    Anonymous | Wednesday, December 20, 2000 - 09:39 am BOOSAASO, Isniin: Booliska magaalada Boosaaso ayaa habeen hore ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan sadddex ka mid ah afar nin oo burcad ah oo muddo haatan laga joogo labo todobaad dhacay lacag isugu jirta Dollarka Mareykanka iyo Shilin Soomaali. Booliska ayey u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan 8500 (sideed kun iyo shan boqol oo Dollar) oo qeyb ka ahayd 10,100 (toban kun iyo boqol Dollarka Mareykanka ah) iyo 6,000,000 (Lix Milyan oo Shilin Soomaali ah) oo ay nimankaasi horey uga dhaceen labo gabdhood oo ka soo jeeda Jamhuuriyadda la baxday Somaliland oo magaalada Boosaaso u yimid howlo ganacsi. Sida uu ku soo Warramay Weriyaha QARAN ee fadhigiisu yahay magaalada Boosaaso C/shakuur Yuusuf Cali, berri ayaa lagu wadaa in nimanka saddexda ah ee la hayo la horkeeno maxkamadda, iyadoo ay boolisku weli ku raad joogaan ninkii afaraad .Dadweynaha magaalada Boosaaso oo horey u rumeysnaa inaysan awood caynkaasi ah lahayn boolisku ayaa aad u soo dhaweeyey talaabda ay ku soo dhiciyeen hantidii maqnayd iyo raggii dhacay (QARAN PRESS) ---------------- halkaas waxaad ka argtaan in dadka aan u dhalan gobolkaagu haddii aysan nabad ku helin in aan meesha nabadi ka jirin, marka dawlada cusubi ama dawarsiga ha sii wadeen ama illaahay rag buu ka dhigee Mogdishu ha ka saareen Mooryaanta. |
    Laaska | Wednesday, December 20, 2000 - 10:21 am Bosaso Waa run. C/qaasim intuu baaquli baryo la wareegayo dunida, xamar muu joogo oo booliis kan Puntland iyo S/land la mid ah dhiso. Halkuu Soomaali wax ka baran lahaa uu orod yaa alle wax siiyay ah ku jiraa. Maqli maysid C/yusuf ama Cigaal oo dibedaha rooraya. Hawiyese isku kalsooni uusan qabin. |
    gaalkacyoos | Friday, December 22, 2000 - 06:01 am war nimankaan Xamar jooga ka samra, waxay ku nool yihiin qayaali. |
    Anonymous | Friday, December 22, 2000 - 08:28 am Xamar waxaa ka jira xorriyad xagga war faafinta, ganacsiga, isgaarsiinta. waxaad ka warrantaan sida loo xirxiray wargeysyadii ka soo bixi jiray Puntlnd. War nimankiinnaan indhaha la' waxaa idin hoggaaminayaa nin waalan oo isaga u baahan in la hoggaamiyo. |
    gaakacyoos | Friday, December 22, 2000 - 08:41 am joornaal war been ah haduu sheego sharciga ayaa la marinayaa, joornaal danta dadka ka hadla oo aan sharciga jabin cidna la hadlimayso. joornaalada Xamar ee Hawiyeha oo beenta iyo propogandada dhoodhooba weeye waxa la diidan yahay, Xamarna haddii xukun ka jiri lahaa waa la xiri lahaa. |
    Anonymous | Friday, December 22, 2000 - 08:36 pm waa runtii 100% |