Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Muduloodow war maad maqashaan walada Gaala Guul
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohawil

Tuesday, January 09, 2001 - 10:15 am
To Dhamaan Beesha Mudulood

Walaalaýaal waxaan u maleynayaa in si wax walba wax naloogu sheegay Mudulood, war garadka iyo aqoon yahaniinta Mudulood ay u wada dhinteen dhiig kar iyo calool xumo sideey maalin walba ugu howlanaayeen iney dadkooda wacyi geliyaan, dadkaasna waxaa ka mid ah oo ugu dambeeya Profs: Gaale Guul oo maanta ku soo qoray qoraal qiimo iyo wax ku ool u ah dhamaan Bulshada Mudulood.


Talo ka fiican iyo digniin ka dambeeysa oo nin walaal ah uu ku siiyo tii ugu qaayaha badneyd uguna dambeeysay, tan hadii aan wax ku qaadan weyno, ilaahey ha noonaxariisto.Laakiin nin doqon ah ilaahey uma naxarristo ayaa horey loo yiri. Mudo qarniyaal ah ayaa rag badan oo Mudulood ah ay nasoo hogaamiyaan, ragaas oo badankoodu ahaayeen ganacsato iyo dilaaliin, dantooda iyo tan dadkooda aan aqoon, wexeyna na badeen in Mudulood ay sanadka walba iyo qarni walba ay ku iibsadaan dadka cadowgooda ah, isla markaa abaal marin looga dhigo dil, dhac iyo gumaad iyo in dhulkooda laga iibsado.

Arimaha Gaala Guul oo ku soo qaaday qoraalkiisa waa arin sax ah ruux walba oo wax garad ahna ogyahay, Hogaamiye kooxeedka Ceyr Cabdi Qaasim wuxuu mudadii 10 sano ee wadanka ku sugnaa dagaalada uu ku mashqulsanaa inuu lacag faalso ah soo sameeyo wadanka soo geliyo, waa abaabulihii iyo maskaxdii ka dambeeysay lacagtaas, ugu horeyntii wuxuu jeebabka u buuxiyay siyaasiyiin isku sheegayaasha Mudulood ka dibna wuxuu ka dhaadhiciyay in dowlad been been ah la aasaaso isagana uu madaxweyne ku meel gaaar ah ka noqdo, iyagoon ka fakerin ayey qalinka ku jiideen intii wax jeebka loo geliyay, intii kalena markii xamar lagu soo laabtay ayey ka daba carareen.

Balse waxaa jira weli rag qadiyad mudulood oo dhab ah ku taagan, diidayna in la iibsado, hadaba waxaan halkaan uga baaqayaa dhamaan Muduloodka wargaradka ah iney ka digtoonaadaan waxyaabaha uu Gaale Guul uga digaayo isla markaana ay la jihaadaan dhamaan wixii qatar gelinaaya jiritaanka, mustaqbalka Mudulood. Waxaana si gaar ah aan u xusaayaa taarikhdii ku dhacaday xulufadii Siyaad Bare oo mudada 21 sano ahaa dhacaayay hantidii Mudulood, ku gadanaayay lacag xaqdaro ah dhulkii Mudulood, dhacaayay, kufsanaayay gabdhaha Mudulood, waa taarikh lama ilaawaan ah wixii ku dhacay Siyaad Bare iyo intii u shaqeyneysay aygoo ku hubeysan hub casri ah dowlad ahaa mudo dheer, maarka nin sadex bilood ah hogaamiye kooxeed wixii ku dhici doono wexey noqon doonaan mid taarikhda baal ka gasho, waxaana xasuusinayaa xasuuqii ka dhacay RUWANDA, 1994 in la gu sameeyo ka dibna haraagoodana Badweynta Hindiya la raaciyo. Muduloodka durbaanka ka daba wadana oo calooshood u shaqeystayaasha ah cadowga ayey la mid yihiin, sida kuwa dowladku sheega ku jira, kuwa raacsan oo caqliga la xaday, kuwa guryaha mudulood u dilaalaya Cadowga, kuwa dhulkooda ku iibsanaaya lacag faalso ah, ayagana wexey qatar u yihiin jiritaanka Mudulood, ayaga ha loola dagaalamo sida cadowga oo kale wax faa'iido ah oo ay leeyihiin ma jirto.

