    C/Waaxid | Friday, December 22, 2000 - 09:16 am Asalaamu calaykum. "Dad Waxaa ugu wacan oo kuuguna wanaag badan ninka waanadaadiyo wax ku qaata halaka" kiisa fiican. " Aladiina yastamicuunal qowla fayatabuuna axsanah" Horta "Punt" Soomaalina maaha Carabina maaha, maxaa yeeley Afcarabiga iyo Afsoomaaliga midna "P" kuma jirto. Qofkii leh fartii faraaciinadii hore sida "Hiroqliifiya" baa iyaduna "P" lahayd oo macluumaad haya isagaa daliil laga rabaa. Laakiin waxaan labo isku khilaafin in ay jirto kalmad Enhlish ah oo sidan loo qoro "Punt" oo isugu jirta ficil iyo magac labadaba: 1(a)- Punt (pant dhawaaq soomaali ahaan) waxaa layiraahdaa Khuuriga yar ama doonta yar ee qabaalka u eg ee inta ul dheer la qaato dhulka loo dhigo lagu taagsado, saa ku socota. (b) ficil ahaan doontaa oo lagu safro. 2 (a) Sida Gool hayayaashu kubada u laadaan inta gacmaha ka sii daayaan iyadoon dhulka gaarin laada. (b) ama ficilka laftiisa. 3 Lacag la galiyo wax yaalo bakhtiyaanasiib lagu helo ama khamaar. 4-Punt oo loogu dhawaaqo sida Puntlanders-ku ugu dhawaaqaan waxaa layiraahdaa qurub ka mid ah lacagta Jamhuuriyada Ireland. Marka walaalayaaloow ilayn kalmadan English-ka ah baa la hubaaye keed ka wadiin arimahaas aan kor ku soo sheegney. Hadaad raacaysaan belo aan la aqoon maad ku kaaftoontaan "bunt". Wax isku fala anigu waan idiin nasteexaynayaaye. Hadaad beentey moodey fiiri magaca Jaamacadiina: East Africa meesha Soomaali kale dhaheen Hargeysa, Muqdishu, iyo Camuud. Xagee ina gaynaa yaa waxaan oo kale ka aamusi kara. Marka hadii "b" kor loo taago "p" "M" waxey noqotaa "W" Nabad gala. |
    Salah | Friday, December 22, 2000 - 03:16 pm Asalaamu calkeykum Ku C/waaxid Saaxiib waxaan hubaa inaad faraha la gashay waxaanad aqoon u laheyn. waxaan kaloo u maleynayaa inaad luqadaha ka taqaan English iyo carabi oo qura. Bal taariikhda dib ugu noqo oo yaa u yiqiin dhulka Soomaaliya "Punt" ama dhulkii udugga, Ma England baa u tiqiin mise carab. Haddaba aan kuu sheegee midna uma aqoon. Sida taariikhdu qoreyso waxaa u yiqiin giriiggii hore oo magacaa "Punt" kasoo jeedaa. Tan kale waxaad tiri Jaamacaddiina waxaa ula baxdeyn East Africa, runtii ma garanayo waxaad ula jeedo, waxaan oran karaa oo keliya waa xaasidnimo, ee ogow Xaasid ma liibaanee!! Soomaaliya miyeysan ku oollin Afrika oo waliba uga oollin bariga (East), marka maxaa ii diidaya Haddii aan ula baxo Jaamacadeyda East African University. Jaamacadaha Hargeysa, Muqdisho iyo Cammuud waa jaamacado Soomaaliyeed oo aad baan ugu farxayaa, ee maaha saaxiib inaad ka naxdo teyda. Marka iska saar cuqdadan iyo xaasidnimadan kaa buuxda, haddii kale adiga uun beey ku dhibeysaa. |
    sayid cumar | Friday, December 22, 2000 - 10:02 pm c/waaxid maxaad ku diiday magaca oo xumaato ah oo lee yahay mise ingiriis ahaantaad ku diiday runtii anigu ma aqaan micnihiisu meesha uu ka soo jeedo laakin hada ka hor mar aan doodku saabsan NETKA ka akhriyey magacani wuxuu xitaa gaarayaa xiligii cleo-patra oo dhalashadeedu Greek ahayd ay masar ka talin jirtay wuxuu qoraagaasu ku saleeyey maadaama aynu maydiga iyo beeyada usoo dhoofin jirnay inay caraftii ugu magac dareen PUNTLAND= DHULKII CARAFTA DOODANA INTAA KU XIR |
