Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: TUUGSIGU DOWLADNIMO MAAHA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADAALAD

Thursday, December 21, 2000 - 04:05 pm
Walaalayaal ramadaan wanaagsan.Sida aynu la wada socono afar billod ka hor waxaa kusoo biiray soomaaliya koox loo caleema saaray in ay dalka hormuud u noqdaan.Umad badan oo xamar ku nooli aad bay u soo dhaweeyeen ,nasiib daro sidii la filayey may noqon waxaa meesha taagan xaaladii waqtigii Cali Mahdi oo kale waxaa taa kuu cadeyn kara qoladii ku duushey balcad oo cabdiqaain reerkiisa ahaa Galaalna uu horkacaayey.ka rog oo laba saar qoladii sos wax ku laaleyey waxay ahaayeen wiilasha sanadka[waa laguu yaqaanaa].ragan dibada ku waashey ee baryada la hor taagan aduunka may nabada ka shaqeeyaan ooay waqtigooda u huraan gudaha mise waa[baroortu orgiga ka weyn] mise waa xiligii kala guurka oo la is xisaabin maayo.Xalku xabad iyo is qaad qaad maaha hawiyana nin kale oo ka dhinnta diyaar uma aha.CABDIQAASIN HA KALA DOORTO BADAADITA HAWIYE iyo urursiga Agoonta xoolahooda[AGOON NINKII QALIN KU XADAY QAAXO KAMA FOGAATO] SOOMAALIYEY ILAAHEY HA LOO NOQDO QABIILNA HA LA ILAAWO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caliyaale

Friday, December 22, 2000 - 08:43 pm
waxaan ilaahay uga baryaynaa balada lala rabo hawiye inuu bar bar marsho, c/qaasim ma ahan nin cusub waa ninkii markii afweyne hawiye beebeega marinayay u ahaa wasiirka arimaha gudaha goormuu noqday leader hawiye. hawiyooy ka digtoonaada balaayada jabuuti lagu soo dhoodhoobay oo danta reerka aan wadan, waxaa tusaale kuugu filan intaaneeto.

SomaliNet) Golaha Wasiirada ee dowladda KMG ah ayaa dorraat isugu yimid shir albaabada u xiran yihiin oo ay uga hadlayeen dagaalkii ay ciidamada dowladda KMG ah ku qaadeen 19-kii bishan Degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, halkaasoo uu ka taliyo hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow.
Cabashadan waxa ay ku sheegeen Wasiiradu sida ay uga xun yihiin howlgalkaas, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa mid gardarro ah, oo loo geystay dad aan waxba galabsan, waxayna sheegeen inaan lala socodsiin iyaga, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid lagu fashilayo dowladda KMG ah, warar ku dhowdhow golaha Wasiiradana waxay sheegayaan in cabashadaas si gaar ah loogu xusay Jan. Maxamed Nuur Galaal oo hoggaaminayay maleeshiyadaas, iyo Jan. Axmed Jilacow Caddow oo ay sheegeen inuu isaguna wax ka ogaa qorshaha weerarkaa.

Kulankan Wasiirada oo ka dhacay Hotel Ramadaan ayaa ahaa mid loo diiday Saxaafadda inay wax ka ogaato.

Sidoo kale qaar ka tirsan xubnaha Baarlamaanka KMG ah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin weerarkii lagu qaaday Balcad, Maxamed Cumar Maxamed (Maxamed Dheere) oo ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka codsaday xukuumada Soomaaliya inay jawaab lagu qanco ka keento sababta keentay inay weerarkeeda koowaad ku qaado Degmada Balcad.

Xuseen Xaaji Bood oo ka mida siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa isagana mowqifkiisa ka dhiibtay dagaalkii Balcad, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid waxloogu dhimayo habka geeddi socodka nabadda Soomaaliya.
ma hawiyaa wiilal kale ka dhimanooyaan 21century markay ummada kale horumar iyo nabad ku sii socdaan. war ilaahay ka baqa oo tuugadaan magaciina ku shaqaysanayiin iska qabta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadoon

Saturday, December 23, 2000 - 01:13 am
walaalayaal dantiina garta nina aakhiro dhinac kaa mari maayo. iska jira ardeygii afweyne wuxuu wataa miino loogu talagaley hawiye.siyaasi kula qabiil maaha cidwalbana aynu la xisaabtano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daljir

Saturday, December 23, 2000 - 10:35 am
Wax kastaba fishay lakin marnaba isma oraneyn Siyaad ayaa soo laaban doona. Waxay ila tahay waa waajib ina wada saaran inaan iska qabano dulmiga reer jabuuti noo soo hooyeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADAALAD

Saturday, December 23, 2000 - 05:57 pm
Caliyaale iyo daljir horta waad salaaman tihiin aad iyo aadna waxaan idiinka mahad naqayaa si wanaagsan ee aad u fikiaysaan.Raga maanta is soo caleema saaray waa kuwii ay qarankii soomaaliyeed gacantooda ku burburtay.dad baa ku taageera qabiil umaleyn maayo ka madexweynaha ah iyoka wasiirka ah in ay qado uqaadi doonaan qabaa`iladooda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 26, 2000 - 05:41 am
Beentaa maahan taasi lol qado