Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Sooomaali yaa ah?Ma dadka muqdisho ku nool oo kaliyaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sharmarke

Monday, January 08, 2001 - 01:55 am
Waxaa arin la yaab leh igu noqotay qof walba oo soomaaliyeed oo wax dhaliil ah ka sheega ururka cusub ee carta lagusoo dhisay durbadiiba waxaa lagu shabadeeynayaa amase lagu sheegayaa inuu yahay soomaali diid amase uu jecel yahay gumeysiga da'da weyn ee cadowga soomaaliya oo ah Ethopia laakiin dadka maalmahaan damde shaatiga soomaaliya ku doodaya marna shaatiga diinta ku doodaya oo maxkamaddaha islaamka ayaan taageersanahay leh waa isla dadkii shalay halka beel ahaa oo cadowga soomaaliya saaxiibka weyn la ahaa markii ay dantooda ku jirtay oo ay la dagaalamayeen xukuntii foosha xummaa oo soomaaliyoo idil ay nebcaayeen 1990 xasuuso ganaraal ceydiid. taas waxey aheyd goortii ay dantooda ku wateen cadowga ithopia(itoobiya).
Maanta cabdulaahi yuusuf,moorgan,gabyoow,cigaal,
shaati guduug iyo muuse suudi yalaxoow ,ina ceydiid iyo ugu dambeyntii geesigii hawiye shalay oo xoolihiisii u huray magac hawiye cismaan caato ragaas oo dhan waa qaa'iniin waana basaasiin soomaaliyeed waa haddaad tahay dadka maskaxdooda aan adeegsan ee waxa jaraa'idda ka soo baxa muqdisho waxay qoraan uun rumeeya amase jecel dalka soomaaliya in leys boobo oo boobkaas uu c/qaasim kuu sharciyeeyo haddey ahaan laheyd hanti qaran oo aad dhacday oo aad heysato amase hanti dad weyne .
Marka walaalayaal yaan leysku daalin ururka cusub ee carta sababtoo ah iyaga oo kaliya ayaa soomaali ah iyo kuwa deggan Magaaladda amaan daradda ku caanka baxday ee muq-disho(muq-dhac).
ilaa ay siyaasadda soomaaliya weji kale ka yeelato waxaad uun wadooyinka amase internetka la istaagtan soomaaliyeey kaca taas waxaa idiinkaga fudud idinkoo dhaha reer cartoow kaca.

wa bilaahi towfiiq.