    C/Waaxid | Saturday, December 23, 2000 - 03:41 am Asalaamu calaykum Aad baad u mahadsantihiin. Saaxiibayaal waxaad isku raacdeen inaan micnaha sax ah ee magacaa lagaraneyn. Waxaan maqli jirney iney faraaciinadii hore ay sidaa u yaqiineen, hadaad adinkuna Greek ku darteen, Xaruuftii Greek- ahayd waa taalaaye si cilmiyeysan usoo qora oo raadraac ama "referrence" keena. Waxaa la oran jirey ma soconayso, miyeydaan ka xishooneyn cawaaqib xumada ay leedahay waxa la iskala baxo, adinku ma Greek Kumaankun sano ka hor dhintey baad la xaalaysaan.Hadii aad rabtaan inaad udug isku magacoowdaan, maad tiraahdaan : Meydi, foox, cuud, udug, beeyo, IWM. Waxaan idinla rabaa wanaag iyo inaad indhaha furtaaaan. Sahal wuxuu kuleeyahay hadaan Jaamacada ula baxney East African University, soow Africa kuma naal. Hadii aad waxaad sheegayso runyihiin Soomaaliya iyo magacyada Soomaaliyeed kama raadgadateen inta aan Afrikaba la gaarin. "Nin hooyadi cirid geeyey aayadi hoos ma hariyo". Sahal marka aad Greek waqtigaa joogey beegsanayso, Suubanihii ku dayo. |
    Salah | Saturday, December 23, 2000 - 01:48 pm Asalaamu caleykum C/waaxid waxaan u maleynayaa inaad magaca Africa cuqdad ka qabtid, waana aragnay kuwo sidaadoo kele ah oo markii lagu yiri afrikaan baad tahay dadkii la dagaalay. Sxb afrikaan Ilaah baa kaa dhigaye ha diidin, umadda reer Puntland ayagaa xor u ah waxay jaamacadahooda ula baxayaan, laakiin qof kasta waa dareemayaa waxaad ka gubaneyso oo waa horumarka iyo nabadda ay dadka reer Puntland gaareen. Sxb ku dadaal meeshaad kasoo jeedo sidaad waxugu qaban laheyd oo waqtigaaga qaaliga ha isaga lumin reer hebel baa saas ah. Tan kele waxaad tiri ku dayo suubanihii, bal caqli xumadaada haddaan Jaamacad u bixiyo afrika ma suubanihii baan khilaafay waa yaabe! Magacyada Soomaaliduse ma magacyo uu rasuulkii bixiyey baa? sida: Soomaaliya, Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso iwm. Waxaan hubaa in sidaan horey u sheegay ay kaa buuxdo xaasidnimo, ee yaadan qaadin cuduro xunxun oo ay keenaan xaasidnimada iyo cuqdaduye Ilaahaagii ku abuurtay u noqo oo iska daa warka malaa yacniga ah oo aad is leedahay dad gaar ah ku xumee. Nabad iyo Barwaaqo Soomaaliyoo Dhan Salah |
    C/Waaxid | Saturday, December 23, 2000 - 09:04 pm Asalaamu calaykum Sahal ma waxaad rabtaa anaga oo soo taagan inaad magacyo aanan rabin oo waxay yihiin aanan aqoon sanka naga galisid. Anigu hadaan Muslim ahay Greek iyo African ku dayashadi maxaan uga baahnahay. Mowduucayga maad fahmin Sow ma oran Soomaaliya, Hargeysa, Boosaaso, IWM. Xumaantooda iyo Samaantooda anagu ma lihin maxaa yeelay dad hore baa bixiyey, laakiin anagu hada waxaan la baxno baan ka mas'uulnahay. Hadaan iri magacyada Gaalada ee la dabo ordayo ha la iska daayo, ma xaasid baan ahey. Magaca waxaa bixiya dadka waxgaradka ah oo Diinta aduunkaba wax ka yaqaan. Sahal dhulka nagama xigtid, marka ilmahaaga magacyada aad rabtid Sida Yurub, Baarliin ama Istarliin ula bax, laakiin dhulkaan naga dhaxeeya magac aan la aqoon siin mayno. Waxaana kuu sheegayaa inuusan Magaca aad la ordaysaan uusan shaqayn doonin Insha-Allah. Wabilaahi Towfiiq |