Waxaan halkaan aan ugu mahad celinaaya taladii iyo baraarujinta walaaltinimo óo uu walaalkeen Gaale Guul u soo jeediyay walaalihiis Mudulood,
isagoo wax dan ah oo uu naga leeyahayna ay jirin, keliya walaaltinimo.ilaaheyna abaal hakaa siiyo, Aamiin!

mohawil3@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JIMCAALE

Tuesday, January 09, 2001 - 12:39 pm
ma og tahay waxa jira wixii jirey waxaan sugeyno aduunyada . doofaarna ficil la:aan ayaa loo cadaabaa. dadkani lacagtaan faalsada dhulka aeey aad ugu mashquul san yihiin. dhibaatada falastiin ayaana nasugeysa hadaan hada laga hor tigin.
NIDAAMKII HORE waxx uu ku mashquulsanaa dib udejin kana waxba kama gedisna lacagtaan faalsada ayaan nalagu qixinataa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gure

Wednesday, January 10, 2001 - 01:20 am
Waxaan idiin leeyahay Dadkaan leh Mudulood waa la iibsaday , mudulood waaa qoowmiyad weyn oo awood u leh inay iyagu wax iibsato in la iibsado iska daaye!!, Dowladda ku meel gaarka ahana iyagaa u ah laf dhabar oo gartay inay tahay danta mudulood.Haddi mudulood waxgaradkoodu uusan u arag wanaag inay dowlad ka dhalato dalka ma u malaynee inay maanta ka dhihi lahaayen xamar dowlad baan nahay?
Gaalaguul waa aqoon yahan laakiin waa nin qolo nacayb ay lafaha ka gashay , mana aha inaad ka fogaato cadaaladda si kasta oo aad qolo u necebtahay.Lacagta been abuurka ahana waxaa soo daabacda rag ganacsato ku sheeg ah oo aan qofna dan ka gelin , waxa keliya oo daneeyaan sidii jeebkoodu uu u buuxsami lahaa , waxayna isugu jiraan mudulood iyo hawiye kale.

Nimanyahoow Gaalaguul la safan waad iska hadasheen ee wax cad ma haysaan oo aanan ka ahayn qabiil nacayb.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WADANI

Wednesday, January 10, 2001 - 11:17 am
SHLAAYTO WEEY DAMBEYSAA HADAAD GIDIR TAHAY IYO HADDII KALE...

QOFKEEN SAX SAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iskaabulo

Wednesday, January 10, 2001 - 11:24 pm
To dhammaan dadka fikradooda halkaan ka dhiibtay,
marka hore waxaan idin leeyahay fikrad yaan laysku nicin illeyn isma hurtaa layahaye, laakiin waaya aragnimo hala kalaqaato, khaladaadka ha lays tusaaleeyo qof kastaba aragtideeda, kaddibna haleysugu yimaado su,aasha ah maxaa noo dan ah Soomaaliyeey? anigu haddii aan fikradeyda ka dhiibto halkaan waxaan qabaa in qabiil kasta oo Soomaaliyeed isagu isi saxo oo uusan khalad isku garabsiin waayo banii aadam ayaa layahay cid kastana wey khaldami kartaa, haddisa khaladka laisugu sacabtumo waxaa imaaneysa in laga baxo xuduudka banii aadamka logu tala galay, taa waxaan ula jeedaa cid kasta oo cabasho soo bandhigta hala baaro sida wax uga jiraan oo habaaraano cidda dad ugu xigta kadibna haka qabtaano khaladka si ummadda kale u qanacdo. Gebagadii waxaan leeyahay C/qaasim iyo kooxdiisu habaaraano eedda pro. Gaala guul usoo jeediyey waxa kajira iyo eedda reer sh/hoose ay habargidir usoo jeediyeen oo ah inay xoog ku haystaan gobalkooda noloshana kala dagaalameen, haddii yan intaa sameyn waxaa sii kordhaya kala fogaashaha Habargidir iyo ummadda inteeda kale oo waxaa loo arkayaa dad ku sifoobay sida pro. Gaala guul sheegay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jilicaw

