We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 23, 2000 - 12:48 am WALAAL JAWAAB SAX AH QOFKII HAYA HA KA JAWAABO SU´AASHAN. SU´AASHAN WAXA IGU KALIFAY NIN SAXIIBKAY AH OO MAJEERTEEN AH IYAA IGU YIDHI MAJEERTEEN QOLADDIINA IYAA REER ABTI U AH. ANIGANA ARINTAASI WAX CUSUB IYAY IGU NOQOTAY SOBOBTOO AH HORE UMA AN MAQAL MAJEERTEENA ISKU DEGAAN MA IHIN. SIDAAS DARTEED WAXAN JECLAYSTAY IN AN SU´AASHA DHAX DHIGO GOOBTAN OOY MAJEERTEEN BADANI SOO BOOQDAAN SIDAAN FILAYO. BROTHERS I AM JUST CURIOUS!!!!!!!!!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 23, 2000 - 03:07 am Majeerteen waa naanaysta Maxemed Harti, oo Hooyadiis oo Ciise ahayd ayaa Majeerteen ula baxday ee awowgeen waxaa la oranjiray Maxamed Harti, marka waxaa reer abti noo ah Ciise. Majeerteen, Warsangeli iyo Dashiishle waxaa dhalay habar Ciise ah, kuligoodna magacyo kale ayay lahaayeen laakiin kuwaas bay caan ku yihiin. Daarood Ismaaciilba waxaa la oranjiray CABDIRAXMAAN ISMAACIIL S/C wiilqardhood@yahoo.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 27, 2000 - 07:26 am waan ku mahadsan tahay jawaabtaada, saaxiibkayna runbuu sheegayay sida jawaabtaada ka muuqata.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 28, 2000 - 04:28 am wiil qardhool warkaaaaaaaaaaas iska daaye qardho war mow heysaa waxay ku cawo baridey. qasatan . shinbiraale iyo xiingood xorgoble qoryo cad heybooqan iyo hololoban sanjilbo guud cad iyo agagageeda marka duqa peace bye
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 22, 2001 - 11:59 am TO: Jantal amiin. War doqon yahaow nacnacda meesha kalatag. Haddaadan s'aasha jawaabteeda garaneyn maxaad meesha nacnacda ugu qortay. To: wiilqardhood. Waad ku mahadsan tahy sida aad arrintaa u fasirtay. Aniga xitaa arrinta iima cadeen. Ciise waa kee ma ciisaha Jabuuti degaa. Mida kale nin yahow maxaad u ceyday Sultan Garaase iyo boqor King Kong, sow nin xishoonaaya oo wax isku falaaya ma tihid?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 23, 2001 - 12:23 am To: Xamar? Ciise waa Ciisaha Jabuuti daga iyaga ayaa reer abti noo ah haddii aan majeerteen , dashiishle iyo warsangeli nahahay.Magaca majeerteenna waa naanays ee Maxamed Harti baa la dhihi jiray. S/C
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 23, 2001 - 04:15 am War wiil_qardhood waad iga qoslisay ee Ciise Madoobena xaguu iga soo galay mase taqaanaa taariikhda arinkaas maxamed hartina hooyadii mageceedi mahjaysaa Keyse
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 24, 2001 - 01:27 am To: Keyse Keyse mahayo magaca AYEYDEEN, Laakiin waxaa iga talo ah in aan Qardho ubixino inta aan magaceeda runta ah ka helayno, taas waxaan filaayaa in ay ka caraysiin doonto reer Ceergaabo iyo reer gaalkacyo iyo reer boosaaso laakiin waxaan hubaa in aan AYEYDEEN aan la dhihi jirin Gaalkacyo iyo Boosaaso Iyo ceergaabo iyo Garowe laakiin waa macquul in Qardho ladhihi jiray (waan iska kaftamaayaa). Walaale Markii Ina Siyaad /Ina Salaad ay majeertenka u cayriyeen Itobia ayaa waxaan Maqalay in Qabiilka Ciisuhu ay markii hore caawin jireen oo ay si aad ah ugu roonaayeen iyagoo leh "gabdhayadii