Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Dood! Wiil- Qardhood iyo Wiil-Cartood
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Monday, December 18, 2000 - 03:55 am
Dood nadhex martay aniga iyo nin saaxiibkay ah oo joornaaliste ah oo ayidsan "dawladda" fadhida Hotel Ramadaan doodaas oo socotay 3 saac ayaan soo koobay.

Wiil Cartood:
-Waxa uu aamin sanyahay in qofwalba oo soomaali ah ay waajib ku tahay in uu ayido dawladda Carta isagoo qiilka dhiga naya:

1-In shirkii carta uu ahaa shir ay soomaali oo dhan u dhamayd. Waxaa joogay dadka kala socday dhamaan qabiilada soomaaliyeed oo dhan kuwaas oo isugu jiray Aqoonyahano, Siyaasiyiin , ganacsato, Wadaadada iyo Isimo

2-In uu udhacay si caddaalad ah oo tv-yada laga daawanayay. ma uusan ahay sidii shirarkii hore oo kale oo aysan dadwaynuhu lasocon siduu u dhacay kan waxaa lasicday maalinkuu bilawday ilaa markuu dhamaaday.

3-In baahida loo qabo ay aad u wayntahay.
oo aan dawlad laàyn 10sano

4-In aysan jirin si kafiican oo lagu gaarikaro dawlad soomaaliyeed. waayo majiro qaab kale oo macquul ah oo qofkata oo soomaali ah u saamaxaya in uu dhiibto codkiisa.
Wiil-Cartood intaas ayuu qiilkiisu ahaa.

Wiil-Qardhood:
1-Waxaad tiri soomaali oo dhan baa u dhan taas anigu kulama qabo oo haddii aan tusaal kuu soo qaato waxaan ka imid magaalada Qardha ee Dawlad goboleedka Puntland waxaanuna leenahay dawlad goboleed taas oo aan dhisanay laba sano ka hor. waxyaabihii aan udhisanayna waxaa kamid ahaa in ay iyadu namatasho marka laga tashanayo siyaasada soomaaliya iyo in soomaali la isu keeno. waxaa kale oo aan leenahay Boqor kaas oo ah isimka magaalada Qardho. hadaba dawlad goboleedka Puntland iyo Isimka Qadho labaduba way ayidsanayeen shirka markii hore wayna tageen. laakiin way ka soo noqdeen labaduba. Waayo dadkii ay dawlad goboleedku dirsatay ayaa loo diiday in ay uga qaybgalaan shirka iyagoo ku socda magac maamul oo masul ka ah gobol ay ka qayb galaan shirka . taas ayaa meel kadhac ku noqotay isimadii reer Puntland waayo waxaa layiri waxba kama jiraan Maamulkii ay dhisteen 2sano ka hor taas ayaana keentay in isimaddii Puntland ay ka noqdaan shirka. Sidaas darteed ayaan anigu qabaa in shirka aysan cidina noo joogin. waa jireen in dad u dhashay Puntland oo joogay shirka laakiin Maamulka Puntland iyo Isimada Puntland (badankood) majoogin Carta.

2- shirku sifiican buu u dhacay qiil manoqonayso. ee waxaa muhiim ah:
A)Maxaa laga shirayay???
Anigu waxaan aaminsanahay in aan laga shirin in laxaliyo dhibka soomaaliya yaal iyo wixii keenay iyo wixii sababay iyo in laga tashado sidii loo xalin lahaa.

B) Yaa ka shiraya??
Marka la rabo in la helo dawlad soomaali ah oo dhab ah oo xalaal ah waxaa muhiim ah in ay soomaali oo dhan ay u dhantahay. Sidaad darteed ma aaminsani in shirkii carta ay soomaali oodhan udhamayd.
Magaalada Carta waxaa ku shiray dadkii dhibka soomaaliya yaal masuulka ka ahaa marka sidaas darteed anigu ma qabo in layiraahdo dawlad soomaali ah baa Carta lagu dhisay.

