Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: MAXAAD KA OGTAHAY BARAKICINTA CABDI \QASAB KA WADO XAMAR by Prof "Gaalaguul"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARSAME

Monday, January 08, 2001 - 06:15 am
Prof. Gaalaguul: "Maxaad ka ogtahay barakicinta Xamar ka socota…

Prof. Cumar Maxamed Xasan Gaalaguul oo ka mida aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo asaasayaashii ururkii USC ayaa qoraal uu ka soo saaray dalka Talyaaniga ku bilaabay sida tan:

"Waxaa nasiib darro ah in maanta oo la joogo qarnihii 21-aad in hoggaamiye kooxeedka beesha Ceyr iyo xubno ka mid ah kooxdii Carta ay bilaabeen siyaasadda barakicineed ee ku wajahan degaanada Xamar iyo Xamar daye iyadoo waliba laga siisanayo guryahoodii qaaliga ahaa iyo goofafkoodii lacag been abuur ah oo ay kala yimaadeen dalka Malesia.

Lacagta xaaraanta ah oo ay dalka soo geliyeen koox ganacsato ah oo ay isku beel yihiin C/qaasim welina ku sii qulquleysa, waxaa dadka u muuqata lacagta faraha badan ee looga iibsanayo dhulkooda, hase ahaatee uma muuqato degaanka lagala wareegayo, waa wax maanta kula fudud oo berri soo celintooda dhiig badan ku daadan doono, naf badan iyo maal badan in loo huro u baahan doonto.

Xeeladaan waa tii lagula dhaqmay Ummadda reer Falastiin 1948-dii taasoo dhalaxsiisay degaan la'aan iyo dagaal joogto ah, nin beeso been ah kaagala wareegay gurigaada kaama gadan ee waa ku siray, Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa "waan baahanahay bakhti looma cuno".

Haddaba baahida maanta jirta waxaa ka darnaan doonto inaad weyso degaan iyo meel lagaa doorto waxaadna ku qasbanaan doontaa inuu ku xukumo kii ku barakiciya. Waxaa tusaale idinkugu filan in Xamar lagu kordhiyay (Tuulo C/qaasim) oo ka daran tii lagu sheegi jiray (Booli Qaran) kaddib markaan aragnay siyaasadda degaameynta ee C/qaasim u daneyneysa beesha uu ka dhashay waxa aan idinkaga digeynaa inaydaan jasuurkiisa iyo goofafkiina iskaga bedelin lacag been iyo mid run ahba, una tabaabusheysataan sidii aad iskaga kicin lahaydeen kuwa idin soo kor degay iyo dhuuni raaca u adeega.

Sida aad ogtihiin Soomaalida badankood waxa ay nidaamsa-deen degmooyinkooda iyo goboladooda, waxayna iska ilaaliyeen in la soo kor dego idinkuna waxaa idiin furan inaad ku dayatiin.

Prof. Cumar Xasan (Gaalaguul).



Isniin 8-da Janaayo 2001. XIDDIGTA BANAADIR Cad. 598-aad San. 6-aad Bogga 2-aad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaamac

Tuesday, January 09, 2001 - 02:49 am
Arintaan waa arin Naxdin leh. Maxaa yeelay Waxaa mardhow suuro gal ah in cidii wacbuudhan ahayd xamar oo dhan laga tirtiro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, January 28, 2001 - 04:29 pm
waa digniin. ABGAALOW ISKAJIRA.

tilmaan umabahna cadawga kaliya ee aan
leenahay, oo waa kan inagu haysta dhulkeni
waxaan ku guubabinaya hogaanka adadag ee u
taagan ilalinta dadka iyo dalka mudulood
in uu ka feejignado arinkaas.
wuxuu abwaankii hore uyiri kolkuu arkay dhaqanka
beesha uuka dhashay c.qaasim, GAADIDKI CALI YUSUF
BAA GOOSTAY XARIGII,waadna fahmeysan ulajedada
ilaa lagu celiyo xarigodi dagimayo dalka,
ee abgaalow kudayo wiilashii baydhabo iyo kuwii
baladweyne oo iska soo kiciyay cadawga kugu heysto
dhulkaaga.