baa idin dhashay" waxaana aan waydiiyay odayaal badan oo Harti ah waxayna ii sheegeen in AYEYDEEN "Qardho" ay ciise ahayd. waxaa kale oo la iisheegay in Islaan Cabdille (Islaankii Mudug ee dhintay)uu hayay sheekadaas waayo isaga ayay Odayaasha Ciisuhu aad ula xiriiri jireen markuu Islaanka Itoobiya qoxootiga ku joogay. Waxaan kale oo maqlay in wiilashii la dhashay Ayeeyo "Qardho" ay dad badani ka farcameen oo ay yihiin qabiilooyinka ciisaha qaarkood, Isimadii qabiilooyinkaas ayayna ahaayeen kuwii sida aadka ah u soo dhaweeyay dadkeena oo iyaga ayaa Islaan Cabdille aad ula xiriiri jiray baan maqlay. waxaa laga yaabaa hadii lawaydiiyo Islaan Maxamed ama Boqor Maxamud ama Islaan Bashiir ama dadkii aadka ugu dhawaa Ugaas Yaasiin ama odayaashii Kulmistagay in lahelo magaceeda iyo laftay ahayd. Keyse Isku day in aad raadisid Magaceedii Runta ahaa iyo mid Lagu meel gaaro laakiin aniga Qardho ayaan soo jeedinayaa......... S/C
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 24, 2001 - 07:00 am Wiil-Qardhood aad ayaad u maahadasntahay war ninyohow waad iaga qoslisay runtii waad iga qoslisay si kastaba aynu labadeenu mucaarad isugu ahaanee ahadan saaxiibkaybaad tahay. War heedha islaanta qardho haw bixin sow ceeb maaha nin ayeeyadiis aqoon wayay Ruuxna haybta kuma raaco hooyo aan dhalina Awliyadii mar hadaad mageceedi aqoon wayday dee waa xujaysantahay, alaylehe nin waliba wuxuu qabuu qardho la imaan War anigu mageceedi oo sadexan ayaan hayaa, kaas oo aan ka soo guuriyay alaha u naxariistee Cali Bare Muuse (calidhaban) oo ahaa ninka soomaali lafaheeda ugu badsha, walaana kuugu sheegayne adaa ku ayeeyo le, reedso. nabadeey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 25, 2001 - 12:36 am To: Keyse Marakan si fiican baad iiga raysay oo waan qirtay. Waanna xujasnahay laakiin waxaa isweydiin leh in aan kabixidoono xujadaan?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 25, 2001 - 03:18 am Hello Keyse waar ninyohow waxaad i xusuusisay carrurnimadaydii waxaan joogi jirey Qardho 70th kii Cali-Dhaban (the old greate teacher) ayaad na xusuusisay. allaah ha u naxariisto in uu dhintay ayaan maqlay. dhor jeer wada fadhiisannay Qardho wuxuu ninkaasi mucjiso ku ahaa abtiriska dadka reer somaliyeed oo aanu garanayn malaha maba jirin meel ay joogaanba ha ahaatee. markaa haddii aad ninkaas wax ka qortay waa wax lagu kalsoonaan karo. Haddaba bal magacii iyo in-aayadii duqda noo sheeg fadlan han noo reer Mudugeyn(kaftan). aniga laftigaygy magac ayaan maqlay hase yeeshee waxaan h=jeclaanlahaa in aan maqlo kan cali-dhaban laga soo xigtey.. Mahadsanid A Ugaas
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 26, 2001 - 01:14 am Waar naw, waar dee hooyadiis haddaa sheegtay, aabbihiis meeyey, ma garacbaa?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 26, 2001 - 07:03 am Majeerteen ama Maxamed Harti hooyadii maga cayda maxa suusto laakiin waxay laheed NAYNAAS aad oo loo yiqiin oo waxaa ladhihi jiray UBO LACAG maadaama ay aheed qof aad looga danbeeyay oo Quwadna laheed laakiinse magaceeda runta ah anaa idiin soo raadin doona Insha Allah. DUUFAAN
