Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Hooyooyinka iyo ubaxa dhalinyarada D-kMG ayaa loo balan qaaday abaal-marin weyn
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Saturday, December 16, 2000 - 06:53 am
Boqol milyan oo lagu tartansiinayo…
Muqdisho, (Apress)-
Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Maalintii dorraad ka qeyb galay Xaflad lagu furayay Tartan loo dhigay Degmooyinka Gobolka Ban-aadir oo dhinaca Nadaafada ku saabsan ayaa waxa uu sheegay in inkabadan 20-Dowladood ay sheegeen in ay Safaarado ka furanayaan Muqdisho, wuxuuna xusay in ay jiraan Dowlado balanq-aaday inay gacan ka geys-taan dib u soo nooleynta adeegyadii guud ee Koro-ntada & Biyaha.
Cabdi Qaasim ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Kooxo si sharcidarro ah dalka ku soo geliya Lacago been abuur ah oo ay ka soo daabacdaan dalal dibadda ah balse uu filayo in mar dhow taas laga gudbi doono lana samayn doono Lacag cusub oo nidaam leh.
Mar uu Cabdi Qaasim ka hadlayay Kooxaha sida sharcidarada u dhoofiya dhuxusha ayaa waxa uu ku dhaartay in kuwaasi tallaabo adag laga qaadi doono haddii ay ka waantoobi waayaan dhoofinta dhuxu-sha sharci-darada ah.
Waxa kale oo uu sheegay Cabdi Qaasin in gacanta lagu dhigay Kooxihii Burcadda ahaa ee ka dambeeyay dilkii loo gaystay Jen. Yuusuf Talan ayna ku xiran yihiin dal kale oo uusan sheegin balse baaritaan uu Wargeysku sameeyay ay u cadaatay inaan Nimankaa la qaban.
Cabdi Qaasim waxa uu intaa ku daray in sida ugu dhaqsida badan loo howl gelin doono Maxkamadaha sharcigana la soo taagi doona Burcadda iyo Koox-aha caadaystay inay dambi-yo ka galaan dalka & dadka.
Xafladdaas ayaa lagu sheegay in Degmadii ku guulaysata Tartanka nad-aafadda Gobolka Banaadir abaalmarin loo siin doono Lacag ka badan 100-Milyan oo Shillin Soomaali ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Saturday, December 16, 2000 - 06:59 am
Hawshaas nadaafadda ah waxaa la saadaalinaayaa in ey ku guuleysan doonto, xaafadda qadiimiga ah ee Shaamoo- oo ah xaafadda si fiican looga ciso ninka ugu magac dheer sharaf weyna ku leh bahada Somalinet-forum ka ee loo yaqaan NeefoowKaniini.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Saturday, December 16, 2000 - 02:59 pm
Nefoow ma wuxuu agtaagan yahay Qashin-Qubka oo wixi ay soo laaleeyaan oo qashin ah u sii baasaa Qashin-Qubka?
nabad iyo caano