Sunday, January 14, 2001 - 02:04 am
wiil abgal
waxaa ceeb wayn no ah in prov.gala gul. oo sheganaya prv. in uu ka hadlo arimahan oo kale waxaan u shegaya in uu mel ka dhacay magaca uu sheganayo iyo mida hawiye .
waxan is oran jiray wuxuu awod u yelan karaa in uu hogamiyo bahda ku ab tir sata hawiye
galagulaw ogow besha aad til man tay in ay garab kenii tahay
cadka aad kawaysay wax garadka abgaal yaysan herkan ku geen
waxan ku oran laha mahwilaw matihid nin mudulod ah ee umada ha fid nayanin
ceb na waa ku tahay ogow in aad aad tagertid sawir wasaqeyay magacii prv,. iyo tii hawiye iyo karamadii umada so malaiyed
prv. waa in uu haga umada si cilmi ah lakiin kano kale lama arag

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iskaabulo

Monday, January 15, 2001 - 12:33 am
To. Ninka isku sheegay jilicaw!
Walaal inkastoon ku qiyaasi karo marrabo inaan ku tilmaamo laakiin waxaan ku leeyahay kalasaar casabiyadda iyo qowmiyadda, Pro. Gaalaguulna kaama astaahilo inaad inaad xummaan kala hortagtid, walaakiin waxuu kaa mudanyahay inaad si wanaaga wax u weydiisid waayo waa aqoon yahan soomaaliyeed, waa haddii aad tahay nin soomaali ah haddii kalena waa adiga iyo ka garaadkaa. Hadda iyo gabagabo ra,yi iyo aragti cidna haku nicin ee aragtitaada dhiibo oo ayada ku koobnow, cid aadan ahayna ha sheegan oo kalsooni isku qab marka aad dadka la doodeyso, ogowna in caaytanku mamnuuc kayahay cidkasta oo damiir leh waxna garaneysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moobleen cimaan

Monday, January 15, 2001 - 10:13 am
ku iskaabulo:
walaal aad ayaan ula dhacey sida garaadka ku dheehan ee aad walaalkaa wax ugu sheegtey marka waxaanba u maleynayaa inaad adigaba aad tahay nin cilmi leh .
waxaan idin leyahay beesha mudulood wax isugu sheega sida sharafta leh oo uu s-bulo wax u sharaxey.
waa walaashiin moobleen cismaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iskaabulo

Wednesday, January 17, 2001 - 12:51 am
To: Moobleen Cismaan,
Walaal waad ku mahadsan tahay faallada wanaagsan ee aad ka bixisay qoraalkeyga, waxaanna kuu sheegayaa in wax kasta oo ka dhaca ama kusoo kordha adduunka ay leeyihiin macallin kadambeeya oo sabab u noqday dhacdadaas wanaag iyo xummaan tii ay tahaba, macallimiintaasina waxay adeeg sadaan habab kala duwan marka ay gudbinayaan falsafadooda iyagoo kutala galay inay gudbiyaan falsafadaas iyo iyagoon kutalagelin intaba. Taa waxaan ula jeedaa cid kasta oo Somali ah waxay qirsantahay maanta in qabyaaladdu tahay cudurka Somaali baabi,iyey, waxaana laysku raacsanyahay in dawo loo helo cudurkaan horumarkii iyo jiritaankiba Somaali kala dagaalamay isagoon kala saarin, laakiin waxaan lagu baraarugsaneyn inaan wadno maalin kasta kobcinta iyo horumarinta qabyaaladda annagoon is ogeeyn oo aan ugu talagelin balse jecel inaan ka gudubno, haddaba waxaa isweydiin leh habkeen ku kobcinnaa qabyaaladda annagoon is ogeyn? Jawaabtu waxa ay tahay, marka aan qabiil ka mid ah qabaailka Soomaaliyeed liidno ama caayno annagoo ola jeedna caadadeeni kaftanka iyo isxifaaleynta ahayd ogow waxaan dhaaweceynaa shaqsiyaad caafimaad qabay kuna biiraya bukaankii hore oo dawada loo la,aa, sidoo kale haddii aad qof ku mucaaraddo am ku ayiddo qolada uu ka dhashay awadeed oo aadan u fiirin shakhsiyadiisa iyo xummaan & sammo wixii uu layimaado ogow inaad ku tababareyso ummadda kalena inay qaataan fikirkaaga oo kale oo ayan aqbalin fikrad iyo hogaamiye aan ka imaan qoladooda, waayo Soomaali waatan hore ugu maahmaahday (Doofaarka ficil la,aan ayaa loo cadaabaa) marka Soomaaliyey ma idinla tahay inaan ka gudbi karno caqabadaan haddii aanan kabilaabin sixitaan nafteenna oo aan argtideenna ku koobno khaladka dadka kale keenana illowno?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

irir samaale

Thursday, February 08, 2001 - 04:25 pm
GAALA GUUL waa nin aqoonleh.

