Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: GENERAL GALAAL IYO CABDIQAASIM
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdimalik

Monday, January 08, 2001 - 10:01 am
Soomaaliyeey ma rumaysan kartaan in Cabdiqaasin uu ina adeerki galaal oo kaliya uu i dirsaday waddanka ruushka.

Runtu waxay tahay in Galaal uusan ka mid ahayn wasiirada ama madaxda kale ee dowladda. Waxay kaloo runtu tahay inuu Galaal yahay Cayr oo ay C/Cabdiqasim wax isku yihiin taasoo keenaysa in Galaal runta uu kala kulmo ruushka uu ogaan doono madaxweynaha oo kaliya.

Waxaa kaloo yaab leh in C/Qasim iyo galaal ayagoo aan cid la tashan xataa golaha wasiiradu ma ogeyn inay balcad weerar ku qaadeen.

Hadaba sidee lagu aamini karaa ninkan C/Qaasim oo asaga iyo afar cayr ahi ay mar walba kaligood go'aan iska gaarayaan?

Wadadii Siyaad barre oo ahayd in arimaha muhiimka ah sida xagga miletariga in lagu aamino ninaa wx isku tihiin oo kaliya ayuu C/Qaasim wadaa.

Kadib markuu C/Qaasim kaligi balcad weeraya, kadib markuu C/Qaasim hubeeyey maleeshiyo kamida kuwa isku haysta Kismaayo, kadib markuu Cabdiqaasim Galaal oo uu mar hore si khalad ah dagaal ku galay uu KALIGI ruushka u diray, anigu waan kala noqday support-kii aan u haayey ninkan fufudud oo aan la ogeyn wuxuu beri soo wado.

Laakiin baarlamaanka Soomaaliya hadii sida sharciyeysan lagu maamulayo oo ay awood u leeyihiin inay shaqada ka fariisiyaan c/qaasim wali waan raacsanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S.

Thursday, January 11, 2001 - 05:16 pm
Abdimalik,

Abdiqaasim hadii uu si sharciga waafaqsan ilaa xad uu raacin waa ku qaldanyahay, oo Axdiga la dhigtay haduu isaga jabsho siduu rabana yeelo waa kaligii tashade oo wuxuu raacay MENTOR -kiisii Siyaad.

Laakiin, Galaal Soomaaliya 1973-77 asaga ayaa u ahaan jiray sirdoonka ugu sareeya ee ciidamadii Xoogii dalka islamarkaasna waqtigaasna ey u hirgashay in saaxiibo badan oo Generalo ka sameeysto dowladii Middawga Soviyet-ka.

Maantana wali wey joogaan Generaaladii Soviyet-ka, inkastoo siyaasadihii labada dhinicba wax weyn iska badaleeyn.

Sidaas darteed aniga dhacdadaan darteed kala noqonaayo taageeradeyda ee ah D-KMG.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somalidoon

Thursday, January 11, 2001 - 08:36 pm
Somalidoon,

Sida cilmiyeysan ee Mr Guuleed-s uu arrintaan kuugu sharxay waxaan u malaynayaa inay kuu caqli celin doonto. Haddiise taageerada sidaa fudud ula noqonayso awalayan meel fog kaa jirin Abdimalikow. Maanta waxkasta ha nugu qaadato, dhibkasta aan ka marno waxaan u baahannahay dawlad dhexe oo midaysa ummadda somaliyeed meelkasta oo ay joogaan ayna kala qoqobeen Warlords, cadaw shisheeyana dhulkeennii boobayo, mid sun ku soo daadsha iyo mid ciidamadiisu inta gudaha soo galaan dadkeennii ku laayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, January 12, 2001 - 12:16 am
To: Abdimalik

Walaale waxaad sheegtay waa run waadna ku mahadsantahay waxaanna rajaynayaa in dadka kale ee wali marinhabaabsanna ay soo noqdaan, sidaadoo kale, oo ay xaqiiqada u soo noqdaan.

To: Guuleed s.
Guuleed markuu G Galaal uu ahaa sirdoonka dawladda wuxuu ahaa nin Dawladdii markaas (haba xumaatee) dirsatay oo wasiiraddu siiba kan gaashaandhigu wuu ogaa ee ma uusan ahay nin madaxweynuha kaliya u adeega oo ma ahayn sir laba qof ku kooban oo wasiirka gaashaandhigu wuxuu ahaa kan aadka uga warqaba waxkasta oo ciidanku samaynaayo.

