    abdikarim hassan | Friday, December 29, 2000 - 08:45 am sida uu soo weriyey weriyaha bbc u jooga Hargeisa, waxaa khudbad ka jeediyey masajidka isbaheysiga Islaamka ee Hargeisa. waa yaab waxaynu wada ogsoonahay in meelaha lagu cibaadeysto sida masaajidada in lagaga hadlo arrimo ku saabsan diin. sida weriyuhu sheegay khudbada cigaal waxay ku saabsaneyd arrimo siyaasadeed, goorma ayeynu bilownay in lagoo hadlo beydka ilaahay arrimo siyaasadeed. arrintaasi waxay caddeynaysaa sida ay isugu dhexyaacsan yihiin diinta, qabiilka iyo arrimaha siyaasaddu. fadlan meynu kala saaro diinta, siyaasadda iyo qabiilka. |
    Abdi | Friday, December 29, 2000 - 09:37 am Abdikarim, Walaal waxba kuma jabna in Egal ka khudbeeyo masaajid, isagoo uga faa'iidaysanay munaasabadda ciidda iyo dadka badan oo isugu imaanaya halkaas. Mar hadduu isagu yahay mas'uulkii degaanka, dadkuna yahay dad muslim ah, waxa uu ka hadlayana ay tahay maslaxadoodii iyo dalkoodii, diinteenuna aysan kasoo horjeedin in dawladdu ka hadasho masaajidda, dhib ma leh sidaan qabo. Walaal reer galbeedka baa qaba in lakala saaro diinta iyo siyaasadda, ee diinteennu sidaas ma ina farayso. |
    cumar | Friday, December 29, 2000 - 12:06 pm Wasalaamucaleykum warahma Waxaa loo baahanyahay inaad cadeysaan wuxuu cigall ka hadley? Arimo siyaasadeed xaq buu u leeyahay inuu masaajidka kaga hadlo laakiin hadii uu xadgudub ku kaco ha laga soo horjeesto waxaana uu imminka u xiiqsanyahay in mar sadexaad dib loo doorto arintaas oon loo baahneyn waayo cigaal wuxuu yahay waan ka dharagsanahay wuu ku fashilmay hogaaminta ummadda ha iskaga tago waddanka intaas ayaa somaliland khasaare ugu filan. Wasalaamucaleykum |
    Kaynaan Naaleeye | Friday, December 29, 2000 - 04:10 pm Waxaan la yaabaa qudbadaha Maxamed Xaagi Ibraahim Cigaal ujeediyo. Qudbadihiisa hadaad u dhaba-gashid waxaa ku dheehan is-khilaaf(contradiction). Mar waxuu mujiyaa nin aad u taageersan go`ni-goosiga " Somaliland " marka kalena waxaa uu muujiyaa in uu taageersanyahay midnimada Soomalida. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaan kula talin lahaa in uu qabiilkiisa go`ni goosiga wada runta uu u sheego in ay mustaxiil tahay wax la yidhaa "somaliland * oo xor ah in aysan ka dhlalayn Geeska Afrika sababahan-Daraadeed: 1.Dowladaha reer Galbeedku ma rabaan in ay Soomaliya al kala gooyo waayo taasi waxay keenaysa in Soomaliya ay ka dhalato Ugu yaraan shan-dowladood taaso cid rabta aysan jirin, 2. Gooni-goosigii guulaysta ee ka curta geeska Afrika oo ah Eritraya waxaa la filayeye in uu nabad keen waxa ka dhashay waxay noqotay tagaalkiik uugu weynaa ee Geeska Afrika ka dhasha, 3.Reer-galbeedka oo aan rabin laba dowladood oo Soomali ah UN-ta ku biira oo ka soo horjeedsada qaraarda UN-ta ee lagu tageerayo danaha reer -Galbeedka iyo Yuhuuda |