qofwaliba wuxuu wax ubartaa
inuu wax ugu qabto aqoontisa
dadkiisa iyo dalkiisa,gaala guulna
waxaa waajib ku ah inuu difaaco
dadka iyo dalka soomaaliyed oo
waa inuu islamarkaa usheegaa
qofwalba ee somali ah qaladka
laga galayo iyo kuu galaayaba,
dadka muduloodka ah ee uu lahadlay
waa dadka mid ah soomaali weyn
xaqbeyna uleeyihin in aqoon yahanada
soomaaliyed usheegaan wixii dhibato
ah ee kusoo wajahan si eey ugahortagan
waxaan ku guubabinayaa aqoo yahanada
kale ee somaliyeed in eey shaaca
kaqaadan wixii qaladaad ah oo eey
arkaan si logagudbo dhibatada jirta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Said

Saturday, February 10, 2001 - 11:23 pm
Brother mohawil3 i wil e mail you thx warbixintaada waxaadna ogaata in uu shitr weyn kadhici doono magaalda london oo lagaga hadlayo arinkaas waxaana kasoo qeyb galaayo Pr Gaaloguul iyo dadkale oo faro badan o mutacalimiin ah shirkaasna waxuu dhici doonaa 24/5 febraayo hadaba walaal hadii ad jeceshahey waan ku farxasanaan laheen inaad kasoo qeyb gashid sababtoo ah waxad tahey nin maskax furan waana waajib in lakla faaideesto
Any way i wil e mail you any1 else who wants to take part the confrence you r welcome leave you mail and i will contact you.

Waxaa mahad gaaro u soo jeedinaa walaasheey Mooblen Cusmaan iyo dareenkeda tonimo guul sister iyo ismaqaldambe oo dhow.

Abdullahi Said

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yariisoow

Sunday, February 11, 2001 - 01:04 am
to.iskaabulo,gaalaguul,iyo moobleen
marka hore waan ididin salaamay kadibna waxaa idin dhihi lahaa dhamaantiin waad qaldanyihiin
sababtuna waxay tahay waxa aad ka qaylineysaan waa wax aad idinku sabab u tihiin hadii aad mudulood tihiin habargidir xamar ayey soo degtay mudulood oo dhan raali maka yihiin in habargidir xamar laga bixiyo? jawaabtu waa maya. gaalaguul habargidir hakabaxdo dhulka hadii uu yiraahdo ninka ugu horeeya oo ay is arkayaan waa ina adeerkii muuse suudi, waayo muuse suudi mudulood oo dhan wuxuu ka jecel yahay tuuga caato. muduloodoow ha is daalina....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anwar

Sunday, February 11, 2001 - 11:40 pm
to.siciid, waa adiga leh shir ayaa ka dhacaaya london yaa iskugu imaanaya shirka aad sheegeyso ma mudulood mise wacbuudhan? hadii shirku uu yahay mid mudulood dadka mudulood metela waa macruuf hadii uu yahay mid wacbuudhana gaalaguul cidiisa ha u yeerto hana ka dhegeystaan waxa uu sheegeeyo. waxaa kale oo aan kuusheegayaa in aysan mudulood rabin in dhab ay u wada heshiiyaan hadii ay taas dhab tahay 91 dii ilaa iyo hada shirar ayey ku jiraan wax kasoo baxayna ma yiraan aan ka ahayn in ay isarkaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Said

