    ShaqsiSoomaali | Monday, December 25, 2000 - 08:02 pm Kadib markaan arkay meelal badan ee dowlada cusub lagu wada caaynaayo, waxaan rabay in aan idin weydiiyo; Soomaaliya 10 sano bey dagaal ku jirtay, ummad badan oo Muslim ah baa dhintay. Dad badan baa ka soo wada cararay, dad fara badanna weli bey dhibaatooyin ku jiraan. 10kii sano ee na soo dhaafay, wax dowlad ah Soomaaliya ma eysan heysan. Hada baa la suubiyey waxa dowlad ugu dhow ee la suubin karo. Qaladkeeda waa badanyahay waana loo wada jeedaa, laakiin maxaa afka loogu wada taagaa oo loo caynaa? Ma waxaa la hilmaamay dhibaatooyinkii la socday dowlad la'aanta? Dadka dibadaha jooga ee qabiilku ka cararay waaye kuwa caaytama. Dadka Soomaaliya jooga waa macaadeen, waxay ka taagantahay dowlad yahuud ah baa dowlad la'aan noo dhaanta. Ee maxaa idinku wada dhacay? Maan Alle (SWT) u wada barino dowladan cusub oon nabad raadino? Maan qabiilka iska dhaafno? Maan Alle ka baqno? Maxaa ku dhacay Wadaninimo? Dowladaan cusub rajooyin badan bey leedahay. Shaqooyin badan baa dad masaakiin ah u wada furmaayo mar dhow, dadkaas baahi bey hada ku jiraan, laakiin Insha Allah wax ku noolaadaan bey helaayaan mar dhow! Soomaaliyeey, maan qabiilka iska daayno? 10 sano baan is dilnay, ma nagu filno miyaa? Dadkiina dibada wada jooga, afka uun baad hadal ka heysaan. Rafaad kuma jirtaan. Soomaaliya baahi idin-kuma heyso. Waa idin gaartay! |
    Anonymous | Monday, December 25, 2000 - 08:46 pm Shaqsi Somali dawlada si qaldan ayay ku aasaasantay, qabil somali ah ayaa inta lacag dad siiyay waxay dheheen dawlad baan nahay, cidna ma matasho, indhaaha ha iska ridin, Somaliland ma matasho, Puntland ma matasho, RRA, matasho, USC/garabka muse sudi ma matasho, marka ma waxaad leedahay wax niman maafia sameysteen Somaliyeey taageera, iska dhaaf beerlaxowsiga, Somali Dawlad waa u baahan tahay, balse dawlad maahan. |
    Daljir | Tuesday, December 26, 2000 - 05:34 am ShaqsiSoomaali 10kan sano oo aad carrabka saartay dhibaatadeeda, marna ma isweydiisay maxaa keenay ama ka dambeeyay? Ma duufaan oo kale ayad ka soo qaaday iyo dhib dabiici ah? Marna ma garan weyday inaad tiraahdid 10ka sano kuwii dadka laayay yaan loo duceen ee ilaahow naga qabo? Saxib qabiilka yaan laga beensheegin ayadoo aad hoosta ku wadataan dhammaantiin. |
    ShaqiSoomaali | Tuesday, December 26, 2000 - 10:24 am Anon, Muse Suudi iyo RRA ninka u taliya Shatigaduud labada waa tuugo, faa'iido ugu jirto dilka iyo dhaca, Puntland ka utaliya C/llahi Yusuf asagana saxiix buu Ingiriiska kula jiraa oo bada Soomaaliya bey ka kaluumeystaan, qurunna ku shubaan. Somaliland ka utaliyana dadkiisa baaba haysta oo dhibaatooyinkiisa aad bey u badan-yihiin. Dowladan qabiil kasta oo Soomaaliya ka tirsan baa ku jira daarood, hawiye, isaaq, raxan-weyn iyo iwm. Ummada Soomaaliyeed dagaal bey ku soo dhamaadeen 10kii sano ee ugo dambeeyay, waa loo jeedaa dowladan inay qaldan tahay laakiin ma sidii hore oo la'is laynayay baa ka fiican uu