Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Labadii daba-buluq ee Caluuq, waa ina Cali Sharmarke iyo Siilaanyo oo Goboladda Majeertiinya iyo Soomali-leeyn,,,???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Tuesday, December 26, 2000 - 08:47 am
Laba Calaan, oo Caluuq oo Daba-buluq:
Wiilkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo raba in uu isu soo sharxo Madaxweyne Puntland iyo Siilaanyo oo Hargeysa raba in uu madaxweyne ka noqdo Somaliland.


Goor dhow, doorasho ayaa ka dhici doonta laba Gobol ee kala ah Waqooyi Bari (Majeertiinya)iyo Waqooyi Galbeed ( Somalileeyn).

Sida aan MassMedia-ha, kala socono waxaa saadaashu u egtahay in la soo doorto:

-Maxamed C/rashiid Cali Sharmaarke (Waqooyi Bari)
- M. M ( Siilaanyo) Gobolka Waqooyi Galbeed


Hargeeysa iy Boosaaso, hadii laga soo doorto labada-daba buluq , shaki waxaan ku jirin in D-KMG in ey gacanta ku dhigeeyso, muddo yar ka dib marka labadaas la doorto.

Ninkii yaqaan baa yaqaan maantey marka ina Maxamed C.A. Sharmarke , uu rabo in uu madaxweyne ka noqdo Boosaaso, waa wax lagu yaq-yaqsiyoodo, calaan kasta haduu yiraahdo anigaa wax noqonaayo , allow noo gargaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 26, 2000 - 09:46 am
Dhabaake: Maxaa ka sameyn kartaa? Tubaakadaada qurbaha ku cun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samatar

Tuesday, December 26, 2000 - 01:52 pm
lol@anon
war waxaan dadka ahayn xagee ka yimaadeen, aniga waxaan la yaabanahay waxa kani ma soomaali bay ahaan jireen mise, waa furuuq hadda meel aan la aqoon naga soo galay. war dadk islaameed meel ha uga dhicina ee nin walboo taada ku tasho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Tuesday, December 26, 2000 - 03:13 pm
War adiga Samatar, maxaa ka taqaan Maxamed C/rashiid, war karti iyo dadnimaba kuma dhama ninka la yiraahdo KingKong. Sidoo kale Siilaanyo, Cigaal ku karti iyo dadnimo ma laha.

Mise adigu ra`iyagaada meel un bay kaaga dhagtay, oo hal in un baad wax ku aragtaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Tuesday, December 26, 2000 - 04:05 pm
,,,Horta Qoslay haddana maxaa ragi isu gafahayaa!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Tuesday, December 26, 2000 - 05:12 pm
Neefoowkaniini,
ku soo dhawoow aqoon-isweydaarsigaan ee ku saabsan biography-ga ragga meesha ku qoran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Tuesday, December 26, 2000 - 10:31 pm
,,,Dhabaake Waxa mareeg ii tolay se aan ku qoslay kan la yidhi waa Dhulbahantee agoonka ku ah magaaladii Muuqdisha dabeedna aan hadalkiisii dhageesanayay waadhyaadhaheen ninyahoow hadaad Biography aad heyso bal kaa inooga qacsii hestiisii,, Ogi se Ogi in wadadii Talan uun la marsiine....


.....teeda kalaana bal heesihii uu ku luqeen jiray kan caydh iyaana waan jecelehee bal maruun ina tibaaxsii...


,,,,Iska daa rag tashaday ee dantoodi u foofay!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Wednesday, December 27, 2000 - 07:35 am
Neefoow,
waxaan jeclaan lahaa marka hore labada calaan oo daba-buluq-yada ah, in aan meel wada dhigno mar hadii ey ka mid noqon doonaan maamul Soomaaliyeed oo deegaano waaweeyn ah.
---------------------------------------
Neefoow,
hadaanse kaaga jawaabo labada nin ee kale oo kala ah Galeyr iyo C/qaasim sida ayagana xaaladahooda ey ku sugantahay maanta.

Galeyr iyo Qaasim waxeey ila tahay ayaga ayaa maanta siyaasadda Soomaaliyeed laga warsadaa inta ey u gaareyso waa arin kale, laakiin sida muuqata "HADDA" waa marqaati ma doonto, in ey meel fiican u mareeyso oo ey daadihinaayaan siyaasadda beelahooda iyo midda guud ahaan ee ah wax ka dhaxeeynta beelaha soomaaliyeed gabi ahaan.
Cigaal iyo ina Col. C/hi Yuusuf tan maanta haysata ee siyaasadeed waa mid cakiran oo meel ey u socoto iyo meel ka socoto ey ku wareersan-yihiin beelaha deegaanadaas u dhashay.


