Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: WALAALAYAAL KEENA QORSHE AAN XOOLAHEENA KU BADBAADINO MIYIGANA KU YARAYNO.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr.Yusuf

Saturday, December 16, 2000 - 10:49 am
WAA IN AAN FADHIISINAA XOOLAHEENA.
Waxaan wada ogsoonahay in dhulka Soomaaliyeed uu yahay dhul ilaahay ku manaystay khayraad iyo nicmo ilaahay ugu deeqay oo aan lala wadaagin,waxaase jirta in dadka Soomaaliyeed intooda badani aysan ogayn nicmada ay kudul fadhiyaan iyo baahida haysa toona, taas oo ah mid lala fajaco, sidaas awgeed waxaan rabaa in aan in yar ka falanqeeyo nicmadaas ilaahay inoogu deeqay iyo waxyaabaha inala gudboon si aan uga faa’iidaysano khayraadkaaas.
Nicmooyinka eebe inoogu deeqay waxaa kamida in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku sinji ah ,isku midab ah ,isku diin ah iskuna dal ah taas oo caalamka maanta aad ugu dhif iyo naadir ah arintaas oo mahad eebe mudan markastaba.
Dhulkeena ayaa waxaa ku nool xoolo aan weli tira koob rasmi ah lagu samayn laakiin aad iyo aad aynu uga faa’iidaysan karno dhaqaale badana aan ka heli karno haddii aan u dhaqano sida dunida horumartay ay u dhaqdaan ,arintaas oo u baahan xirfadlayaal aqoon heerka sare ah leh iyo qorshayaal cilmisaysan oo la fuliyo.
Xoolahaas waa in aan u samayno seerayaal aydaaqaan ceelal ay ka cabaan iyo dhakhaatiir caafimaadkooda ka warhaysa oo ku filan,waxaa kale oo haboon in la sameeyo xoolo fadhiya oo aan guurguurin marnaba kuwaas oo loo soo guro caws kooda ,loogana sameeyo ceelal ay ka cabaan isla meesha ay degan yihiin,sida aan wada ogsoonahay xoolaha aan ku faano haddaanahay soomaali waxaa faraha kuhaya dad xoolo dhaqata ah oo inta tamartootu tahay daryeela xoolahaas iyaga oo aan wax caawimo ah ka helin meel kale,dadkaas xoolo dhaqatada ah waxaa ku dhacay dhibaato wayn oo xaga aqoon darada ah iyo hawlweyn oo kaga timid dhinaca xoolaha , sidaas awgeed haddii aan xoolahaas u samayno mashaariic daryeesha daaqooda, biyahooda iyo caafimaadkoodaba waxaa hubaala in aan kabaxayno dhibaatooyin badan oo ay xooluhu inagu hayaan , xooluhuna ay kabixi doonaan daryeel la’aanta haysata.
Marka aan xoolaha dhaqno ee ay tiradoodii iyo tayadooduba ay hagaagto isla markaaba waxaa loo baahanayaa warshado sida kuwa caanaha,subaga , farmaajada iyo shayyada kale ee caana laga sameeyo oo dhan sameeya,waxaan kale oo loo bahanayaa wershado hilibka qala ,qasacadeeya amaba siyaabe kale u hagaajiya,si doo kale haraga ayaa isna u baahan in warshado loo sameeyo si aan uga faa’iidaysano.
Dhamaan mashaariicdaas horumarineed iyo warshadahaasiba waxay noqon karaan kuwo shaqogelin kara kumayaal soomaali ah oo maanta makhaayadaha tuban waxyaabaha ka soo baxaana waxay kufillaan karaan malaayiin soomaaliya, inagoo wixii dheeraad ahna dibada u dirayna oo ku soo bedelanayna shayyada wadankeena looga baahan yahay.
Waxaan qodobkan ku soo gaba gabaynayaa xooluhu waa tiirka dhaqaaleheena ,waa nicmo eebe inoogu deeqay, ee qofkastow gacan ka gayso sidii aynu u xanaanayn lahayn ugana faa’iidaysan lahayn.