GARAASE (WUXUU KU LAYN YAHAY KING-KON) WAA IN AAN DOORANAA NIN AAN WAXYAABAHAN SHUQUL KU LAHAYN OO CILMI LEH. |
    Macallin bb | Tuesday, December 12, 2000 - 10:01 am Adigu yaad u malaynaysaa in la doorto? |
    gaalkayo- xaafada garsoor | Wednesday, December 13, 2000 - 12:33 am aniga waxay ila tahay abshir muuse, agaasimhii waaxda korontada MUQDISHO, aniga ninkaas waa ila macquul. waan umalaynyaa inaan kin kong na ku jabin karno barkee waa osman mohamuud, waxayna yaraaynaysaa dad badan oo cusmaan mohamud ah oo nacayba c/klaahi gaarsiiyay inay omar mohamuud nacaan. |
    keyse | Wednesday, December 13, 2000 - 01:48 am War niminyohow maxaad ku hadlaysaan u malaynmaayo kan gaalkacyo isku sheegay in xataa damiir reer gaalkacyo kujiro. nabadeey |
    yakayaka | Wednesday, December 13, 2000 - 03:39 am dad kani reer puntlaan maaha ee eey iyo dhasheed |
    SHARMRK | Wednesday, December 13, 2000 - 07:08 am ANIGA WAXAY ILA TAHAY NINKA C/LAHI BADALI DOONA INUU NOQON DOONO ABSHIR MUUSE, WAAYO WAA NINKA KALIYA EE REER PUNTLAND WAXQABAD KU SHEEGAN KARA WAAYO WAXAAN MAQLAY INTI UU ENEIO(KORONTADA XAMAR) KA SHAQAYNAYAY AYUU MATOORKA KORONTADA BOSSASO GEEYAY, MATOORKAAS OO LOOGU TALAGALAY INUU KORONTADA XAMAR XOOJIYO, SIYAD BARRE AYAA ARINTAAS KU QABSADAY, HADDANA WUU KAGA ADKAADAY WUXUUNA KU GUULAYSTAY IN BOSSASO KORONTO YELATO. MIDDA KALE WAXAAN MAQLAY MAHA NIN SIDAAS MADAXNIMO U RAADIYA, WAANA NIN LACAG LEH. |
    Anonymous | Wednesday, December 13, 2000 - 08:54 am To be Puntlander you have to be born with it just can't say galkacyo. So as Puntlanders we know who wr are going to vote no need your advise Puntland wanna be. as a Puntlanders we are too smart not to be telling who we should vote for etc. We know how to hundle ourselfes successfully. peace and c-ya don't hate me it is the fact |
    Sheerbi boy | Sunday, December 17, 2000 - 03:44 pm Sheerbi hadaanu nahay reer bari mar danbe aamini meyno keligii taliyaha xada ka taliya gobolada waqooyi bari |
    qoryocad | Monday, December 18, 2000 - 08:28 am to- gaalkacyogarsoor waryaa maxad qardho u weerartey oo reer boqor karabtaa reer mahadka ina yey watiyo maamulkaan nacaye. waa aniga gabey aan ina yusuf yey diktatoornimadiisa katiriyey. aniga reer qardhood ayaan ahey hadana cumar maxamuud ma nebci ee odeygaas wadnaha iyo beerka doofarku ugu jiro ayaan nebcahey sababtooa ah majeerteen oo dhan ayaa maxamuud saleebanki ku nacey oo u arka iney maxamuud saleebaanku inta kale gumeysanayaan oo madaxa kaga is tagan yihiin marka duqa meesha war kuuma yaal odeygaa lagugu nac arinta hala bedelo siyaasad kalena hala cayaaro . odeyga waad garan karta waa ardadii siyaad bare xukun waa loo dhimanaa wana macangag . si madax adag marar badan ayan u fiirsadey reer baadiyal istaf ahna waa wataa xataa tuutuu wataa iska dhigo waa askari waalan aqoonyahan mj na waxba uma ogola xaga talada .aqoon aan dagaal aheyna malaha . adiga xataa waxa laga yaabaa inaad reer mahad ahaan u taageerto laakiin reer mahad ogow asaga hortiis xataa waa jireen saana wa ka sharaf badnaan jireen marka reer mahad duqa marna ha is dhihin iney baa,ba,aayan hadii hadii odey yey xukunka ka dego . waxaa laga yaabaa iney sey hada yihiin kasii fiicnadadan oo roob ka fiican u da,o odeyga ey hadeer istafka u yihiin oo beenta u sheegaaya mj na nacsiinaaya . marka haila yaabin runtaan sheegayaaye take care your self and each ather bye.. |
    dagaari | Monday, December 18, 2000 - 12:10 pm majeerteen la arag maamulkiinii markaan waxaa putland loodhiibayaa darbi daarood putlanad na kaligiin ma dagtaan kamana talin kartaan bacdal darbi daaroodna waxaa loo dhiibayaa sacad bacdal scadna waxaa loo dhiibayaa madhibaan shirku waa xiran yahay majeerteena wuxuu noqon doonaa raaciye mudug DARBI DAAROOD,,,,,AAMUSI WUXUUSHTAAS waa ka baxay |
    galdogob | Monday, December 18, 2000 - 12:13 pm fadlan doodahaan yaan lasoogalin qabiilka leelkase ninka dagaari isku sheegay dhowr meelod ayaan kugu arkay walaal leelkase uma baahna xayaysiin oo waa layaqaan ee fadlan jooji ka hadalkooda nabad&warsan |
    Wiil-Dhulbahante | Monday, December 18, 2000 - 04:38 pm Waa yaabe Puntland ma majeerteen keliyaa. aaway qabaa'ilkii kale? Sidaasaan marna cidda majeerteen loola heshiinayn waayo waxay isu haystaan in puntland tahay iyaka oo keliya. Maxaa meesha keenay oo qura ilma Abshir, King-kon, C/Lahi ye, iwm? Aaway Leelkase, Awrtable, Warsan-geli, Dhulbahante, Dashiishle, Carabtii? Uma eka in tani hana qaadayso inta majeerteen saa u hadlayo. |
    qurac | Monday, December 18, 2000 - 07:40 pm wiil dhulbahante ila argtay raga puntland macnaba usamayn mayso oo waa barkad majeeteen qotay bal car arag qabiilooyinka kale ee reer puntland waxa ay ku hadlayaan wuxuushtaasu kuma hadlayaan waxaanse aad uga helay xitaa iga qosliyay nunka dagaari labaxay meeshuu nimankaa uga soo haray hadalna wuxuu ku gooyay majeerteen faanku idiin furan WELCOME yaakhay dagaari alaa ya cisak halkaa kawad kuwaan adaa lawadi karee |
    MAIGAG | Friday, December 22, 2000 - 05:11 am GARAS SO WHAT?????????????????? |
    AL QAYAAD | Friday, December 29, 2000 - 08:51 am WIILALYAHOW ----------- WIILALYAHOW WAX MAQALA OO MAQALA WALEE HADDII AAN LA DOORAN OO AAN LA DOORAN C/LLAAHI YUUSUF AHMED MAJEERTEEN WUXUU NOQON SIDII TUSBAX GO,EY OO QOLOLBA MEELAADI. NINKA AAD TIRAAHDEEN HALA DOORTO ABSHIR MUUSE SICIID SOW MAAHA ABSHIR MACNAYARE MIYAAD TAQAANIIN MASE WAAD MAQASHEEN.ANIGU WAAN AQAAN OO WALEE CEESAAN KUMA AAMINEEN.C/LLAAHI KII BADALI LAHAA MADHALAN EE SUGA HORTA HA DHASHEE RAGAA C/LLAAHI KU QABATEEN KULIGOOD WAA CALOOSHOOD LA CAYAAR MAHAD ALLAH LEH |
    GANTAAL | Saturday, December 30, 2000 - 12:53 am AL QAYAADA dhaageeso nin yahow waxaad meel uga dhacday reer Puntland oodhan markaad tiri kuma jiro wax dhaama C/allahi Yussuf war nin yahow qiira aan loo baahneen baa ku qaadee waxaan ku oron lahaa reer Puntland waa kabuuxaan dad C/allahi dhaama oo lama soo koobi karo rag siyaasiyiin iyo aqoon yahano ah ayaa buuxa Laakiin C/allahi waxa uu soo aruur saday intee Afmiishaariinta aheed sidaa daraadeed waxay keentay in intii umtacalimiin iyo aqoon yahan ah ay dibada iska aadaan Marka waa jiraan Rag 100 kiiba 100 dhaame ee fursad lamasiin ninkaa baameesha ku dhagay ooba umaleeyay inuun asagaba kursiga loo sameeyay oo wakaa sidii maxamed siyaad udhaqmaaya marna dadka xirxiraaya marna dadka mudaharaadaaya leenaaya marna Jaraa'idka madaxa banaan xirxiraaya marna Khayraadkii Bada inoogi Jiraay ka gatay agnabi. Xaqa lama qarsho oo waalasheegaa C/allahi Yussuf cid iga xigtaa majirto laakiin wakhtigiisii waa dhamaaday horumar iyo maskax cusub baaloobaahan yahay intaasna adeerkay mahaayo ee hadii uu caqli leeyahay xataa dib iskuma soo sharaxeen ee wuxuu qaadan lahaa taladii Ciyaalkiisa iyo reer kiisa oo waa iska nasan lahaa laakiin waa aqaan oo taasi imaan meeso oo fadhiisan maayo ilaa marii ay tii alle utimaado mooyee. Nabaday |
