Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics: Gabay Yaableh
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowneyn

Monday, December 25, 2000 - 05:55 pm
Bismillaah

Tixdan ayaan aad u la dhacay waayo raxmadda diintu qof la ciilay oo ku Amran argoosi iyo col abaabin buu quran ku dawaaye oo ka ololiya qalbigoodi belladu hadhsatay RAXMAD.

Gabay abwaanku wuxu u tirriyay innuu ku dhiiri geliyo dadka Somaliland Forum ka mid ah deeq inay u fidiyaaan school cerigabo laga dhisayay.

Kowneyn


Amran waxay ku dhalatay agagaarka Yufle, waxayna u dhalatay si-yaab iyo fajac badan. Waxay ahayd goor casar ah ammintii Cosob oo Amran uurka ku sidda, sedkeeduna dhowyahay loo baqooliyay ayda si ay kaynta rabbi kor u saaray uga soo goosato udub.



Amran aabbaheed Nuur wuxuu si daymo-bogasho leh geelii reerka ugaga dhex fooryayay goob aan ka dheerayn barta Cosob udubka ka goobayso. Sidii dhaqdhaqaaqa mucaaridka dawladdu aagga ugu bateen askartu marnaba kama qoobqaaddo degaanka. Gelelefka, dhaca, dilka iyo boobku waxay noqdeen faral shaydaan. Ciidanku ma-raadsado ciddii wax u geysata ee wuxuu ka goostaa marba cidda ugu dhow.



Alla-hoogay""" tolow maku-dhacday??? tacshiiradda sanqadheedii ayaa Cosob dhegaha dillaacisay. Waxay usoo hangagaartay dhankii geela iyo Nuur ka xigeen. Waa xaamilo culus oo si fudud isuma qaadikarto. Waxay soo hadaaftaba waxay dultimi aragti ay in badan ka ducaysatay inaan Eebbe kusoo saarin. Waa qayb.



Intay ruugagga dhulka dhigtay ayay Nuur wixii madaxiisa ka hadhsanaa soo qabatay oo u laqintay ashahaadadii.........dhiiggii kasoo booday halbowlayaasha dillaacay iyo dareerkii maskaxda ayaa dhanwalba u raacay gamcaheedii oo aakhirkii kalsho ka samaystay dhabteeda.

Waxay Nuur naftii kaga baxday ooridiisii dhabteeda......Amran oo markaas dhexjiiftay uurka hooyadeed, aragna aan kaga bogankarayn waxa ka socda duddada ka baxsan xaydaankeeda dugsoon ayaa dareen gooniya kula socotay sida wax-u-dhaceen....

Amran waxay ku calool gashay duni werwer iyo walaac badan, waxayna ku dhalatay duni utun iyo aargoosasho u heellan. Waxay ifka usoo baxday iyadoo dibnaha ruugaysa oo ku talojirta inaanay dunida dhiillo mooyee raad kale kaga tegin.
Muddo ayay Amran cantuugada bartuuxda kaga boganjirtay aargoosigeedii hayay. Waxay ku xigsiisay huruufka indhaha ee dhallaanka faceed ah. Hadduu jiro uumiye akhriya qalbiga Amran wuxuu soo saarilahaa dareenka karaya ee ka holcaya badhtankeeda.

Markay afbarad gaadhay waxa Amran lagu daray dugsi Quraan. Amran waxa helay isbeddel nololeed oo fajac iyo yaab badan. Waana isbeddelka ay Amran tixdan inoogaga warramayso................



"Afti"*** Curatay 30 August 2000 "***Ceerigaabo , Somaliland...



Waxan ahay AGOON aabbaheed; Iishay waa-hore'e

Amran waxan la-baxay maalintaan; Uur-habreed galaye'

Iyadoo adduunyada wed-jiro; Axadna waaraynin'

Uu Eebbe(SWT) sheegoo dhammaan; Laga irdhoobaayo'

Sida aniga eeb iigu dhacay; Urugadeed reebye'

Yufle idhimadiisiyo halkay; Ayro ku ekaato'

Islaantii i dihatoo dharaar; Udub ka goynaysa'

Uu odaygu geeliyo la-jiro; Rimayda oofweyna

Anna aan halkii lay-amriyo; Uurka fananaayo'

Arxandarantu waa-tii marqudha; Mudatay ooddiiye'

Ilmadii tiflaysiyo siday; Hooyo uga oyday'

Sakaraadka iihdiyo codkii; Aayar uga yeedhay'

Ashahaadadii loo laqimay; Erayadii suulay'

Oryankii ka baxay duullankii; Eedda culus geystay'

Inkastaanan uunkana dhex-iman; Aragna ii haynin'

Unugyada jidhkaygaa dareen; Aad-la-ii-xulaye'

Ifka waxan usoo baxay anoo; Aarso laasimay'

Hayeeshee markii Alif-kordhaban; Laygu ogogyeelay'

Alxamduda bilowgiyo markii; Erayo lay teedshay'

Iqra iyo markii diin furqaan; Laygu amarsiiyay'

Arxan iyo naf loo tudho dhallaan; Oodda laga leexsho'

Mid itaalka gabay oo waddada; Aayar laga muudsho'

Ixsaan lays-taraa ii kordhiyo; Taakulayn abide'

Inaan aano raandhiis lahayn; Helay ogaysiise'

Albaabkana tacliinbay furtiyo; Eray higgaaddiiye'

Maantana inaan oodda-iyo; Aqalka sii dhaafo'

Dhakhtarada iraabka leh dawada; Oofwareen-jebisa'

Ilayskiyo kuwaa nuurka dheer; Ololsha ee taaga'

Umalkiyo harraadkiyo kuwaa; Oonka dabargooya'

Isgaadhsiinta yaabka leh xubnahan; Erayga qaadaaya'

Iliilaha kuwaa teediyee; Dhaafshay aradkoo dhan'

Inaan ehelka dhow-iyo-tolkiyo; Deriska aaggayga'

Arladaa Sanaag-iyo-degmada; Udubka sii meersan'

Ururkeeda Somaliland; Ul-iyo-diirkeedba'

Iftiin horumar inaan tiimbiyaa; Way odoroskay'e

Indhal-baase iga seeganoo; Waa albaab qudha'e

Inaan himiladaydiyo igmado; Hirarka ii oodan'

Idinkaa itaalkiin hayee; Ii arxama maanta'

Ifka inaad astaan kaga tagtaan; Aakhirana tii san'

Albaabkiyo siliiggaa bannaan; Awda tacabkiinna'

Awaarena waxaan kaga kacoo; Ogogle ii raadsha'



Maanta Amran waxay diyaar u tahay tacliin dugsi sare, nasiibdarrose magaalada ay ku nooshahay malaha dugsi sare. Waa baaqa ay la socoto. Waa codsiga ay dhiibanayso. Waa kaalada ay marti uga tahay gacalkeeda hayn dhaama ..........



"Ma-hadhin hadal lays yidhaahdaa"......Cali Sugulle



Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK