Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Qoom C/laahi la buubey, Ina Xaaji Aadana baacinayo, Abshirna beytinayo, buulkeyga aan ka galo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Saturday, December 23, 2000 - 11:13 am
Asalaamu calaykum

Wadadii kala bax, buurna ka tuur, boholna kula dhac, dadna ku bax qaarna ku burbure, barwaaqo baa soo socota kii abarayoow waa inoo beryo dabadood hadii nafta been ah aan la iga qaadin.

Qofkii C/laahi barwaaqo ka suga wuxuu la mid yahay qoomkii inta Cadaabku kor yimid yiri waa daruuro rooba oo xareed baan dhacaynaa.
Waxaan kaloo ku celinayaa aayad aan marar badan xuso oo ah:

" Waladii khabutha laa yakhruju ilaa nakidaa" oo micnaheedu yahay dhulka kiisa xun waxaan xumaan ahayn ma soo saaro. Soomaaliduna waxay dhahdaa hal booli ah nirig xalaal ma dhasho.
Hada mawaxaad leedihiin nin waalan baa wadada na tusaya.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi-salah

Sunday, December 24, 2000 - 10:16 am
Akhyaaru salaaman, intaa dabadeed saaxiibkay Abdiwaaxidow magacaagga iyo caqligaagu isma laha. marka labaad nin oday ah oo wax badan og baa dadka i yaqaan igu maleeyaan, haddii aan adiga ku qiyaasayna waxaad iila muuqataa wiil awr layli ah saaran meel uu ku tuuri doonana aan garanayn, aanna ogayn inuu awr layli ah saaran yahay. marka saddexaad waan kaa naxayaa ee waxaad yeeshaa dadka cilmi nafsiga bartay la xiriir, waayo waxaa laga yaabaa inaad isu haysatid inaad caafimaad qabtid, waana laga yaabaa inaad fysically ladan tahay laakiin waxaa shaki weyn ku jiraa sidaad physically u bed qabtid. Waxaad ka waantowdaa inaad bini`aadanka ku mashquushid oo aad shaqo ka dhigatid hebel iyo reer hebel baa sidaa iyo sidaa ah,waxaad ku tala gashaa in halgan dheer oo nololeed if iyo aakhiroba uu ku sugayo. Baro oo isku taxaluji sidii aad isu waafajin lahayn magacaaga quruxda badan iyo caqligaaga laga naxayo. DAWOOW OO DAWOOW OO ILLAAHAY BAAN KAAGA BARYAYNAA INUU CULAYSKA KU SAARAN KAA DUL QAADO.

sOOMAALIYA HA NOOLAATO , SOOMAALIYA HA IS RAACDO,

SAMAANTEED IYO XUMAANTEED SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH SAREEDO HADDAY KU WAARTO HADDII SILIC IYO DHIB GAARO SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sayid cumar

Sunday, December 24, 2000 - 09:58 pm
c/waaxid ninkaa taladiisa qaado oo walaal isa soo baar maxaa yeelay waa markii afraad oo aan ku iraahdo walaalow xishood oo xataa hadaadan qofka shaqsiyadiisa ku ixtiraamayn dadkiisa ku ixtiraan.

anigu personally c/laahi siyaasad kuma raacsani laakiin waa nin ina adeerkaya oo dadkaygibaa qaar wataan tan labaadna cay igama istaahiloo waa oday adeerkaya

hadaba walaal adoo raaliya balnoo sheeg colaada aad c/laahi u qabtid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jantal amiin

Wednesday, December 27, 2000 - 06:31 am
aqyaarta waan idin salaamey .
marka tan kale ee ah in pland ey dhiban tahey waa mid jirta koley dadka oo dhamina ma wada fahansana .
horta jaahil mahansana
aqoonyahan u dhasheyna dhafooraduu heystaa
dhalintiina dibadey qaxooti ku tahey
marmarka qaarkana waxad moodaa iney halkaan isku caayaan oooo eyba talada meel xun gaarsiiyaan
marka aqyaarta ogaada ha is caayina gobolka waa kiinii marka hore taas ogaada .
naftiinana kheyr u sheega
siyaasada hadaad jeceshihina
si fiican uga qeyb gala
idinkoon is caayin
oon is aflagaadeyn
'
hadaad siyaasada kaqeyb galeysaana
odey cabdulaahi waan og nahey waxba
meesha kuma haayo asagaaba jiran ooey tiisu cusleysey
marka odey cabdulaahi kula dooda
waxyaalaha uusan wax kaqaban sida in magaalada si fiican loo nadiifiyo
in in airoprka ladhiso
in dekeda ladayac tiro oo kaliya aan canshuurteeda lacunin
in caafimaad wax laga qabto
dadka gaajeysan ee masaakiinta ah lacaawiyo
indadka qaxootiga ah oo bosaso degan guryo loo dhiso.
in siyaasada soomalida kale lahagaajiyo
oo soomaliya heshiis lala galo arinta kismaayo wafti loo diro marqaanka dajiya
in biyaha gobolka lahormariyo
in xaga korontada aad wax looga qabto
mybe my be inaad hadaad cabdulaahi taas kula doodo inaad kursiga haraati uga tuureysid ayaan hubaa.
xataa waan ku dhaaran karaa
sababtoo ah shacabka pland qofkey doortaan ayaa xukumaya
mafahanteen aqyaatow marka sodaas hanoo ahaato
hana is caayin awada hadla ragu wa wada hadlaa
peace and good luck
byeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee you all