    abqo | Saturday, December 30, 2000 - 07:29 pm waxaa iga su'aal ah butlaan ma dawlad gobaleedbaa mise waa shax magaceed majeerteen cayaaro haday tahay maamulgobaleed qabiilooyin badana dagan yihiin maxaa kenay inmajeerteen kaliya kadoodaan maamulkeeda aaway qabiilooyinkii kale miyaynaan isasoo sharixi karin ilaahay waaxidsanaa |
    GAROWE | Saturday, December 30, 2000 - 11:50 pm BROTHERS PUNTLAND IS LIKE AMERICA WETHER YOU LIKE IT OR NOT WE HAVE A FREE AND FAIR ELECTION WHICH AT THE END OF THE DAY MEANS THE MAJORITY RULES TO WIIL-DHULBAHANTE I,VE SEEN YOU MOAN AND GROAN IN EVERY DISCUSION I HAVE TAKING PARTY OF SO BROTHER CAN I TELL SIMPLE AND HONESTY ANSWER DECIDE WHO YOU WANT BE PUNTLANDER AS YOU SAID IT OR SOMALILANDER AS I SEE IT IF YOU WANT KNOW WHERE IM COMING FROM CHECK THE FORUM AND SEE TOPICS THAT YOU HAVE TAKING PART IN EVERY ONE THEM YOUR INSULTING AS I WOULD LIKE TO KNOW THE REASON [ABTI]WHAT HAVE WE DONE TO YOU OR IS IT THAT YOU SIMPLY CANT TAKE ANYMORE IM NOT SAYING MJ MUST RULE THE REST OF THE HARTI ALL IM SAYING IS LET THE PEOPLE OF PUNTLAND DECIDE WHO LEADES THEM IN THE UPCOMIG GENERAL ELECTION AND PLEASE DONT LET THE IDOIT WHO STARTED THE TOPIC DEVIDE OUR UNITY PEACE AND LOVE |
    mohammed | Sunday, December 31, 2000 - 12:27 pm to dadka iskusheegaya putland waxaa jirta waxlayiraahdo wadan somaliyeed oo ay taas aykuu cadaynayso qariirada somaliyeed waxay tahay hadii aan usu soonoqono qabiilada aad maanta sheeganaysiin maxay idiin qabteen maxayse qaban doonaan berito marakay xukunkii siyaad bare kujireen waxay ahaayeen kuwii idin qiyaamay maantana waxay idinkuqiyaameen qabiil abdulaahi yuusuf iyo kuwa lamid ah caruurtooda dibada ayay dagan yihiin sidee baad kuraacaysaan nimankan aanu caruur iyo ehelba kajoogin gobolka bari aniga waxaan kaxumahay masaakiinta somaliyeed ee kunool gobolka bari oo aan maanta wax looqabtay aysanjirin run ahaantiina waxaan aamin sanahay in abdulaahi yusuf iyo xulafadiisaba ay faraha kalabaxaan qaska aykawadaan gobolka bari si ay mushtamaca kunool gobalka ay ulaqabsadaan xaqooda walaalahood somaliyeed ee kula nool gobolka sidaan la soconaba kuwa kuqaraabanaya qabiilka sida abdulaahi yusuf iyo xulafadiisa waxaan umalaynayaa waqtigooda inuu soo dhamaaday walaalayaal marwalba xisaabta kudara somaliya inaysan marnaba kunoqondoonin qaladkii dhacay waxaana ogaatiin waxaa jiro dhalinyaro wadani ah oo aan isticmaalin waxa layiraahdo qabiil kuwaas oo somalinimada aad u aaminsan masaakiinta uu xirayna uu soodaayo waayo waxay yihiin dad kuhadlayo magaca somalinimo iyo xaquuqda shacabka ma nimankan iska xir xiranaya dadka ayaad waxaad kusheegaysaan waa hogaamiyo yaal maanta dib udhisayo gobalkooda taasi waa riyo marnaba uma malaynayo inay wax kusiyaadinayaan |
    WIIL-DHULBAHANTE | Monday, January 01, 2001 - 06:41 pm TO: GAROWE "DHANKAAN KA HADLAY WAA KAA QAMAAN DHAAFAY HADALKIIYE". SAAXIIB MABA AADAN FAHMIN WAXAAN KU WAYDIIYEY. WAXAAN KU WAYDIIYEY MIYAANAY: MIYAANAY JIRIN CID KALE OO AAN MAJEERTEEN AHAYN OO DEGGAN PUNTLAND SABABTEE BAAD MAR WALBA UGA HADASHAAN NIMAN KHAAS AH OO MARJEERTEEN AH MARKA LAGA HADLAYO ARIMAHA IYO MADAXDA PUNTLAND? MAXAA MARKA AAD CAAWIMO RABTINA AAD UGU QAYLA DHAANSATAA DAAROOD OO DHAN MARKA NABADI JIRTANA KU ILHAAMEEYEY MAJEERTEEN OO KELIYA? MARKII GAALKACAYO LAGUGU GUMAADAY OO AAD GUMOWDAY AADNA KU NOQON KARI WAYDAY MIYAANAY AHAYN DAAROOD (MAREEXAA, LEELKASE, AWRTABLE, CARABTA MAX'UD SAALAX, DASHIISHE, DHULBAHANTE)RAGGII AAD U QAYLA DHAANSANAYSAY EE KUU XOREEYEY? ANIGU KELI WAXAAN RABAA IN NIN WALIBA MUUQDO OO AYAN MEESHU NOQON MAQAAXI REER LEEYAHAY. HADAYSE ARINTU SIDAA TAHAY DEE WADA BAL AAN ARAGNO NINKA BIYO IYO CAANO UGA QUBTAANE. WAADNA OGTAHAY INAAN DHULBAHANTE WELIGII MAJEERTEEN CIIDAN UGANA BAAHAN WAYDIISANA XITAA MARKII ISAAQOO DHAN ISUGU HABAR WACDEEN. SALAAMA |
    Anonymous | Monday, January 01, 2001 - 10:12 pm WIIL DH/BAHANTE SXB MAJEERTEEN WAXAY NAGU NOQDEEN SIDA ISAAQ SOMALILAND KU NOQDEY.WAANAN ARAGNAA,BALSE WAXAAN INTAA IS IRAAHDAA WIXII XAMAR KAA QABSADAA INTAA KA WEYN IYO NIMCADAN YAR EE RABI KUGU SIIYEY PUNTLAND FIDNO IYO DAB KALA FOGOOW. MAJEERTEENA IS GARAN WAAYE. UMABA HEYSTAAN CID AAN IYAGA AHEYN INEY PUNTLAND KA TALIN KARTO. DUULKU WAXAY SOMALI KU NACEEN AYAA JIRA.ALLAHA DAAYEE DADKA PUNTLAND WEY U BADAN YIHIIN BALSE MACNUHU MA AHA IN AY WAX WALBA IYAGU XAQ U LEE YIHIIN.WAXAYSE II DHAAMAAN HAWIYE IYO ISAAQ. EE IYAGUNA WAXAAN LEEYAHAY ISKU XISHOODOO DADKA WAX LA WADAAGA DHULKA IDINLA LEH. |
    WIIL-DHULBAHANTE | Friday, January 05, 2001 - 07:11 pm TO: ANONYMOUS SXB WAAN KU FAHMAY WAADNA KU SAXAN TAHAY TALADA AAD IISOO JEEDISAY LAAKIIN ILAAH BAA INA LEHE NIMANKA QAB AAN IYAGA DHAAFSIISNAYN AYAA ROGAY. WAXNA ANIGU UMA DIIDANI WAXAAN LEEYAHAY XISHOODA OO AAD ADBA TIRI. ANIGU TALO WAA KAA QAADANAYAA LAAKIIN IYAKU CIDNA KAMA QAATAAN IYANA ISMABA DHEGAYSTAAN. SALAAMA |
    SHARMRK | Saturday, January 06, 2001 - 02:41 am WIIL-DHULOS SXB SOMALIDU WAXAY KU MAAHMAAHDAA NIMAAN HADLIN HOOYADII QADISAY, TAAS WAXAAN ULA JEEDAA HADDAA TIHIIN DHULBAHANTE AMA QABIILADA KALE EE DAROD EE PUNTLAND DAGA ILAA IYO HADDA MA ARAG NIN ISKU SOO SHARAXAY MADAXWAYNENIMADA, WALIGAASE MA ARAGTAY NIN AAN ISA SOO SHARXIN EE WAX NOQDA. NIMANKA MJ EE LAGA HADLAY WAY ISA SOO SHARAXEEN, EE LAMA ORAN CID AAN MJ AHAYN YAY IS SHARAXIN MISE MJ AYAAD KA SUGAYSAAN INAY NIMAN IDIIN SOO SHARAXAAN. |
    QABIILDIIDE | Saturday, January 06, 2001 - 09:11 pm DHAMAANTIIN WAXAA ILA MUQTAAN INAAD TIHIIN JUHLAA (UNCIVILEZED PEOPLE).DHAMAANTIIN WAXAA LAFAHA IDIKAGA JIRA WAA QABIIL.HORUMAR WELGIIN MA GAREYSAAN INTAAD QABIIL HAYSAAN.QOFKA LOO DORAN DOONO GOBOLKA BARI WAA INAAD UGU QIMESAAN WUXUU QABAN KARO,HANA AHAADO SIDA NIN SHIKAD MADAX KA AH,HADDII SHIKADAASI AY HORUMER SAMEYN WEYDO SHAQADA AYAA LAGA CAYRIYAA(GET HIM FIRE) SIDAAS AH AHAADO. MIDDA KALE UMMA MALYNAAYO IN SHACABKU AY WAX DOORAN KARAN. PEACE.......... |
    abqo | Sunday, January 07, 2001 - 07:06 pm TO<<DHAMAAN WAXAAN AHEYN MAJEERTEEN walaalayaal nimanka uga hara xukunka ilaa bal intay is garanayaan waayo daarood kuma jiro qabiilo kale oo xukun saas u jecel amaba intii ay naf iyomaalkuwaayeen xukun raadis ku weydey ,,,sidaa daraadeed hadii ay waayeen wax soomaali ladhaho ooy xukumaan waa inaan u ogolaano inay dhexdeena namaamulaan waayo waa walaalaheen oo jiran dee walaalkaa oo jiran amaba waali ku soo socoto waa inaad smeysaa wax ale iyo waxay ku caafimaadayaan saas daraadeed fartaa xumi filiqfiliq kaagama hartee u samra ilaa aan dee ku aragno wax looga soo horjeesto iskadaa ragoodee dumarkoodii ayaa cudur xukumoow ladhaho qaaday |