3- tan ah in baahida looqabo dawlad soomaaliyeed ay wayntahay waan kugu raacsanahay, laakiin waxaan u baahanahay dawlad cadaalad ah ee uma baahnin dawlad tuugo ah. dhibka haystay soomaalida 31 sano ee lasoo dhaafay waxaa weeye natiijadii dawladii Ina Siyaad Bare iyo Ina Salaad Boy marka sidaas darteed waa khalad in la soo celiyo iyadii marlabaad.
Baahi uma qabno dawladdii dadkeeda u isticmaalijirtay CIIDANKII XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.Ina Salaad Boy iyo Qaybdiid waxa ay mudanyihiin in Maxkamad la soo taago iska dhaaf in wax loo dhiibto e.

4- waxaad tiri majiraan qaab kale oo soomaalida dhibkeeda xal loogu helikaro.
Taas waa khalad oo waa jiraa.
Tusaale ahaan.
gobolada soomaaliyeed dhibka ay qabaan waa kala duwantahay ts: Xamar iyo Qardho isku dhib kama jiro,Qabiilka hawiyahu dhibka ay qabaan maqabaan dadka reer Puntland.
Marka waxaan qabaa in aan dhibka ina haysta hadii aan soomaali nahay aan ka salgaarno oo aan isku dayno in marka hore qolo walba ay awooda saarto in ay is habeeyaan, waliba waxaan aaminsanahay wixii taageero ah ee reer Puntland ay tari karaan dadka kale ee soomaaliyeed ay taraan oo ah in ay ku caawiyaan in ay samaystaan maamulkooda gaarka ah.
Kadib marka ay qolo walba samaysato maamulkeeda gaarka ah laga tashado sidii loo heli lahaa dawlad fadarayshin ah oo soomaaliyeed.

Qofkii raba wuu ku darsan karaa fikradiisa.
S/C
Wiil-Qardhood

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Monday, December 18, 2000 - 11:29 pm
shirkii Carta dadkii tagay waxaa ugu muhuumsanaa culimaddii diina islaamka,siyaasiyiin iyo isimada aad sheegaysi waxaa ka muhiimsanaa iyaga, ee iska dhaaf waxa kale oo dhan

culimada waawayn oo soomaaliyed khalad iskuma raaceen. iyagaan shirka fikradiisa lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yuusuf

Tuesday, December 19, 2000 - 02:28 am
Waxaan filayaa saaxiibkaa in uu sidaan ka hadal fiicnaa ee waa caddaalad daro in aad saan u soo gaabisid.

Tankale dawladdii Maxamed Siyaad Bare waa loo wada sheqeeyay ee maxaad markasta isu raacisaa ina salaad boy iyo ina siyaad bare. maxaad u dhihi wayday ina siyaad bare iyo moorgan ama ina siyaad bare iyo Cabdullaahi yuusuf ama cigaal?
waxay aniga illa tahay in aan soo aragna dhib nagu filla ee wq iska daa mucaarad nimada dawladda cusub
soomaali waligeed waa is layn jirtay waana is cafin jireen ee iska dhaaf waxa qaabka daran ee aad meela ka buuxisay.
nabadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, December 19, 2000 - 04:34 am
To:Yousuf
Walaal waxaan qoray oo kaliya wixii saaxiibkay iyo reer Carta oo dhan ay qiil kadhigtaan oo kaliya ee ma qorin dooda inteedii kale aad baana u soo gaabiyay oo waa runtaa sababtoo ah dadku majecla wuxu markay tirada ka bataan.

Tankale walaale Yusuf sababta markasta aan Ina Siyaad & Ina Salaad Boy isugu lifaaqiyo waa
-Ina Salaad Boy jagooyin badan ayuu u soo qabtay dawladii Afweyne waxaana kamid ahaa midda waziirka arimaha gudaha taas oo aad iyo aad u wayn aanna aaminsanahay in ay masuul ka ahayd dagaalkii gudaha ee soomaalida ka dhexdhacay.
Marka waxaa khalad ah in waziirkii arimaha guduha markii dagaalka sokeeye dhacayay uu maanta noqdo madaxweyne sidaasdarteed ayay ku wanaagsantahay in aan lakareebin.


