Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: C/qaasim: Madaxweynihii ugu horeeyey ii caalamka Islaamka ,,,,,,
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhabaake

Thursday, December 28, 2000 - 06:03 am
C/qaasim oo kumaan kun oo dadweyne ah Imaam u noqday Salaadii Ciida.
Muqdisho, (Apress)-
Madax-weynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/qaasim Salaad Xasan ayaa Maalintii Talaadada ahayd ayaa Garoonka Stadium Muqdisho waxa uu Imaam ugu Noqday Kumanaan kun oo dadweyne ah oo u tagay Halkaas in ay Tukadaan Salaadii Ciidul Fidriga. Madax waynaha ayaa noqday Madaxwaynihii ugu Horeeyay ee Caalamka Islaamka ee Imaam ka noqda mid ka mid ah Salaadaha La tukado Maalmaha Ciidda ah, Salaada ka dib ayuu Madaxweynuhu hadal u jeediyay dadweynihii halkaas ku tukaday wuxuuna ugu duceeyay in ay ciidan ciideeda ku gaaraan Caafimaad qab iyo Cibaado suuban, "Dawladdu waxay diyaar u tahay in ay wada hadal la gasho Kooxaha ka soo horjeeda" ayuu yiri Madaxweynuhu wuxuuna Intaa raaciyay "Waxaan ugu baaqayaa Kooxahaasi in ay ka qaybqaataan Dib udhiska Dalkooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daljir

Friday, December 29, 2000 - 09:20 am
Ilaa iyo hadda waxaad i soo xasuusisay aabe siyaad oo salaada jumcada ku tukanaaya masjidka wwen ee isbahaysiga.

Waxaan sugaaba wa rasaasta waardiyayaasha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GabarSomali

Friday, December 29, 2000 - 09:28 am
Waxaan ku faraxsanahay wadaada diinta ku adeegan jiray inay ku fashilmay daba-galka inaslaadboy. Waa kuu kuwii oran jiray waxaa nahay imaamyada muslimka. Islaax iyo Itixaad waxad rabtaan sheegta laakin waa ku ceeboowday wajiga ilaahay iyo kan ummadeenaba.