Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics: Fidmawadow Illahay kama fakatid: Akhriya kulligiin oo ku cimri qaata
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kOWNEYN

Thursday, December 14, 2000 - 12:18 am
Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Halkan waxan uu jeedinaya ins iyo jin wixi fidmada dadka uu heegan inay oogadaan. Marna inanay dabar goayn Gobtu illaahay jecelyahay meel ay jooganba. Oo ay tahay maanta kama dambayn. La tobad keeno. Oo jidka saxa ah lagu noqda. Lana jarro ibleys iyo badilkiisa. Haddii kale Ciqaab Alle aya kugu so beegan Inshallaah dhowaan.

1980 ama 70's kii ayaa Gabaygan la tiriyay oo wuxu yidhiba dhabow...inta danbana maantay joogta oo wallee inshallaah dambille ma samaxno oo illahay cadaladiisannu uga baryaynaa maalinta aanu hor istaagno illahay.

Kaadheeri"

Maxamed Abdi "Kaadheeri" YARXAMAK ALLAAH WA QADDASA ALLAAH SIRRHU


Galow ciyey allaylkii dadkoo gamasanoo jiifa
Galaayuuska qaylada la kacay goor habaynima ah
Garaadkiisa kama uuna heline guundhabaa jira'e
Dhegihiisu goortay maqleen kor u galaydhyeeye
Geestay ka yeedhiyo wuxuu galawgu sheegaayo
Gamandhacada saaqdiyo halkay guuldaradu taalo
Tol-Allow wuxuu gocan galawgu yaa I garansiiya?
Gudcur dam ah habayn soo galiyo xilliga oo gaabtay
Dayaxoo gabaabsiyoo godkii cidhifka gaadhsiiyey
Gor-gor duulay geedkii ka kacay oo hawadan guureeyey
Garaadkiisa kama uu heline goondhabaa jira
Tol-Allow iyana wuxuu gocan yaa I garansiiya?


Gucumaale aaroo wax badan gaajo miranaysay
Oo gaaroodi qiiqdiyo fadhiyay guban abaareedka
Oo goodir iyo cawl heloo guudka kaga booday
Oon goosan hilibkeed oon micida saarin
Garaadkiisa kama uu heline goondhabaa jira'e
Tol-Allow wuxuu gocan iyana yaa I garansiiya?


Gu'ga oo barwaaqa dhulkoo ubax ku gowriiro
Gudgudaale rooboo da'oo geyiga saameeyey
Geedahoo magooloo caleen guudka sare buuxdo
Ooy gamashu xooluhu yihiin gorofna loo qaadin
Geelii inuu rimo la rabay gaaniddii oloshay
Awrka guuxa diidee haddan goonidow baxay
Garaadkiisa kama uu heline goondhabaa jira'e
Tol-Allow wuxuu gocan ratigu yaa I garansiiya


Nin dadiisu lixdan gaadhayoon guursan waligiisna
Guunyana aan waayine Illaah gacantanoow buuxshay
Caafimaadna geestii kastaba Guulle ugu deeqay
Gabdhahan aan u haasaawe tagin gaabsi iyo guurba
Garaadkiisa kama uu heline goondhabaa jira'e
Tol-Allow wuxuu gocan ninkaasi yaa I garansiiya?


Afartaasi waa gogol dhiggii horiyo guudmarkii hore dheh
Galawgiyo shimbirhii ciyiyo geeli rimi diiday
Gorgorkii habaynimo kacee guura bahaleeyey
Libaaxaan ugaadhuu gambiyey goosan hilibkeeda
Awrkii guuxa diidiyo ninkii guurso laga waayey
Isu gee dhammaantood illayn waa go'aan qudhahe
Murtidaan gagaabee go'iyo gibilka aan saaray
Gedda kale haddii aan u rogo gabi ahaanteedba
Waxaan uga golleeyahay haddaan idin garwaaqsiiyo


Aduunyadii gariir baa ka dhacay goob la joogabae
Gantaal iyo waxaa laysku ridi gummucyo waaweyne
Gaarruumo xoog badan haddii laysla wada gaadi
Ooy nabadii geed sare kortooy gaabatooy oroday
War saw galawgii foodhyaayey iyo gogol dhiggii maaha


Shir gadaaman goortii la furay dunidan guudkeeda
Garwadeenadoo idil markii foodda lays galiyey
Garyaqaan xaqiisii maqnaa gacanta muu taago
Annaa kaa gu' wayn ee adigu gaabi hadalkaaga
Go'aankayga soo raac adoon boggan garaadkaaga
Godobtaada kaa maqan marnaba ha galiilyoonin
Waa waxa adduunyadan gubayeey lana galoofooday
War saw geeli rimi diiday iyo gogol dhiggii maaha


Gardarada cadaanka ah haddii guudka loo fidhayo
Geesigii itaal daran haddaan garab la siinaynin
Isaguna hubkiisii gurtoo gummuca soofaysto
Oo kii xaqiisii ganbiyey gawrac ugu jiido
Ooy nabadii geed sare kortooy gaabatooy orodo
Gorgorkii habaynimo kacee guuray soow maaha


Gefka labada kaan geline denbiga lagu ganaaxaayo
Midkii nabarka geystayna dacwada lagu garsiinaayo
Gafuurada xaqaa laga xidhxidhay ganac dilaaciisu
Labaaxaan ugaadhuu gambiyey goosan sow maha


