Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Rajada Somaliya......M.A.A.Sharmaarke.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amanreer

Friday, January 05, 2001 - 06:58 pm
Waxaan dhageystay BBC Radio oo laga wareysanayey Ina Cabdirashiid, isagoo u cararaya doorashada ka dhici doonta muddo dhaw Puntland. Markii barnaamijkii dhamaaday mudo waxoogaa ah dabadeed
ayaa waxaa igu soo dhacay Ina Cabdirshiid iyo waxa uu tarikarro.

Waxaan qabaa inuu ina Cabdirashiid Cali Sharmarke noqonkarro wadadii aan u marilaheyn dawladnimo dambe hadii ay taas dani naga heyso.

Hadda wuxuu u cararayaa Puntland laakiin waxaan jeclaan lahaa in uu isu soo sharaxo Madaxtinimoda Somaaliya waayo waa ninka kaliya ee maanta aan is dhihi karro wuxuu qabankaraa xilkaas.

Mohamed waa;
-Aqoonyahan
_waxgarad
-Wadanni
-Daacad
-Jecel in uu dadkiisa iyo dalkiisaba wax u qabto.

Hadeynaan ka faaiideysan waad garaneysaan waxa na hudhan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

%%%%%%

Tuesday, January 16, 2001 - 03:50 am
hfhccgcj

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamuud

Tuesday, January 16, 2001 - 04:04 am
Haddii M C/r C Sharmaarke uu yahay nin musuul ah caruurtiisa qaar ma inkireen.
nin familkiisii aan ka soo bixi karin miyaa dad hogaaminkara.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CANJEEX

Tuesday, January 16, 2001 - 04:37 am
TO: MAXAMUUD
WAA OGAHAY WAXAAD KAMID TAHAY RAGA ISKU DAYAAYA INAY DADKA REER PUNTLAND BEEN KADHADHICIYAAN OO BEENA KA ABUURA MAXAMED ABDRASHIID WAR MAXAAD UMALEESAY INAY DADKA AAMINAAY BEENTA CAD OO AAN QARSOONAYAN

WAR MUCAARAD HADAA KU TAHAY SHEEGO WAX SAL LEH EE ISKA DHAAFCAYDA IYO BEEN ABUURKA MEESHA LATAAGAN TAHAY. WALAAHI WAAYAAB DADKAAN XISHOODKA IYO ILAAH KACABISIGA KATAGAY WAR ISKU XISHOOD.

MAXAMED WAALA YAQAAN WAANA NIN REER KIISA SIFIICAN U DHAQDA CARUURTIISANA WALAYAQAAN WAANA NIN JECEL JIRITAANKA PUNTLAND IYO INLOO BAAHAN YAHAY HORUMARIN IN DHULKEEN LAGU SAMEEYO ISUNA SOO TAGAY INUU DHULKIISA WAX UQABTO,ADIGASE HALKAAN BAAD NAAC NAAC LAFDHIDAA INTAAD MAXAMED WAX KASHEEGAY SID BAL ADIGA ISFIIRI BEENTA AAD QURAAFAYSID, MAXAMED CABDIRASHIID BEENTAADA WAXNA KADHIMI MAYSO ADEER.
LAAKIIN ADIGA UUN BAA DANBI KAROR SANAAYA MANATA QAANID SABATA AAD DANIBIGAAS UKORARSANAYSID IYO WAX AY BEENTAS KU TARAYSO

BEENKALE SOO RAAD RAADI TANI SHAQAYN MAYSEE INA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amanreer

Tuesday, January 16, 2001 - 04:09 pm
Ka dib in badan markii aan ku noolaa dunnidaan


horey u martey waxaan ugolahay in qofku markii uu isa soo sharaxo taariikhdiisa oo dhan laga sheekeeyo.
Taas micneheedu ma aha war been ah iyo dacaayad in la faafiyo laguna wasaqeynayo qof Somali ah oo laga yaabo inuu wax badan dadkiisa u qaban lahaa.

Waxaan ka codsanayaa Mohamoud inuu ii cadeeyo Maxamed Cabdirashiid Caruurta uu dhalay iyo meesha uu u tagay haddii ay wax ka jiraan iyo sida ay arrintaasi ku dhacday.

Haddii aan arrintaasi jirinna Maxamud waxaad ogaataa inaad kusifoobeysid Beenlow ilaahey iyo diintiisaba ka furtey.
waxaanan kugula talinayaa ha u noqon mar kale.