    Booteeye | Thursday, January 11, 2001 - 12:48 am Waxaan idiin sheegayaa inanaay hawiye xumaan la jeclayn puntland & dadka dega toona, anigu waxaan ahay nin hawiye ah,. waxaan ka xumahay wixii hore u dhacay oo xumaan ah, kaligeyna ma aha ee laba qof oo hawiye ah, hadii ay meel isugu timaado waxay ay ka hadlaan qaladaadkii hore u dhacay. marka yaanan dadka lagu beerlaxawsan mooryaan ayaa puntland u sopo socota. waxaan idiin sheegayaa, waxaa is haysta tigree &hawiye, walaalayaaloow na isaga keyna dhex baxa waxaan kala helno ayaan leenahaye. |
    gaalkacyoos | Thursday, January 11, 2001 - 09:16 am puntland haddii aad awood u leedahay waa hore ayaad ka taqa lusi lahayd, asxaana kaama ahan, dhibkii aad geysteen haddii aad qiran lahaydeen mar hore ayaa la heshiin lahaa, maantana markii awood aad weydeen ayaad dadka waxaad ku beerlaxowsanaysaa muslimnimo, xagee jirtay muslimnimadu markii hore? itoobiya iyo idinka waxa idiin dhexeeya anaga shaqadeena maahan, dhul ayaad naga haysataan, intaan kismayo gacanteena soo galayso, inta dambiilayaasha Hawiye aan maxkamad la marin, inta hantideena koonfur iyo xamar Hawiye haysto waa noo dagaal, ama af ama gacan, ama xanibaad kale. yaa ahlu mooryaan illaahay u toobad keena oo dadka xaqooda u soo cesha. |
    sayidcumar | Thursday, January 11, 2001 - 05:08 pm badow baa tahay gaalkacays ninku haduu ku yiri qalad bayna kala gaaray qirtayna inuu xumaatada markii hore ka shaqeeyey laakiin hada nabad iyo walaalnimo rabo maahan inaad meesha ku caytantid boqolgoor oo hore ayaan arkay adoo hawiye ka hadlaya hadaba walaal magaca aad ku hadlayso waa kula wadaagnaaya dadka haku caayin si yar oo nadiifa adoon qabiilna caayin rayigaaga u dhiibo hadii kale [afdaboolan waa dahabe]iska aamus adna walaal tigree iyo hawiyehaad ka hadlaysid rayi nin wayni lasoo shirtago maahee bal u cagadhig itoobiya soomaaliyoo dhan bay qasaysaa soomaali galbeed bay haysataa shalay odayaalbay luuq ka kaxaysteen dhawr bilood ka hor waatay galdogob joogeen barina hadaan la dhiman sidana lagu sii jiro xamar iyo garooweba way iman inana hadaynu soomaali nahay sidii caadada inoo ahayd ayaynu u kala ruufyaamin wake up its the twenty first centry guys its time to unite and stop those who taken whats ours good night and god bless somalia soomaaliya hays raacdo soomaaliya ha noolaato alaan talada saarnoo saanteenu waa khayr samawadaha calankuna sumadeena weeyaan iyo sansaanta gobanimo sikastay ahaatana soomaalinimadii wali waa sideedii sokeeyiyo walaaliyo saaxiib rumaan nahay sinjiga iyo faracana soomaalibaan nahay sunadii rasuulkiyo diinta waa ka siman nahay soomaaliyeey maqal aduun waa sir iyo saaq labada ninkaan sugin salfudaydkuu helo sideenoo kaleetoo intuu dilo sokeeyaha suuqa wuxu ka sheega inuu yahay libaax sunah oo an lala sinaan karin salfudaydku waa belo dadku uu ka siman yahay ee soomaalinimadiyo sinaantii wadaninimo haka tagin sokeeyoo sidaasaan isku ognahay saadaashu waa guul iyo qaran nawada simah |
    Booteeye | Thursday, January 11, 2001 - 11:08 pm Sayid cumar saaxiib, waad mahadsan tahay, wax walba oo dhihi lahaa, adiga ayaa dhameeyay ma doonayo inaan u jawaabo ninka kale ee la baxay gaalkacyoos. Laakiin waxaan kuu sheegayaa ninka ragga ahi dhibkii soo gaaray waa kii, iska ilooba ama aarsada ninka la baxay gaalkacyoos hadii ay hawiye wax u dhimeen ha ka aarsado waa kuwa gaalkacyo la joogee, anigu ma aaminsani wax la yiraahdo DAAROODISM ama HAWIYISM. Hadii hawiyenimo jirto xamar sidaan arkay uma oolilahayn, hadii daaroodnimo jirtana kismaanyo ayaa lagu heshiin lahaaa, ama afwayne ayaa la ragga qaarkood oran lahaayeen walaalkeen ha inoo joogo, ee amxaaro uma soo wateen isagoo ah awooda africada madoow, dabadan ka galayaya dowladii loogu yeeri jiray LION OF AFRICA. wake up bro, and be wise , thanks brother SAYID CUMAR. |