-Midda ah in aanan ku darin Morgan iyaduna waa sax oo Morgan kamid maaha kuwa soo laba kacleeyay. inkastoo aan ogahay waxa uu dadka soomaaliyeed qaarkood u gaystay.
S/C
wiilqardhood@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANON

Tuesday, December 19, 2000 - 06:48 am
Asalaamu calaykum.
Wiil qardhood dood wanaagsan ayaa idin dhexmaratay laakiin sida ka muuqata tiisii waad soo gaabisay daadina waad bal balaarisay.

Hadii la doodaayo aad ayay u wanaagsantahay ee waxaa daran in lacaytamo.

Waxaan is waydiiyaa yaa haraa ah, yaa lasoo shaqeeyay afweyne, yuu soo tababaray,
qofka arintaas qeexaaya makareebi karaa qofkuu jecelyahay.

Hadaba tusaale aan kusiiyo puntland aan tusaale usoo qaato.

Waagii la asaasay SOODAF ama tii kadanbaysay ee SSDF iyagoo xaq udirira waxaa dhabarka kajebiyay kuwo ay cid isu xigaan iyagoo sheeganaayay inay baari u yihiin jaale siyaad, kuwii bixiyay magaca QURMIS kuwii afweyne qalinka iyo maanka ugu adeegay hoteelada waawayn ee Puntland ayay ku raaxaystaan iyagoo shaatigii XHKS iska bixiyay oo gashtay mid qabiil,

Maalintii ay soo fakadeen 150 askari oo xaq udiri SSDF AHAA iyagoo wata hub culus isla markaana ka faaiidaysanaaya cafis layiri waa loo fidiyay waxaa magaalada gaalkacyo ku soo dhaweeyay rag maanta xubno muhim ah ka ah maamulka punland,kuwii u kaalmeeyay in baraagaha nala ka gubo kuwii ku fiirsaday gabdhayaga in la kufsado,waa cideena waa bahdeena mana aragno.

Tusaale ayaan usoo qaatay Puntland ee meelkasta oo soomaaliyeed waa sidaa.

Waryaaya ninkii yiri Cumar maxamuud waa xalaal naagohoodu,xoolahoodu,baraagohoodu wuxuu ku nool yahay L_caano cid dhugatana maleh.

hadaba C/qaasim waxaa loogu gaaryeelo sow gardaro maaha.
Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAGAXTUUR

Tuesday, December 19, 2000 - 08:07 am
DADKII NAAN SOO QAADAHAYA RAGII MAXAMED SIYAAD LASOO SHAQEEYAY WAXAAN KU ORON LAHAA WAXAA C/QAASIM IYO SIYAAD LA ISKU BARBARDHIGAA WAXAA WEEYE WAAJIRTAA IN AY DADKALE OO FARABADAN JIRAA OO C/QAASIM LAMID AH AMABA KADARAN LAAKIIN ANIGU MA ARKO NIN AYAGA KAMID AH OO MAANTA KU HADLAAYA MAGACA SOOMAALIYA AAN KA AHEEN C/QAASIM OO HADA LEH WAXAAN MADAXWEENE U AHAY SOOMALIYA ASAGOO AAN XATAA QIRAN KHALADAAKII UU GALAY LAAKIINSE KU QANACSAN KUNA FAANAAYA WIXII UU HORAY USOO QABTAY.
MARKA TAAS WEEYE WAXA ASAGA LOO SOO QAADAAYO WAA MAGACA SOOMAALINIMO UU HADA ADEEGSANAAYO. RAGAAS KALE MEESHOODA BAY IGA FADHIYAAN WAX DANBE UU QARANKA LEEYAHAYNA IN DIB LOOGU DHIIBO MAAHA OO WAA IN MAXKAMADO LASOO TAAGAA.
LAAKIIN C/QAASIM WAABA KASIIDAR UU HADUUBA SOO LABA KACLEEYAY OO WUXUU RABAA SOOMAALI IN UU DIB WAX UGU QABTO (WAANA OGNAHAY NINKII AY DHABKATAHAY SOOMAALINIMO MAANTA KUMA ORDEEN MADAXWEYNI NIMO SOOMAALIYEED EE WUU KACARARI LAHAA RAGA KALI OO KU ORDAAYA WAA RAGA ISLEH WAX KUGAARA EE DAN SOOMAALIYEED UMA SOCDAAN)

SO DON'T CHANGE THE SUPJECT.

