Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: WASIIRKA CIYAARAHA OO LA SHIRAY KAADIRIINTII X.H.K.S
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Sunday, December 17, 2000 - 01:53 pm
(SomaliNet) Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha ee dowladda kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Cabdicasiis Mukhtaar Macallin (Qariiddi) ayaa maanta shir kula yeeshay xarunta kumeel gaarka ah ee gobolka Benaadir qaar ka tirsan kaadiriintii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Ururradiisii Bulshada ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Kaadiriinta oo iyagoo abaabulan xiriir la sameeyey dowladda ayaa waxay halkaas kasoo jeediyeen inay diyaar u yihiin inay kaalintooda kaga aadan ka qaataan ololayaasha ballaaran ee lagu kicinayo dadka si loo tusaaleeyo ka qeybgalka barnaamijyada dowladda iyo horumarinta bulshada.

Wasiirka Ciyaaraha Cabdicasiis Qariiddi ayaa isagana uga mahadnaqay kaadiriinta sida yaabka leh ee ay isu abaabuleen ,wuxuuna ku amaanay sida ay ugu heellan yihiin inay kaalintii looga bartay ka qaataan kicinta iyo abaabulka bulshada.

Muddadii ay socotay xafladdaas waxay kaadiriintu halkaas si dhextaal ah uga qaadayeen heeso ay ka mid ahaayeen HUGUNKU WAA HUGUNKU WAA HAYAANKII BULSHADA CUSUB, YAA DOONI KARA NABAD DALKA DIB U DHISKIISIYO DADKA YAA WAX TARI KARA iyo hees qiireedka SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADA ,kuwaasoo kiciyey dadkii halkaas joogay.

Maxamed Muxiyaddiin Cali - Muqdisho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

culusow

Sunday, December 17, 2000 - 02:17 pm
hawiye magaceen ba'yay maantay oo lagu jiro 21st century ayaan hugunku waa heesaynaa, oo aan rabnaa inaan ku soo noqono meeshii aan maraynay 10 sano ka hor.

waa kaas abdulqaasim wax kale ma idiin wadin oo aan ahayn inaan intaas ku heesno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim

Thursday, December 21, 2000 - 01:32 am
Waxaa iska cad in dib loo soo nooleeynaayo
xisbigii hoogga iyo kadeedka shacabka
soomaaliyeed, xisbigaas oo shacabka somaliyed
hore u baday dhibka maanta ina heysta.

waxaana hadda socda dagaalo xisbigu qaaday
laguna qaaday muuse suudi yalaxow, kamey
dhergin kuwii cabi jirey dhiigga shacabka
soomaaliyeed, ina salaad boyna waxaa uu
qaaday wadadii macalinkiisii waxay hore
ardeyda iyo macalinku ugu ballameen in
aan laga leexan sharciyadii xisbiga hoogga
iyo kadeedka soomaaliyeed.

sharciyadaas oo ah dilka, dhaca, kufsiga
iyo hub isugu dhiibka shacabka soomaaliyeed
iwm.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 21, 2000 - 02:11 am
To Abdulkarim ninyahaw horta adiga waan kaa shakiye ma jiis baad tahay sababtoo ah shaqo kale ma lihid in aad meeshaan wax ku soo qorto maahee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 22, 2000 - 09:23 pm
war waxaan ma jiran yihiin mise, dadnimadaas buu ilahay ku abuuray kuwa maanta inta isugu yimi(as xisbiga hanti boobka iyo kadeedka soomaaliyeed) heesaya "hukunku waa" war xagee laga soo saaray.
war ilaahay ka baqa yuusan idin cadaabin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAADIR

Saturday, December 30, 2000 - 04:37 pm
X.H.K.S HA NOOLAADO MASKIIN AYAAN ISKA AHAAA NABAD AYAN KU
JIRNAY TUUGO JABHADO AY ITHOOBIYA SOO HUBAYSAY AYAA QARANKII SOOMALIYEED KA DUMIYEY, SIYAAD BARE WUUU ISKA DHIMAN LAHA KADIBNA XUKUNKA WAXAA QABSAN LAA CALI SMATAR DHIBKAAAN NINKASTA OO SOOMALI AH GAARAY WAX U DHAW XITAA NAM SOO GAAREEN , QX IS DIL QABIIL QABIIIL,,
MARKA XISBIGA H.KACAANKA SOOMALIYEED WAAA HA NOOLAAADO