Sidaannu ogsoonahay Kooxda carta waxaa wasiirka gaashaandhiga ugu magacaaban A/laahi Boqor Muuse(Kingkong)marka makulatahay in haddii uu isagu yahay wasiirka gaashaandhiga ee runta ah in uu dadka Kismaanyo gumaysta uu Hub iyo taakulayn u dirilahaa?
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

leila

Friday, January 12, 2001 - 01:53 am
Wiil-Qardhood runtii ayaad asiibtay, aniguna waxaan doodan ku darsanlahaa D- MGK waxay ballanqaaday inay wax walba si nabad ah ku xalinayso oo aanay marnaba dagaal ku xalinaynin arrinta soomaaliya, hadaba wuxuu GALAAL Ruushka ka doonay sow hub hor leh maahan soomaliya in hub wakhtigan xaadirka ah lagu soo daldalaa waa arrin aad u khaldan siday aniga iila muuqato, kaalmada yar ee aduunku na siiyey maaha in hub lagu soo iibiyaa ee waxaa wanaagsan in loo adeegsado dhinacyada waxbarashada, caafimaad iwm oo wixii rasaas lagu soo gadi lahaa daawooyin loogu soo gado ummadan daacuunku laynayo ee kaalmada u baahan.
ILLAAHAY UMMADDA SOOMAALIYEED DHIBKA HA KA SAARO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Drawiish

Friday, January 12, 2001 - 02:16 am
To Wiilqardhood ninyahaw adiga internetka ma ka baxdid meel kasta waad taagan tahay haddii dawlada ku meel gaarka ah internetka looga takhalusi lahaa waxay ila tahay adiga ayaa sameyn lahaa.

To leila walashey Somaliya marka ugu horeeyso waxay u baahan tahay nabad intaan dhisme la gelin nabad sida loo helana waxaa lama huraan ah in la soo celiyo ciidankii xooga dalka Somaliyeed oo ah kan keliya ee nabada sugi kara ciidankaasna wuxuu u baahan yahay hub culus oo uu howshiisa ku guto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 12, 2001 - 02:50 am
Asalamu Calaykum.

Dadka qaarkood waxaan idin weydiiyay marka uu madaxweynaha DKM meel u dirayo qof, ma adinkuu taleefan idiin soo diraa, oo waxaad rabtaan inuu idiin sheego sababaha uu qofkaas u dirayo. Mida kale yaa cawada hubo oo oranayo ninkaas dirsashadiisa cid lama ogeyn, ama ha noqoto wasiiro ama barlamaan.

Bal fiirsha waxa Gedo ay ka wado amxaaradu, ma waxaad leedihiin dowlad la'aan ayaa noo dhaanta.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, January 12, 2001 - 04:00 am
To:Drawish
Walaale Drawiish intaas aan internetka wax ku qoraayay sow adigu ma adan akhrisanayn. Waxase ikalifay waa damiir soomaalinimo ee wax faaiido ah oo shakhsiyan ah oo aanka helo majiraan.

Midda kale ee ah ciidanka soomaaliyeed in ay hub ubaahanyihiin taas walaale waxaan ku oran lahaa CIIDAN soomaaliyeed halahelo intaan hublooraadin sidaas darteed walaale G Galaal ciidan kooxeed buu hub u raadshay ee ciidan soomaaliyeed hub uma raadin waayo maba jiro ciidan soomaaliyeed (ilaahay ha noo sahlo in aan ciidan soomaaliyeed hello).
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MILE SANAAWI

Friday, January 12, 2001 - 06:03 am
HEY HEY HEY

DALKAAN SOMALIYA WAXAA KA TALIYA ANIGA OO AH MUDANE MILE SANAAWI, ABDIQAASINA WAAN SOO QABANAYAA AMA WUXUU KU EKAANAYAA MOGADISHO ISGA IYO XOOXDA CATE SIDAA DARAADEED WAA IN WARKEYGA LA MAQLAA OO GUSKEYGA NA NUUGAA SUBAX KASTO. OKEY

WAXAANA ARIMAHAAS IIGA MASUUL AH WIXII KA SOO HOR JEEDDA KOOXDAA YAR OO DHAN.

ARIMAHA SIDAA HA U SOCDAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S.

Friday, January 12, 2001 - 07:54 am
Soomaalidoon, waa ku mahadsantahay fikradda aad igu raacsantahay.


Wiil-Qardhood, sida uu Anonymous-ba sheegay dhacdadaan aan MassMedia-ha ka akhrisanay ee ah socdaalka Galaal ee Ruushka, wey dhici kartaa in uu la ogyahay Mr.KingKong. Annaga, meeshaan waxaan ku lafagureeynaa waa mala-awaal oo kaliya ee maamulna kuma jirno iska hor imaad arintaas ku saabsanna ilaa hadda maheyno.
----------------------------------------------

Waxaa qabaa in loo baahan yahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed ee huwan Qarannimo, mar hadii taas la rabana, hub waa lagama maarmaan. Haddana goboladda ey qalalaasaha ka jirto ee Soomaaliya ayey iska qoraayaan Ciidankii Xooga Soomaaliyeed ahaan jiray, ilaa mudo shan sanno gudaheedana waxeey ila tahay in la heli karo ciidan Qaraneed ee loo dhan yahay, sida hadda wax ku socdaan ey ila tahay < oodda sida ey u kala horeeysaa, loo kala qaadaa > ,,,,,,

