Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: GOLAHA WASIIRADA IYO BAARLAMAANKA OO CANBAAREEYEY DIRISTA JAN.GALAAL KALIGII RUUSHKA LOOGU DIRAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAAUUD

Tuesday, January 09, 2001 - 06:29 am
DOWLADDA KMG AH OO JANARAAL U DIRSATAY DALKA RUUSHKA 08 Jan 2001 at 11:15 (SomaliNet) Jan. Maxamed Nuur Galaal oo madax ka ahaa Guddigii nabadgelyada Qaranka ee uu horay u magacaabay MAdaxweynaha KMG ah, xubina ka ah golaha BAarlamaanka ee lagu soo dhisay degmada Carta ayaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Mosco ee dalka Ruushka.
Jan. Galaal oo haatan ku sugan magaalada Jabuuti ayaa la sheegay inay halkaas iska raaci doonaan sarkaal sare oo ka tirsan Milateriga Ruushka oo halkaas ku sugayay Jan. Galaal, si ay u wada tagaan dalka Ruushka.

Ujeedada socdaalka Jan. Galaal oo aysan wax war ah ka soo saarin dowladda KMG ah ayaa loo maleeyay inay tahay sidii uu dalka Ruushka ugala soo xaajoon lahaa habka ugu fudud ee hubka dalkaas lagu sameeyo ay dowladda Soomaaliyeed uga soo iibsan lahayd, bacdamaa hubka laga isticmaalo Soomaaliya uu badankiisu yahay mid lagu farsameeyay dalka Ruushka.

Qaar ka tirsan saraakiisha guddiga nabadgelyada, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Wasiirada Dowladda ayaa aad u dhaliishan dirista Jan. Maxamed Nuur Galaal oo isagoo kaligiis ah uu aaday halkaas, waxayna ku doodayaan in Jananka oo qaraabo hoose la ah Madaxweynaha KMG ah uu noqday mid mar kastaba loo hormariyo qorshe kasta oo nabadgelyo ama Milateri.

Maxamed Muxyaddiin Cali - Muqdishu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, January 09, 2001 - 06:45 am
Dowlada Ceyrka ayaa dirstay ninka ee maxaa laga rabaa? Cidda hub iyo lacag beena inuu u soo gadaa loo diray si ay dhulka beeraleyda ah xoog ugu haystaan.