    XAGAAFE | Monday, December 25, 2000 - 02:44 pm Mararka qaarkood shacbiga soomaaliyeed waa u naxaa waxaana oga naxaa dadkan umada soomaaliyeed ku xuuxinayo diinta waa leathal iyo waa sef afkeed iwm. Taas oo ah daciifnimo noocii ugu danbeeyey oo ah in wixii ilaah kuu soo dejiyey ay ceeb noqoto iyoi in aad baniaadam uga baqato wixii guud ahaan iyo gaar ahaan dan u ah shacbiga soomaaliyeed. sidaanu la socono shaati gaduud,gabyoow,muse yalaxoow,morgan,cigaal iyo cabdulaahi yuusufba waxay u amba baxayan ethiopia iyagoo soo fulanayo amarada ethiopia ee ah baaba'a u mada soomaliyeed iyo iyagoo ay waaxda sirdoonka ah CIA ee maraykanku ay joogaan baydhaba iyagoo musaacadaya ethiopia oo xiriir dhanakasta leh uu ka dhaxeeyo. waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa hadii ay dawladan xun tahay miyaan xumaanteeda darteed ku iibasan garaa wadankayga si guud iyo si gaar ahaaneed intaba??? waxan afeefanayaa in aan la is caayin ee nin walba iyo dumar walba uu aaraadiisa si hufan un u soo gudbiyo. salaan sharafleh |
    Gaalkacyoos | Monday, December 25, 2000 - 07:38 pm War adkayso illaahay nin buu kaa dhigaye, Itoobiya sowtii bishii dhawyd ay joogeen kuwaan isku sheegaya Dawlada kumeel gaarka ah, oo waliba ay sheegayeen in itixaad iyo islaax aysan ku jirin dawladooda iyo ciidankooda, marka haddii siyaasadii Habar gidir laga badiyay diinta haku gaban, awalba markaad ummada dhiigeeda daadinayseen Diin idiinma muuqane, ma haatanbaa kuligiin muslim qaas ah noqoteen. ma rabtaan in Somali isku soo nqoto? ma rabtaan in aad ummadiina ka mid noqotaan? maamul samysta, cadaalad sameeya, dadka dhulkooda uga kaca, guryihii dadka ee xamar soo celiya, Somali wax la qaybsada didinkoon sad bursi wadin. intaas ka dib waa laysku imaanayaa, balse intaad dawlad baan nahay meelaha la wareegaysaan Somali waad sii kala fogaynaysaan. |
    XAGAAFE | Tuesday, December 26, 2000 - 07:44 am gaalkacayo, walaal hadii uu garaadkaaga intaa gaaraay alle kuuma dhaamo sababtoo ah this is beyond qabiil kaas oo madaxaaga ku wareegaysanaya. Arintan waa mid adiga iyo wixii kaa farcama raad ku yeelan doono. Habargedir waa somali waana walaaladaa dad isla dhashayna shisheeye uma dhaamo hadaad dawladan ka soo horjeedana qof ahaan uga soo horjeeso ama indipendent uga soo horjeeso laakiin don't be ass licker. |
    Anonymous | Tuesday, December 26, 2000 - 08:34 am what ever, Habar gidir inta ay ku jiraan Camal Mooryaan Itoobiya ayaa nooga sokaysa. ama waalo ama wareer, itoobiya dadka familkaga uga dhintay waa kuwo ku dhintay iyagoo dagaal ku jira, balse itoobiya wali ma maqal in ay sameeyeen waxii Habar gidir sameeyeen, walina ay inkiraad iyo in ay wax sameeyeenba aysan la ahan, intaad inkiraad ku jirtaan isku ummadna ma nihin wax naga dhaxeeyana ma jiraan. |