Xussen Caydiid iyo Muuse Sudi isbaaro dadka u dhigaayeen? Oo Shatigaduud Beydhabo u diidaayay in ay diyaaradaha gargaarka u wada dadkiisa uu u diido in ey soo dagaan? Adiga iyo Daljirba dibada baad joogtaan dhibna idin kuma hayso sababtoo ah, Soomaaliya baahi idinkuma ma heyso. Daljir, Dowladaan Siyaad Barre kuwii la jiray iyo kuwii ka dambeyay ba waa ku wada jiraan, laakiin ma wax kale baa hada la hayaa? Maan Alle caqliga uu na siiyay isticmaalno? War anigaa Xamar tagay oo soo arkay waxa meesha ka socda, dadka wey macaadeen, mana kala jecla hadii Ethiopia ama Israel ay dowlad u noqoto adigana waxaad ka hadleysaa, gacan ku dhiiglayaasha. War Hitler ha yimaado bey aniga naag igu tiri, Hitler iyo Muusi Suudi waa inoo siman yihiin. Dadka saas bey u soo wada gubteen, ee ma waxaa dowladan ka wanaagsan xasuuqii ummada lagu hayay? 1992 baahidii dadka dhameysa baa soo noqotay, walaahi naaga iyo ilmo badan baa kawaanka hilibka maalin kasta taga si ay wax yar u soo helaan. Adinkana ma sidaan baad u hadleysaan? War dowladan waan u jeedaa in ey qalad badan leedahay laakiin waxay ka roontahay dowlad la'aan! |
    samatar | Tuesday, December 26, 2000 - 02:02 pm shaqsi soomaali aaway soomaalinimadii aad ku beer laxawsanaysay, waa ku kaa shaqsi mooryaan inaad tahay oo magaca soomaalinimada been ka sheegaysid,mooryaan yahaw futada madoow, orod aday dawlad kuu tahay. soomaaliya inay dawlad u baahan tahay cidna ma diidina cidna ma moogana ee waxaan kuu sheegayaa, afar tuug waa siduu u sheegay daljir 21 sanadood afweyne la soo shaqaysatay oo ka mas'uul ahaa ka ahaa dhibkii umada soomaaliyeed soo maray ilaa 30-kii sano ee ina soo dhaafay ay maanta yiraahdaan ama soo qaadaan dawladnimo adoo kale ayay ka dhex arkeen soomaali oo meel loo raaco la arkin oo berina mid kale dhinac kale kuu kaxaysto sidii qaxbad aan lahayn mehered. soomaaliyeey ciid wanaagsan meel kasta oo aad joogtaan. ciid mubarak. |
    cadaalad | Wednesday, December 27, 2000 - 06:58 pm shaqsisoomaali ahoow ilaahay u toobad keen.dadna waan caaynayaa qaarna waan amaanayaa, sidaa awgeed soomaali ma tihid ee hawiye ayaad tahay.waana xaraan in cabdiqaasin uu soomaaliya u taliyo sababtoo ah maammulkii uu ku jiray ayaa soomaaliya dhibaatadaa ugu wacan.waxaa loo tuhmayaa milyan qofood oo ku maqan.hadii aad daneyneysid soomaali reeihiina cid arinteeda lagala xaajoodo usameeya.cidina hawiye u daneyn mayso waa in aad daysataa.10 agi waydey sano ee aad tilmaatay soomaaliya waxay ka degi waydey xamar musuqmaasuqa ayaana ku badan.Aran cad aynu isugu nimaadno.daacad u noqo soomaalimada |
