    Keyse | Monday, January 08, 2001 - 08:05 am KUMAA DOORAN, YAASE DOORAN DOONA? Saddex sanno ma aha wakhti dheer, laakiin marka dhinac kale laga eegana waa wakhti aad u tiro badan oo wax walba lagu qaban karayo. Dowlad Goboleedka Puntland ayaynu wada ognahay in doorashadeedii loo qabtay Saddex sanno oo bilo koobani ka hareen, haddaba sow ma haboona in la is weydiiyo maxay qabteen Maamulkii hogaanka Gobolka hayey mudadaas? Run ahaantii wax walba bilow ayey ahaayeen wakhtigii la yagleelay ama udubada loo taagay Maamul Goboleedka Puntland, oo meel cidlo ah ayaa wax laga bilaabay, way jiraan arrimo badan oo lagu amaani karo oo aan la inkiri Karin in Maamulku wax ka qabtay, sida soo nooleynta Hay’adihii Dowliga ahaa qaarkood, baneynta dhismayaashii Dowladdii hore oo qaarkood ay Wasaaraduhu ku howl galaan, abuurid ciidamo fara badan oo Maamulku saameeyey, iyo arrimo la mid ah. Laakiin dhinaca kale waxaa jira dhaliilo badan oo dadweynuhu la il gulucleynayaan ama inta badan la isweydiiyo oo Maamulku uusan marna dhinacooda eegin. Waxbarashada, biyaha, Caafimaadka, iyo guud ahaan arrimaha bulshadda ayaa ugu waaweyn meelaha la filayey in maamulku wax ka qabto oo uu baylihiyey. Gobolka Puntland waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo u baahan in Maamul dowli ahi wax ka qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin gebi ahaan gobolka waxaa aad u liita dariiqyada ay gaadiidku isaga gooshaan deegaamada ballaaran ee ka durugsan kuwa laamigu maro, welibana waxaa lagu xantaa Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland in aysan laamiga dhiancna u dhaafin. Inta aynan is weydiin magaalooyinka iyo geyiga Puntland ee koronto la’aanta u silicsan Maamul GPL wuxuu ku fashilmay in uu dayactir ku sameyo magaalooyinka leh Warshadaha Koronta sida Qardho iyo Boosaaso, waxaa la filaayey haddii maamul meesha yimid in la heli doono koronto dheeraad ah, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ah magaalo cimiladeedu kulushahay xiliga Xagaaga, ahna magaalo ganacsi dakhli xoog leh oo udub dhexaad u ah DGPL uga soo xeroodo. Dhinaca dhaqaalaha marka aynu eegno Maamulku wuxuu fursad u helay ilo dhaqaale oo xoog leh in Gobolka uga soo xeroodo, Goboladii W/Bari hore loo oran jiray intooda badan waxaa Maamulku ku guuleystay in uu canshuuraha ka hirgeliyo, laakiin Gobolada Sool iyo Sanaag ayuu ku guul darraystay. Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa ah kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ugu weyn ee ay ku xisaabtanto, laakiin waa laba meelood oo qofka muwaadinka ahi uu ka naxo darxumada ka muuqata, Garoonka Boosaaso rakaabka ka dhoofaya ama ka soo degaya ee 20$ laga qaadaa ma laha balbalo qoraxda iyo hanfiga kulul ay ka harsadaan. Dekedda Boosaaso ayaa la sheegaa in iyadana ay buuxisay wasakhi saddex meelood laba meelood marsadii maraakiibta iyo doonyuhu ku soo xiran jireen, tanina ay ka istaajisay maraakiibta aadka u waaweyn in ay ku soo xidhaan. Lasoco....... nabdeey |
