Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: INA SALAAD BOY NINKA UU KA DHIGTAY WASIIRKA 1AAD OO BOOQDAY KANIISADDA KU TAAL DALKA ITALY MAGAALADA ROME
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, December 31, 2000 - 08:29 am
Sida uu qirtay Cali Khalif galeydh waxaa uu
booqasho ku tegay xarunta weyn ee laga fidiyo
diinta kiristaanka ( Vetican) kuna taal dalka
Talyaaniga Magaalada Roma.

arrintaas waxay sharaf dhac ku tahay Dhammaan
shacabka Soomaaliyeed iyo Ummaddaha Islaamka,
waxaana uu meel uga dhacay Cali Sharcigii Ilaahay,
ali wuxuu ku andacoonayaa inay tahay booqashada
halkaas arrimo siyaasadeed.

ilaahaw na badbaadi, noloshu waa waqti gaaban
yaan baqtiga loo cunin loona iibin diinteena
sidii kaalmo ama xukun lagu heli lahaa.

ummadey waad aragtaan kuwii sheeganayey inay
yihiin daacad xag diin, dal iyo shacaba inay
bilaabeen inay galaan kaniisadaha iyagoo ku
tuugsanaya magacii soomaaliyeed.
ma jirto wax sharaf ah ooy leeyihiin
nimankaas dhinac diin, shacab iyo dalba.