Monday, February 12, 2001 - 03:36 am
Thx Bro Anwar,

Waxaana aad uga xumahaey meesha adiga ey kaala dhacdey qabiilka hadabase shirka kor ku xusan waa mid uu leeyahey Mudulood bal haddii adigu aad tahey midaan sas wax u aqrin karin bal ey cosobiyad iyo waxaan jirin ku jirto adigaa koleey ey ku dhibeysaa. Hadi aan usoo noqdo Galogul, haddi uu adiga kuu yahey Wacbuudhan aniga uma arko saas ee waxaan u arkaa inuu yahey nin Mutaclim iyo odey Abgaalba ah. Anigana 100% waan kacaafimaad qabaa cudurka ku haayo. Laakiin waxaan kuu sheegi lahaa inaad ama aad kamidnoqoto bulashaadaa ama aad ku biirto odeyaashaada kuwey galaan(Waa jeeb dadoowe) hadaba waxba si public ah hauga hadlin meelaha lagu sheekeesto beel si hoos ah ee kor u qeyli waxa aad qabtana hala maqlo, marka sida walaalkeey uu beejkan u fureyna waxuu dooneyey inuu dadkiisa u sheego dhibaatad maanta jirta ana waan ku racsanahey despite waxa aad adigu qadariso. Ugu dambeyn haddi aad jeceshahey inaad wax ka ogaato shirkan dadka isugu imaanayo waxaad weydisa dadka soo abaabuley iyo kuwa London dagan ee duqoda ah intaba iyagaa kuu sheegi doono haddii aad tahey kuwa qiimeeyo hebel amaba hebel balse waxaan kuu sheegeyaa in taas laga gudbey, cuqdadna ha uqaadan xusida aan xusey Pro GAALOGUUL sababta keenteyna waxey aheed inuu isaga qoraalkiisa ku saabsana beejkan aan ana u shegey asxaabta London amab Worldwide kaqrisato iney ogaadaan ka soo qeyb galkiisa. Hadaba walaal waxan kuu rajeyneyaa inuu hadalkeyga ku anfacey haddi aad waxqabtidan still u may ask and i will have a go.


All The best Anwar

Said

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anwar

Monday, February 12, 2001 - 04:39 am
to. anwar
anigu waxaan ahay muduloodka aad u doodeyso waxaadna ogaataa inta indhaha laiska daboolaayo sidaan ayaan ku jireynaa, anigana waad i dareensaneysaa hadii aan runta kuu sheego. runtu wey kaa nixineysaa laakiin kuma dileyso, anigu ma rabo in aan netkaan ku sheego waxyaabo hadii aan ka hadlo daren kicinaaya oo weliba run ah. war iyo dhamaantii anigu mudulood hadii uu fiicnaado aniga ayey ii roon tahay hadii kalena anigey ii daran tahay. gaalaguul dowladii cali mahdi meeshii uu ka istaagay waan ognahay, tan hada dhalatayna sidoo kale. muuse suudi waan ognahay wuxuu ku sameeyay maamulkii xuseen cali axmad isagagoo kaalmeysanaaya caato. marka hadii aad rabtid wanaag dariiq lama waayayo, aniguna ma lihi maxay waxaa u dheceen, waxaanse leeyahay wax la taaban karo hala sameeyo. tusaale ahaan hadii aan ku heshiino waixii aan mudulood ahayn xamar aan ka rarno, waa talo hadii ay rabto ha xumaato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Said

Monday, February 12, 2001 - 05:13 am
Goo Bro anwar,

You can reach me at Abdullahi@btInternet.com

Sxb, waxa aad sheegeysid waa sax balse miyey mudneen kan xun iyo wanaagsan intaba inaan iska dayno oo aan danteena u istaagno. Haddi aan wax yar kaa iraahdo arinta Cali Mahdina inuu qof jiro aheyn isagaa cadeestey marnana aan jecleen inuu dadkiisa wax u qabto taana waxaa cadeen karto asoo ah ninkaad taqaan ayaa dhalinyaro madaafiic isaga dhigtey markaso dhiigoodii maanta baarlamaan kagaley isagoo dhehaayo kuwi shaley uu nagu direy uu yiri Habargidir dhulkeeney rabtaa uu maantan shegeyaa iney yihiin Dowladeena froget About Muuse amaba Gaaloguul bal mamoodaa in uu Cabdiqeybdiid wiil Mudulood badbaadin karo? Hadii aan inyar kaa iraahdana raga sida Abukar cadaan, kaah iyo kuwa noocaasoo oo badan iney meel cad ka istaageen tii Ali mahdina maantana ey takjel qarash ku baxshaan hadaba hadi dadka qaar ey rabaan in tooda ey socoto takalna maya. Ugu dambeeyn saaxiib wax badan oo aan ku maqli jirey dadkeena ayaa maanta soo ifbaxayo, taariduse wey sheegi doontaa, waxaan jeclaan lahaa inaad ilasoo xiriirto hadii ad waqti heshid waadna ku mahadsantahey wargelintaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 12, 2001 - 06:10 pm
to said

