Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: AFARTII MAAN LAAWE IYO MUUSE SUUDI MAXAA KALA QABSADAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEEDI

Tuesday, December 26, 2000 - 03:46 am
SCWB.

Horaa loo yiri soomalidu been wey sheegtaa, lakiin murtiteedu iyo maahmahyadeedu been ma sheegaan.

Waxaa la joogaa waqtigii la xasuusan lahaa sheeko xariir soomaliyeed oo caan ah lana yiraahado "AFARTII MAAN LAAWE", bal aan bilaabee bulshoy maxay qisadani.

Waxaa tariikhadu sheegtaa in ay jiri jireen afar nin oo kala ah mid dhego la', mid indho la', mid coryaan ah ama lugo la' iyo mid qaawan ama cayr ah, kadib ninmankaas oo dano iyo saxiibtinimba wadaagay ayaa maalin maalmaha ka mid ah isu yimid meel baadiye cidla ah, sidii caadada u ahaan jirtay, kadib waxay yar markay joogeen, kii dhagaha la' baa kor u booday oo yiri "WAR SAC BAA SEERA KA CIYEY" hada ogow dhaqool qam ah ninkaasi sac qayladiisa maqalye!, ka dibna kii indhaha
la'aa baa soo u jawaabay oo yiri " WAAN U JEEDAA OO CADAAN IYO CAYIL WAYNAA!" ka dibna kii lugaha la'aa baa is-hayn kari waayey oo yiri " WAAR MAYNU CAYRINO OO SOO QABANO" hada waa cago la' yahay midkaasi cajiib!, maxaad dhawri, saa kii qawaanaa ama carta ahaa dib isu dhiagay oo shaki iyo walaac muujiyey oo yiri " WAAR ARMAA LAYNA FURTAA, AMA LAYNA DHACAA".

Waxaa arintaa ka dhigan dawladan tuunjiga ku fadhida, ee awooda iyo tabartaba u wayday in ay qololka yar-yar ee hoteel ramadaan ka baxdo, ee sida cajiibka ugu qarweysa in ay soo qabato rasaasta ka uraysa ama ka ciyaysa balcad iyo baladweyne inta u dhaxeeysa!!!, alleylehe midani waxay ku fiicnaan laheyd barnaamijkii "ILA-QOSOL".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daljir

Tuesday, December 26, 2000 - 05:28 am
Geediyoow waa yaab lakin waa skeeka reebto tani!
Waa sheeko xariir oo ma dhammaatee, ma maqashay sheekadii ninkii waalnaa?

Nin waalan ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxuu la babanaayey qori dab ah oo olol la yaabo. Meeshu waa meel dagaan reerood ah. Wuxuu ag-maraayey Guri aqal-somali ah , markaas ayaa nin kale weydiiyey oo ku yiri ninkii waalnaa "War ma waalatay? Dabka iska dhig guriga kuu dhow yuuna qabsane waa guri agoomeede'" Ninkii waalnaa ayaa intuu orod isku xaabshay dabkiina gurigii qabadsiiyey, yirina "hadda ayaadba i xasuusisay."

Haddaba afarta Ramadan joogta ayagoo hayn waayay dabka Yemen iyo Libiya laga keeno iyo lacagta beenta ah ee ay caddeystaan ayaa qolo u sheegtay in dad masaakiin ah ay Balcad ku suganyihiin. Markaas ayaa geesigii Galaal la soo boooday oo maan baabi'ino haddaanba gartee?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 26, 2000 - 02:21 pm
really there were funny stories, laakiin waxaan la yaabay sida ay isku shabahaan sheeko xariirtaas iyo tan maanta ilmo ismail guuleed ay wadaan.
ileen waa agoon aabahood ka dhintaye, awalna aabe siyaad ayay ku heesi jireen maantana waa aabe ismail shuluq.