Anigu kuma lihi wax xun bey ka sameeyeeyn maamuladooda, laakiin siyaasad ahaan waxeey libinto raacday ragga wasiiradda ka ahaa xukunkiisa Af-weyne.


Sidaas daraadeed hadii la soo doorto ragga caluuq-yada ah waa ina Cali Sharmarke iyo Siilaanyo , maradaan ku jiro rag kuma jiro in ey dhamaatay wax la yiraahdo Puntland or Somaliland ee ku saleeysan "NACEEB IYO ISLA QAB-WEYNI", oo inta arintaas qaba ey ka qeyb gali waayeen shirkii Carta.

Laakiin, ragga mudnaanta akteyda ka leh oo waajib ah in aan sheego , waa Gen. Maxamed Abshir iyo KingKong sidoo kale Ismaaciil Buubaa iyo Osmaan Kaluun oo ilaa iyo hadda meel fiican ey u mareeyso,,,,,oo hal talaabo siyaasad ahaan ka horeeya kuwa ey ku jufada yihiin.

Waa inoo socotaa.........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Friday, December 29, 2000 - 10:15 am
Saan horeyba u saadaaliyey bey ilaa hadda ku socotaa. Waana doorashada labadaas nin ee aan sifaha gaar ahaaneed idinka siiyey.
----------------------------
Maanta oo jariiradda Xog-Ogaal qortey:


Qalqal Siyaasa…

Garowe

Wararka naga soo gaar-aya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in culeys xagga Siyaasadda ah uu la soo gud-boonaaday kadib markii Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma’arke uu shaaca ka qaaday inuu isu soo taagayo Jagada Madaxweynaha Maa-mulka Puntland.

Wiilkaas uu dhalay Ma-daxweynihii hore ee Sooma-aliya C/rashiid Cali Sharma’-arke ayaa la sheegay inuu taageerayaal badan ka heysto Dadka Reer Puntland, halka warar kalana ay sheegayaan in uu wadahadal la yeelanayo Dowladda KMG ee Carta lagu soo dhisay, isla markaana uu xiriir fiican la leeyihiin Siyaa-siyiin badan oo Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya ku sugan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in lagu kala dareeray Shir uu doonayay in C/llaahi Yuusuf uu isagu keeno Oda-yaasha & Waxgaradka Puntl-and balse wuxuu shirkaasi socon waayay kadib markii uu codsaday in Shirkaa laga sa-aro Dad uu sheegay inay Mu-caarad ku yihiin kuwaasoo isaga Mucaarad ku ah, isla markaana uu Carabaabay magacyadooda, balse ay iya-guna diideen inay ka baxaan, taasoo dhalisay buuq badan.

C/llaahi Yuusuf oo Shirka xiray ayaa sheegay in Liiska Odayaasha ka qeyb galaya Shirka uu isaga soo qori doono qof aan laga wicina uusan imaan karin kana soo qeyb geli karin Shirka, inkastoo uusan shaa-ca ka qaadin xilliga la qaba-nayo Shirkaas oo isaga go’-aan ka gaari doono

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 29, 2000 - 11:33 am
adoo kale oo tashan wayo markaan arko waa inaan iskala qabweynaadaa, ileen isku darajo ma nihine, ana waan tashaday adna dameerka xamar ka ciyaya wax ma dhaantid.
awalba isku abuuris ma aanan ahayn inkastoo adduunka aad ku beerlaxawsan jirtay, waa la i gumaysanayay ilaa 30-kii sano ee la soo dhaafay, maanta oo ay ka soo wareegtay 10 sano yaa ku gumaysanayay ma dareentay in tii hore kuu dadnimo dhaantay, oo waagaa nabad baad wax walba ku helaysay maantase nabadna ma haysid nololna warkeeda daa ee waxaan ku leeyahay, iska ilaaw in nin maanta nabad iyo barwaaqo ku haysta puntland iyo somaliland uu ku soo noqdo xamar qurun weyn.
ilaah heerka bani'aadamnimo ha ku soo gaarsiiyo adi iyo dameerka ciyaya wax isma dhaantaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Friday, December 29, 2000 - 06:33 pm
Anon,