    keyse | Monday, January 08, 2001 - 08:23 am QAYBTII 2aad Qormadenii hore waxayna ku soo akhrinay dhliilo fara badan oo Maamulka DGPL xiligan hogaanka u haya laga tirsanayo. Dhaliiluhu intaas kuma koobna keliya ee waxaa jira kuwo siyaasadeed, balse inta aynaan u gudbin kuwaas aynu weli wax ka sii sheegno kuwa bulshaddu sida dhabta ah u dareemayso. Isbitaalada magaalooyinka DGPL ayaa waxay aad uga cowdaan in Dowlad Goboleedku uu dayacay shaqaalaha iyo dhaqaatiirta iyo weliba bukaanka isbitaalada la dhigo. Isbitaalada ayaa sida la wada ogsoon yahay ka qatan miisaaniyada DGPL, waxaa intaas dheer Wasaaradda Arrimaha Bulshadda in lagu xanto in ay la wareegeen awoodihii Hay’adaha Caalamiga ah oo qaarkood horay Isbitaalada u taakuleyn jiray, balse taas la waayey mudadii uu Maamulku jiray, iyadoo Isbitaaladu sugayeen in haddii maamul la helay ay ka bixi doonaan dhibaatooyin badan oo horay u hortaagnaa. Dadweynaha Puntland ee xanuunada u taga Isbitaalada ama kuwa shilalka gaadiidku asiibo ayaa waxay ka cowdaan daawo la’aan iyo gurmad xumo xiliyada qaar kaga timaada Isbitaalada. Dadweynuhu waxay kaloo sheegtaan in isbitaalada loogala macaamilo qaab birifaati ah oo wax walba ay lacag ku bixiyaan, xataa meelaha qaarkood in sasiiraha laga kireeyo. Bulshaddu waxay si weyn uga welwelsan tahay dhibaatada caafimaad xumo ee gobolada ka jirta, waxayna aaminsan yihiin in aan dhaqaale xumo jirin maadaama ay canshuur joogto ah bixiyaan. Marka aynu hoos u eegno xaaladaha dhabta ah ee Isbitaalada Puntland, shaqaalaha ka howl gala ayaa run ahaantii u badan kuwo dhalinyaro ah oo weliba aad u dadaala, Isbitaalada qaarkood waxaa ka howl gala dhaqaatiir la oran karo way ku filan yihiin daaweynta iyo qaliinka cudurada sahlan, maadaama aysan xiligaan Soomaaliya ka jirin qalabka Kumbuyuutarka ee baaritaanada iyo qaliimada qaarkood loo isticmaali Karin. Haddii aynu u soo noqono dhinaca Maamulka DGP wuxuu indhaha si bareere ah uga qarsaday in uu wax tar uga geysto xaalada caafimaad ee Gobolka ka jirta, waayo? Shaqaalaha Caafimaadka ka shaqeeya waxay ka cowdaan mushahar la’aan, waxayna sheegaan in ay si mutadawacnimo ah u shaqeeyaan. Isbitaalada oo intooda badani yaalaan Jenereetarada dabka ayaa u bakhtiisan shidaal la’aan, qofkii qaliin loo sameynayo ayaa dantu kaliftaa in uu shidaal ku shubto. Deegaamada ka durugsan jidka laamiga ah ayey dhibaatada ugu weyni ka haysataa dhinaca caafimaadka, ma laha isbitaalo, iyo goobo kale oo daryeel caafimaad ah oo Maamulka DGPL ka hirgeliyey. Isbitaalka degmada Caluula oo ah Isbitaal weyn oo si heer sare ah u qalabeysan lenha qaybta qaliinka ayaa waxaa la waayey dhaqaatiir iyo daawooyinkii looga shaqeyn lahaa, isbitaalkani wuxuu kaabi lahaa haddii uu howl galo deegaamada fog ee degmooyinka G/bari. Dhinaca kale isbitaalka degmada Iskushuban oo ah isbitaal dowladda Jarmalku hirgelisay xiligii burburka isla markaasna si weyn u qalabeysay, oo leh qayb kumbuyuutar ayaa la wadaaga kan Caluula dhibaatada haysata, isbitaalkani hadii uu shaqeyn lahaa wuxuu isaguna dabooli lahaa dhibaatooyinka caafimaad ee haysta bulshada ku nool degmooyinka ku hareeraysan. Waxaa xusid mudan Agaasimaha guud ee Was. Arrimaha Bulshadda xiligaan in uu ahaa dhaqaatiirtii ugu horeysay ee maamulka Isb. Iskushuban gacanta ku qabta, balse maanta oo xili maamul uu masuul ka yahay ilowsan dayaca ka jira gobolada Isbitaalkaasi ka ag dhow yahay. . KUMAA DOORAN, YAANS DOORAN DOONA? QAYBTII 3aad Maxaynu horta isu weydiinaa muxuu maamulku qabtay, maxaynuna u dhaliilnaa Maamul Goboleedka Puntland? Waxaa laga yaabaa in bulshaddu arki weydo arrimo badan oo ay daneynayeen in Maamulkoodu wax ka qabto, haddana waxaa dhacda in mar