THANK YOU
ilaa iyo hada si fiican baa loo hadlay meesha kasii wada dood oo waafiican tahay in firkada la isweedaarsadee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Tuesday, December 19, 2000 - 10:21 am
Wiil Qardhood,

War ninyahow waxaan islahaa qolyahay Somalinet wax ku qora baaba dhib ugu filan, ee haddii kuwii xaafadaha joogayna aad saacado ku luminayso, allaad leedahay. Dadkaan intooda badani, wax iska dhaadhicin iyo reasoning ma leh, ee waa nin meeli u caddahay meeli ka madow.

Dadka qaarka reer Puntland u dhashay, ee Arta faction raacsan, marka la waydiiyo waxa wanaag ah ee ay ina Salad Boy ku raaceen, waxay kuu tirinayaan inta xumaan ah oo ay Abdullahi Yusuf kaga cararayaan. Malaga yaabo inay kuu sheegaan wax aan ahayn xumaanta ina Yey.

Waxay ka dhigan yihiin, ninkii indho beelay, oo markii indhuhu ka dhaceen, wixii u danbeeyey oo uu arko ay ahayd Bakayle. Wax kastoo oo la waydiiyo, wuxuu ku jawaabaa, Bakayle intee ka le'egyahay. Marka, dadkani waxaan Abdullahi baa saasa ahayn ma hayaan, dal iyo dad iyo dan kale inay jirto, oo laga rabo inay ka hadlaan ma oga.

Haddaad waydiisid intooda badan war Abdullahi iyo Abdulqasim kee dhib u geystay dadkaaga, iyagoon fakarin bay la soo boodayaan, Abdiqasim muxuu geystay dawladdii qaranka buu wasiir kaliya ka ahaaye.

War Wiil Qardhood, adna ku dhimatay dadkuna kasoo rayn mayee maxaa talo ah?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, December 20, 2000 - 01:05 am
to: Anon

Walaale waa runtaa oo waxaa jira dad badan oo danbiyo waawayn ka galay dadka soomaaliyeed siiba reer Puntland oo jooga Puntland. Laakiin walaale waxa aniga ay ilatahay in aysan wax dan ah noogu jirin in hadda la qabqabto iyadoo keenikarta in la iska horyimaado. Waxaadse ogaataa qofwalba meel buu kaga jiraa taariikhda dadkiisa.
nin karmeed iyo nin danbeed baa lakayahay

Cabdi

Walaale fikradda ah in qolowalba ay isa soo habayso kadibna soomaaliyi isu timaado ayaan si aad ah u aaminsanahay, Puntland oo aan dhalan baan ku fakarijiray in aan Dawlad goboleed samaysano, marka maadaama aan taas helnay ayaan Carta waxaan u arkaa inay tahay dhib wayn oo soo foodsaartay pl oo waxaanna u arkaa imtixaan wayn oo haddii aan kabaxno in aan meel fog gaarikarno ama soomaali oo dhan gaari karto. Midda kale meesha aan joogo ayaa waxaa ku badan dadka raacsan waxa lagu soo dhoobdhoobay Carta , oo maalinkasta ayay dood aan macno lahayn kula soogalayaan iyagoo meeli u caddahay oo meeli kamadowdahay.Arimahaas ayaa igu kalifay in aan wakhti siiyo arimaha bulshada ee Puntland.

Ninyohow qof ahaan waxaan ka imid magaalo aan Ina Yey aad looga jeclayn oo ah Qardho, taas wax lala yaabo maaha oo magaalada aan hadda daganahayba waxaa ka taliya xisbi mucaarad ku ah Dawlada Gobolka iyo dawlada wadanka xukunta, sidaas darteed ayaan aaminanahay in lakala saaro in qofku uu mucaarad ku yahay dadka kataliya Puntland iyo dawladnimada Puntland. Marka anigu waxaan arkaa in bal la isku dayo in dadka laga dhaadhiciyo:
-Muhiimadda ay inoo leedahay Dawlad goboleed.

