Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics: Midkeen Raacnaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Friday, December 15, 2000 - 10:04 pm
war nimanyahow,waxaan idin xusuusinayaa ee iga gura,waad ogtihiin nimanka nabadda in eey wadanka ku soo hoyaan laga la"yahay haddaan nin jacleeysi nagu jirin,waxaad maqleeysaa,c/yuusuf oo leh md cigaal waan la kulmayaa,si aan u mideeyno labadeena land,halka uu cigaalna ka leeyahay,goormuu c/yuusuf socod bartay shaluuba dhashaye,cigaalna uu ku faraxsan yahay in baasaboor cusub uu soo saaray uu ku tago itoobiya,runta aan isku sheegnee ma itoobiyaa basaboor u baahan,qaxootiga soomaaliyeed oo joogase ma leeyihiin basaboor mise umadduu been ka gadayaa,halka kuwa xamar,baydhab,iyo buaale jooga eey leeyihiin,md c/yuusuf ayaan la soo tashaneeynaa,waana kuwii uu ku eedeeyay in eey kismaayo gardaro ku heeystaan,iyagoon ka bixina uu san shirkii jabuuti ka qeeyb galin,iyagana inteey garoowe tageen ayuu ku soo dhaweeyay,markastana waxeey ku hayaan md c/yuusuf,isagana waligiis waxan cigaal aheeyn lagama maqal,oo ninba nin ayuu kadaba sajuudaa,halka uu cigaalna itoobiya u sajuudaayo,marka nimanyahaw dadka noocaas ah oo intaas wax macno leh aan nooheen yuusan waqti kale nooga sii dhumin.qof kasta cidda uu u dhashay ayuu yahay,oo qof moog ma lahe taas ee aan u soo jeesano wadankii iyo wanaag sida uu ku jiro ileeyn kuwaas wanaag iyo wadan waa gabeen"e mahadsanidiin wa billaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Saturday, December 16, 2000 - 05:59 am
Kii aad u aragto inuu maslaxad somalinimo wado,
ama qaran doonayo, ayaa la raacayaa, ee waa kee>
ileen qofkasto oo hormuud is mooday waxbaa laga sheegaye, ayamaa nadiif ah?
qof walboow madaxaada meeyrax ku xiro in la is faro umbaa inoo hartay.
saaxiboow hadal nin wayn baad ku hadashay.
nabad iyo caano