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 26, 2001 - 07:55 am Majerteen waa midgo, sido kale darood koo dhan baa ah, markaa waa midgo is urur sadey. haddii aaney midgo aheyn maxaa bari kasta iyago u dhahaan, ciraaq aan nahay, marna, soudi arabia kanime. marka waraa midgoo kudhely.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 28, 2001 - 08:03 am To: Keyse & Ugaas Ayeydeen waxay ahayd Ina Maxamed Cilaabe Ciise (Udbo Lacag)sidaad darteed Keysow Xujadii waan ka baxay adigana waxaad ku xujaysantahay in aad soo raadisid walaalaheed. S/C
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 28, 2001 - 09:52 pm Salaan kadib: Alaylehe nin rage dheh mar hadaad awliyadii mageceedi soo heshay nin ayeeyadii yaqaan dheh, Lakiin wiil qardhoo dhadaana kugu baraarujin ayeeyadaa Qardho ayaa la dhihi lahaa nabadeey walaal.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 28, 2001 - 09:56 pm Ugaas soo dhawoow walaal arinkii aan ka maqlay waal wiil-qardhood oo an ku xujeeyaya ayaa keenay, marka alle ha u naxariistee Cali Barre Muuse jawaabtiisi waa taa nabadeey Ugaaska
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 29, 2001 - 07:43 am aabihiin was maxay been isku akhriyeen aryaa habarta waxaa la oran jiray majeerteen. sidaas waaye sida lai idin yiraahdo dhamaantiin bah majeerteen ciday ahyadna lama yaqaan daka qaarki waxay sheegaan inay ethiopian ahayd wiil bayna wadatay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 29, 2001 - 11:56 pm wiilqardho adigu wacal baad tahay maxaad isagadhigaysaa nin gob ah
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 30, 2001 - 04:10 am waxaan idin dhihi lahaa oo qudha: Ciisaha BAKHTIGA hiiga iyo huluq dameelbaa leh ama Hartida bakhtiga hiigta iyo huluq dameerbaa leh
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 30, 2001 - 05:37 am Iidoor wagaashe iyo kufriga wacad alle baw yaalla. Ciisaha wareeray iyo hoogay Arab baa leh....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 31, 2001 - 03:54 am To: "Shiikh Isxaaq" Ina Cabdille Xassan ayaa yiri -Harti nimaan aqoon baa yidhaa hadalka qaarkiise -waa niman hormuud wada ah iyo hanadyo waaweyne -waa niman hub iyo dawladnimo haysta waligoode(Tusaale:Puntland) -waa niman maalka hambaday hibo Ilaahay -waa niman doonyohu Hindia uga hambaasaane -Waa niman hingaar(=baali) lama wato haybad guursade -Waaniman hunaanaca kufriga hoor ka sooquba e(tusaale: reer Carta) -WAA NIMAN HABLAHA AY QABAAN HALALACLEEYAANE SIDII HAYBAD CURATAY BAY WADA HILAACAANE (Tusaale: UDBALACAG) -Waa niman madaafiicna higliyo haaligiin dhaba ahe -Waa niman haday rag ishayaan huriya baaruude -Daaroodku waa wada halyey kalase hayb roone -Dadka kale waa wada hulqe iyo huubo doora leh e -WAXSE HEERLE HAAD FRANCHI IYO HARABKA IIDOORE -Kuwa fuudka heemiya oo himisku duulaayo aan tan iyo haabiil dharyaha lagula hawsheynin iyana heel inayleeyihiin hubantiday weeye -Nimankii hawaarsaday oo sidii hamas u kow diiday oo ay FUTADU HOOLANTAY oo Hogubka aad moodid iyana heer inay leeyihiin hubantiday weeye - Hinjiga iyo Culaysku kuwuu hoolay dhabarkooda iyana heer inay leeyihiin hubantiday weeye.... HEER= waxaa laga wadaa meesha ay kaaga sawiranto maradu marka ay kugu dhagantahay ama jawaan culus haddii aad xamaali tahay taas ayuuna Sayidku ula jeeday. Marka "Shiikh Isxaaq" Waxba hanoo badalingabayadii sayidka
