Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: WASIIRKA GAASHANDHIGA OO SHEEGAY IN JANARAAL MORGAN WEERARAY CABDALLE DEEROW
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARSAME

Tuesday, January 09, 2001 - 06:03 am
Welco me to Hiiraan Online Talaado, Janaayo 9, 2001
Dowladda KMG ah oo sheegtay in ciidammadii weeraray Deerow uu
hoggaaminayey Jen. Moorgan
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
Ingiriis@yahoo.com

Jan 7 (HOL) -Wasiirka gaashandhiga ee Dowladda KMG ah Cabdullahi muse boqor(King-Kong) ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidammadii weeraray Guddoomiyaha
Baarlamaanka Cabdalla Deerow Isaaq ay ahaayeen labo qaybood. Waxa ay sheegtay Dowladda KMG ahi in
qayb ka mid ah ciidammadaas uu watay Jen. Maxamed Saciid Xersi (Moorgan).
Xubno ka tirsan saraakiisha Dowladda KMG ah ayaa sheegay in ciidammadii weeraray Deerow ee uu watay
Moorgan ay u baxsadeen dhinaca xadka dalka Itoobiya, waxaana ay sheegeen inay ahaayeen ciidamo abaabulan
oo ku socda qorshe lagu doonayey in looga taqalluso Guddoomiyaha aarlamaanka.

Warka ka soo baxay Dowladda KMG ah oo aan ahayn mid rasmi ah waxa uu farta ku goday dowladda Itoobiya
oo iyadu xiriirro dhow la leh hoggaamiye kooxeedyada Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow), Maxamed Saciid Xersi
(Moorgan) iyo Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud).

Dhinaca kale, Danjiraha dowladda KMG ah ay u magacowday dalka Itoobiya Yuusuf Xasan Ibraahim
(Yuusuf Dheeg) oo isagu magaalada Muqdisho ku soo laabtay toddobaadkan ayaa ka gaabsaday inuu wax
tafaasiil ah ka bixiyo xiriirka labada dhinac.

Yuusuf Dheeg oo u warramayey weriyeyaasha, waxa uu sheegay inuu kulamo la soo yeeshay Ra'iisal Wasaaraha
Itoobiya Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Siyuum Musfin, waxaana uu sheegay inuu u gudbiyey
dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan. Danjiruhu, waxaa
kaloo uu sheegay inay madaxda Itoobiya isku soo hadal qaadeen ammaanka xadka u dhexeeya labada dal.


Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya Ingiriis@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIIL-BARI

Tuesday, January 09, 2001 - 06:41 am
BOOWE AA LA TAHAY.

DUF KU BAX, AAR HEEDHE MIDKANI WAA WAASHAY.

MORGAN WAA KEE MA MIDKA DADKIISII MAALIN KASTA KISMAAYO LAGU KUFSANYO,DILAYO, DHACAYO, DHULKII OO DHAN LA GUBAY EE DHUXSHA LAGA DHIGAY.


AAR WAXAAN MAQLI JIREY MAQLAAY WARLAAY MA LAGUU WARAMAY, DADKAYGOO KA KACA, WAAD ARGTAAN MEESHA MOORYAAN CADAAWADEEDU GAAR-SIISAN TAHEE,

SHALAY WAX UU U DIRAY CABDIQAASIM HUB, SHIDAAL, IYO CUNTO MOORYAANTA REERKIISA AH EE XAARANTA KU HAYSTA KISMAAYO, MAANTA WAXAAN MAQLI JIREY "DOQONTA USHA AGTEEDA KU DHUFO, HADAY FAHMI WAYDANA GOSHA U GALI" HAA MAANTA WAABA MAJEERTEEN MIDKA DANBIGA TIYEEGLOW KA DHACAY LOO HAYSTO.


ILAAHAYOW NA BIXI MAXAA CADOW NOO SOO DHOOBTAY, ANNAGUNA AANU ISKA LUNSAN NAHAY.

WAXAABA IIGU SII DARAN MIDKAN NACALADU KU DHACDEE ISAGU WALI MOORYAANTA ISKA AG FADHIYA, WARHOOY YAA YIRAA SHEEKADA MOORGAN WAA " DIBGA GOWRAC, WEYSHU HA KU QUUSATO".

WAXAA TAARIIKH CUSUB AH IN MOORYAANTU RAADISO OO DANBIILE AY KA DHIGAAN MOORGAN, HALKA KING-KONGNA AY SHARIIFKA GAASHANDHIGA AY U MAGACAABEEN.

AAR MIDANI WAA MIDII KHALIIF SHEEKH MAXAMUUD KA GABYEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Tuesday, January 09, 2001 - 12:47 pm
Morgan waa halyey kuna dhaqaaqo wax aad ku eedaynaysaa. dhulka deerow lagu weerarayna RRA baa
ka talisa. beenlow baa tahay ee bbenta meel la fariiso.
but let me say this sooner or later Morgan will overcome his enemy. do not forget that this illegal occupation of other people's property will not last for ever. virtue will prevail against the evil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

juba-land

Tuesday, January 09, 2001 - 09:05 pm
filinka la daaray waa in hawiye lagu mideeyo
markii ay maqlaan moorgan aa waxa weeraray morgan
ma isagaa ka kacashay wasaqdii baydhabo,RRA ayaa
baabisay dhurwaayaddii habar jini.
mmorgan waxaan leenahay waa inaad tustaa tabarta
ay leeyihiin dhurwaayada ku socoda dulmiga,cashar
lama ilaawaana.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirizak

Wednesday, January 10, 2001 - 06:43 am
tO:INGIRIIS: WAR MEESHA MA WAXAAD KA FURTAY IDAACADDA MUQDISHO,MAXAA NAGA GALAY DAWLADDA CARTA IYO WARARKEEDA MISE WAXAAD DOONAYSAA IN KING KONG WAX LAGA SHEEGO,MA XALAY BAAD QAADKII KU DARTAY WIXII LA SHEEGAYEY MARKAASAAD YARA WAREERTAY ,FADLAN IDAACADAHA IYO WARARKU BOG BAY LEEYIHIINE LA AAD OO KHADKAAN HA LA SOO GALIN,UJEEDADAADANA WAXAAN U ARKAA IN AAD DOONAYSID IN AAD ISKU KAAYA DIRTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Wednesday, January 10, 2001 - 08:12 am
anaa akhryiyey qoraalkan markuu cusbaa king kong kuma jirin iyo cidkale toona

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAKUD

Friday, January 12, 2001 - 08:05 am
WAR NINKA Abdirizak BAA FAHMAY WAANIN MARQAANKII LAGA JIIRAY OO RABA IN KING KONG LACAAYO
MORYAAN SIKASTA AY ISKU QARIYAAN QARSOOMI MAAYAAN

YA KAKUD MEHA QANDHO FIL XUMEE