dadka aad ka hadleysid uma dhalan aniga, oo jawaabtaas kuuma hayo.
Laakiin, waxaan ku qosley 30 sanno ayaan wax gumeeysan jirnay. Waxaa halkaan la timid taariikhda-tuulooyinka lagu hayo ee odayaasha shaaha casriyada ku sheekeeystaan.
----------------------------------------------
Soomaliya taariikhdeeda aan ku baro ee halkaan si fiican u fiirso:
1954-59 waxaa PM wadanka Soomaaliya ka ahaa, nin u dhashay dadkaas ku tilmaameeyso waa gumeeysan jirnay, waana markii calanka Soomaaliyeed la arkey markii ugu horeeysay.
1960-67 waxaa P ka ahaa Soomaaliya isla dadkaas aad sheegeysid qof ka soo jeeda.
Xisbigii ugu weynaa ee SYL, 8 sideedii nin ee jagooyinka soo kala qabtey waxaa ugu tiro badan, dadkaas aad leedahay waa gumeeysanay.

1969-1991 ninkii soo qabtey xukunka Soomaaliya, beeshiisu kama soo jeedaan Somaliland or Puntland ee walaalahooda Soomaaliyeed bey wax la qeybsadaan.

Mid aan kuu sheego, Neceeybka iyo Isla-qabweynida waxaa mooday mid run ah, war waa mid faan-beeneed ku saleeysan, iyo calaacal aan dhaqankeena ku fiicneyn. Ee hadii la qabweynaado, kartideedaa la yeeshaa, ee FULAY adoo kale ah, ee aan rag wax la qeybsan karin sida haddaba kaa muuqata ee aadan magac u qaadan karin waa wax laga xishoodo.

Taariikhda si fiican u baro, Soomaali dhexdeeda wax is-gumeeystay ma jiraan , waa dagaalantaa dhexdeeda mid mid ka fiican ee loo qirsan-yahayna ma jirto, ee hadeey taa jiri laheeyd dagaal-ba intaas laguma jireen.

Soomaali, tobankaan sanno ka hor waligeed ma dagaalamin, wixii dagaalo horey u dhacay wixii ku ekaa "local" inta badan.

Hadaad leedahay, dowlad aan leenahay, baa wax gumeeysateyna, waa adiga iyo caqligaaga. Dowlad, waxeey leedahay sharci iyo kala danbeeyn, taasna gumeeysi lama yiraahdo, waxaa la yiraahdaa maamul-xun, bacdama Soomaali oo dhan uu maamulkaas ka dhaxeeyo,gumeysina waa tilmaan kale.

Puntland iyo Somaliland, beelaha u dhashay 30kii sanno ayaga un baa siyaasad dhibkeeda ka qeylinaayey, ee waxeey gumeeystaan, meeshaad ka keentay adigaa og, ee hadal tuuleedka ee odayaasha shaaha ku cabaan markaad sheegeeysid si fiican uga soo fiirso, marka danbe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 29, 2000 - 08:35 pm
taariikhda adigoon si fiican u baran lama sheego, alaha u naxariisto adulaahi isse wuxuu ahaa prime ministerkii koonfurta sanadihii 56-60 dawladii istiqlaalka ee ma ahayn 54-59, marka hore wax yahaw qurmay taariikhda ka been sheegaya,
waa gartaa aabahaa wuxuuu ahaa guulwade adigana ubaxii kacaanka oo aduun waxaad kala qabsatay afweyne iyo qurunkiisa ee hadaad rabto briefly xaqiiqda waa kanaa ee ka bogo, yuu ahaa secretary generalkii ugu horeeyay ee syl?ma taqaanin dabcan wuxuu ahaa alllaha u naxariistee yaasiin osman sharmarke ma maqal sooma ahan waxaad ahayd kuwii afweyne ku indha furtay ama mooryaantii gadaashiis la arkay.
ma taqaan ninkii sameeyay calankeena buluugle, ma taqaanid sooma ahan! dabcan mohamed cawaale liibaan, ma taqaan yay yihiin 2 ka nool aasaasayaashii xisbiga syl yay yihiin, ma taqaan dabcan maya waa daahir osman sharmarke iyo ali barduure.
ma taqaan dawladii ugu horaysay ee soomaaliyeed ninkii hogaaminayay maya dabcan,wuxuu ahaa alaha u naxariistee Dr abdulrashiid ali sharmarke
oo ahaa prime minister-kii 60-64,ma taqaan ninkii hogaaminayay dawladii labaad, maya dabcan waa abdirazak hagi hussain.
ma taqaan general-kii soomaaliyeed ee ugu horeeyay maya dabcan waa general retire mohamed abshir.
ma taqaan ninkii ugu horeeyay ee bilad dahab la siiyo, maya dabcan waa madaxweynaha puntland abdulaahi yusuf ahmed ka dib markii amxaaro uu jabshay sanadkii 1964,
intaasoo iyo kuwa kale haddii aad rabtid soo dhawaw ee taariikhda been ha ka sheegin.
ma jirto 8 secretary oo syl yeelatayna ee beenta net-ka kala tag, sooma aadan ogaan hadda inaysan dadku sinayn mise wali waxbaa kuu dhiman.haddii intaas halyay kaa soo bixi lahayd maantay kaa muuqan lahayd oo aad ku meel mari lahayd. dadkaan meel cidla ah kama aysan helin xadaarada, ee waxaad yeeshaa maanta ka faa'iidayso si aad 100-ka sano ee danbe ee socda aad intaan oo kale u soo gaadhid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Friday, December 29, 2000 - 10:34 pm
Anon,
wiil iyo gabar waxaad tahayba, si fiican baan hadda iskula qabsan-karnaa, waxa kaliya aan isla ogolaan karin waa FAAN aan raad iyo meel loo raaco aan laheyn, oo tuulooyinka kaliya laga aaminsanyahay.