-In shirkii Garawe uu yahay midka danta inoo ah oo kii Carta aan waxba laga soo qaadin sababtoo ah iyguba waxba kama aysan sooqaadin shirkii Garawe.
Waxaa laga yaabaa in dhawaan (janawari,febaraayo) aan aqal ka furo internetda kaas oo isugu jiridoona dood, waraysiyo iyo warar toos ah oo aan ka helo wariyayaal Puntland jooga iyo sawiro aan Puntland kasoo qaado markaan tago dhawaan, marka waa loo baahanyahay wixii fikrad ah oo aad hayso.
S/C
wiilqardhood@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Wednesday, December 20, 2000 - 05:20 am
Asalaamu calaykum:
Ayaamahan waan ka mashquulay doodihii maxaayeelay waxaa soo geba geboobay xiligii jaamacdahahadana fasax ayaan soo galay taasi waa cudur daar aan u jeedinayo saaxiibkayga gaarka ah WIIL-QARDHOOD, maadaama aanu isku baranay doodu hufan.

War nin yohow reer Qardhood maad tihid laakiin waa magaaladaadi ee naga dhaaf qiic isku qarinta.

C/laahi yuusuf shakhsiyan lagama nebca magaalada ee hadhihin sidaas laakiin siyaasad ahaan dadkaas kuma socdo.


Dooda sii wad waana 10kii danbe ee ramadaan ee kafaa,iidayso, hadaanse kaftan yar kugu tuuro muxuu yahay farqiga u dhexeeya Abdi iyo Wiil-qardhood abdi+wiilqardhood=1, intaasina waa iga kaftan yar.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Wednesday, December 20, 2000 - 05:50 am
Kayse,

Welcome back. Waxaan u qaatay in qolyahii Arta kuu yeereen, oo safiiradii la qaybsanayey aad wax ka doonatay, (kaftan).

Kayse, Wiil-Qardhood iyo anigu isku mid ma ahin, oo anigu waligay habeen Qardho uma hoyan. Waxaase runa inaannu waxyaalo badan oo danta gobolka ah isku meel ka aragno, isaga iyo kuwo badan oo kale oo nala fikrada ah. Hadday ujeedadaadu ahayd, inaad yaraysid dadka ku dhanka ah horumarka iyo danta Puntland, kana dhanka ah tuugadii Arta isugu tagtay, oo aad ka dhigtid hal qof oo magac beddelanaya, List-ka aniga iyo Wiil Qardhood waa ka badin doontaa mar dhow.


But, what about your name. Kayse? This is not a common name, in that area. Qardho and its surroundings. Marar badan baan is iri Kayse waa wiil Abti loo yahay, but who cares, xataa haddii Abti laguu yahay sidaan qabo, fikraddaada waa ka dhiiban kartaa Puntland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hangool

Wednesday, December 20, 2000 - 08:10 am
Dhabayaco Salaaman

Hadii aan fikradayda ka dhiibto Puntland aniga waxay ila tahay in maamulka lasii adkeeyo degmooyinkana la gaadhsiiyo oo uusan Garoowe qudha ku ekaan Xafiisyo dadka deegaanta u adeegana la sameeyo.

Dabadeedna aan ka wada hadalo Jubaland oo aad moodo inaad nimankiinani si isu dhaafisaan oo war hadii Mareexaan inaga qabsadey ma sidaasan kaga hadhaynaa soo inaan ama nabad ama colaad mid uun ku raadino maaha.

Marka Darood waxuun Jubaland iskaga afgarto waa inaan iyana maamul u samaynaa oo Soomaali laba Land wax kula qaybsanaa.

Gobol keligiis taagan waxba kuma fila in aan dadka kale khaladaadkooda ka faa'iidaysan ayaa haboon.

Soomaaliyi ha is raacdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil_Qardhood

Thursday, December 21, 2000 - 12:08 am
To: Keyse
Walaal Keyse aad baan runtii ugu farxay in aad soonoqotay oo waan iskaa waydiiyay.