    ShaqsiSoomaali | Wednesday, December 27, 2000 - 07:01 pm Samtar, hadii add jeceshahay iyo hadii kaleba, Soomaaliya dowlad baa ka dhalagtay, ama ooy ama qosol. Dowladan waxaa wada aqoonsaday aduunka oo dhan. U.N., OAU, Arab Union, Islamic Conference, IGAD. Macaawino baa horey iyo gadaalba loogu guraa. Marka dowladan uma baahno taageerkaaga sababtoo ah wax aad tahay baaba iska yar. Qaxooti baad ku tahay dibada cayr baadna ku daba xirantahay, ee soco qol isku soo xir ee ooy! Reer-baadiyanimaada waa loo jeedaa, markaad dadka caayneysid. Qabiilbaana saa kuu galay, Alle baan kuu soo wada tuugeynaa, Insha Allah. Beritoole, waa la ugu arkayaa adigoo ku sii ordayo Soomaaliya oo dowladan shaqa ka raadsanayo. Noociina ciil baad u wada dhimaneysaan, sababtoo ah dowladan meel kasta baa laga casumay wadankasta ey ka midtahay Ethiopia baa soo dhaweeyay. Lacaga, fara badanna waa la wada siiyay. Ciil kiina u wada dhinta! |
    ShaqsiSoomaali | Wednesday, December 27, 2000 - 09:25 pm Qofka isku sheegay Cadaalad, wax aad ka taqaano caddalad ma lahan. Ma adiga baa Hawiye igu qasbayo? Oo yaa yiri Hawiye Soomaali ma aha? Ma Daarood kaliyaa Soomaali ah? War Xamar kaliya kama eysan qasneyn ee beenta iska daa. Soomaaliya meel eysan dhibaatada ka jirin ma jirto. Oo ma C/llahi Yusuf xaaraanta uu meesha ku hayo baa kuula wanaagsan? Mise Cigaal xasuuqa uu ummadiisa ku sameynayo? Cabdiqassim haduu u soo shaqeeyay dowladii hore ma dambi-baa? Oo yaanan u soo shaqeynin dowladaas? Meeqaa soo dooratay Cabdiqassim? Sababta kaliya ee aad ugu diideyso in uu madaxweyne noqday waa qabiilkiisa. In uu yahay in Habargidir ah, laakiin adiga qof kaa tuugayo in ey dowladdan hagaagto ma lahan. Dowladan aduunka oo dhan baa laga wada citiraafay ama jeclaan ama ha jeclaanin. Puntland & Somaliland ma heystaan inta ey dowladdan heysato. Taasina waa in aduunka oo dhan uu Soomaaliya u arko haatan in ey dowlad uga dhalatay, qof noociina la tashanayo ma jiraan. Ciilkiina u dhinta, ee Puntland ku wada noqda. |
    SACIID YARE | Thursday, December 28, 2000 - 12:16 am SHAQSI SOOMAALI AH Walaal waad ku mahadsan tahay fikradaada wanaagsan, runtii 100% waan kugu raacsanahay soomaalida ayaa tiraahda "nin meeli u uuqato meeli ka madoow" .dadkan iska daadowlani waa soconaysaa idanka ilaahay, tan kale wax la yiraahdo hawiye iyo daarood ma jiraan, xamar sidaad aragtay waxaa u galay hawiyihii dhexdooda is dagaalamyay,. waxaan xasuustaa markii MAREEXAANKA ay amxaaradu ka soo bara kicisay gedo, waxaa buurhakaba uga hor tagay oo caruurtooda caanaha ka horgeeyey waxa ay ahayeen hawiye, rag daarood la sheegtana waa ay mashxaradayeen, marka aaway daaroodnimada aad sheegayso. Qabiil waa dhamaaday intii awrka la isku kacsan karayay waa la isku kacsaday ee ha u jixin jixin , tuugada xamarna dhowaan fiirso waxa ku dhaca. |
    Anonymous | Thursday, December 28, 2000 - 06:09 am waxaan jeclahay markii runta loo wada hadlo, Shaqsisomali waxaad na tustay oo malaha caro kaa keentay waxii caloosha kuugu jiray, marka anigana war iga hoo, Dawladiina haysta, waxii idin aqoonsanayaa ha idin aqoonsadeen, dhexdiina ka soo heshiiya, markaas idinkoo maamul leh ama waan dagaalaynaa oo qoladii adkaata ayaa wadanka lo dhiibayaa ama waan heshiin oo waa la is cafin, balse aniga mid iga qor sida hadda sheeko tahay in aadan dawlad ku noqonayn, Hawiye hal mid bay waligood hilmaamaan