Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : ADIGOO SOOMAALI QORI KARA KUNA HADLI KARA MAXAA KUGU KALIFAY INAAD WAX KU QORTO AFAF QALAAD????? mA JAHLI BAA MISE WAA DAMIIR LA'AAN????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Natzionaliste

Wednesday, January 10, 2001 - 10:27 am
ANIGU WAXAAN QORAA KUNA HADLAA AFAR LUUQADOOD HADANA INTIBA LEYLA FAHMI KARO LUQADEYDA SOMALIGA AH WAXAAN ISKU DAYAA INAAN IYADA KU HADLO WAX KU QORO, HADABA DHALINTA YAR EE SOO KOREYSA KUNA NOOL DUNIDA MAXAA KU KALIFAY KU INAY ISKU AFGARTAAN IYAGOO LEH LUUQAD QANI AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudane

Wednesday, January 10, 2001 - 07:34 pm
TO:NATZIONALISTE
SXB WAAN KU SALAAMAY SALAAN KA DIB ANIGA SU.AALAHAAS WAX BADAN AYAAN IS WEEYDIIYEY OO AAN XITAA DHOOWR MEELOOD KAGA QORAY FORUMKAN ILAA IYO HADANA MA HAYO WAX JAWAAB I QANCISA LAAKIIN ANIGA WAXAAN U MALEEYNAYAA IN AY DADKA UGU WACAN TAHAY ISKA YEEL YEEL IYO JAAHILNIMO WAXAAN U MALEEYNAAYAA QOFKU MARKA UUSAN KU KALSOONEEYN DADKIISA IYO LUQADIISABA WAXUU ISKA DOON DOONAA INUU ISKA DHIGO DAD UUSAN U DHALAN IYO LUQAD UUSAN U DHALAN
SXB ANAGA WAXAANU NAHAY QOOM ILAAHOODII UU KA CAREEYSAN YAHAY OO CARO ALLA AY KU DHACDAY EE DADKAAN HAKU DAALIN WAA IGA TALLO WAADNA KU MAHADSANTAHAY QORAALKAAGAN.....BAY.MUDANE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Thursday, January 11, 2001 - 07:27 am
Runtii waa arrin lala yaabo. Waxaa jira dad aad u tiro badan oo Soomaliyeed oo afkooda ka faana inay ku hadlaan carruurtoodana baraan. Dadkaa waxaan is idhi waxaa ugu badan dadka juhalada ah amaba aan aqoonta fiican lahayn oo raba inay carruurtooda afka ka bartaan oo afkaa qalaad jajabsada iyagoo aan garan karin qasaaraha ka dambeeya. Dadkaasi ma dhaadana in luqadda hooyo ay tahay ta keliya ee qofka ka dhigaysa in aanu qofku dhaqan guurin isla markaana ka dhigaysa waddani asal raac ah.

Haddii ujeedadu ay tahay ma rabo carruurtaydu inay lahjad yeelato oo dadka laga garto taas anigu waxaan u arkaa inay tahay qalad.

Aan ku wada dadaallo sidii aan dadkeenna yaryar
afka u bari lahayn hadday tahay qorid ama akhris
haddii kale waxaan wada noqon doonnaa sidii labadii is tijaabinayay ee mid yidhi " I does not know".
Wasalaam,
Abdi