Gar madoobe buuxsamay abwaan garasho loo uumay
Aqoon yahay gun iyo baar cilmiga goostay midhihiisa
Oo loo gardaadiyey sharciga geedi gelintiisa
Xilkii uu gaban gaabsadee gudan lahaa tiisa
Guri joog gamboodhlay la yidhi geeya waa amare
Oo guud cadaagii xukumi garina deeqaynin
Ninkii guursan waayiyo war sow gogol dhigii maaha


Gudban dhereran geesaha lammaan lagama guuraanta
Googaale hadal waa ku gan eh gannaf dadkii haysa
Gacan miratay guffan tirasheed dufan ku geyn-geynka
God ku rido gadaal hawgu dhugan galabsayaa mooyi
Gartooxsiga giriirixa wajiga kuu gilgili booto
Annaa golosa geenyada annaa saaran guradeeda
Wuxuu Guulaheen xarrimaan diinta soo galine


Gabdho iyo rag way siman yihiin guul aan siday weeye
Gacan saydhka culimadii la timid iyo gumaadkeeda
Godad loo qarqooriyo markuu iilka wada geeyey
Cuqubada galshada buuxisee gayiga saamaysay
Guulaamadii soo kacdiyo galowgii eedaamay
Mar uunbay gadoodkeedu iman guluf colaadeede


Guuldarooyinkaa rimani marbay geli shinkoodiiye
Gidhgidhahan istaamayi marbuu gaari qarixiiye
Marbuu gaanka qaayibani nafluhu googan kaligiise
Geedada balaadhani marbay golongol dhuubnaane
Guryo dabaq ah kii lihi marbuu geed dugaashaniye
Ninkii godob lahaan jiray marbay goosan aanaduye


Geenyada marbuu fuulayaa guba ka sii dara
Gacalkiyo xigaaladu marbay kala goaayaane
Gaajiyo marbaa loo dhammaan gummuc rasaaseede
AMERICA gaalka joogaa marbuu soo gurmanayaaye


MARKAY GAADHO HEER GOBANIMADU GEBI QARKII FUUSHO
OO GACAN KA HADALKII WADKUNA GUDUNTA AY DAASHO
OO GALABSIGOODI ABAAL LOOGU GUDO FOOL XUN
**MARKAASA GALAYDH AWLIYAAD GUULLE SOO DIRIYE***

GACAN MALAA'IGEED BAA LA MARIN GOCOSHO KII QABAYE
GUDGUDAALE NABADAAA DI'YOO GEYIGA SAAMAYNE
MARKAASAY KARAAMADEENII GUDHNAYD GEBI KA WEYNAANE
HAYBADEENI GAASIRANTAY BAA GAAN U BUUXSAMIYE
GEYI HODANA BUU NOQON KOLKAA GEESKA AAN NAHAYE
**GEERIDU NINKAY DAYSO EE GAADHA MIDHIHIISA***
***EE UU GUULAHAY KU SIMO GARASHO FAALOOYE***

TUU YIDHI WA DHABE HOOY KA SIRR AHAAN FIDMADDA WADOW HOY TOBAD KEEN.

WALEE WAX KU FURTA INANAY JIRAYN. ILLAAHAY NA WA U XISAABSANTAHAY WAXAD WADIDO DHAN


La illah illa Allah Maxammadu cabdahu wa rasuullahu
Salla Allahu cala muxammad wa cala ahli wa saxaabahi salaam

Bismillaahi raxmaani raxiim

Alif laam Raa Kitaabu anzilnahu ilayka li tukhrija al-naasa min al dulimaati ilaa al nuur bidni rabbihim ilaa siraad il caziiz il xamiid

"Alif Laam Raa. A book which we have revealed to you (Muhammad) so that you may lead the people from out of the darknesses into the light by their Lord's leave to the path of the All-Mighty, the Praiseworthy." [Qur'an 14:1]

Ankabuut (the spider)

41. Mathalu al-ladiina ittakhaduw min duuni Allahi awliyaa ka mathali al-cankabuuti ittakhadat baytan wa-inna awhana al-buyuuti labaytu al-cankabuuti law kanoo yacalamuna
PICKTHAL: The likeness of those who choose other gaurdian(or friend) than Allah is as the likeness of the spider when she taketh unto herself a house, and lo! the frailest of all houses is the spider's house, if they but knew.

42. Inna Allaha yaclamu ma yadcuna min duunihi min shay-in wahuwa alcaziizu alhakiimu
SHAKIR: Surely Allah knows whatever thing they call upon besides Him; and He is the Mighty, the Wise.


43. Watilka al-amthalu nadribuha la il-nnasi wama yacqiluha illa alcalimuuna
PICKTHAL: As for these similitudes, We coin them for mankind, but none will grasp their meaning save the wise.


44. KHALAQA ALLAHU AL-SSAMAWATI WA AL-ARDA BI AL XAQQI INNA FII THALIKA LA AYAATAN LA ILMU-MINIINA
SHAKIR: Allah created the heavens and the earth with truth; most surely there is a sign in this for the believers.

45. Utlu ma uhiya ilayka mina al-kitabi wa aqimi al ssalata inna al ssalata tanha cani al-faxsha-i wa al-munkari wa la thikru Allahi akbaru wa Allahu yacalamu ma tasnacuuna
YUSUFALI: Recite what is sent of the Book by inspiration to thee, and establish regular Prayer: for Prayer restrains from shameful and unjust deeds; and remembrance of Allah is the greatest (thing in life) without doubt. And Allah knows the (deeds) that ye do.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Thursday, December 14, 2000 - 05:11 am
I acceptnyou messages 10% and will never write any thing bad here any more.