Tankale oo ah in aanan ahayn reer Qardha, taas waa run oo dhal askari baan ahay oo magaalooyin kale ayaan noloshayda badankeed daganaa, laakiin magaalada Qardho ayaan ugu jeclahay, mana aqaan sababta. Waxaan ku waydiinayaa ma khalad baan magaalada ka galay oo imtixaan baad iga
qaadaysaa?
mida kale anigu inta badan arimo guud baan ka hadlaa ee marna boosaaso, qardho, garawe iyo gaalkacyo si gaar ah uma daneeyo arimahooda
gudaha, waayo marka aan somalinet.com wax ku qorayo danta guud wixii aan u arko baan ka hadlaa.

Tankale oo ah in aan Ina Yey magaalada laga jeclayn . Anigu waxaan u waday siyaasadiisa baan magaalada laga jeclayn ee kama wadin qof ahaan, doqoniino bay igu ahaan lahayd taas.

tankale oo ah in aniga iyo Abdi aan isku mid nahay, taas waxa kaliya ee aan dhihi karo waa isku qof manihin ee isku si baan u aragnaa danta reer Puntland, adiga laftigaagu ma arko in aad naga fogtahay marka la barbar dhigo dadka qaarkood, waayo in badan baan arkay maqaaladaada.
S/C
wiilqardhood@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Thursday, December 21, 2000 - 02:11 am
Salaan kadib:
Wiil-qardhood iyo abdiba waad mahadsantahay,maya imtaxaan kaa qaadimaayo waxzaasina waa ceeb ee wuxuunbaan qiyaasayay.
balanteenu waa inuu sanadka cusub anigoo rajaynaya in dadkeenu wanaag ku gaaraan iypo ibadalo cusub.

Cabdi haa walaal reer abtina waa la ii yahay hade reer adeerna waa la iiyahay, magacaygaan waa naanays aan kuleeyahay sonalinet sabatuna waa saaxiib aan isku dheernahay ayaa leh xasuus ayaana u wataa wolow aan shan sano is arag saxiibkaas.

Dhinaca safiirnimada ninyohow suxulduub ayaan ku jiraa! (kaftan)

Waqti doodahaan uma hayo laakiin bal kulan danbe.
nabdeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yuusuf

Friday, December 22, 2000 - 01:16 am
wiil_qardhood waxaad u egtahay nin aad uga cabsanaya DKG ee ma dhib gaar ah bay kuu gaystaeen mase iskaa baad kacaanka C/laahi uga mid tahay.waayo meelkasta waxaad ku qortaa waxa aad iyaga uga soo horjeedid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, December 22, 2000 - 04:44 am
To: Yuusuf
walaale Carta ugama baqayo ciidan ahaan in ay nooqabsadaan laakiin waxaan ka cabsi qabaa in lacagta tiradda badan oo ay dibadda ka helaan iyagoo fulinaya dano dawlado shisheeye ay keento in dadka reer Puntland iska horyimaadaan, taas runtii waan ka cabsi qabaa oo doorasho ayaa soo dhaw sidaas darteed waa macquul in nin lacagi kiishka uga buuxdo inta yimaado uu reer tolkii inta u tago yiraahdo anaa doorashada Puntland idiin safanaya ee itaageera sida aad la socotaanna soomaalidu waa qabiil, jilib iyo laf.
marka taas dhib ayay noo keenikartaa, waana ka walwalsanahay oo waa run. Qofkasta oo jecel jiritaanka Puntlandna waxlala yaabo maaha haddii uu ka walwalo.

tankale oo ah in aan aad u necbahay Dhoobdhoobka Carta, Runtii haddii aan fiirsho dadka maamulka Puntland iyo waxa lagu soo dhoobdhoobay Carta waxaa ii nasbad dhow dadka Carta lagu soo dhoobdhoobay oo iyagaaba qaarkood aan qaraabo aad isugu dhow la ahay marka walaale si mabda`yan ah baan u necbahay ee waxkale majiraan, takale anigu macaayin marna ee in aysan soomaali Dawlad u ahayn baan sheegaa oo kaliya.

S/C
wiilqardhood@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIBAAX

Monday, January 29, 2001 - 11:47 pm
Wiilqardhood waa wacal wacal dhalay, wiilqardhood waawacal waawacal waawacal waawacal.