Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Waa bilaabatay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 28, 2000 - 04:56 am
KHILAAFKA WASIIRKA GAASHAANDHIGGA IYO MADAXWEYNAHA 27 Dec 2000 at 13:42 (SomaliNet) Sarkaal sare oo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey SomaliNet inuu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG ah Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong) iyo Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la faafin ayaa sheegay in khilaafku ku saabsan yahay matoorro ay dowladda Liibiya keentay iyo raashin ay xukuumadda Qadar soo dirtay kuwaasoo kaalmo ahaan loogu soo diray dowladda Soomaaliya, kadibna uu Madaxweyne Cabdiqaasim isagoon cidna kala tashan uu u diray Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose halkaasoo ay ku sugan yihiin maliishiyooyin isugu jira isbaheysi ka kooban beelaha mareexaan iyo Cayr, kuwaasoo gacan ku haynta Kismaayo kala wareegay maliishiyo u badan beesha Majeerteen oo uu hoggaaminayey Janaraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan).

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la sheegay inuu aad uga careysanyahay sida uu Madaxweynaha dhegaha uga fureysanayo baaq ay hadda ka hor u jeediyeen kuna saabsanaa in maliishiyada Kismaayo haysata laga soo saaro si loo qanciyo xubnaha beelaha Harti ee ku jira baarlamaanka iyo golaha Wasiirrada.

Wasiirka gaashaandhigu siduu ka cadeeyey saxaafada Muqdishu dagaalkii Balcad xataa wuxuu ka war helay kadib markuu dhacay. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in wasiirka koowaad Cali Khalif Galeyr uu ka war helay dagaalkan waqti badan kadib markuu dhacay.

Wasiirada iyo xubnaha baarlamaanka KGM ayaantan danbe waxay aad u hadalhayaan waxyaabo sharci ahaana ahayd inay go'aankeeda leeyihiin laakiin uu madaxweynuhu isagoo aan cid la tashan kaligi go'aan ka gaarayo.

Maxamed Muxiyaddiin Cali - Muqdisho

- E-Mail This Story -

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, December 31, 2000 - 08:37 am
sharaf miyaad ka sugaysay ardeydii Macalinkii
kacaanka, ballankii ardeyda iyo macalinkooda
ayaa la fulinayaa, qaybi oo xukun,qawda maqashi
waxna haw qaban, hubka isugu dhiib, haddayba
bilaabeen inay kaniisadaha galaan iyagoo ku
tuugsanaya magaca shacabka soomaaliyed si ay
Lacag iyo aqoonsi u helaan waxayna ilaaweeen
meelna uga dhaceen Islaamkii.