Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics: Next President of Somaliland
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliland

Saturday, January 06, 2001 - 03:16 am
To:Dhammaan dhalinyarada reer Soomaaliland

Anigoo ah muwaadin aad ugu adag qadiyada Somaliland ka dib markaan u xaqiijiyey dhaqan ahaan, cilmi ahaan iyo dad ahaanba in jiritaanka Soomaliland uu yahay shay u horseedi kara horumar ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba isla goorahaantaana ay tahay wax aan dib looga noqon doonin qiimo kastoo ay koos garaysaba.

Anigoo ah nin dhalinyaro ah oo ku noolaa waddanka debaddiisa inkastoo aanan ka xiriir furan waddanka sannadkiina taga laba jeer, kana Diyaariyana PHD jaamacad ku taal cariga ingiriiska, ayaa waxay ila noqotay in dhibaatada ugu wayn ee haysata Somaliland iminka ay tahay Generationka maaumlaka u haya waddanka run ahaantii.

Dhammi isku soo wada duub dhammidood hormodayaalka siyaasaddu waa kuwii hormodayaalka u ahaa kontanadii iyo lixdanadii kuwaasoo ay imika ku adkaatay inay xalilaan dhibaatooyinka ka taagan waddanka isal goorahaataana iyagoo aan ogolayn inay gacanta taagaan una gacan haadiyaan kuwa ka yar yar ee ay qasabka ku tahay in xal u helaan jiritaanka generationkoodaiyo kuwa ka yaryarba ayaa waxay teerigaraynayaan inay ku xalilaan sidii ay u xalilijireen waqtiyadoodii hore ee tagay taas oo macnaheedu yahay ku celcelin dhibaato iyo murogo.

Waxaan caddeyey in ay ka maqantahay waddanaka maamulkii iyo aqoontii dhalinyaradu, waxaan kaloo caddeeyey in cid u yeedhaysa oo maamulka ku soo dhawaynaysaa aanay jirin ayse u baahan tahay inay dhalinyaradu isa soo taagto oo ay is urursato si ay waddanka ay uga badbaadiyaan dhibaatada gabawday ee sii gaboobaysa een ogolayn inay gabwgeeda la fadhiisato.

Anigoo eegay wax yaalahaas iyo qaar kale oo aan soo kobi karayn bay ila noqotay inaan kala tashado dhalinyarda reer Soomaliland, aqoonyahannada, iyo dhammi shacabka reer Soomaliland in aan isu taago jagada madaxwayninimada ee Soomaliland haddii uu eebe yiraahdo.

Therefore waxaan walaal u baahanahay your advice and idea please? and if you need further information and co-operation we will contact to each other brother.

Thank you