Midse ma qabo hadii aan hadeer sharci dhowris la`aan ey wax ku biloowdaan hadhoow wax ka qabasho ma laha, sidaas darteed waa in aan farta ku fiiqnaa hadii wax lays daba-mareeynaayo. Hadaanse daba joogno waligeen, kaas & kaas waa isku reer wax noo dhamaanaayo ma jiraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Parlaman

Friday, January 12, 2001 - 01:04 pm
To:Dhamaan

Waxaa mar ay afka ku dhufatay walaashay in maadaama nabad aan loo baahan yahay loo baahnayn hub iyo dagaal dambe dalka.

Waayo dadkii oo idil baa wada hubaysan marka sida walaalkay sheegay hadii xooga dalka la sameeyo yay ka xoog badan yihiin hadii xoogu uu ahaa hub dadkiina maanta wada hubaysan yahay marka waxay ila tahay in Siyaasad qaldan maldahan wejigeeduna uu u eg yahay in dib dagaal uga bilaabmo dalka waayo hadii aad rag soo hubayso oo aad ugu yeerto xooga dalka ama xooga cambuulada adeer xoog la midbaa dalka oo dhan iyo qabiil kastaa lee yahay marka xooga aad sheeganayso waa kee ?

Hadii nabad la rabo waa in lagu shaqeeyo barnaamij dib u heshiisiineed kaas oo ah in shacabka hubka laga dhigo iyadoo la isticmaalayo siyaasada iyo hawlagalo ay qabiilada ama shacabku naftooda la abaabulo lagana shaqeeyo in ay nabad kala helaan dhexdooda si ay ugua maarmaan hubka.

Marka Dawlad ku sheegtan maxay ka qabatey arintan

1- Waxaa dib u bilaabmay in qabaa'ilaadkii nooc kastaba ha noqotee ay dib hub u raad sadaan si ay ku nabad galaan iskuna difaacaan,

2- In kadib siyaasadaha xoog sheegashada ah ee dawlad ku sheegtu sameeysay sida balcad iyo weliba hub urursiga, ciidan urusiga,dhaqaale raadin sidii ay xoog wax ugu qaban lahaayeen iyagoon dadna la tashan.

3- In dhaqaalihii wadanka maanta uu deganayn dad badana dhaqaalahoodii ay maanta u arkaan in ay qatar ku jirto waayo siyaasadaha xoog xal ku raadinta ayaa ka dhigtay mid dadkii maanta meel kastaa ha jogeene ay ka wel welaan.

Marka gunaanadkii yey dawlad u tahay hadii aad hub u raad sanaysid dadkaagii shacabkaagii kaaga baahnaa nabad.

Yaa rabtaa in aad ku gumaadid hubkan cusub iyo xoogagan aad raadinaysaan ?

WAR SOOMAALIDU MAAHA SOMAALIDII HORE ee xooga lagu maquunin jiray maanta ilmihii iyo habrihii ayaa yaqaan sida aag loo kala qaato hubkana loo rido.

Maxaa xal ah ?

Xalku waa in laga shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed laguna dadaalo in isu keenida qabaailaadka iyo dib u heshiisiinta umadaha kala duwan hubaysan looguna abuuri lahaa kalsooni ay ka maarmaan hubka.

In dhamaan ururada ama maamulada la soo dhaweeyo lana tix galiyo xalkana xalinteeda dhibaatada taagan ee ay ka qeyb galaan.

Hadii laga qeeyb galin waayo taasi waxay keeni sida dawlad ku sheega maanta haysata oo ah

In dekadii Airportkii aysan furi karin.
Ina aysan Mogadishu ay nabad ku haaaysan dawladu oo wasiiradeedu aysan shacabka dhex iman karin iyadoon guutooyin ciidamo ah aysan la socon su'aashu waa yaa laga ilaa lin ma shacabka ?

In aysan ka haysan kalsooni lagana aqoonsanayn maamulada Somaliland, Puntland, Bay iyo Bakool, iyo meelo kale oo badan.

Marka su'aashu waa yey matalaan sideena nabad ku keeni karaan hadii ay ka tashteen dhamaan qowmiyadahaa oo dhan iyo maamuladoodiiba iyana ay ka tashteen aqoonsanayna.
Maxayse teri in uu hubkeeno Galaal yuu u keeni yaana isku dili ?

Maxaa keenay in maanta ay ku abuuraan jawi welwel dadyowgeenii ee kala duwan magaalooyinka kala duwan meeshii ay dadku rabeen nabad ?

Maxayse keeni karaan UN iyo gaalo oo aan naqaan tabartooda aqoonsigeed hadii Somalia oo idil aanan laga aqoonsanayn dawlad ku sheegatan

Doodu waa socotaa