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 31, 2001 - 12:36 pm Wiil Qardhood tusaalahaagu waa xun yahay (Dowladda Carta lagu soo dhisay iyo Puntland)maxaad u sheegi weyday gabayga Ina Cabdille Xasan uu Daarood ka mariyay (eeg diiwaankiisa gabay no. 40, page 114): Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay waa damiinnimo e Wuxuba waa dufulo waalan aan doocna garaneyne Dawadooda meeshay ka heli deyiba maayaane Doqonniina keliyey u lumi nimanka Daaroode Waa niman Iblays duufsadee dow ka dhaadhiciye Waa niman Ilaahay ka daday labada daaroode Waa niman dariiqada Alliyo diinta caasiyaye Waa niman shareecada dulmiyay iyo daraawiishe Waa niman digniin aan ka qabin dabaqi naareede Waa niman darxumo kaaga iman deeqi loo galo e Waa niman dalaadaha ku qubi derajadoodiiye Waa niman dad kale raacayoo deyr ka dhaadhiciye (tusaale= Majertenka Ethiopia raacay) Waa nimanka dibadduu baxee sii dabeyshadaye Waa niman Canjeelkii dorraad daawadii furaye Waa niman qalbigu diiq yahee doorsanoo falane Waa niman dubaaqoodu yahay inay dareeraane Waa niman dagaalkii kufriga iigu duurxuliye Waa niman aan lala doonahayn dux iyo liibaane Waa niman habaar loo dujee duco ka beydhaaye Waa daallimiin lagu hurshaa dab iyo baaruude Waa niman dad iyo maal Ilaah damug ka siiyaaye (tusaale= Cab.Yusuf & canshuur, shir.kaluunka) Waa nimanka Dacaygii ku jiray daaldhaha ahaaye Waa nimanka Deylkii hormaray dabada dhuubnaaye Waa niman sidii dumar haween laga daneystaaye Waa nimanka doobbiga noqdee duud xammaalka ahe Waa nimanka doofaarka qalan doog iyo abaare Waa niman digniin aan ka qabo duq iyo waayeele Waa niman dareen iga galaan deyrka meersadaye Waa nimanka daacuun jaryow dilay ikhwaankiiye Waa niman aan dib u fiirineyn duug waxay noqone Waa niman danbaabaan waqood daahir noqoneyne Waa niman dafiray oo ka tagay daacadda Ilaahe Waa niman dillaalkay cuneen deyn ka buuxsamaye Dibindaabyo waa niman wax badan ila dul jeerraaye (tusaale= Shirka Ceel Barde) Waa niman dakanadeydii qabaan duudsi noqoneyne Maandhow nin ciil dilahayoon duuban baan ahaye Dadabtii la ii dhigay ma galo toban diraacoode Waxa diifta ii yeelay waa caro daraaddeede Haddii doobte caano ah iyo karuur dacalka lay saro Haddii darib la ii soo dhigiyo duqus la geedeeyay Dibnaheyga soor uma furoo waa diqeysnahaye!! (tusaale= Ragga Dowladda Carta) =========== Bal midkaasna qabso, maxaad ka oran laheyd?! Aniguse waxaan qabaa in Sayidka Allaha u dembi dhaafee uu gabaygaas ku xadgudbay iyo gabayo badan oo kan ka duwan oo uu dadka ku caayay gaar ahaan Majeerteenka. Tan kale Sayid Maxamed Cabdille Xasan naxariistii Janno Allaha siiyo e, dambigiisana Allaha u saamaxo, shaki kuma jirin inuu ahaa Mujaahid weyn oo gaalada iyo wixii la shaqeeyaba aad u neceb dagaal dheerna la galay gaalo iyo cawaankeedba, hase ahaatee markaad dhab ahaan u fiiriso taariikhda Sayidka waxaad arkeysaa inuu ku