    sugule | Tuesday, December 26, 2000 - 02:15 pm waryaa xagaafe yaa idin gaaray iljeexay, ma maantaad muslin noqoteen, mase is weydiisay islaamka ma ogol yahay in qof muslim ah la dhaco, in qof muslim ah la dilo in lacag been abuur ah la keeno oo masaakiinta xamar looga bedesho dollar-ka, mise islaamkiina waa mid cusub oo d'jibouti lagu soo sameeyay oo dadka la diin ma ihidiin. mooryaan baad tahee nac nacda meesha kala tag walee waxaad ku fiican tahay in laguu celiyo dadkii ku lahaa, markaad la joogtay islaam baad ahayd. |
    BOOTEEYE | Wednesday, December 27, 2000 - 12:57 am Xagaafe Saaxiib dadka waxa ku dhacay cudur la yiraahdo HABARGIDIR, hadaad cirka kala hadasho waxa ay ku leeyihiin habargidir, hadaad dhulka kala hadashana waxa ay leyihiin habargidir, anigu waxaan u arkaa in habargidir la buunbuuninayo ee ay yihiin dad caadi ah oo soomaali ah, hadaad xamar tagto dadku uma arkaan qabiilkaas dad ka gedisan dadka kale , laakiin markaad internetka gasho ayaa la yaabaysaa,. KUFAAAAAAAAAAAAARKA AMXAARO, IYO KAY KU XAMAALATABA XOOG AYAA KA SOO HOREEYA EE ISKA DAA |
    samatar | Wednesday, December 27, 2000 - 09:54 am habargedir waxay libaax ku yihiin xamar iyyo koonfur, waad taqaan meesha shaabuuga futada looga garaaco may tagaan waa kuwaas islaamka ku ah oo dadka u qidmeeyo, allow habargidir mudug joogta ha naga qaadin ileen la'aantood wax xaabada noo keenaya ma jiraane. |
    Gaalkacyoos | Thursday, December 28, 2000 - 07:36 am Samatar waan kugu diiday in Habar gidir lagu caayo shaqooyinkooda aan ahayn dhaca, nimankaan waxay caan ku yihiin waa shaqaystaan, taasna anigu waxaan u arkaa istaanta kaliya oo ay ku wanaagsan yihiin iyaguna ku faani lahaayeen, waa run in dadkoodu shaqooyinkaas qabtaan, oo xamaaliga, dhuxusha, caanaha ay gaalkacyo keenaan, taasna waa wanaag ay leeyihiin, waxaa cajiib ah ayaan dhexdaas ah arin Gaalkacyo ka dhacday, waxaa la dajinayay gaari rashin ah, shaqooyinkaasna waligood laguma qabsan habar gidir, mid Majeerteen ah oo gaajaysan ayaa waxaa uu damcay in uu gaarigii wax ka dajiyo si uu qado uga soo saarto, ka dibna xamaaliyaashii habar gidir ayaa arkay, mid ayaa inta qori hoos kala soo baxay ninkii meesha dadka hortoodii ku dilay, ina adeerkii oon ka fogayn ayaa isna labadii nin ee habar gidir meesha ku dilay, xaal markuu halkaas marayo ayaa waxaa shiray odayaashii, habar gidir waxay yiraahdeen in shaqooyinkaan nala ku caayo iyo nalala qaybsado Majeerteen isku heli mayo, ma ogi arintii sidii lagu dhameeyay balse taas waa wax dhacay, aniguna qof ahaan waxaan rumaysnahay in haddii aan dad majeerteen ah oo shaqadaas qabanayaa jirin in loo daayo, aanana lagu caayin, maxaa yeelay waxay hayaan hawl bulshada labada dhinacba u baahan yahay. anigu waxaan habar gidir uga soo horjeedo waa dad cunimadaan kale oo ay waayahaan la soo baxeen, intii ay ficilkaas ku jiraana nabadi nagama dhaxayso. |