    hhhhhhh | Monday, January 08, 2001 - 04:05 am lkjuioh8yuuuuuuu |
    Hangool | Monday, January 08, 2001 - 05:36 am To. Dhamaan dadkan madasha, Waa mida u horeysee Abshir Muuse iyo C/dullaahi Yusuf laba nin oo la is garabdhigo ma ayagaa ah C/dullaahi waa nin ku caan baxay waxuu dilo iyo waxuu burburiyo iyo weliba madax adeyg Abshirna wuxuu ku caanbaxay horumarinta iyo dhismaha wadanka hadana waxuu madax ka yahay hay'ad u xilsaaran mashaariicda ay ka midyihiin biyo gelinta iyo korontada iyo weliba khayraadka ku jira Puntland oo lala soo baxo waa nin maskax furan rabina yaqaan ogaadana aniga labadan nin waa ii simanyihiin oo waxaan ahay Dhulbahante. Tan u dambaysaa waxa weeye nimankiinan Majeerteen Kismaayo xukunkeeda Daaroodna waad ku kala disheen idina markii dambe waa ku kala dhimateen ilaa aad subax ka boqosheen oo aad hada Raxanweyn Ciidan bideen. War nimanyahow xukunka iyo dhaqaalaha Puntland dadka kale wax uga ogolaada hadii kale ogaada taa Kismaayo ka dhacdey oo kale baa halkana ka dhici. Waad mahad santihiin Haji Al Hangool |
    Wiil-Qardhood | Monday, January 08, 2001 - 05:51 am TO: Hangool war Hangool ma labada nin ee aad sheegtay baad si shakhsiyan ah u kala taqaan misse wixii aad BBC-da ka maqashay baad noola timid? |
    Hangool | Monday, January 08, 2001 - 07:39 am To. Wiil Qardhood Horta Abshir waxaan ku bartey 95kii Dayaarad dhexdeed anagoo jabuuti ka tagnay oo Boosaasu ku socona haddana waxaan ku arkay oo uu joogaa London welina waxaan ku arkaa wanaagii iyo raganimadii aan ku bartay. A/dullaahise ma aqaan laakiin wax badan oo xumaato ah oo isku mida baa qof kasta oo yidhaahdaa waan aqaan ka sheegaa weli ma arag wanaag iyo raganimo ku sheegaya. Mahadsanidin Haji Al Hangool |
    Keyse | Monday, January 08, 2001 - 08:43 am Salaan kadib Oh dear from Qardho i miss your discusion, Salaan gaara iga qabo jeeniga, horta saaxiib ma ogtahay adiga in codkaagi dhacay oo aanu boos marlabaad kaaga furnnayn doorashada DGPL maxaayeelay horay ayaad bareerahaagi u dhiibatay waxaadna codkaagi siisay Col C/laahi Yuusuf ama C/qaadir Islaan max'ed!!!!!!. Hangool welcome my brother Waa runtaayoo abshir muuse waa nin raganimo badan aqoonta aad u leedahay mid kaweyn ayaan u leeyahay laakiin raganimadaas badan dhinaca siyaasada iyo maamulka waxba kama tarayso mana ka soobixi karo maamulada goboladaas ee aan kaftan kgu tuuree Ina cabdi xaashi iyo kornaylka waan isla tuuraynaaye maxaad idinku haysaan mahasaan rageedi kasoobixi lahaa mise laheli karaa Dacaad ilaah yaqaan Lagu seexde aan seexan mutacalim adeegsada mid lamida Dadka uroone rabi u roonaaday masaakiinta daryeele hantida dadweynaha ma boobe bada iyo macdanta ma xaraashe Aniga yaa kale ma yiraahde. dadkiisa dalkiisa uroone dadkiisa la tashade. Wad ilaa intaa doonto ama kuseexo ama ku soo toos hadaadan baraarugin dadkaygoow madaxweynahaagu waa cadyahay. nabadeey |
    Horumar Jeceel | Monday, January 08, 2001 - 10:08 am Asalaamu calaykum Waxaan idin oran lahaa qabiil iyo magac looma baahna laakin ACTION! Horumar wuxuu imaan karaa kadib markii la doorto nin macquul ah oo tacliin sare leh. I don't know the specification of the candidates but I know for sure that we dont' want Col. Cabdullahi back. He did his job: which in the military mind was to build a credible military force in Somalia and to build relative peace. Waxaan ka baqaa in uusan Cabdullahi xilka iska dhiibin hadii laga raayo. Question: When is the Election???? Horumar Jeceel |
    Abdi | Monday, January 08, 2001 - 01:34 pm Marka hore ninka doodda furay, waxaa qummanayd inuusan odayaasha wada dhaleecayn. Haddaad Puntland ka dhigtay "gurigu waa wada uloo ul la qaato ma leh" xaggee ku socotaa. Waxaanse shaki ku jirin in list-ka aad qortay aysan qaarkood qualify u ahayn inay u tartamaan madaxnimada Puntland, waqtiga xaadirka ah. Dadka ka tirsan Arta faction, oo taageersan ina Salaad Booy oo ka soo horjeeda jiritaanka Puntland, xaq ma u leeyihiin inay u tartamaan madaxnimada Puntland? Aniga siday ila tahay jawaabtu waa maya? First and for most, you have to recognize the existance of Puntland, before considering to run for the highest office in land. You cannot have your cake and eat it. The supporters of ina Salad Boy, who has openly denied the existance of Puntland, have no place in Puntland political leadership, unless they denounce their so-called national government and go back to their homeland. To: Horumar Jecel Don't worry. There won't be a problem transferring power from Abdullahi, if he loses, because he won't. Should he choose to run again, he will most likely win. By the way, the election is scheduled this summer, so you still got enough time, to look for replacement. Good luck. |
    KA QUUSTE | Monday, January 08, 2001 - 02:48 pm Ninka aaminsan in C/hi Yusuf ku soo laabto xukunka marka hore miisaan saar odaga,isku dar wixii tagay oo uu qabtay ama gaystay, waxa uu hadda hayo, waxaad helaysaa wuxuu qaban doono ee haddii ay anfacdo dalkaaga, diintaada iyo dadnimadaada dooro odaga waxna ha iga siin waxaad ka hesho. |
    darwiish | Monday, January 08, 2001 - 11:34 pm salaan marka hore waxaan rabaa inaan idiin soo gudbiyo guusha aan helay taas oo ah inaan maamulkeen ku doorano cod taasina waa mid aan dheerahay soomaali inteeda kale. waxaan filayaa inaan la xaqirin qofkastaa waxa uu qabtay,mudadii cabdilaahi wadanka hayey puntland waxa heshay qadarin siyaasadeed in kastoo mucaaradka c/laahi ku badanyihiin dibada dalka gudihiisa waji kale ayaa yaal c/laahi waa nin aamina oo aan lahayn waxa balwada waa nin aaminsan horumarka dalka iyo badbaada dadka cadawgeenuna inooga cabsadaan ee marksta aan qaadan waxa quursi ah waa nin aaminsa soomaalinimo hadii aan laga been sheegayn,nabadgalyada waa uu sugay kama dhacado puntland in adiga iyo qoyskaagu aad naxdin ku seextaan,waxa uu dhisay ciidanka ugu xooga badan gudaha soomaaliya awoodna u leh inay in ay difaacan puntland anoo filaya in somaali aan mar danbe isku dhicin. hadaba c/laahi oo marar badan lagu aflagaadeeyo netka,waxaan filayaa in mar danbe uu noqonayo head of state. waxaa lagu dooranyaa c/laahi diidmaduu diiday carta taas oo ahayd shirqool la rabay in lagu baabiyo maamulka puntland,waxa c/laahi cadeeyey in carta dadki isgu tagay khiyaamo la gu waday taas waxaa cadeeyey in maanta kismaayo taakulayn siiyo ina salaad booy si loo wado xasuuqa dadka dega degaanka,iyo in kin kong noqday sawir la isticmaalo shaqadana uu fuliyo galaal. hada dadka reer puntland waxa ay rabaan inay doortaan nin ka saara xaalada aadag ee wadanku marayo. dadka danta gaarka wata ee doonaya inay baabiyaan puntland waxaan leenahay waan idin baranay. waxaa inoo balama inaan gacamaha is qabsano oo aan dhisano dhulkeena,iskan saaro cuqdad nafsiga ee la idinku abuuray. |