taasna waa dadka, mar waxay ku fakareen haddii Daarood oo dhan la laayo waa is dhibayaan oo sidas dawlad ku noqonaysaa, Caydiid baa yiri daarood waa 5% waana la titiri karaa, after 5 year Hawiye waxay arkeen Daarood wali dagaalamaya, Hawiye labay ukala baxeen Mudulood oo yiri haddii aan somali la wada heshiin dawlad lama soo celin karo, Habar gidir oo tiri looma baahna heshiis caama maxaa wacay taas waxaan kuwaayaynaa xoolihii aan soo bililiqaysanay, habargidir waxay isla garteen iyadoo cayr hogaaminayaan dawlad ay ayagu maamushaan, dawalad aan wax ba fulin karin, dawlad lagu qaado kaalmada gaalada, dawlad markii loo baahdo lakala cayrin karo. marka waxaan hadda u jeednaa dawlada habargidir oo dad mafia ah ay iskugu yimaadeen, bal aan aragno tani say ku dambayso, waa hore ayaan iri habargidir waxaan dagaal ahayn heshiis kuma galayaan, waad arki doontaan. |
    Anonymous | Friday, December 29, 2000 - 08:30 am shaqsi soomaali horta waxaa hubaal ah in nin walba qalinkiisa uusan ka badin karin inta uu garaadkiisa gaarsiisan yahay, soomaaliya maanta waxa ka socda waa arin aysan nina mugdi kaga jiriin oo waxay u kala baxeen in iska ilaawday soomaalida qaarkeed ka dib markii 8 sanadood ka soo bixi weyday wax natiijo ah, ayagoo aaminsan in inta kale ay soo miirsanayaan ay reer miyir qab waxay gooni ahaan u qabsan karaan samaystaan, oo taas ayay ahayd fikirkii ka danbeeyay dhalashadii dawlad goboleedka puntland, waxaase ilawsan tahay in nina wax kaa dhigi karin haddii aadan adiguba wax qabsan karin ma xasuusataa 92-kii waxaa muqdishi yimi ilaa in ka badan 20,000 oo ciidan american ah ka dibna waxay gaaraan ilaa 50,000 oo unisom ah oo cid walba ayaa ogayd sidii hawiye wax loola rabay oo waxaa missionkaas ku baxday ilaa in ka badan 4 bilion oo dollar ah, aaway maxaa ka qabsateen ilaa maalin cad la idinka dhaqaaqay,waxaad ka dhamaan weydeen inaad dhacdaan ama dishaan xitaa muslimkii idiin yimid sida walaalaheen pakistan. haddii aad is leedahay adduunkaa i taageersan ayaan wax ku noqonayaa, anaga adduun kuma tashano oo waxaan nahay shacab proud ah wixii technical assistant ah oo aan helno waan ka faa'iidaysanaynaa, ogow aqoonsi waxa la dhahaa isku kalsoonaan aad isku kalsoon tahay oo wixii human resources uu ilaah ku siiyay iyo mid natural ah aad ka faa'iidaysatid. madexweyne abdulaahi yusuf dad ma dilo dadna ma dhaco sidoo kale ibrahim egal waad u jeedaa sida uu shacabkiisa ugu adeegayo, laakiin ka waran ninka arta lagu soo dhoodhoobay oo maalin walba lacagta beenta ah shacabka u keenaya ama marba dagaal ku qaadaya balcad ama dhibka ku haaya shacabka shabeelada hoose adi maxaad ku tilmaami lahayd lahayd, waa nasiib xumo in inta aad u kici lahayd reerkaaga oo aad ka dhicin lahayd wixii qurun ah oo meel xun ku sii wada aad wali la garab taagan tahay ama aad la safan tahay. allow sahal |
