Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: D-KMG ah oo taageero weyn ka heshay Suldaan weyn oo Somaliland ka soo jeeda
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Wednesday, December 13, 2000 - 10:19 am
Jariiradda Xiddigta Banaadir oo qortey maqaalkaan:


Suldaanka Beesha Ciida-gale oo warsaxaafadeed….

“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo dadka aan ka wakiilka ahayba waxaan halkan ku caddeynayaa shaacana ka qaadeynaa mowqifka yaga beelnimo ee ku aadan istiraatiijiyada siyaasadeed ee aanu ka leenahay ama ka qabno arrimaha soo socda

One) Shirka Carta

Two) Dowladda cusub

Three) Midnimada

A) Shirka Carta:

Shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida ku yeesheen dhowaan Carta iyo go’aanadii dhaxalgalka ahaa ee lagu gaaray shirkaas si buuxda ayaana u taageersanahay una qaadanay una qadarineynaa guud ahaan.

Marka laga reebo qodob cabasho ah, kaasoo anagu (Isaaq) aanu diidanahay kana soo horjeedno qodobka ama talada lagu guddoonsaday in laga reebo beelaha Isaaq liiska ka mid noqoshada beelaha waaweyn iyo saamiga xubnaha golaha wakiilada ay ka heshay beesheyda oo dhan 24-xubnood oo kaliya.

Mas’uuliyada arrinkaas anagu si toos ah uguma eedeyneyno beelihii Soomaalida ee shirka, shir guddoonka ama dowladda D’Jabouti oo gogosha lahayd midnaba.

Waxaan ku eedeyneynaa cidii xilkaas lahayd ee beesha Isaaq u mataleysay shirka oo ka soo bixi weyday isla markaana dayacday mas’uuliyadii ay sheeganeysay qaasatan (hoggaamiye dhaqameedka).

Haddaba anagoo dhowreyna danta guud ee ummadda rabana inay wax hagaagaan si loo badbaadiyo baaqiga jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, waxaanu garanay anagu inaan qaadacin ama ka bixin shirka arrintaas darteed isla markaana xal u helida qadiyada la sugno fursadda ku haboon, xal u helida arrintaasna waxay u taal oo qudha dowladda cusub.

Mana haboona in qaladaadkii horay u dhacay qaar kale lagu daro.

B) Dowladda cusub:

Go’aanka dowladda cusub ee Soomaaliya lagu dhisay waanu aqbalnay si buuxda waxaanay tilmaan u tahay heybadda dowladnimo, Adduunkuna wuu aqbalay iyaduna waxaa ku waajib ah inay marto wadada saxda ah.

C) Midnimada:

Arrinta midnimada waxaa mowqifyagu yahay mid ogol taageersana midnimada ummadda Soomaaliyeed, mana garaneyno duruuf adag oo inagu kalifeysa inay Soomaaliya u qeybsanto dowlado yar yar oo mid waliba tan kale ka soo horjeedo.

Haddaba si looga hortago qatartaas waxaanu dooneynaa in si dhaqso ah loo guda galo xalinta cabashooyinka reer Waqooyiga oo ay ku dalbayaan in kheyraadka dalka iyo maamulka dowladnimo loo qeybsado si xaqsoor ah.

Waxaanu aad u soo dhoweynay isla markaana taageereynaa hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya uu dhowaan ku dhawaaqay nuxurkiisuna ahaa in dowladdu diyaar u tahay ajiibida dalab kasta oo reer Waqooyi dalbato oo aan ahayn arrinta kala go’a dalka.

Haddaba si looga miradhaliyo tallaabooyinkaas wax ku oolka ah waxa aanu Madaxweynaha kula talineynaa inuu u maro xalinta rrinta Waqooyi wadada saxda ah ee wax ku hagaagayaan taasoo ah (Guurtida beelaha Waqooyi u soo igman doonaan xalinta arrintaas) ee waa mid wadata kalsoonida beelaha Somaliland.

Maxamed C/llaahi Xuseen (Galaal)

Suldaanka beesha Cidagale/Gar Xajis