kale rag isa soo hortaagaan oo ay bulshadda ka codsadaan in codkooda ay siiyaan si ay u maamulaan dalka iyo dadkaba u xukumaan. Durbadiiba bulshaddu waxay bilowdaa in ay sheeg sheegaan Hogaamiyihii hore dhaliilo fara badan oo uu lahaa, danaysi, cadaalad xumo, sharci jebin, waxqabad la’aan, hantida ummadda oo la marin habaabiyo, baal maritaan sharci iwm ayaa goobaha fadhiga la isaga sheekeeyaa, maxay tahay sababtu? Haddii aan isku dayo in aan su’aashaas ka jawaabo bulshaddu waxay hadba xiiseeyaan nin aysan aqoon u ololeyntiis, isma weydiiyaan muxuu kaga duwanaan doonaan ninkii hore ee hogaamiyaha u ahaa, ma akhriyaan noloshiisa qofkaas wixii ay ku saleysneyd, muxuu dhaliilo leeyahay la isma weydiiyo, hebel baa fiican iyo hebel baa fiican ayaa muran ka dhashaa. Bulshadda qaarkeed waxay kaalin weyn ka qaataan in ay meel mariyaan garabna siiyaan doorasho aan cadaalad aheyn ama nin loogu shubaayo, sida la arkay waxaa mudo gaaban la arkaa kii shalay sidaas wax ku ansixiyey oo ka qaylinaya wixii uu ansixiyey, xaaladu awalba waxay aheyd Hal Booli ah nirig xalaala ma dhasho, Haddaba, shalay iyo manta waxbaa u dhexeeya manta waxaa jirta waaya aragnimo ballaaran oo ummadda Puntland dhaxashay sannadahan danbe, waxaana soo kordhaya dareen ugub ah oo bulshaddu ku cabirayaan ninka ay doonayaan in ay u doortaan hogaaminta Maamul Goboleedkooda, La Soco Q.4aad Hamoogaan waa dantaadee. |
    Wiil-Qardhood | Tuesday, January 09, 2001 - 07:27 am to: Keyse Walaale Keyse waa ku salaamay runtii aadbaan isugu dhawnahay markaad sidaan u hadlaysid waayo waxaad u muuqataa sidii nin PL wanaag laraba laakiin xizbiga meesha kataliya mucaarad ku ah taasina wax laa yaabo maaha oo xattaa wanaag bay keeni kartaa. Waxaanse kugulatalinayaa marka aad maamulk meel kataliya dhiliilaysid ama aad amaanaysid in aad dhinacyo badan wax kafiirisid oo aad wada fiirisid fursadihii iyo dhibaatooyinkii hortaagnaa oo dhan. Midda kale walaale waxaa adiga iyo dadkoo dhan wanaagsan in la fahmo in waxyaabo badan aanaa ku khasbanayn in aan maamulka ka sugno waxayaabaha aan anagu dadweyne ahaan u qabsankaro waxaa kamid ah socadsiinta isbitaalada iyo iskuuladda, haddii ay jiri lahaayeen hayádo dadwaynuhu leeyahay oo socodsiinaya adeega bulshada sida isbitaalada, iskuulad iwl. Markaas waxaa imaanlahayd in aan dawladda kula xisaabtano dhaqaalaaha in ay qaar bixiyaan haddii dhaqaala dawladu sii wanaagsanaadona ay wada bixiyaan. tussale: Haddii dib looraaco taariikhda adeega dadweyna ee reer Yurub waxaad arkaysaa in isbitaalada iyo Iskuulada kuwa uguwaaweyn ee kuyaal qaaradda yurub in markii hore ay socodsiinjereen dad isu tagay ama hal qof oo taajir ahaa. Marka walaale waxaa kuweydiinayaa dadwenaha reer Puntland kuweena dibedda jooga iyo kuwa guduhuba ma qaatay qaybtiisii ee ahyd in anagu marka hore xilkeena qaadano. Tusaale kale: Haddii dadka dibedda jooga ee reer Puntland ay marka hore dhisi lahaayeen hayádo maalgaliya Isbitaalada iyo iskuuladda oo iyagu ay maal gashadaan waxaa imaan lahayd in aan si bareer ah u eedayno oo aan niraahno maamulka waxaan uga baahanahay lacag gaaraysa intaas iyo intaas oo waan kawaynay. Haddii qofwalba oo reer Puntland ah oo dibedda jooga uu bixin lahaa bilkasta 1-2$ waxay qaban lahayn waxyaabo aad ubadan. maalin dhawayd ayaa nin takhtar ah oo wadankaan joogo u dhashay waxa uu ii