afkaaga bakeeri gaxwo xaraar eh & lammo xabbo oo moos eh shuuuuuub halagu siiyo afbilaaw waaye,
nabarkii oo qadeeysid ma arkinoo babaay & baraf & moos leysku shiiday isku khabooji,cawadiina bakeeri oo dangawiis eh & muufo khamiir afkaaga geb halagu siiyo,
si fiican aad i hadashi axsantu,
kheyr allah ku siiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yariisoow

Monday, February 12, 2001 - 11:55 pm
to.saciid asalaamu caleykum
waxaan ku su´áalayaa shirka lagu qabanayo london yaa kasoo qeyn gelaaya? gaalaguul waan gartay
akhyaarta kale ee mudulood yaa ka mid ah? jawaab dedeg ah isoo sii...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Said

Wednesday, February 14, 2001 - 03:47 am
Bro reality maahi xubin ka mida ah qabanqaabad balse waan lasocdaa si hoosaad ah, waxaan maqley rag aad u faro badan oo kal joogo dunida dacaladeeda sida Dr calas, Dr Jimcaale, Dr Okio iyo kuwa kale oo faro badan bal dadka qaar ayaa raadinayo iney ku jiraan dad bahdooda ah laakiin taa aniga ima quseeso all matter to me is in dadkeena ey xamar kutuugsan, jidadkana seexan where kuwa kale lacag been abuura oo guryaheena ku iibsadaan iyo dowladnimo beena sheeganaayo. Hadaba haduu jiri qof amaba qolo mudulood katirasn duiyaarna u ah wax u qabshda dhulkeena waan taageraya despite rerka uu yahey,

Th , yariisow, anynomous iyo iqyaarta kale adreskeya waa haajiga@hotmail.com in case Btga uu qaldamo.


Said

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fidw

Thursday, February 15, 2001 - 11:49 am
To Said
'
Ninyahoow waxaan ku weydiiyay Dadkaaga maxaad u liideysaa?? Yaase kugu yiri xamar ay ka tuugsadaan? Mudulood waa qoowmiyad weyn oo awood u leh inay diidaan waxaysan rabin oo aysan danahoodu ku jirin.

Niyahoow sidaas wax laguma kiciyee bal tolkaaga ha
af lagaadeyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Runsheeg

Thursday, February 15, 2001 - 07:06 pm
Hadaad Mudulood tihiin umad weyn inaad tahiin la iskuma heesto, laakiin aad beyduun u kala daadsan tahiin. Tobankii sano oo lasoo dhaafay wax maamul idiin dhaxeeya weyudun sameesan kari weyseen.
Sababtaan daradeed baa dawladiini Ali Mahdi ay Somali oo dhan ogolaatay qoladii kelligeed aheed oo diiday aad maanta qaarkiin daba ordeysaan oo ay dhulkiini ugu ogolaateen iney idiinku maamulaan, iduunkana dhacaan, lacag been ah nah goofafkiinii idiinkaga iibsadaan.
Talo ahaan waxaan idiin dhahin intuu Abdiqasiim Salaad iyo generalkiisa Galaal idiinku xoogsan hurdada ka kaca hadii kale mar aan fogeen beyduun ka shaleen!
Dhankeena ninka haatan mabda' leh oo ayduun leedahiin waxaa ka jira Musse Suudi oo tageera hadii kale sidii Ali Mahi oo kale ayaa la siisan lahaa lacag.
Waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ssaid

Saturday, February 17, 2001 - 12:18 am
Thx Runsheeg,

Dadka qaar waxaa ka dhaadhacsan dowlad, dowladnalguma gaari karo nin konteenar ku dhalo inuu kuu talsho, nin dad soomali ku diley guri=ga ey lee yihiin.