    ShaqsiSoomaali | Saturday, December 30, 2000 - 08:14 pm Anonymous, Qabiil arinta adigaa u badalay. Dowladan dhalatay aniga ma lehi, ma ana aha dowlad Hawiye ama dowlad Daarood. Waa dowlad loo wada dhan-yahay. Waa dowlad la soo dhoob-dhoobeey, laakiin dhoob-dhoobkeeda baan ku wada rabnaa, sababtoo ah dowlad ma aanan heysan awal. Xussen Ceydiid, Shatigaduud iyo C/llahi Yusuf baa ummada xaaxda u keenay. Hadana dowladaan dhalatay faa'iidooyin badan bey ummada Soomaaliya ku dhaqan u keyneysaa. Wadaninimo baa weli kaa maqan. Meeqa qof aduunka baa neceb dowlahooda? Dad fara badan, at the same time, wey soo dhaweeyaan fiicnaanta ey dowladahooda keenaan. Dowladan cusub shaqooyin badan bey dad dhibeysnaa u keentay, shaqooyin kalena waa soo socdaan. Soomaaliya tag ee soo arag, cayrta bal hal bil ka maqnaaw. Cigaal waa nin tuug ah, wadani ma aha wuxuuna ka soo horjeeday in ay Somalia wadan noqoto waagii gumeysiga. Ee kaas ha ii faanin. Somaliland laftirkeeda baa qalalaaso ka taagantahay oo dad yar baa ninkaa wato. C/llahi Yusufna badii Soomaaliya buu gaday. Dowladan cusub qof kuugu tuugeysa ma jirto. Aqoonsi ama International recognition waa muhiim ee beenta jooji. Hal qof oo dibada jooga maanta ma jiro oo isku dhiibo ama wato Somaliland passport. To the rest of the world Somaliland does not exist. The rest of the world will not trade with Somaliland and will not assist them because to the rest of the world it is nonexistent. Somaliland will never participate in International meetings such as U.N. because they are not a country. And these meetings are important because they benefit your country financially. Maanta Somaliland dhibaatooyin badan bey ku jirtaa, economigooda aad buu u liitaa. Wax la soo dhoobdhoobey waaye iyaga ba. Waxaan hubaa in 3 sano ka dib aadan sidaan u hadleynin. C/llahi Yusuf laftirkiis baa yiri "Anaga wax aan u hayno dowladan cusub, laakiin waan ka soo qeyb galeynaa markii ay hagaagto." Dadka dhan wey is dhiibeen, Xussen Ceydiid ma hadlo, wuu is dhiibay. Alle dowladan cusub Soomaaliya ha uga dhigo tii lagu wada qeyraa aamiin! |
    asafe | Sunday, December 31, 2000 - 10:47 am s/c midda kale qoraaladda qaarkood waxaad moodaa in ay wanaagsan yihiin marka hore markaad dib u sii raacdana waxaad dareemeysaa in uu yahay mid la iska qoray sababtoo ah wuxuu ku soo dhamaadaa qabiil. talo iga hooya hadaad soomaali tihiin. anigu ma ahi soomaali laakiin waan ku soo barbaaray ilaa iyo xad waanan jeclahay in aan soomaali isugu yeero laakiin waaban noqon lahaa laakiin dagaaladii ayaan soomaaliya isaga tegey oo itoobiya ku laabtay dabadeedna asmara oo aan hadda idinkala soo hadlayo. soomaali waa jiran yihiin ee ilaah ha caafiyo bal asmara imoow dhamaan waxaad noo tihiin (warya)qof idin kala soocana ma leh oo idin kala yaqaana ee bal dib isugu laabta. dowladaan aad caynaysaan ayaa rajo idinkugu dhow waa sidda ay ila tahay dhamaan tv ga asmara weli kama arag somali land iyo puntland hadana dowladda soomaaliyaa habeen walba saaran marka waxay ila tahay in ay tahay mid somali anfacaysa . marka idinkoon caaytamin waqtiga u daaya isagaa waaya aragnimada idinkaga wanaagsane dowladii horaba mar baad lahaydeen wey fiican tahay bal tana ha la sugo. midna ogaada qabiilku idinkama saarayo dhibaatadda idin haysata oo ah mid laga ooyo. somali in aad sheegataan ayaa ku socda in ay noqoto mid laga xishoodo qabiilkaad doonto ahaawe soow soomaali ma ahid sorry. |
