Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: D-KMG ee Soomaaliya, waxeey magacaabi doonaataa-Taliyihii Xooga Dalka,,,
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daa`uud

Saturday, December 30, 2000 - 06:58 pm
Banadir.com, sida uu qoray:


Cabdiqaasim Salaad Xasan, Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka soo saaray Madaxtooyadiisa wareegto dib loogu habeynayo Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kala dareeray muddo tobon sano haatan laga joogo.

Waxa uu sheegay Madaxweynuhu in saraakiisha, saraakiil xigeenka, dableyda kartida leh iyo dhallinyaro laga soo xulay maliishiyooyinka hubeysan ay noqon doonaan iyagu kuwa lagu billaabi doono dhismaha ciidanka Xoogga dalka. Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ku adkeystay in soo celinta Ciidankii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay tahay mid lagama maarmaan ah. Waxa uu ku daray in Ciidanka Xooggu yahay hay'adda ugu sarreysa difaaca dalka.

"Koritaanka Ciidanka Xoogga dalka wuxuu la saanqaadi doonaa baahida nabadgelyada iyo awoodda dhaqaale ee Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya" ayuu ku yiri wareegtadiisa Madaxweynaha KMG ah.

Wareegtada Madaxweynuhu, waxa ay soo baxday iyadoo magaalada Muqdisho la is dhex wado in la soo saari doono magaca noqon doona Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale la filayaa in la soo saaro magacyada noqon doona Taliyaha Ciidanka Cirka, Dhulka iyo Badda, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidammada ah oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda KMG ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daa`uud

Saturday, December 30, 2000 - 07:02 pm
Waxaa xan leysla dhex-marayaa in loo magacaabo Taliyaha ciidamada Soomaaliyeed Gen Axmed Warsame(Mareexaan), waxaase ku haysta Gen. Galaal.

In kastoo ey suurto galtahay in General-kale lama-gacaabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 01, 2001 - 01:08 am
waxaa igu maqaalo ah in Jen Cali ismaciil loo magcaabayo.....