Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: ANUUNBAA HOOYADAA AH BY HADRAAWI 1998
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdikarim hassan

Tuesday, December 26, 2000 - 09:54 am
Hunguri calafbaa xukuma
Hantina dhaqanbaa shushuba
Dadkana hiddihiisa guud
Wixii la hayaa dhexyaal

Xaq iyo u-hal-buuxintiisa
Habboonkiyo waalid tiisa
Hilbiyo ku arooridooda
Siduu uga hawl yaraysto
Halmaan laga yeeli maayo
Hawiyo tumashoy dhashayda
Ka daa gacan haadiskaaga

Barbaar hanaqaad ka leexday
Duciyo habaar qaadan waayey
Cir iyo heeguu noqdaa
Hadhaysa dhul aan aqoone
hoygii madhan wiilashiisa
Haween dumar baa ka sheegta
Hablaha kacaybaa u yeedha
Haldhaa jecel baa u qaybsan

Inaan hadlo maan sugaynin
Baxnaano maan horjoogsan
hubsiinana maan ilaawin
Hoggeediyo xaajadayda
Dareenka haloosigiisa
Hugiisa inaan ka qaado
Hayaanka fogaaday baa leh
Markaan cidla hiil ka waayey
Naftayda halaanhalkeeda
Waxaan huri waayey sheego

Haantii lulatay dhegayso
Hoobaanta agtaada taalla
Hadiinadu baadi weeye
Hashii korisaa u ciilan

Qofaad halab saaridiisa
Daryeelka horseedadiisa
Dedaallada heensihiisa
Habeena ka seexan weyday
Ku meel maray heegaantaada
Markuu hagar kuu baneeyo
Dharaar ku haleeli waayo
Hortaada waxaa yimaada
Sidaad ugu heelanayde
Harraad iyo waa kalkiisa
Hillaac baxayow dhegayso
Siday talo kaaga hoostay

Calooshu intay ku hosey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horaadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysay
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hogggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diiday
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab beel ku seexday
Intaan hurdo kuu ilaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa
Hayaydana meel shishaa leh
Hilowga naftaa aloosan
Kasha hinqanaysa goor ba'an
Hankaa i waraysanaaya
Tolow hebel mee ku foogan
Aniyo hirashaa is weynay
Higsiga noloshaa adkaaday
Adduun iyo haybsigiisa
Hangool li'idaan ku daayey
Waxaan ku hagaagi waayey
Dhankaad ku hagaagsanayde
Adoo ka hanweyn xaggayga
Qof kuugu hanweyn dantiisa
Cid aad ku halaysay mooyi!

Halyeynnimadaada sheelan
Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tusayne
Intaan kugu hawlo daaley
Intaan kugu hoodo sheegtay
Intaan hebla' kuugu faanay
Hilaado fog bay lahayde
Inaan hafarkaaga qaato
sidaad ku heshaa da'weyne
Adiyo habigaaga mooyi!

Habaaska inaad cantuugto
Adoo hanadaan ka dooratay
Xaggayga hibaan ku saaray
Anigu ku habaari maayo
Huqbaase ku raadinaysa
Hibaaq xalan maad ahayne
Hufnaanta dhibtii abuurtay
Inaanay hadhayn yiqiinso!

Hawaala adduun rabbaa og
Dadkuna kala hoodo weeye
Haddeer iyo tii haddeer
Hadhaw iyo tii hadhaw
Hoosiyo sare tii ku raacda
Anuunbaa hooyadaaya.

yaan ilaawin waalidka saaxiibayaal
ciid wanaagsan.