    XAGAAFE | Saturday, December 30, 2000 - 10:39 pm inta jiran, Walaalayaal qofka aadan aqoon u leeheen waxba laguma judge gareeyo marka hore anigu cidaad phopiada ka qabtaan maahi oo waxa aan u qoray topic gaana maaha mid qabiil ee waa mid aan kula hadlayo somaali maxamed reerkuu doona ha ahaado. Waa mida koobaade ma gurigaadaad cadaw ku aamini lahayd mise walaalkaa ayaad cadow usoo wadan leheed? miyaanay idinku jirin in baniaadamku uu yahay afar farood oo kale? miyaanay dadkiinaan qurbaha ku googo'ay aysan faaiido ugu jirin in wadanku uu xasilo whatever means necessary? imisa qof baa baahi iyo darxumo ay dibad iyo gudo kahaysaa? macnaha dawlad xun iyo mid san ba ma kasaysaan? hadii ay usc uu genocide ku sameeyey dad rayad ah oo non usc ah maxay ku kala duwan yihiin genocidekii ragimekii hore uu ku sameeyey mudug iyo waqooyi galbeed? miyaanay haboonayn in haduu weelka caanuhu daato ladaba qabto oo inta hartay in kale lagu daro? maxayse aysan somalidu inta badan ay u kala bixin danta guud,tan gaar ahaaneed,iyo tan shaqsiga ah. walaalayaal waxaan filayaa in aan si negative ahna loo arkin ee bil xaqiiqo ahaan loo fiiriyo oo inta badan dadka ay isha kaliya ay ufaran tahay tan kale ay si wanaagsan u furaan. wa bilaahi towfiiq |
    Anonymous | Sunday, December 31, 2000 - 04:12 pm Mr.Xagaafe, Qabiilka joojiyana waadleedahay..ISLAAXna waad sheegaysaa? Islaax soo Shiikhaal ma aha? yeysa u shaqeeyaan? Masar?..Adigaa og.. Islaax way isticmaalaysaa Ina Salaad Boy (Ceyr) Hadda sababtoo ah dantooda ayaa ku jirta..Laakiinse Asaguna wuxuu umaleeyaa inuu ayaga(Islaax) isticmaalayo.. |
    XAGAAFE | Sunday, December 31, 2000 - 07:02 pm ANONYMOUS, WAR INANAGAA WAX ARAG.NIN YAHOOW FALACYGA BADAN WAA KUU DANBI HADAADAN OGAYN. ANIGU AL ISLAAX IYO AL JUQORAAFIGA AAD SHEEGAYSO GARAN MAAYO MEESHA AAD KA KEENTAY LAAKIIN HADAY UMADA SOOMAALIYEED WAXA AY KU SUGAN YIHIIN KA SAARAYAAN,WAAN RAACI LAHAA LAAKIIN WAXAY YIHIIN BAAN AQOON U LAHAYN. CABDI QAASIM HADAAD REER AHAAN U NECEB TAHAY WAA KUU JAAHILNIMO HADAAD SHAQSI AHAAN U NECEB TAHAYNA LABADIINA AYEY U TAALAA. WAXAAN PAGEKAAN U FURAYNA MAAHEEN IN AAN QABIIL KA HADLO EE WAXAY AHAYD IN LOO WADA FEEJIGNAADO DANTA GUUD OO HA IN AAADAN MUSTAQBALKAADA IYO KAN JIILKA SOO SOCDA HOG DUGAAG AANU KU RIDIN.ADIGANA REER HEBEL IYO WAXYAALO QAYAALI AH BAAD AAMINSAN TAHAY SABABTOO AH KUWII WADANKA SOMLIA MA JARAHA U SOO QABTAY AYAA EEDA MUDAN SABABTOO AH HADII AY WADANKOODA WAX QABAD U SAMAYN LAHAAYEEN SAAN UMA HADASHEEN OO INTAN WAAD KA FOOFI LAHAYD ILAAHNA WAXAAN KA BARYAYAA IN UU JIDKA TOOSAN KU TUSO WASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI |
    Saacid | Monday, January 01, 2001 - 03:38 pm to xagaafe war nacnacda inta aad iska dayso orodoo naftaada iyyo tan reerkaaga wax u qabo, wax kale ma tihid mid u hiloobay guulwade-nimadii, war ma ogid miyaa? in lagu jiro 2001. adna maanta ayaad ka hadlaysaa abdulqaasim iyo regime tagay 10 sano ka hor oo caqligaada liita ayaa ku tusay in afweyne intii la soo hal maashay ay maanta soomaaliya wax ka noqon karaan. wake up and smell fresh coffee from puntland and somaliland iyo siday leedha caafimaad iyo horumarka ugu sii talaabsanayaan. |