Haddi aan usoo noqdo ninkasare Fidw isugu yeerey sxb e mailkega waa kaas adey ku jirtaa inaad i sop qorto adoon netka iigu jawaabin, bal waxa aan kicinaayo malahan hadaadb ogtahey inaan hurudno ayad abaalmudan tahey. Anoon cidna wxayeeleyn miyaan dambiiler ku noqoneyaa taageer Habargidin, diidna walaalkaa MUuse Suudi, taas maqaadan mana qaadanatyo hadii xitii ey dhacdo ninka lakaliyeeley uu waqtigiis dhamaado in way oo ana aan noolahey wa;igeeyt dulmi maqaadan doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdala

Tuesday, February 20, 2001 - 01:10 am
waa idin salaamay dhamaantiin inta ka qeyb qaadatay doodan in fikrado la is dhaafsadona waa arin positive ah laakiin marka hore hadii aan ogaano cudurka na haya waa sahlantahay in la helo daawadiisa maxaa yeelay waxa aan maqli jirey Oraah Ingiriis ah oo leh ( To know the desease is a halv cure) tan marka aan rabo in aan idinku darsado waxay tahay Mudulood waa dad wanaagsan oo aan xumo isku raacin weligood balse dhibaatada ugu weyn oo heysato waxay tahay waa dad naiv ah oo wixii yimaado si sahlan ku rumeeya midnimadoodana waa fragile oo waad ogtihiin wixii la soo maray in anagoo ku dhaqmeeyno sharciga islaamka ay Hogaankii Mudulood ee uu cali mahdi madaxda u ahaa yiraahdeen hala joojiyo isla markaana dadkiina u kala qeybsheen qolo qolo
Sheekhiina karaamada ka qaadeen. si kastaba ha ahaatee maanta in la is eedo wax tari meyso ee in maslaxadeena aan garno ayaa naga bad baadi karta godka aan maanta ku socono waa hadii aan isku si wax u aragno.
laakiin ogaada in cid naga liidato aanay maanta jirin oo waxan nahay dad intey shalay Kutubkii ilaahey ku dhaqmeen arkay wanaagiisa hadana diiday oo ka doortay dulinimo maantana u kala ordaaya oo weli isku dilaaya dastuur nin soo qoray iyo dowlad habargidir ay horsocoto marka aqiyaarey waa ogtihiin wixii shalay ka dhacay Balcad oo isla dad Abgaal ah ay weerareen iyagoo leh waxan hubka ka qaadeynaa Muuse Suudi una geyheynaa habargidir iyadoo aan ognahay xaalada maanta lagu jiro .
dhamaadkii qoraalkeyga waxan idin leeyahay ilaahey towfiiqda hana waafajiyo in aanan is hureyna hala ogaado .shirka aad sheegteen inuu ka dhacayo Londona waan maqlay laakiin rajada aan ka qabo in ey wax ka soo baxaan ayaa aad u yar maxaa yeelay waxan nahay dad lakala qeybshay oo Cabdiqaasin u kala dhuumahaayo dhamaanteena Xamar ayaa nalaga xukumaa marka aan iska sugno inta Cali Mahdi. suudi iyo Bood ay heshiihaayaan waayo nin walbaahi xamar ayuu ka shidaal qaataa ninki waxgartay oo Mudulood ahna waxa uu u dhintay Ciil kii kalena qaxooti ayuu iska noqday ee alaha na bad baadsho waxan maqli jirey shirib abgaal oo nin laashin ahi oow yiri
" Talo Abgaal iyo Towbo Gaal si ey u toosto uma taal" waana walaalkiin Cabdulahi Macalin oo idin leh nabadeey.
You Can reach me at (cabdulahi.moalin@usa.net)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuuraani

Wednesday, February 21, 2001 - 11:36 pm
to.cabdala waa lagu salaamay, maahmaahda aad sheegtay waa dhab runtuna waa sidaas towfiiq la'aan ayaa qayrkeen naga reebeysa dowladii qaabna looma diidin qaabna looma ogolaan oo kaaraan qashin ayaa lala mari la'yahay magaalada inteeda kalena wey nuureysaa, marka hada waxaan maqlaayey qashin baabuur lagu raray oo kaaraan ka qaaday niman qorya wata ayaa ka daba tegay oo yiri qashinka meeshiisa ku celiya, baabuurtii qashinkii ayey kaaraan kusoo celiyeen. waxgaradkii muduloodna waa joogaan shuqul xumada joojiyana lama lahan. marka mudulood towfiiq xumadii waxay ku darsadeen anshax xumo aanan yac laislahayn. nuuraani@hotmail.com