sheegay in 25$ lagu daaweynkaro qof qaba cudurka qaaxada (tb) ee jooga Afrika. marka walaale haddii dadkeena dibedda jooga aan xilkeena qaadanlahayn wax badan baan qaban lahayn. Baahida bulsheed ee dadkeena haysatana waxaa ugu wayn dadkii oo aan ogayn xilka iyaga saaran iyo xilka dawlada saaran runtii markaan eego bulshada reer Somaliland iyo sida ay u wada dadaalayaan waan kamasayraa( anigoo aan ka xumayn) waayo iyagu aad iyo aad bay u wada dadaalayaan oo waxaa jira hayádo dadweynuhu leeyahay oo waxyaabo badan qabtay. Haddii 100% aan maamulka wax ka sugno waxaa badanaya musuqmaasuqa iyo kalsooni darida aan ku qabno iyo waliba eedda aan saarayno kuwa sare iyadoo kuwa hoose ay wax kharibaadda u badan yihiin. Midda kale qaar badan oo dadkeena ah ayaa wali Xammar ku qarwaaya. S/C |
    DUUFAAN | Wednesday, January 10, 2001 - 10:15 am TO: KEYSE WALAAL WAXAAD SHEEGAYSID WAXBAA KAJIRA WAXAAN FIICAN SIDAA IN AY DADKU ISKU WAREESTAAN OO AAN LA IS AFLAGAADEEYO. TO: WIILQARDHOOD WALAAL WAA JIRTAA HADII AY DADKA IS XIL QAAMAAN INAY MEEL DHEER GAARI LAHAA YEEN LAAKIIN LASOCO DADK INTOODA BADANI WAA DAD LASOO BILI LIQAYSTAY OO WAA FARA KU TIRIS DADKA LACAGTA XOOGA LEH. LAAKIIN ANIGA IYO DAD BADAN OO REER PUNTLAND AH WAXAANU AAMIN SANAHAY MAAMULKA INKSAT UU DADAALAY IN SUN 100% UU SAN SIIN DIB UDHISKA PUNTLAND, WAKHTIGAANA WAXAA LOO BAHAN YAHAY 100% ISKA DAAYEE IN 110% LAGASHO. ARINTA JIRTA WAXAA WEEYE IN DAD BADAN OO AQOON YAHANO AH OONA KA XIRFAD DHEER UMADAN WAX BADAN U QABAN LAHAA INAY SHAQO LA'AAN YIHIIN MEESHA LUWA JAAHILIIN AH AY WASIIRO YIHIIN MARKA INTA TAA LAGU JIR OO AANAN KA FAA IIDA SANAYN WAXGARAD KEEN HORUMAR LAMA GAARAAYO. |
    Hanad | Wednesday, January 10, 2001 - 12:05 pm Asalaamu calaykum, Waad salaamantihiin dhamaan. Keyse - Walaal, aad iyo aad baan ugu qancay fikradaada oo ah: horumar baanu u baahanahay dhulka Puntland, espically xagga caafimaadka & waxbarshada. I am a college student in the U.S. interested in the medical field. A philosopher once said that the first thing needed in a society is good healthcare and education, which brings about good governance and development. the biggest challenge to Puntland and Somalia as a whole today is that people aren't that well educated. Somalis are described as a political people, but their politics are along tribal or clan lines, which sometimes doesn't do that much good. another prob with Puntland and Somalia in general is the lack of nationalism. if the hospital workers love their country and people, they should work for free. remember alle baa irzaaqada bixiya. the government officials are corrupt beyond corrupt, typical of third world countries. waxbarasho la'aan waxay keentaa in aan anagu cadaw dhexdeena ka abuurno, and be easily manupilated by our true enemies. canshuurta & lacag walba ay dowlada hesho waxay ka dhexeesa 2 groups of people: shaqaalaha sare ee dowlada & ciidamo lagu qiyaasay 7,000-8,000 ruux. hal wax aan dowlada Puntland aan ku amaanayo waa nabada ay dhulka ka dhiseen. but now we have to get beyond building peace and start development projects in such vital areas as health & educational facilities, transportation, good governance, economic regulation, crack down on corrupted officials etc. I love Somalia and hope to see it get out of the whole it is in today. Aamiin, aamiin. Hanad |