    ayaan | Tuesday, January 09, 2001 - 01:22 am asalaamu calaykum waxaan jeclahay in aan fikradayda halkan aan ka dhiibto anigoo ah gabar soomaaliyeed. horta marka ugu horaysa waxaan jeclahan in aan jawaab u celiyo nin soomaali ah oo halkan ka caytamay asagoo caynaya nin la yiraahdo mahamed cabdirishiid cali sharmarke . nin yahow waxaan ku leeyahay isku xishoo oo cayda sideedeba waa laga fiican yahay.ninka raga ah in uu caytamo waa ceeb oo waxaan u arkaa qof daciif ah. marka mohamed cabdirashiid waa nin la yaqaan oo waayo arag iyo cilmi badan marka ma garanayo hadii uu ciil kaa hayo. |
    Abdi | Tuesday, January 09, 2001 - 05:09 am KA QUUSTE: Dadka aan wali quusan, rajona ka hayso Puntland, bay dooddu u furan tahay. If you already gave up, as your name shows, what in the hell are you doing here? Darwiish: Well done. Dad badani markay Abdullahi wax ka sheegayaan, ma raaciyaan wax facts ah, oo aan ahayn sidaas baa la lahaa, iyo hebel bay is qabteen waa, iyo magaalo hebla lagama jecla. Haddaad waydiisid yaad ku badalaysaa oo gobolka hoggaamiya, inta badani kama jawaabaan, oo sida kan Page-kan furay bay dadka dhan ka dhigaan is madhaanto iyo dhasheed. Waa caadi in leader gobol/waddan la eedeeyo, hadduu khalad sameeyona waa xaq in xukunka laga qaado, balse waa inaad dadka u sheegtaa qofka kaga habboon jagada. Darwiish, wuxuu ku saxsan yahay, Abdullahi waxaa mucaarada, waxay u badan yihiin dadka dibadda, who are mostly out of touch, and unaware with the realities on the ground. Unfortunately, the absentee ballots don't not count, in this election. Only those inside Puntland will cast their votes, and the president has their full support. |
    Wiil-Qardhood | Tuesday, January 09, 2001 - 07:51 am To: Keyse Boowe mawaanan marlabaad badalikarin codkayga, waayo bilo kahor bay ahyd markaan Ina Yey iyo Ina Islaan Maxamed Codkayga siiyay, masse waxaad qabtaa qofku in uusan isbadalin marna waxkasta oo loo akhriyo sida dad badan ay sameeyaan? C/llaahi & C/Qaadir muayid joogto ahna uma ihi mucaarad joogto ahna kuma ihi sidaadoo kale(kaftan) ee xaaladdu siday tahay ayaan la fiirsadaa cidkayga, inkasta oo aysan xaaladii isbadalin wali. S/C |
    DUUFAAN | Tuesday, January 09, 2001 - 08:16 am TO; ABDI AND DARWIISH waxaa tiraahdeen CABDULLAHI YUSSUF WAA NIN HORUMAR RABA ANIGA HADAAN ISKU KIINSHEEGO WAXAAN KAMIS AHAA RAGII AAD U TAAGEERSANAA IN CABDULLAHI LADOORTO WAKHTIGII PUNTLAND LADHISAY LAAKIIN HADA INTUU HAYA WAXA KALIYA OO HORUMAR AH OO LAGAARAY WAXAA WEEYE BEENA LAGA MASHEEGO QOFKA (OO HORAA LOO YIRI GAALDIL GARTIISANA SII) MARKA WAXA HORUMAR AH OO LAGAARAY WAA AMAANKA KALIYA LAAKIIN WAX BADAN OO UU MAAMULKA QABANKARAY AYUU KASEEGAY, WANAAN KUU SHEEGAAYA INTA WAX UU MAAMULKA WAX KAQANBAN KARAY OO FARNA UNUUXIN. 1.AIRPORT 2.DAKADA 3.JIDADKA PUNTLAND 4. CAAFIMAADKA WAXAA SOO OGOLAADAY 1998 AMIIRKA ABUUDABAY OO YIRI WAXAAN DHISAAYAA AIRPORTKA BOOSAASO OO UU UGU TALAGAY LACAG GAARAYSA ILAA IYO 11 MILYAN OO DOLARKA MAREEKANKA. MARKAA AY MAAMULKA WUXUU HORKEENAY IN LACAGTA MAAMULKA PUNTLAND LAGUSOO WAREER JIYO AMA MEEL KALE LAGA DHISO AIRPORTKA TAAS OO KEENTAY INUU AMIIRKA JOOJIYO MASHRUUCAAS. HADANA WAA UJEEDAA AIRPORTKA MEESHA UU KUSUGAN YAHAY. DAKADA BOOSAASO WAA MEESHA DAKHLIGA UGU WAYNE EE LACAGTAY KASOO GASHO PUNTLAND WAXAANA DHACDAY BARYAHAAN DANBE IN AY CARADII BADA KUSOO DURUG TAY OO KAXAYRTAY MARAAKIIB WAAWAYN OO HORYA SIDHIBYARI AH UGU SOO XIRIN JIRTAY DAKADA, ARINTAA MARKAY TIMID WAXAA OGOLAADAY (EU)ANYA CARADAA AMA CIIDAA SOO DURUGTAY INAY MEESHA KA QAADAAN OONA QALBAKII KEENAAN. TAASIN WAXAA KAHOR ISTAAGAY MAAMULKA PUNTLAND OO CODSADAY IN MARKA HORE LACAGTA MEESHA LOOGU TALA GALAY IN 1 MALYAN LASOO HORMARSHO TAAS OO AY KADIIDEEN (EU) AMA EUROPIANKA HADAN WELI ARINTAA MEESHEEDA KAMA DHAQAAQIN. JIDADKA MAGAALOO YINKA WAA WEEN EE PUNTLAND AAD AYA U LIITAAN ILAA IYO HADANA JIDKA KALIYA OO WAX YAR LAGA QABTAY WAA JIDKA ISKU XIRA BOOSAASO IYO GAALKACYO, INTA KALE WAX LAGA SHAQEEYAY MAJIRTO MAAMULKANA LACAGTA SOOGASHA WAXAY DAYAC TIRI KARTA JIDADKA SOOMAALIYA OO DHAN. AAWAY LACAGTA KASOO GASHA SHIRKADAHA LOO SHARCIYEEYAY INAY KA KALUUMEESTAAN PUNTLAND OO BIXIYA LACAG FOOQAL CAQLI AH LACAG TAASNA CID IDHAHA SAARATA MALAHA OO MUSHTAMACII XAQA ULAHAA MA ARKAAN. ISBITAALDA MAGAALOOYINKA WAA WEEN WAA KUWO TAABAALEESAN OO WAX YAR LAGU DAYAC TIRI KARO LAAKIINSE WELI WAJI XUMADAAS KUJIRA ISBITAALDA KALIYA OO ROON ROON WAA KUWA PRIVETKA AMA DADKA SAMEESTEEN. MARKA ARIMAHAA IYO ARIMO KALE OO FARABADAN AYAA WAXAY KEENTAY IN AY DADKA PUNTLAND OO ANIGA KAMID AHAY INAY MUCAARIDAAN MAAMULKA HADA JOOGA SABABTOO AH HOWSHIISII MAGUDAN AMA MADHAMEESTIRIN MAR WALBA WAXAA LAYIRAAHDAA AMAAN BUU MAAMULAKA KEENAY HAA TAA WAA RUN LAAKIIN AAWAY INTII KALE???? LACAGTA PUNTLAND SOO GASHA OO FOOQOL CAQLIGA AH INTEE GASHAA????QOFWALBA OO WAX KASMASEETA PUNTLAND WAXAA LAGA QAADAA CANSHUUR INTEE ADAA??? WAXUU MAAMULKA KU MAR MAR SIYOO DAA ASKARTA YAAN MUSHAHARSII YAA LAKIIN WAXAAN LASOCONAA LACAGTA INAYSAN XATAA 1 MEELOD AYSAN ASKARTA GAARIN OO AAWAY INTII KALE????? MARKA DADKA PUNTLAND HADA KU SUGAN BILAASH MAYSAN UGA HOR IMAAN MAAMULKA. MAMALA SO COTAA IN BADEENA OO AANU KUFAANO INAT MAALIN WALBA QASHIN IYO WASAKH LAGU SHUBO??? MAMALSO COTAA XAYIRAADA JOORNAALADA AMA WAR BAAHINTA MA LASO COTAA MARKII CABDULLAHI YUSSUF LADOORTAY INUU WAXII UGU HOREEYAY UU KU DHAWAAQAY INAY TAHAY INAAN WAX XISBI AH OO MUCAARID AH INAAN LASAMEEN KARIN. SIDAAS DARAADEED ANIGA UMA ARKO CABDULLAHI NIN RABA HORUMAR SABABTOO AH HORUM INTAA KABADAN AYUU AWOOD ULEEYAHAY LAAKIINSE UU SAN KUTILAABSAN. SIDAAS AYAAN OGAHAY INAY DADKA REER PUNTLAND AY RABAAN WAJI CUSUB OO HORUMAR UKEENA LEHNA MASKAXDA IYO CILMILEH HORUMARNA UKEENI KARO CABDULLAHI ADEERKAYNA WAKHTIGIISII WAA QAATAY MARKAAN WAA IN UUSAN IS CEEBEEN UUSAN ISA SOO SHARIXIN MALASO COTA WIIGI HORE MARKII CABDULLAHUI YUSSUF UU ISIMADA PUNTLAND USHEEGAY INUU ISA SOO SHARAXAAYO INAY INTOO DII BADNAYD AYSAN KURAACIN TAAS AYAA KU TUSAYSA IN UU WAKHTIGIISII SOO GABAGABOOBAY. DHAMAAN DADKA GUDAHA WADANKA KUSUGANA WAA LASOCDAAN ARIMAHAAN OO DHAN. |
    ALI-JARMAL | Tuesday, January 09, 2001 - 08:24 am Waxaan ku talin lahaa in la doorto raggan aan soo sheegi doono: Mr Mohamed C/rashiid Dr Yaasiin Faarax Cartan hadii kale labo dhagax.? |