    Sooyaal | Thursday, January 04, 2001 - 11:10 pm Shaqsi soomaali. Garaadkaaga ayaad ka hadashay,war sow ma ogid nimankan qowlaysatada ah iney isku dayayan inay boobaan ragii burburiyay maamulkoodii,sow ma ogid in dhibaatadan iyo burburkan ay umaddu ku jirto inay abuureen iyagu,hadii aysan ku qaadin caadifad qabiil ma isweydiisay aasaaska burburku inuu ahaa maamul xumo keentay Eex,Sadbursi,iyo xadgudub xaquuqeed,intaa ka dib waxaa abuurmay kalsooni daro iyo qaybsanaan wixii ka danbeeyayna waxay ila tahay inaad dareensan tahay.Arinta ah in soomaaliya ay u baahan tahay dowladnimo waa mid jirta waxaadse ogaataa iney leedahay wado loo maro.Waa jirtaa in umaddu u bislaatay maanta inay helaan hanaan maamul oo sharci ah iyo sharci xoojinba,laakiin taa wadadii lagu gaari lahaa lama hayo aad baana loo kala fog yahay, teeda kale walaal ragga aad magacowday iyo kuwa aad taageereyso waa danbiilayaal balse ma lahin umad ahaan meel kale oo aan u baxsano waxaanse ku leeyahay midnimadoodu waa rajada kaliya ee aynu umad ahaan leenahay. |
    Neefoowkaniini | Friday, January 05, 2001 - 06:42 pm ,,,,Waaryaaraheen, waar inagaa belo arki weynay, Nimanyahoow Horta Soomaalia halkee baa la yirahaa? ,,,, Dowladeey waar Dowlad,, Dowladi waa tumma? ,,,,Shicibka iyo Jamaahiirta Soomaaliyeed waa kuwama? ,,,,Carriga Soomaliyeed iyo Baaxaddiisu ma Hotel Ramadaan baa? ,,,,Carta dan uun la guraya ma carta Bianca mise waa carta Carbonata? ,,,,Ina Kirishboy,,Oooops Salaad Boy ma Garacbaa gacan ku dhiigluhu? ,,,,Shaqsigan weehanayee Soomaaliga sheegtay ma mooryaan baa? |
    warsame | Friday, January 05, 2001 - 08:12 pm neefoow kaniini waad garatay wuxuu yahay, ma mooryaanbaa daahirmo, wuxuu la soo taagan yahay arta group waa dawlad!, waxaa horay loogu shirbay, dab deex yaal iyo dawlo ceyr midkoodna daahi maa" war ninkaagan magacan shaqsi soomali soo hagoogtay, wax kale ma tihid uun mid u buka in xaaraanta abdi-qaali u xalaaleeyo ama guulwade tobankii sano ee la soo dhaafay aabe la'aan ahaa oo u mooda abdi qaali sidii aabihiis afweyne. |
    Bilaaclayk | Friday, January 05, 2001 - 08:14 pm Neeeeeeeeeeefow Ina Kirishboy,,Oooops Salaad Boy ma Garacbaa!!!!!!! Afkaaaaaaaaaaga khamiiiiiiiiiiir lagu qabay |
    Neefoowkaniini | Saturday, January 06, 2001 - 03:39 pm ,,,,,Deeroow Widaayoow ,,,,,Deeroow Widaayoow ,,,,,Deeroow widaayoow ,,,,,wey is galan deereey ,,,,,Dadkii barkaasaa iin ,,,,,Adiina ki dorsantee ,,,,,Dhashiikaa li afuufeey ,,,,,Deeroow widaayoow ,,,,,Deerooow Widaayoow ,,,,,Weeraroow dooyoow waniini Cabdalla Deeroow,,, Cabdalla maxaa ku waalay,, Maxa dadkaaga kugu diray,, maxaa dalkaaga kugu diray!!!!!! |