Qoraalkeyga hore, saan kugu sheegayba kartideedaa la yeeshaa ISLAQABWEYNI hadaad sheegatid, ee meel cid la ah, tusaale lagama soo qaato.

Horta aan ku saxo, waa Yaasiin Osman Nuur(Islaan) sax waa runtaa SYL buu xoghayadeeda ahaa, haddana aan kuu soo tiriyo inta xoghayaha guud ka soo noqotay qaar ka mid ah ururkaas.
-Maxamed Haji Xuseen;
-Abdulahi Ciise
-Cali Hagareey
-Aden Abdule Cusmaan
-Abdirashiid Cali Sharmarke

Dhinaca kale ee ah, dowladii daakhiliyadda waa markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la arko, sidaas daraadeed dowladnimo buuxda waxba ma dhaanto, marka aad adiga ka hadleeysid FAAN aan meel dheer jirin.

Calanka Soomaaliyeed, sharaftiisa waxaa ku caan baxay nin la yiraahdo Cabdulaahi Ciise, oo UN-ta markii ugu horeysay ee laga arko Calan Soomaaliyeed, ahaana waxtigaas u qaabilsanaha arimaha dibadda ee SYL. IN uu Cawaale nin la yiraahdo soo saaray waa FAANKA aad taariikhda ku qaseeysid, heestana Calanyahoo Cawaale waadna caawintee,,,sheekadaasna waa been abuuradda aan haddaba aan ka wada hadleyno.

Daahir dhagaweyne , hadaad sheegtay ma laha inta kale ee dhimateyna reerihiina bey ahaayeen, oo inta kale maxaa u sheegi weyday iyo sida ey kala ahaayeen, markaas waxaa kuu cadaan laheeyd Soomaali waa isku mid, wali anigoo ku sharfaayo ee aan ceebahaada kale ee FULEYNIMADA ah aan sheegin iyo in aad FAAN aan meel dheer jirin sheegta.

1960-67 saan horeyba kugu sheegay waxaa madaxweyne ka ahaa reerahaas aad leedahay waan GUMEYSAN- jirnay, asagaana ninkuu rabo PM ka dhigan jiray ee taa maxaa iiga sheegaysaa, sida haddaba ninkuu rabo Abdulqaasim uu PM ka dhigan karo.


Faanka aan raadka laheyn waxaa ka mid ah, waxaad sheegtay in uu bilad la bixiyey 1964 uuna qaatay Cabdulahi Yusuf, taas waa runtaa LAAKIIN ma ogolid in aad ninka kale ee la qaatey bilada lana xirnaa ilaa bartamihii 70-yadii oo ah Colonel una dhashay reeraha aad leedahay 100-sanno baan ka xadaarad horeeyaa, waa waxaa kuu sheegaayey hal il un baad wax ku aragtaa taasna waa ceeb ee lalama shir yimaado.

Gen. Maxamed Abshir Muuse (Haamaan) baad sheegtay, yeese isku mar qaateen General-nimada waa Gen. Daa`uud, ooy laba taliye kala ahaayeen isku waqti, laakiin in aad FAAN aan raad dheera laheeyn baad rabtaa in aad tiraahdid, annaga maahee cid kale xadaarad ma laha, taas waa jiro.