    Abdi | Tuesday, January 09, 2001 - 09:31 am Duufaan, Walaal si hufan baad dooddaadii u marsatay, inkastoo aad waxyaalo badan si khalad ah u sheegtay, ama war la'aani kaa hayso, laakiin si fiican oo wanaag ka muuqdo baad u hadashay. Haddaan usoo noqdo dulucda dooddaada, iyo dhaliisha maamulka, walaal waxyaalo badan oo aad sheegtay waxbaa ka jira, waxyaalo badanna waa kaa khaldan yihiin. Waa run oo maamulku wuxuu muhimmadda siiyay amniga, iyo difaaca Puntland, mana aha wax lala yaabo waayo haddaad xusuusatid khudbaddii uu ka akhriyay Abdullahi Yusuf, intaan la dooran (his nomination acceptance speech), wuxuu u caddeeyey reer Puntlan inuu xoogga saari doono difaaca iyo amniga Puntland. No surprise there. Waxayba u muuqataa inuu ballankii kasoo baxay, oo uu fuliyay wixii uu ballan qaaday. Waxaad ku saxsan tahay walaal in general infrastructure Puntland aan wax badan laga qaban, dayactir meelaha qaarkood maahee. Waxaase u baahan inaad tirada ku dartid, meeshu ma ahayn meel stablished ah, oo dhisan oo laba maamul la kala wareegeen, ee markii Abdullahi la doortay waxaa laga bilaabay eber, wax kasta. Dad badani waxay iswaydiinayeen in maamulku hirgalayo iyo in kale, xataa dadkeenna qaarkiis. Sababaha uu doorashada ku helay Abdullahi, sidaan la soconno ma ahayn jacayl laga jecel yahay, la tartamayaashii, ee waxaa loo arkay inuu ahaa ninka kaliya ee marxaladda koowaad ina dhaafin kara. Walaal markii Puntland la samaynayey waad ogayd meeshaynu joognay gudo iyo dibadba. Dadkeennu waxay u baahi qabeen identity (summad), iyo is maamul, labadiina waa lagu guulaystay, oo maanta waxaan soo ceshannay sharafteennii iyo maamuskeennii. Waxaa kaloo kaa khaldan Badget-ka Puntland. Walaal dawladdu waxay si toos ah ugu xiran tahay canshuur laga qabto dekedda Bossaso, iyo Airports-ka siiba kan Galkacyo. Walaal dakhligoodu waa very limited. Gobollada qaarkood oo shaqaale u joogo dawladda, mushaarna lagu baxsho Taxi lagama qaado at all. Waa su'aale, lacagtaan hal mar ah ka dillaacday Puntland markii maamulka la sameeyey, yaa cuni jiray Puntland ka hor? War meesha sidaad moodey wax uma yaalliin, waase kugu raacsanahay in maamulku social services-ka uusan priority-ga ka dhigin. Mase laga dhigi karay, marka jiritaanka Puntland la isku haysto? Tan Airportka Bossaso, walaal waxaad maqashay hal version oo ka mid ah kuwa badan. Anigu sidaan maqlay, Arrintu waxay bilaabatay intii SSDF jirtay, kaddibna markii Puntland la sameeyey oo Abdullahi loo dhiibay, baa qoladii dhiilka wadday oo aan caqiidka jeclayn, Carabtii la hadashay oo arrintii hold galisay. Allaa runta og. Marka taas iyo Badda waxyaalo badan oo laga sheego ha rumaysan. Tan kale ha illoobin, waxa kaliya oo cidda Abdullahi raacsan iyo ciddii diidaniba isku raacsan yihiin inay tahay, inuusan ahayn nin hunguri, oo xoolaha umadda looga shaki qabin, sida dad qaarkiis. Waxaad kaloo ku khaldantay, midda ah xisbiyada oo aad tiri waa diiday. Walaal akhri constituion-ka Puntland. Saddexda sano ee ku meel gaarka ah, dastuurku ma bannayn xisbiyo mucaarad ah. Raalli ahaada hadalka waan dheereeyay e. |
    Wiil-Qardhood | Tuesday, January 09, 2001 - 10:29 pm to: Abdi walaal Abdi aad baad ugu mahadsantahay sida fudud ee aad Duufaan wax ugu qeexday waxaanna isaga iyo inta lafikradda ah ee halka dhinac wax kamaqlaba u rajaynayaa in ay dib ugu laabtaan fikradihooda xaddidan ama kooban. S/C |
    KA QUUSTE | Wednesday, January 10, 2001 - 06:09 am To: Abdi Walaal Mr. Yey ka quustay in uu wax horumar ah gaarsiin karo dhulkeena oo u baahan halgan fara badan si aan uga soo kabano wixii dib u dhac nagu dhacay soddon & siyaadadii sano ee la soo dhaafay ee marajaa kaa haysa, mise wax aana ogayn baad ogtahay fadlan ii sheeg waan kula eegin, haddii ay cadiifad tahay cidi igama xigto odaga ee kala saar arimaha |
    DUUFAAN | Wednesday, January 10, 2001 - 06:28 am TO: abdi walaal aniga waxaan lasocodo baan kahadlay ee maanan iska hadlin, hadaan usoo laabto doodeena waa lasocdaa inuu CABDULLAHI YUSSUF markii ladoo ranaayay uu sheegay inuu CIIDANKA ooga saaridoono inaga taas kuma heesto oo waaba kuraacsanaa arintaas laakiin CIIDANKA kaliya maheen MOWDUUCA dowlada, CIIDANKA kaliya muusan balan qaadin inuu wax kaqabto ee aaway wixii kale uu lahaa wax baan ka qabanayaa, waa lasocdaa in meel hoose wax laga bilaabay laakiin waxaan kuleeyay hadii daacad nimow loo shaqeenaayo PUNTLAND meel tan ka saraysa bay joogi lahayd. Dhanka kale waxaa tiri LACAGTA KASOO GASHA DAKEDA IYO AIRPORTSKA WAA LIMITID waa su aalee maxaa adiga LIMITID utaqaan (cidwalba waa lasoctaa lacagta soo gasha inay ku filantahay dhamaan baahida DAKADA iyo JIDADKA waana lasocotaa XAALADOODU say tahay maanta. MAXAASE UGU BOODAY ARINTII AHEED DAKADA IYO CIIDA SOO GASHAY OO UU MAAMULKA ISKA HORTAAGAY SIDII WAX LOOGA QABAN LAHAA? MAXAYSE DADWEYNAHA UGU SOO HORJEESTEEN MAAMULKA HADII MAAMULKA UU HOWSHIISA SIFIICAN UGUTAY??? arninta aha XISBIYADA MUCAARIDKA (CAHDI QARAMEED KII LAGU DHISAY MAAMULKA PUNTLAND WAA OGALAA IN PUNTLAND LAGA DHISO XISBIYO KALDUWAN) laakiin taa waxaa labadalay kadib markii uu MAAMUKA HAWL GALAG ADNA WAA OGTAHAY TAAS. RUNTA WAA MID WARARKA KUTIRI KUTEENTANA WAA MID MAAMULKA WAXAA LA OGDAA HADII LAGU QANACSAN YAHAY SIDAY DADKA BADAN KIIS UFIIRSHAAN TAAS BAA KU TUSAYSA IN MAAMULKA LARABO AMA AAN LA JECLEESAN MARKA ARAGNAY HADA SIDA SHICIBKA PUNTLAND EE SANA LADHAC SANEEN MAAMULKA HADA JOOGA OO ISBADAL DHAKA MAAMULKA INUU YIMAADO TAASNA MA BADALI KARTO WAXA AY RAG FARKA KUTIRIS AH AAMIN SAN YIHIIN ANIGA DHULKA MAALIN WALBA BAANTAGAA HADANA WAA KA IMID DECEMBER 19 2000 WAANA SOO ARKAY ARIG TIDA DADKA SEE TAHAY MARKA INSHA ALLAH WAA LA ARKI DOONAA RABITAANKA SHICIBKA. DHANKA QASHINKA BADA LAGU SHUBO NINYAHOW WAX MUKUU SHEEGA WAXAAS MAAHA WAX LA ISKA SHEEGO EE WAXBAA KAJIRA ORODOO DALKA TAG ADAA IN DHAHAADA KU SOO ARKAAYEE CIDNA WAX HAWEEDIIN EE TAGA GOOBAHA LAGA ARKAY QASHINKAAS SIDA HAFUN IYO CALUULA. MARKAAS KABACDII WARKA ISOO SII. W/S SC |
