Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Bililiqo-dhuleed hantida Qaranka ah oo ka socota Muqdisho
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaabane

Saturday, December 23, 2000 - 11:12 am
Bililiqo-dhuleed hantida Qaranka ah oo ka socota Muqdisho
PS: waxaa halkaas ku duugan madexweynihii hore ee soomaaliya iyo prime ministerkii hore ee soomaaliya abdulrashiid ali sharmarke iyo prime minister kii koonfurta soomaaliya 1956-60 ahaana secretary generalkii syl abdulaahi isse
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Dec 22 (HOL) - Boob darran oo lagu bililiqeysanayo dhulkii hantida Qaranka ee dalka kaydka u ahaa ayaa maalmihii ugu dambeeyey si xowli ah uga socday magaalada Muqdisho. Dadka dhulka bililiqeysanaya ayaa ku kala gadanaya qiimo jaban dhulalkii ay lahayd dowladdii hore.

Dhulkii kaydka u ahaa warshaddii Daawada ee ballaarnaa, una dhexeeyey fagaarihii hore ee 21-ka Oktoobar (Tarabuunka) iyo isbitaalkii weynaa ee Digfeer ayaa labadii cisho ee ugu dambaysay waxaa ka socday dhisme xooggan. Shirkado iyo shaqsiyaad labadaba ayaa waxa ay dhulkaasi ka iibsanayaan kooxo ku haysta awood, iyagoo doonaya inay ganacsi iyo degaameyn labadaba ka sameeyaan.

Duqa magaalada Muqdisho, C/llaahi Muuse Xuseen ayaa shalay ku dhawaaqay inaan la iibsan karin hantidii Qaranka ee ay lahayd dowladdii hore. Waxa uu amar ku bixiyey Duqa magaalada Muqdisho in la joojiyo howsha bililiqo-dhuleedka.

C/llaahi Muuse Xuseen, waxa uu qeexay in Dowladda KMG ahi ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto dadka caadeystay beryahan dambe inay hantida Qaranka u isticmaalaan si gaar ahaaneed.

Waxaa lagu macneeyey boobkan hantida Qaranka ee hadda socota ka gaarsiin looga sii gogol dhiganayo inta aanay si rasmi ah u howlgelin Dowladda KMG ah. Waxaa kaloo iyana jirta in dadka dhulalkan haysta ay yihiin dad dhaqaale-doon ah.

Muddadii ay socotay dhismaha iyo kala iibsiga dhulalkan ayaa tallaabada iibku waxa ay soo gaartay khabuuraha Tarabuunka. Waxaa maalmahanba is haystay dadka dhulalka haysta ee iyagu iibinaya iyo ehellada dadka ku aasan khabuuraha. Waxa ay dhul-bililiqeystayaashu doonayaan in dadka ehelladu ay lafahooda la baxaan (lafaha maydkii ku aasnaa khabuuraha), halka ehelladuna ay diiddan yihiin arrintaas.

Madaxweynaha Dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu hanjabay kooxahan in si kasta oo ay u boobaan hantida Qaranka iyo si kasta oo ay guryo uga dhistaanba aakhirka la dumin doono. "Shan shan dabaq hadday ka dhistaan, aakhirka waxaan ku dumin doonaa baldoosarro" ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan oo toddobaadkan soo hadal qaaday arrinta bililiqo-dhuleedka,

Toddobaadkii tagay, waxaa arrintaasi awgeed isaga hor yimid labo kooxood. Hal qof ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhintay mashaqo ka dhalatay is haysadkaas. Waxaa aakhiritaankii ku guuleystay inay gaaraan ujeeddadii ay lahaayeen kooxda boobaysa hantida Qaranka, waxaana ehelladu ay ku qanceen inay lafaha dadkooda meel kale ku aastaan, kalana baxaan khabuuraha si dhulka loo dego.

Magaalada Muqdisho ayay arrintani ka noqotay sheeko aad u xiiso badan. Maqaayadaha iyo goobaha dadku ku kulmo, waxaa habeennadan lagu wada falanqeeyaa arrinta boobka dhulka oo ku socota xowli dheereeya oo aan iyadoo kale la arag tobonkii sano ee colaadda.

Dad badan ayaa u dalxiis taga khabuuraha Tarabuunka maalin walba si ay u soo daawadaan dadka dhulalka hantida Qaranka iibinaya oo aad u hubeysan iyo kuwa ay ka iibsanayaan oo iyaga qudhoodu hub badan sita.

Waxaa aad u yar rajada dadku ay ka qabaan in Dowladdu KMG ahi ay wax ka qaban karto arrintan. Dad badan ayaa aaminsan in kooxahani ay ka faa’iideysanayaan xaaladda isku cakiran ee iyo khilaafka siyaasiga ah ee Muqdisho ka aloosan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mire

Saturday, December 23, 2000 - 02:13 pm
Asalaamu caleykum

Ilaahoo nin aan wax ogeyn ha cadaabin! Sxb wax la yaab leh ma noqoneyso in dhul iska banaan la iska dhisto ee maxaa looga hadli waayey guryaha dadkii lahaa intii lagu dhex dilay illaa iyo hadda xoogga lagu heysto iyo guryihii dowladda oo illaa iyo hadda ayagana dad kale xoogga u jiraan.

Uma arko arintaan mid lala yaabo