    Salah | Sunday, December 24, 2000 - 01:23 pm Asalaamu Caleykum C/waaxid Wax aan kuu sheegee marka hore magaceygu maaha Sahal ee waa Salah, tan kale sxb laf baad toobin ku heysaa, waayo magacaan aad ka xun tahay mar hore ayuu hanaqaaaday oo aduunkoo dhan cirifyadiisa ayaa laga yaqaan marka waxba ha ku daalin. Diintana waxaan u maleynayaa ineey kugu yar tahay, haddaad tiri in Puntland lala baxo waa dambi. Waxaad kaloo tiri Soomaaliya, Hargeysa, Boosaaso iwm dad hore ayaa bixiyey oo xumaantooda annagu malihin. Oo sxb dadkii magacyadaa bixiyey ma xumaan beey sameeyeen oo dambi miyey Ilaah ka galeen. Waxaan u maleynayaa iney si wax kaa yihiin oo saliiddii iyo biyihii aad isku dartay. Taa waxaa caddeynayaa waxaad diidan tahay afrikaanimada, marka sxb ii sheeg qaaraddee baan ka tirsan nahay haddaan Soomaali nahay?!! Inaan kula doodo waqti iyo tamar badan oo waxyaabo badan aan ku qabsan lahaa baa iiga lumaya, waayo waxbana lagaama faa´iideysanaayo waxna lagaama dhaadhicin karo oo waxaad tahay barti yaqaan bari uma korodho, marka sxb nabadgelyo oo aan is cafinno Nabad iyo barwaaqo soomaaliyoo dhan Salah |
    taageer | Wednesday, December 27, 2000 - 06:48 am walee duqa hadal kugu filan waad heshey marka taas waxaan ku daro mahaayo |
    Anonymous | Wednesday, December 27, 2000 - 07:25 am su'aasha waxay tahay "who cares what A/Wahid thinks", haddii reer Puntland sidaas raali ku yihiin. |
    taageer | Thursday, December 28, 2000 - 04:20 am det ved jeg ikke hvem passer hvis ham tro på den måde farvel tak |
    POLICE | Saturday, December 30, 2000 - 01:47 am C/WAAXID ADIGA AYAABA WAAXAD SHEEGTAY ISDIIDAAYAAN WAXAA TIRI MAGAC YADA MUGDISHO, BOOSAASO, HARGEYSA IWM HOREYBAA LOO BIXIYAY OO ANAGU WAXNO KUMA LIHIN MAGACYANTA MAGAALOO YINKAAS, LAAKIIN WAXAAN KAHAD LAYAA BAA TIRI WAXA HADA LAMAGAACBO SIDA "PUNT" !!! SU'AASHEEDU WAA MA MAGA "PUNT" BAA HADA LA ALIFAY MISE WAABA KAHOREERYAY MAGACYADA SIDA BOOSAASO, MUGDISHO IYO HARGEYSA HADIISE KUWAAS AAQAADATAY MAXAA UDIIDAY SAA KAWA KALE OO KUWAAS LIMID AH SIDA "PUNT" OO KABA HOREYSAY KUWAAS KALE???? MARKA TAA BAA KU TUSAYSA IN AADAN KAXUMEEN MAGAC YADA SIDA MUGADISHO IYO HARGEYSA LAAKIIN TAN "PUNT" OO KALIYA AY DHIB KUGU HAYSO > TAASI WAA NOQON KARTAA SIDATAN 1> INAAD KAXUNTAHAY JIRITAANKA PUNTLAND IYO TAARIIKHDA DHEER AY LEEDAHAY IYO HORUMARKA AY HADA GAARTAY. AMA 2> INAAD KAHAD LAYSID WAX AADAN CILMI ULAHAYN. MARKA HADII AY TAHAY NR 1 TAHAY WAXAAN KU ORON LAHAA (ORODOO SAKIIN LAQ) ILLAAHAY HAKUU NAXARIISTO HADAY TAHAY NR 2 TAHAYNA WAXAA KU ORON LAHAA (AF AAMUSAN DAHAB) HADII AAD WAX XIG MADA AH AADAN HEYN SHIRKA HALA IMAAN HADALO AAN SAL LAHEEN. SIFIICANA DIB UGU LAABO OO FIIRI WAXAAD HORAY HALKAAN KU SOOQORTAY ARAGNA WAXAAD KU HADASHA IN AY AKHIRKII LAFTOODII ISKHILAAFEEN SIDA AAN KU KUUGU SOO SHEEGAY. CAAFIMAAD ALLE NABADAY |