    Abdi | Wednesday, January 10, 2001 - 08:01 am To: Wiil-Qardhood, Walaal mahadsanid adiguna, intaad goobood dadkaan wax ugu sheegtid cid ugu sheegtaa ma jirto, hadday wax ku qaadanayaan. In badan oo aan wali quusanna, yididiilo bay galisaa oraahdaadu. To: Duufaan, Walaal anba kuma orin waa iska hadashay, ee waxaan ku iri waxyaalaa isaga kaa khaldamay, in badan oo dooddaada aad ku salaysayna waa ku tiri ku teen (hear say). Marka hore walaal eedayntaada iyo su'aalahagii wixii aan fikrad ka haystay ama hore u maqlay baan ka jawaabay, ee ma waxaad rabtay inaan mid kasta maleeyo ama fikrad ka dhiibto. Waxyaalo badan baa odaga laga sheegaa ilaa SSDF, marka mid walba haddaynu ka doodno waqtiba u heli mayno. Waxaan kaliya oon leeyahay, war ninkaan waa la doortay, rabitaan shacab baa lagu doortay, haddana rabitaankooduu ku dhex joogaa. Haddii ay dadku ka horyimaadaan hoggaamintiisa, xaq bay u leeyihiin inay cidday rabaan ku beddelaan. Ogowse, in faraq u dhexeeyo Abdullahi sidii aan rabnay wax uma qaban, laakiin meeluu wax ka qabtay, iyo waxababa ma qaban ee hana dhaafo. Ogow ciddaad rabto in lagu beddelo isaga, in su'aal taas la mid ah la waydiin doono, oo ah 30-kii sano oo uu reerku dalanbaabinayey xaggee wax ka qabatay, hadda oo Puntland la dhisayse maxaad contribution samaysay. Waxaan ujeedaa, haddii labo nin tartamaan oo mid leeyahay, war anigu waxna waa idiin qabtay, waxna waa qabyo oo haddaan ku jiraa, nin kalena leeyahay anigu waligayba wax ma qaban, waxna ma bi'in illeyn cidiba wax iima dirsane, kee dadku dooranayaan baad is leedahay. Duufaan, iska illow dalkii baan tegey, oo Abdullahi lama rabin, dalka waa wada leenahay waana wada tegnaa, ruuxaygu wax 6 bilood ka yar baan kasoo maqnahay, waana wada maray inta badan, marka ama indhaheennu isku wax ma arkaan, ama nin walba dad gaar ah buu arkay. Waxaad taa isaga deysaa, dadka aynu labadeennu soo kala aragnay, oo qoloba si wax u aragto kaliya wax la waydiin mayo, ee ogow 5 gobol dad u dhashay, in cod laga qaadayo. Kal hore, markii Abdullahi la doortay, dad badan surprise bay ku noqotay, illayn been baa loo sheegay oo lagu yiri ninku gudaha dad kuma haysto, wixii dhacayna waa ognahay, oo landslide waa isagii ku qaaday. Hadda, mar aan fogayn waxay lahaayeen, gobolada qaarkood ma xukumo, oo ma tagi karo, waxaa taa beeniyey cajaladihii laga soo duubau oo lagu soo dhawaynayey meel walba, marka walaal waxyaalo badan oo la sheego xaqiiqdana ka fog, oo dad isku maaweeliyaan, raad ma leh ee waqtiga ah inakaga lumin. Finally, warka dulucdiisu waxaa weeye Duufanow, haddii aad hayso cid aad isleedahay Puntland waa uga waxtar roon tahay ina Yey, walaal soo sharrax, taageerana u raadi, arrintana aynu yaysan noqon Abdullahi cid walbaa dhaanta, ee ha noqoto hebel baa waxaas qabanaya, horena waxaas u qabtay. |
    WIIL-MUDUG2 | Wednesday, January 10, 2001 - 08:58 am SALAAMA CALAYKA WLALAYAAL ANIGA YAA FURAY PAGE KAN, HADDII AAN DOONAYNO IN AAN ISKA HOR IMAAN OO MUCAARADKA GUDUHU INAKU BADAN, WAA IN AAN LA DOORAN NIN KA MID AH NIMANKAN MEESHA KU QORAN, ISAKABA DHAAFA WAXAY QABTEEN, UMALAYN MAAYO IN MID WAXQABTAY KU JIRO, SI KALSOONIDA SHACABKU AY USOO LAABATO. WE NEED CHANGE, ISKU NIN AMA KOOX INAY MALIN WALBA NAGA SOO HORJEEDO MA WANAAAGASANA |
    DUUFAAN | Wednesday, January 10, 2001 - 09:52 am To: abdi markasta waxaad kusoo celceli saa umada Puntland baa dooratay, laakiin waxaad ogataa in aan dadka shacabka ah aan AFTI aanlaga qaadin oo rag lasoo xulay ayaa codkooda dhiibta TAAS MA IGU DIIDANTAHAY? MARKA ANIGA WAXAAN LEEYAHAY HADII LAGA QAADI LAHAA DADKA SHACBKA AH IN CABDULLAHI YUSSUF UU WALIGIIS UUNA HAWEESTEEN KURSIGAAS. taasna waa waxa dhabta ah oo jira ama indhaha haka qarsan ama arag adee kujirtaa. Laakiin anugu dad walaalo ah baanu nahay waana naqaan sida aan ku dhameesano laakiin aniga waxaa aamin sanahay in ay WAJIYO CUSUB meesha yimaadaan OO RAGAAN maalin walba soolaab laabta ay meesha isga tagaan SABABTOO AH horay baan usocon laheen aniga se KUMA FARXIN MARKAAN MAQLAY ADEERKAY DIB BUU ISKU SOO SHARAXAY SABABTOO AH dadka hoos hoos wuxuu ugu sheegi jiray WAR ANIGA HADA IIDHAMAATO 3 SANO WAAN ISKA TAGIN hadan waakan soo taagan oo MILLIONS OF DOLLARS keensaday siduu ugu loobin lahaynlahaa wuxuu og yahay sikasta oo shacbka HA uga soo horjeedo inaysan taaban karin sabab too ah SHICIBKA AFTILAGAMA QAADO TAASNA KA BAQIMAAYO CABDULLAHI. waxaa tiri CABDULLAHI wuxuu ku joogaa rabitaanka dadka laakiin taas waxna kama jiraan dadka marbaan CABDULLAHI laakiinse waa dad aan dhibaato rabin mana rabaa dhibaato raba sidaas ayuu ku joogaa meesha waxayna aheed inuu isgarto uu geeda iska dhiibo intuusan ku ceeboobin laakiin hada waxa loo baahan yahay HORUMARKA PUNTLAND STATE waxaana loo baahan yahay dad firfad uleh HORUMARKA cabdullhina JEGADA HORUMARKA UMA QALMO ee tiisina SIFIICAN BUU USOO GUTAY OO AHEED DHANKA MILATARIGA WAANA KU MAHADSAN YAHAY. |
    Abdi | Wednesday, January 10, 2001 - 12:56 pm Duufaan, Shacabka waxaa matalayey dad ay soo wakiisheen. Reer walba Issimadoodii, salaadiintoodii, waxgaradkoodii, iyo magac walboo la siiyo kuwii matali lahaa, baa ka qayb galay shirkii Abdullahi lagu doortay. Haddaad leedahay dadkaasi cid ma matalaan, waa arrin kale, oo haddaan adiga kuwii meesha kaa joogay ku matalin, dadka kale dad matala bay soo dirsadeen. Waxaan fikraddaada iiga dhadhantay inaad ka mid tahay inta qabta ama jeclayd inaan Abdullahi markii horena tartamin, haddana isa soo sharraxin, maxaa yeelay haddii uu tartamo wuu ku guulaysanayaa, idinkuna isaga ma jeclidin. Well, my friend welcome to reality. Haddii aad rabtid inaad wax dhaliisho, oo aad leedahay waxbaan sixi lahaa haddii chance la isiiyo, waa inaad tartantaa, ama ciddii aad isku fikrad tihiin soo sharraxdaa, laakiin hebel in loo garto bay ahayd, iyo hebel inuu is sharraxo ma qummana, daw ma aha, lamana garawsanayo. Madaxnimada la isuma garto, ee waa loo tartamaa, iyadoo sharcigana la ilaalinayo. Haddii rajada dadka aad taageersantahay ay ku xiran tahay inaan Abdullahi tartamin, oo kaliya, then good luck to you, and your candidates. |
    HHHHHHH | Thursday, January 11, 2001 - 04:24 am UYHBHJ |
    ABDUL | Friday, January 12, 2001 - 01:55 am REER PUNTLAND WAA INAY KA FIKIRTAA HADII AY U BAAHANTAHAY HORIMARIN AMA IN AY AHAATO GOBOL AAN WAX U QABAN BULSHADEED. REER PUNTLAND WAA IN AY U VOTE GAREESAA, QOFKII RABA IN MAS UU LIYADA DADWEYNAHA PUNTLAND QAABILA. RABANA IN BULSHADA PUNTLAND U HORMARIYO XAG CAAFIMAAD, DHAQAALO IYO WAX SOO SAAR. CABDULAAHI YUSUF WAQTIGIIS WAA AY DHAMAATAY, MANA INKIRAAYO WAXA UU UQABTAY REER PUNTLAND. LAAKIIN CABDULAAHI YUSUF MARABO IN UU DADKA HORMARIYO. EE WAA IN UU YIMAADAA QOF AQOON YAHAN AH WAX U QABAN KARA DADKA PUNTLAND. PEACE ABDUL |
    Abdi | Friday, January 12, 2001 - 04:37 am Abdul, Waxaad tiri " Abdullahi Yusuf, ma inkiri karo wuxuu u qabtay reer Puntland" Waxaadna ku xijisay " Ma uu rabo inuu horumariyo Puntland" Labada kee sax ah. Haddaad contradictory remarks samaynaysid, waxaa habboonayd inaadan isku xijin walba. Mar haddaad tiri Abdullahi waxbuu qabtay, haddana aad leedahay hanna dhaafo, sow lowma qaadan karo inay NIN JECLAYSI uun kaa tahaye, aadan si kale u baddasheen isaga. Ma noo sheegi kartaa ciddaad wax la jeclaatay, iyo waxay hore noogu qabatay, haddayba wax qabteen? |
    sakiin | Friday, January 12, 2001 - 05:20 am kjh |