Soomaali wax is gumeestey, ama kala xadaarad roon ma jirto, ee laxdaas caluuqa ah, waa ina A.Cali Sharmarke maalintii aad u dhiibataan maamul baa la idinku yaqyaqsiyoon doonaa, bacdamaa afatii aad haystateen , saddex ay xagaas soo martey.

Fulayoow, leys baray maanta waana markii ugu horeysay ee taariikhda Soomaali oo dhan wax dhex-mareen. Waxaad karti leedahayna meesha ma jirto ee Faanka aan raadka laheeyn ee tuulooyinka looga sheekeeysto , ragga ha la imaan,,,,,hadaad gabar tahayna gurigaada dhaqo hadaad rag tahayna jawaabtaada adiguba waad ogtahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 30, 2000 - 07:25 am
waryaa doqonyahaw aan taariikhda aan waxba ka garayn aniga iyo adi ilaah baa ina kala duway,oo dadnimadayda waa kaas aan wax ku qabsaday, oo buugii aad kala furtaaba ku arkaysaid xadaaradayda iyo taariikhdayda, haddii aad rabto taariikh run ah orodoo tag libraries-ka waaweyn aniga waxaan kuu sheegayaa inaan kaa horeeyo 100 sano,waxaan leeyahay script ii gooni ah oo ilaa 100 sano ka ee ugu danbeeyay la aqoonsanaa, waana osmania script kolay nin maqlay uma ekidee haddii aad yasin osman sharmarke ku sheegtay,yasin osman nur (islaan) meel aad ka keentay lama yaqaan, waxaad tiri cawaale liibaan calanka soomaaliya ma samaynin oo abdulaahi isse ayaa sameeyay,aniga cabdulaahi isse waxaan u aqaan nin odey soomaaliyeed ah oo wax weyn u qabtay ummadiisa laakiin wuxuu san samaynin odeygaas dhintay alaha u naxariistee been ha ka sheegin, ayadana waa gun nimo haddii aad taariikh aadan lahayn iska samaysanaysid.
intaas ayaan kaaga haray awal waxaan u maleenayay nin intaa ka roon laakiin waxaad tahay asalkii (gun gun dhalay), ana gunta lama hadlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Saturday, December 30, 2000 - 08:16 am
Anon,

waa kugu raacsanahay in aan halkaas aniga iyo adiga , ku kala harno. Waana is ogaanay qof walba sida uu wax u arko.

Anigase, waxaan u haystaa oo kaliya in aan ra`yi is-dhaafsanay ee ku saabsan mooduuca, waana ku kala duwanahay, ee dhibaato kale ma dhicin ee taa la soco.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANALYST

Sunday, December 31, 2000 - 05:56 am
laba reer baa somaliya u kala taliso waqooyi iyo koofurba:

1- koonfur waxaa u taliya oo weligood gumeesi xoog ah mise siyaasad ku maamuli jirey MAJEERTEEN

2- waqooyi waxaa u taliya oo weligood guummesi xood mise siyaasad ku maamuli jirey ISAAAQ

marka haddii ina sharmaarke iyo siilaanyo isu soo taagaan doorasho waa wax la filayey.......

SOMALI TASHADA AYAAN IDIN ORAN LAHAA LABADAAS REERNA HA LA ISKA QABTO OO MEEL HA LA ISKA MARIYO
DOWLADA KMG AHNA AYAGA UUN BAA HOOSTA KA WATO OO HADEY SOCON WEYSO WAA AYAGOO SI UUN U LAGDA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANALYST

Sunday, December 31, 2000 - 05:56 am
laba reer baa somaliya u kala taliso waqooyi iyo koofurba:

1- koonfur waxaa u taliya oo weligood gumeesi xoog ah mise siyaasad ku maamuli jirey MAJEERTEEN

2- waqooyi waxaa u taliya oo weligood guummesi xoog mise siyaasad ku maamuli jirey ISAAAQ

marka haddii ina sharmaarke iyo siilaanyo isu soo taagaan doorasho waa wax la filayey.......

SOMALI TASHADA AYAAN IDIN ORAN LAHAA LABADAAS REERNA HA LA ISKA QABTO OO MEEL HA LA ISKA MARIYO
DOWLADA KMG AHNA AYAGA UUN BAA HOOSTA KA WATO OO HADEY SOCON WEYSO WAA AYAGOO SI UUN U LAGDA.