    Mardaadi | Tuesday, December 26, 2000 - 07:04 am Qowsaar C/hi Yuusuf , Shaatiguduud iyo Gabyoow oo xukuumadda Adis isugu yeertey. ------------------------------------ QOWSAARNIMADA SHISHEEYUHU QIIL MA LEEDAHAY?!!! Waxaa dhicikarta in dadka qaarkii la yabaan cinwaanka maqaalkan, dad kalana is weydiiyaan macnaha "Qoowsaarnimada"[adeege]. Inkasta oo arrintu sidaas tahay haddana waxaa haboon in la sugo biyodhaca maqaalka oo tafaraaruqa ay ku sugantahay Soomaalidu maanta u noqon kara xusuus qaabkii ay dad badan oo Soomaali ihi hadda ka hor si raqiisnima ah ugu adeegeen gumaysigii reer Yurub & Xabashida, uguna sahleen meel marinta qabsashadii iyo qaybintii ummadda Soomaaliyeed, taas oo la mid ah adeegayaasha haatan u tartamaya qowsaarnimadii ay awowyaashood hadda ka hor ugu adeegeen cadowga Soomaaliyeed. Qarnigii 19aad dhulmareenadii reer Galbeedka ee caanka ahaa sida Capt. Richard Francis Burton & saaxiibadii [Lieuts.William Storyan, Speke &Herne] ee sahanka u ahaa gumaysigii reer Yurub ee qabsaday Soomaalida,waxaa la socdey rag Soomaaliyeed oo xeebaha badda cas ka kaxeeyey Jawaasiistaas oo dal mareeno & culimo sheeganayey, si Soomaalida ay ku dhexmaraan, una khaldaan. Magaalada Harar oo ahayd xaruntii Islaamka ugu weyneyd bariga Afrika, oo ka reebanayd in ay soo galaan quwadihii Kiristanku, mardabadaas ayuu ku galay Capt.Richard F.Burton oo Xaaji ganacsada ahaa oo Carabnimo sheeganayey , isla markaana xogtii uu bixiyey ay reer Yurub & Xabashidu ku qabsadeen, kuna qaybsadeen dhulka Soomaaliyeed . Qabsashadaas & qaybintii Soomaalida waxaa u sahlay shisheeyaha rag Soomaaliyeed oo nacfidoon ahaa oo horjoogayaal u ahaa beelaha qaarkood. Halgankii gobanima doonka ahaa ee dheeraa ee Daraawiishtu la gashay gumaysigii reer Yurub & Xabashida 1899-1921kii waxaa la safnaa cadowga Soomaaliyeed rag nacfidoon ahaa iyo beelo badan oo ragaasi khaldeen, taas oo wiiqday ujeedadii balaadhnayd ee kacdoonkii Daraawiishta, oo ahayd ka saaridda ciidda Soomaaliyeed gumaysigii qabsadey. Sidoo kale dhaqdhaqaaqyadii u curtay xoreynta ummadda Soomaaliyeed qarnigii 20aad ee SYL,SNL iyo ururadii kale ee gobanima doonka ahaa ee Soomaali Galbeed, NFD & Jabuuti intaba waxaa dhanka cadowga la jirey Soomaali u adeegaysay gumaysiga. Burburkii ku dhacay qarankii Soomaaliya in laga soo kabto waxaa haatan hortaagan rag Soomaaliyeed oo mansab & dhuunii yar ku doorsanaya gobanimadii iyo midnimadii Soomaaliyeed, isla markaana u ah Qowsaaryo gumaysiga Xabashida &reer Galbeedka. Haddaba iyada oo la texraacayo dhacdooyinkan taariikhiga ah ee kor ku xusan oo Soomaali badani ay hadda ka hor si raqiisnima ah ugu adeegtay shisheeyaha, taasina ay dhaxalsiisey gumaysiga&tafaraaruqa ay maanta ku jirto Soomaalidu, waxaa haboon in la is weydiiyo inuu qiil leeyahay iyo in kale Qowsaarnimadan soo jireenka ah ee hadda ka kor iyo haatanba Soomaalida qaarkeed ay shisheeyaha ugu adeegayso? Ugu danbayntii waxaa haboon in la sheego magacyada Qowsaarada Soomaaliyeed ee horey iyo haatanba ugu adeegaya shisheeyaha duulaanka ku ah danaha dadkooda, kuwaas oo lagu xusi doono qoraalada danbe. Sidoo kale waxaan jecelnahey inaan xusno taariikhda halgamayaashii Soomaaliyeed ee danta ummaddooda u huray naftoodii iyo malkoodii, isla markaana ku qoran baal Dahab ah. Fadlan jawaabta su'aashan,aragtidiina iyo talooyinkiina ku soo aadiya: W/Qoray: Cabdi Ceydiid Xiirey Guddoomiyaha Golaha Midnimada Soomali weyn |