Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Saddexdii ugu "caaqsaneed "ee hogaamiyayaasha Soomaaliyeed iyo Ethopia..
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

X

Saturday, December 16, 2000 - 03:07 am
Saddexdaan waa saddexda ugu caaqsan hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliyeed, waqtigaan la joogo , siyaasad ahaana waa dead.


Muqdisho: [Xiddigta Banaadir]

Dowladda Itoobiya ayaa soo cusbooneysiisay taageeradii dhinaca Milateriga ahaa ee ay siineysay kooxaha ay taageerto ee Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay saanado hub ah ugu deeqday qaar ka mida hoggaamiye kooxeedyada ay taageerto oo ay ka mid yihiin Col. C/llaahi Yuusuf, Muuse Suudi Yalaxow, Col. Shaatigaduud, Jan. Morgan iyo kuwo kale.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in hoggaamiye kooxeedka Muqdisho Muuse Suudi iyo Col.Shaatigaduud ay toddobaadkan soo gaari doonaan saanado ka yimid dhinaca Itoobiya iyadoo dhowaan kolonyo baabuur ah iyo tikniko wehlisa oo la filayay inay soo galbiyaan hubkaas ay ka anbabaxeen Muqdisho.

Ma aha markii ugu horeysay ee Itoobiya taageerto kooxaha dalka ka dhisan, laakin waa markii ugu horeysay ee taageero noocan ay bixiso tan iyo intii la dhisay dowladda KMG ah oo weli ay shaki weyn ka qabto.