    DUUFAAN | Friday, January 12, 2001 - 07:33 am To: Abdi aniga kuma oron odayaasha ama Isimada reer Puntland cidna ma mataalaan lakiin adaan kuu saxaayay hadalkaada walaal sababtoo ah mar walba waxaa tiraah daa shicibka ayaa doortay meesha aad kadhihi lahay Isimada ama Odayaasha Puntland waana dhici kartaa inay dadka aysan kasoo horjeesan odayaasha waxay gooyaan taasna lagama daba hadlo laakiin maaha aamus naanta shicibka inay tahay Jeceel ay uqabaan Ninka markaa ladoorto ee waa xushmad ay xushmeenaayaan Isimada go aankooda, taasna maaha marwalaba in laga tago anagu waxaan soomaali uga duwanahay Isamada waxy gooyaan kama daba hadalno. Tankale aad leedahay dadka meesha kuu joo miyay san kumatalin, walaal haa way imatalaan laakiin maaha inaan ladhaco ogaankooda laakiin waan aqbilaayaa hadba see noqoto. Midakale waxaan umaleenaa inaad ii qaadatay qof neceb Cabdullahi Yussuf walaal aniga manecbi laakiin fikradaydo waxay ku xiran tahay mid aan isleeyahay dan bay utahay umada Reer Puntland, ee maaha nin yaceyl ama taageero aan qofkale uhaayo, haday saa ahaan laheedna mar hore baan ku dhihilahaa war ninkaa meesha haloo dhiibo asagaa yaqaanee, marka waxaan ku dhihilahaa walaal waxaan aniga taageersanahay ninka aan is iraahdo Horumar buunoo hayaa ninka aan laakii ogahay inuu san waxna soo wadin aniga shaqsiyan taageeri maayo. Walaal waxaase ogaataa hadii aad ii malaysay qofka fog Cabdullahi yussuf waa khaldan tahay horayna waa kuugu sheegay waxaan ahaa dadkii rabayba in meesha loo dhiibo 1998, marka aniga malihi inuu waagaas isa soo sharaxo maaheen, laakiin waxaan ku leeyahay Cabdullahi 3 sano ayuu soo hayay meesha intii wax tari karay waa taray reer Puntland oo xaga amaanka uu markii horayba loo door tay sifiican buu uga soo baxay laakiin maanta waa wakhtigii dib udhisida Puntland xag CAAFIMAAD, WAXBARASHO IYO DHAQAALE intaasna Cabdullahi waxna kama yaqaan adeerkay. Marka hala fiirsho ninmanka isa soo sharaxay ninka ugu soo dhawaado oo arimaahaas fikrad uleh waxna ka qabankara haloo dhiibo meesha taas weeye fikradayda SHAQSIYAN. Waa lagayaa baa inaad fikrad kale qabtid taasna xaqbaad uleedahay walaal. |
    Abdi | Friday, January 12, 2001 - 01:38 pm Duufaan, Aniga adigu inta badanna waa isu dhownahay, farqi yarna waa inoo dhexeeyaa. Waxaynu ka simannahay rabitaanka horumarka Puntland, iyo sidii cidda ugu habboon in jagada loogu dhiibo. Waxaanse ku kala duwannahay details-ka. Walaal haddaynu isku raacsannahay in odayaashii, iyo issimadii iyo salaaadiintii gobolku, unanimously doorteen Abdullahi Yusuf, sow lama oran karo Abdullahi shacabkaa doortay. Mar hadday dadkii shacabka matalayey, isaga doorteen. Waa dhici kartaa in qof qof ka fikrad duwanaado, issimka ama odaga madasha u fadhiya, laakiin in general oday waliba iyo issim waliba wuxuu inta badan ka tarjumaa rabitaanka beel hoosaadka uu isagu ma talo. Waxaan kaloo ku kala duwannahay, anigu bareerahayga waan caddaystay, oo waxaan qabaa Abdullahi Yusuf, inuu yahay ninka ugu habboon kana soo bixi kara mas'uuliyadda Puntland, ilaa iyo hadda. (The most suitable candidate by far). Adna ilaa hadda cid isaga dhaanta maad sheegin, oo loo compare gareeyo. Waxyaalo uu ku wanaagsan yahayna mar kasta waad sheegtaa. Marka inta aad wanaagiisana sheegaysid mar mar, cid kale oo lagu beddelana aadan garanayn, waxaan qabaa inaad isaga campaign u samaynaysid, si indirect ah. Marka fadlan, do yourself a favour. Nominate your candidate, and let us start comparing him/her with H.E. Abdullahi. The sooner you nominate someone, the better chance he/she has to become a contender in this election. |
    DUUFAAN | Saturday, January 13, 2001 - 01:05 am To: Abdi walaahi nin yahow waad iga qosliisay taasna waad ku mahadsantahay, halsaac baan qoslaayay markaad tiri soo magacaabo qof, hadaa wax kuu sheego aniga run hadaan kuu sheego si fiican baan u eeg eega hayaa waan iswada barbar dhigaayaa raga ilaa iyo hada isa soo sharaxay marka aan helo ninka ugu fiican anaa kula soo socod siinaayaa laakiin aniga waxaan hubo waa inaan helno WAJIYO CUSUB. SO WALAALKIIS I'LL LET YOU KNOW WHEN I FIND THE RIGHT CANDIDATE P.S waan la socdaa inaan meelo badan isga dhownahay marka MEEL UUN BAAN WAX UWADA WADNAA. |
    WWW.PUNTLAND.COM | Saturday, January 13, 2001 - 05:15 am HHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHHH*- |
    Abdi | Saturday, January 13, 2001 - 09:38 am Duufaan, May be I should consider career in Comedy? Walaal, waa hagaag ila soo socodsii markaad heshid qof aad isleedahay, odaga waa inoo dhaamaa, inta ka horraysana odagu hawsha ha inoo wado shiddo la'aan. Haddiii qofkaad dooratid, aad iga dhaadhicisid inuu Puntland horumarkeeda uga fiicnaan doono, maamulka hadda ee Abdullahi, waa ballan inaan taageeradayda anna siiyo qofkaas. So long as we are discussing about the betterment and improvement of our homeland (Puntland), and not the so-called Arta faction and its agenda, you and I will agree more than we disagree. |
    DUUFAAN | Sunday, January 14, 2001 - 01:36 am TO: ABDI you are right we agree more than we disagree. waxaan soo helay artikelkaa oo uuqoray jornaalka SOOYAAL ee kasoobaxa Bosaso Puntland wuxuuna ku saab sanyahay TOPIC aan kahadleenay. YAANU DOORAN NAA? Qormadenii hore waxayna ku soo akhrinay dhliilo fara badan oo Maamulka DGPL xiligan hogaanka u haya laga tirsanayo. Dhaliiluhu intaas kuma koobna keliya ee waxaa jira kuwo siyaasadeed, balse inta aynaan u gudbin kuwaas aynu weli wax ka sii sheegno kuwa bulshaddu sida dhabta ah u dareemayso. Isbitaalada magaalooyinka DGPL ayaa waxay aad uga cowdaan in Dowlad Goboleedku uu dayacay shaqaalaha iyo dhaqaatiirta iyo weliba bukaanka isbitaalada la dhigo. Isbitaalada ayaa sida la wada ogsoon yahay ka qatan miisaaniyada DGPL, waxaa intaas dheer Wasaaradda Arrimaha Bulshadda in lagu xanto in ay la wareegeen awoodihii Hay’adaha Caalamiga ah oo qaarkood horay Isbitaalada u taakuleyn jiray, balse taas la waayey mudadii uu Maamulku jiray, iyadoo Isbitaaladu sugayeen in haddii maamul la helay ay ka bixi doonaan dhibaatooyin badan oo horay u hortaagnaa. Dadweynaha Puntland ee xanuunada u taga Isbitaalada ama kuwa shilalka gaadiidku asiibo ayaa waxay ka cowdaan daawo la’aan iyo gurmad xumo xiliyada qaar kaga timaada Isbitaalada. Dadweynuhu waxay kaloo sheegtaan in isbitaalada loogala macaamilo qaab birifaati ah oo wax walba ay lacag ku bixiyaan, xataa meelaha qaarkood in sasiiraha laga kireeyo. Bulshaddu waxay si weyn uga welwelsan tahay dhibaatada caafimaad xumo ee gobolada ka jirta, waxayna aaminsan yihiin in aan dhaqaale xumo jirin maadaama ay canshuur joogto ah bixiyaan. Marka aynu hoos u eegno xaaladaha dhabta ah ee Isbitaalada