    SAYID | Monday, December 18, 2000 - 01:39 am Maxaa u dhexeeya Hawiye iyo Harti. mayna aheyn labo wallaalo ah oo isku deegaan iyo dad ah. muslina wada ha |
    C/WAAXID | Wednesday, December 20, 2000 - 12:02 pm Asalaamu calaykum Magacaaga iyo waxaad qortey waa isleeyihiin, maxaa yeeley war naxariis iyo wadanoolaasho ka muuqato baad sheegtey, aad baad ugu mahadsantahay, hadii dad badan oo meeshan dhabqiya ay wax ku qaadanlahaayeen. Waxaan sameynay "ta'faa'ul" wax la yiraahdo oo ah "samosaadshi". Labada magac mid waa lix xaraf Hawiye midna shan Harti.I, H, A, wey ka dhexeeyaan oo aan ku micneeyo Islaamnimo, Hadalka, iyo Araga. Y-dana aan ka dhino Yool (meeshaan tiigsaneyno oo ah Muuminiin)W-da wadajir, E-da Ehelnimo R-dana Raxmad. Waadna saa sheegtey oo oraahdan inta badan adaa xusey. Marka inta aan Tigreegu duli na huwin aan is haysano. WABILLAAHI TOWFIIQ |
    SAYID | Friday, December 22, 2000 - 09:21 am TO; ABDI-WAXID Waad mahadsantahay sida wanaagsan ee xagga fiican aad wax walba uga fiirisay hadaba mayna fiicneyn aan wax wado dhisano dad iyo dalba aan kuwada noolaano si aan uga hore tagno,dhalan-habaab ku dhici doona da' yatra soo koreysA INA LAAHU CALIIMU BIDAATIL SUDUUR. |
    C/Waaxid | Friday, December 22, 2000 - 09:39 am Asalaamu calaykum Sayid aad baad umahadsantahay Ani iyo adi iyo dad badan oo fiican oo Soomaali ah wey buuxaan, laakiin maata waxaa dadka horbooda waa niman inkaar qaba oo iyaga oo kale aan taariikhdeena soo marin. Marka hada waxaan qaban karnaa waa in aad dadka ku boorino in ay gartaan waxa loo abuurey iyo in ay yihiin Jir qura oo loo baahanyahay in la dhowro ileyn suurto gal ma aha in Calooshana la xafido lugahana la dhibo. Marka Sayid hadaan maanta dadka wax u qaban karo ugama tageen "Lukac binu Lukac" WABILLAAHI TOWFIIQ |
    Annonymous | Friday, December 22, 2000 - 01:09 pm Waa yaabka yaabkiis.Horta Soomalidu maxa marka laga hadlo wanaaga dhinac isugu yaacdaa, marka xumaan laga hadlayana aany u kalahadhin.Haddii qabyaalad laga hadlo ma arkaysid qof leh: war waaqalad waxani ee iska daaya. |
    Anonymous | Monday, December 25, 2000 - 07:19 pm waxaan halkaan ka arkaa A/Waaxid oo isku jawaabaya, ma sidaas baa dad lagu heshiisiiyaa, nin caqli gaaban baad tahay, Harti iyo Hawiye waa heshiin mustaqbalka, haatana Hawiye oo dhan Harti col lama aha, dadka dhibka wada waa Habar gidir, iayagana arintooda waa soo dhowdhow dahay, marka illaahay ayaa dadkaan heshiis dhex dhigi kara, dhibka dhacay ayaan ahayn mid dhawaan la ilaawayo, anigu mar kasta waxaan naftayda u sheegaa waan cafin illaah ka sokow habar gidir balse ma ilaawi doono waxay geysteen. |