fashilmay siyaasadda maamulka Daraawiishtii gudaheeda iyo isagoo aan markii dambe u kala aabayeelin dadkii ka soo horjeeday Muslim ama Gaalo waxay doonaan ha noqdeene.. Mararka qaarna waxaad arkeysaa Sayidka (naxariis Allaha siiyo) asaga oo labi qabiil fitno iyo dagaal raba inuu ka dhex huriyo taasoo ah waxaan Shareecada Islaamka marnaba ku bannaaneyn, asagoo laga yaabo inuu ku fekero in haddii qabiilladaas diriraan in asaga dani ugu jirto oo uu ka bedbaadayo inay intay midoobaan asaga ka soo horjeestaan, ama in labadaas qabiil ee uu diradiraalaha ka dhex wado midkood Daraawiishta soo raaco kan kalena cadow Daraawiisheed noqdo. Si kastaba ha ahaatee gabayada Sayid Maxamed waxay muujinayaan kifaaxii iyo halgankii dheeraa ee uu kaga soo horjeeday Gumaystayaashii dalkannaga ku soo duulay ee diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed rabay inay beddelaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 31, 2001 - 02:37 pm tO: WIIL QARDHO CIISAHA BAKHTIGA HIIGA IYO HAQAY MID GAAN BAA LEH INTII HABAR MAJEERTEEN IYO HALALASH NAAGAALEH HILBO QUDHUN AH DHULBAHANTIIHII HURSAN JIRAYBAALEH HARAG QUDHUN AH WARSANGALIGII HOODHIN JIRAY BAA LEH ALLA I LEH DAD LA MA CAASIYE DARISNIMO ISAAQ BAA LEH HUURAALE DAAROOD IYO HULUQ DAMEER BAA LEH.( TUUGII REER XAMAR) TALAATIINKA RABADAN NINKII IDIN TAGLIIFAYA TOBADDA IYO ASHAHAADAD NINKII IDIN TARAARSIYAY KUN TASBIIXSANAYUU SIDDII TAYSE GAWRACAYE MA TALYAANIGAASA MAHDIYA TANINA WAA YAABE TUNKA KALE DHIIGIYO ILLMADA IDINKA TIIXAYSA TARBIICADDA DAY WAA TAA KUFRIGA NAGU TILL MAANTEEN HADDAB TOOGA BAXA WAA JANAD TALALAXDEEDIYE ( WAA AL SAYID CALI JAAMAC HAABIL ) AMIIRKII SOMALILAND IYO BOQORKII AFKA SOOMALIGA NIN ISAAQ GODOBTII BARTAAN GADHKA KA HAYAAYE(SALLAN CARABAY) GUUBADII FARAX NUUR GUBA LAFTEEDII DHEH( ALI BANFIS ) HAAD QABIILIGA ISAAQ HIBO ILLAAH SII ( SALAAN CARABAY ) MA QABIYADA DABOOLAYD WIXII LA LA DUKHULAYAY DAGAALYAHANKA IIDOOR WUXUU DARAYAY CAADHKIISA DOOXADDA GAROOWE WUXUU HAADKU DULUFEEYAY DARXUMADA NIMKII NABADEE DUUFKA NA CUNSIIYAY DAAROOD ISMAAIIL MA OGA DUUBTA LOO QODAYE WAXAA IGU SII DIGTAY MARKAAN SII DABAYSHAYADE MUSLINNIMO NIMAAN KUGU DHAQAYN MUUMINNIMO KHAAS AH GAAL MAXASTA KUU DHOWRA OO AAD MAGANSATAA DHAMA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 31, 2001 - 09:53 pm TO:Wiil_Q@radood:meelbaan kuu saxayaaye bal fiiri Waaniman halhaha ay qabaan halalacleeyaane Sidii hoogadoo curatay bay shuqul hilaacaane. TO:Gabay adigu meesha wax gabat lagu sheegi karo lama imaan. nabadeey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 03, 2001 - 01:13 pm TO:wiilqardhood iyo kayse salaan ka bacdi war boowayaal waxaa jirta sheeko kale oo oranaysa in islaanta ina majeerteen ay ahayd ciise laakiin ay wadatay markii uu udaygu guursaday wiil yar oo ay u dhashay nin axmaar ah, marka wiilkaasu uu ahaa ninka hadda la yiraahdo majeerteen adaygana u dhashay wiilasha kale sida warsangeli dishiishe marka ma tiinaan xaqiiqsanaa mise tan kale? maxase daliil ah ood haysaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 03, 2001 - 03:38 pm WAR MA RUNBAA MAJEERTEEN HOOYADII WAXAA DILAY DHULBANTE?
|