Puntland, shaqaalaha ka howl gala ayaa run ahaantii u badan kuwo dhalinyaro ah oo weliba aad u dadaala, Isbitaalada qaarkood waxaa ka howl gala dhaqaatiir la oran karo way ku filan yihiin daaweynta iyo qaliinka cudurada sahlan, maadaama aysan xiligaan Soomaaliya ka jirin qalabka Kumbuyuutarka ee baaritaanada iyo qaliimada qaarkood loo isticmaali Karin. Haddii aynu u soo noqono dhinaca Maamulka DGP wuxuu indhaha si bareere ah uga qarsaday in uu wax tar uga geysto xaalada caafimaad ee Gobolka ka jirta, waayo? Shaqaalaha Caafimaadka ka shaqeeya waxay ka cowdaan mushahar la’aan, waxayna sheegaan in ay si mutadawacnimo ah u shaqeeyaan. Isbitaalada oo intooda badani yaalaan Jenereetarada dabka ayaa u bakhtiisan shidaal la’aan, qofkii qaliin loo sameynayo ayaa dantu kaliftaa in uu shidaal ku shubto. Deegaamada ka durugsan jidka laamiga ah ayey dhibaatada ugu weyni ka haysataa dhinaca caafimaadka, ma laha isbitaalo, iyo goobo kale oo daryeel caafimaad ah oo Maamulka DGPL ka hirgeliyey. Isbitaalka degmada Caluula oo ah Isbitaal weyn oo si heer sare ah u qalabeysan lenha qaybta qaliinka ayaa waxaa la waayey dhaqaatiir iyo daawooyinkii looga shaqeyn lahaa, isbitaalkani wuxuu kaabi lahaa haddii uu howl galo deegaamada fog ee degmooyinka G/bari. Dhinaca kale isbitaalka degmada Iskushuban oo ah isbitaal dowladda Jarmalku hirgelisay xiligii burburka isla markaasna si weyn u qalabeysay, oo leh qayb kumbuyuutar ayaa la wadaaga kan Caluula dhibaatada haysata, isbitaalkani hadii uu shaqeyn lahaa wuxuu isaguna dabooli lahaa dhibaatooyinka caafimaad ee haysta bulshada ku nool degmooyinka ku hareeraysan. Waxaa xusid mudan Agaasimaha guud ee Was. Arrimaha Bulshadda xiligaan in uu ahaa dhaqaatiirtii ugu horeysay ee maamulka Isb. Iskushuban gacanta ku qabta, balse maanta oo xili maamul uu masuul ka yahay ilowsan dayaca ka jira gobolada Isbitaalkaasi ka ag dhow yahay. La soco qayb kale. KUMAA DOORAN, YAANS DOORAN DOONA? Maxaynu horta isu weydiinaa muxuu maamulku qabtay, maxaynuna u dhaliilnaa Maamul Goboleedka Puntland? Waxaa laga yaabaa in bulshaddu arki weydo arrimo badan oo ay daneynayeen in Maamulkoodu wax ka qabto, haddana waxaa dhacda in mar kale rag isa soo hortaagaan oo ay bulshadda ka codsadaan in codkooda ay siiyaan si ay u maamulaan dalka iyo dadkaba u xukumaan. Durbadiiba bulshaddu waxay bilowdaa in ay sheeg sheegaan Hogaamiyihii hore dhaliilo fara badan oo uu lahaa, danaysi, cadaalad xumo, sharci jebin, waxqabad la’aan, hantida ummadda oo la marin habaabiyo, baal maritaan sharci iwm ayaa goobaha fadhiga la isaga sheekeeyaa, maxay tahay sababtu? Haddii aan isku dayo in aan su’aashaas ka jawaabo bulshaddu waxay hadba xiiseeyaan nin aysan aqoon u ololeyntiis, isma weydiiyaan muxuu kaga duwanaan doonaan ninkii hore ee hogaamiyaha u ahaa, ma akhriyaan noloshiisa qofkaas wixii ay ku saleysneyd, muxuu dhaliilo leeyahay la isma weydiiyo, hebel baa fiican iyo hebel baa fiican ayaa muran ka dhashaa. Bulshadda qaarkeed waxay kaalin weyn ka qaataan in ay meel mariyaan garabna siiyaan doorasho aan cadaalad aheyn ama nin loogu shubaayo, sida la arkay waxaa mudo gaaban la arkaa kii shalay sidaas wax ku ansixiyey oo ka qaylinaya wixii uu ansixiyey, xaaladu awalba waxay aheyd Hal Booli ah nirig xalaala ma dhasho, Haddaba, shalay iyo manta waxbaa u dhexeeya manta waxaa jirta waaya aragnimo ballaaran oo ummadda Puntland dhaxashay sannadahan danbe, waxaana soo kordhaya dareen ugub ah oo bulshaddu ku cabirayaan ninka ay doonayaan in ay u doortaan hogaaminta Maamul Goboleedkooda, WELI MADHAAN QEEBO KALE AYAA SOO SOCDA |
    ========== | Tuesday, January 16, 2001 - 03:45 am jjjjjj |
    === | Tuesday, January 16, 2001 - 03:53 am -----======== |
    Hamar | Wednesday, January 17, 2001 - 03:26 pm Nimanka caayey boqorka iyo suldaankow, car maad haddalkaas ku tiraahdaan wadankii, idinkaa arkaaya wixii idinku dhacee. Moxamed Abshirna dhiigyacabka C/laahi Afgaduud ha ag dhigina dad wax garta ma tihiinee. Puntland xoog ayaa lagu dhisay C/laahi ayaa dhistay nin rabana ma jirto. Raga kale ee Daarood, ma waxaad u carootaan Puntland? Ciise Max'ud waa horuu ka tagay ee hadaad doontaan ordayoo C/laahi iyo wiilashiisa Omar Maxamud wax la qeybsada. Sanadka maanta ah xafiiskiisa waan ka rareynaa Garoowe, waa horaan rari laheynee waan u tureynaa oo waxaan ka baqeynaa in cadow dibada ku cuno. In short, Puntland is dead. Issa Max'ud has realized the trick and we are Out. without us nothing works and that is the bottom line. |
    MUDUG | Thursday, January 18, 2001 - 07:46 am XQOXOOTI AHAAN MIYAA XAMAR U AADAY, AYAAMAHAN PUNTLAND AYAA QOXOOTIGA LAG QAABILAAYE |
    Kacaan-diid | Thursday, January 18, 2001 - 09:07 am War muxuu ahaa kan "HAMAR" la baxay oo meel walba ku caytamaya. War ninyahow (qofyahow) isku xishood, oo muslinka cayda kaddaa. |
    DAAROOD | Friday, January 19, 2001 - 02:28 am DHULBAHANTE WAA JAAJUS WAXAANA KU ADEEGTA CADOWGA WALAALTINOMO UGU MA JOOGO PUNTLAND, MANA AHA DAAROOD EE WAA WIIL ISAAQ . MABA RABNO EE HA UTAGAN CIGAAL HADDBA FAAIIDO NOOMAHAYN DABDHILFNOMO MOOYAAN WAALE HADDAN DHULBAHATE PUNTLAND KA BIXIN IN LAGA SHEEKAYN . LACAGTOODU SOMALILAND BAY DHOOBAN TAHAY OO. PUNTLAND WAREER SIYAASO IYO SHOOBARAY LA JOOGAN |
    Abdul | Friday, January 19, 2001 - 02:58 am Abdi, Walaal anigu ma aan is 'contradicting' kareen maayo. Oo ha u maleen in aan cabdulaahi yuusuf aan qabiil ku duraayo. c/laahi yuusuf waa shaqsi oo dad waynaha puntland buu u shaqeeyaa. c/laahi wax waa uu qabtay, laakiin 'policy' uu wato ma uu rabo horumar taas layskumahayo. Oo waxaan kahadlayaa in tii uu jagadaas uu hayay ma uu san iskudaying in uu horamariyo haday noqoto xag caafimaad, waxbarasho ama dhaqaale. Ma ogtahay, in laqaado 'tax' qofwalba oo wax dhoofsanayo ama keensanayo, oo dukaan leh, ama company. Lacagtaa waxay gashaa kaliya dhinaca askarta. Oo hadii loo fiiriyo dhinaca difaaca puntland, waa gii horey waan u baahneen laakiinse. Hada waxaan rubnaa in aynu hormarno. waxaa rejistar gareesan askar gaareesa 5000+. Askarta waxay qaataa mush-haar lacal bilkasta. runtii waxay qabtaa majirto oo maantay puntland qof soo weerarayo majirto. Waxaa loo baahna in qayb in ay dhisaan 'infrastructure' oo gobolka u baahanyahay, sida jidka, isbitaalada. Sidookale, itoobiyo, waxay wax kasoo dajinjirtay, Bosaaso, oo xaga dhaqaale wadanka waa uu sii korayay. Hada waxay u wareegtay dhinaca Somaliland ay wax kasoo dajisaa. Doolada waxaa larabay in ee soo jiidato gobolka puntland business yada waa wayn. Abdi, waxaan jeclahay waxii jecel in uu hormariyo gobolkeena, xaga caafimaadka, waxbarashada iyo infrastructure uu u baahan puntland. Walaal qeer aan isku ognahay. Abdul |