    DAYAX | Tuesday, January 02, 2001 - 03:51 am INAA LILAAHU, WA INAA ILAAHU RAAJUCUUN. Alle ha u naxariistee ugaas yasiin waxa uu ahaa shaqsiyada ugu qiimaha iyo qaayaha badan issimadii hore dhulka hadda loo yaqaan puntland. Ugaasku waxa uu ahaa muumin ku caan baxay diin jaceyl, mukhlisnimo,run, xishood badni, xaq-soor, deeqsinimo, amaano, dulqaad, dad isku-wad,. Ugaas yasiin sidoo kale waa ugaaska kali ah ee aan haybadii ugaasnimo iyo midii shaqsinmaba aanay nasakhmin(sarifmin), alle igu og ugaas yasiin alle waa ka badbaadiyey in uu lacag iyo wax aan dhaamin ku waayo magac iyo mudnaanta uu ku leeyahay dhamaan beelaha puntalnd. Ugaas yasiin alle ha u naxariistee wax uu ahaa shaqsiga kaliya ee gobolda waqooyi bari dartii waddanku nabada ku ahaa Ugaasku waa uu ahaa mid aan la mid aheyn boqorda iyo suldaanada bari ee macamalka ah ama dhaqmay ee lagu bartay sharaf xumida, boqor ama suldaan isku qabsiga, munaafqda iyo kuwii macakinkii maxamed siyaad dhoob-dhoobay. ALLE HA U NAXRIISTO UGAAS YASIIN, WAXAANA CAD IN UU AHAA MID AAD LOOGA TABI DOONO PUNTLAND |