    SAYRUUKH | Friday, January 12, 2001 - 07:58 am HORTA MARKA HORE WAXAAN LAYAABAA DADKA ISKA DABA WATA ITOOBIYA BAA TIMID ITOOBIYA AYAA HALKAAS MARTAY WAR ITOOBIYA MA IDHA SARCAAD BAA? MAA KAHADA SHID ARINTA RUNTA AH OO DHABTA AH OO JIRTA OO AAD ADIGA LAFTAADA SUU BINAYSID OO AH INAAD IDISHID INAAD IDHACDID INAAD CIYAALKAYGA FARA XUMAYSID INAAD DHULKAYGA XAALU FISID OO INTAA WALAALAHAA CAYR AY KU KACAAYAAN MAAD KAHADA SHID WAA HADAA CADAALAD KAHADLEESIDEE. ADAABA ITOOBIYA IIGA DARAN OO MARNA SOOMAALI ILA SHEEGANAAYA MARNA CARUURTAYDA KUFSNAAYA MARKA HADAY XABAD GAARTAY OO LA ISKU SOO SOCDO OO RAGAAD GURYAHA KAHEESTAAAN IDIIN SOO SOCDAAN HADHIHINA ITOOBIYA AYAA TIMID ITOOBIYA AYAA DHUUSTAY WAR HADAA RUN RABTAAN MEELLIHII AAD KATIMAADEEN KU NOQDA SOOMAALI MARKAAS BAY DAGI DOONTAAYE, ANAABA IGU KORTUMANAY SAA MARKAAS BAAD MEELKALE ITUSAYSAA ITOOBIYA WAKHTIGEEDA WAA INAAN LAAKIINSE MAANTA WAA WAKHTIGII NIN WALBA GURIGIISA TAGI LAHAA EE NIN YAHOW ISKA ADKEESO. |
    Somali | Saturday, January 13, 2001 - 07:33 am Sayid Cumar, caaqil halyey ah oo diin iyo dadnimo leh baad tahay lagaa daba hadli maayo, Booteeye ragannimo caqli iyo dulqaad baad muujisay, walaalaha kale Gaalkacyoos iyo Sayruukh dadnimo iyo dulqaad muujiya xisaabtana dib ugu laabta! waa idinka qaldan tahay, hadalna waxaa dhammeeyay Sayid Cumar. S.C |
    SAYRUUKH | Saturday, January 13, 2001 - 08:31 am ANAGA XAQAAN KAHADAL NAY HADAA TAAS DIIDANTIHIIN OO AAD DIIDANTIHIIN INLA XISAAB TAMO OO NIN WALBA DHULKIISA KULAABTO OO SIDAA NABAD LOOGU NOOLAADO HADII AAD TAA DIIDAN TAHAY INA ADEEROW MAXAAD RABTAA MARKA INAAN MUNAAFAQNIMO ISKU SAMEENAA? AYADA OO AAN LA XISAAB TAMIN MEELNA SOOMAALIYA ISUGUMA IMAANAYSO TAAS LASOCO ADNA. |
    Abdirizak | Saturday, January 13, 2001 - 10:03 pm War maxaad isu khaafinaysaan kuwiinna ku hadlaya magaca hawiye,waxaa fiican in ninka ragga ahi garqaato amaba uu samro,war hadii aannu diidnay in aannu mardambe idinla noolaanno amaba wax idinla qaybsanno maxaad naga rabtaan mise waxaad ka baqaysaan in aad noolaan weydaan daarood la"aantiis,wax badan baannu idiinsheegnay raalli galin iyo tacsiyeyn idinkama rabno intii aad noo geysateenna waxaannu nahay rag samirka yaqaan oo waan ka samraynaa dibdambana wax idiinku darsanmayno,waxaad tiri hadii aad aarsanaysaan laaya dadka gaalkacyo idinla dagan,taas waxaan kaa leeyahay walaal waad khaldantahay annagu ma ahin mooryaan mooryaantaa laysa dumarka iyo caruurta iyo dadka ku dhexnool,Puntland waxay goosatay in aysan hawiye wax la qaybsan ee nin baa ilaah kaa dhigaye is meel mari annaga hanoo calaacalin waan kaa daldoorsannay waadna dhaqan iyo macaamiil xintihiin,wax wada qabsigu amawada noolaanshuhu maaha sidaa u taqaan,mooryaanyohow. |
    Gaalkacyoos | Sunday, January 14, 2001 - 08:10 am TO sayid cumar, waxaad tiri magaca Gaalkacyo noo daa waa lagula wadaagaaye, waa runtaa Gaalkacyo dad badan oo kala qabiil ah ayaa ku nool, aniguna waana ku dhashay waana ku koray, xaqna waan u leehay in aan magaceeda isticmaalo anoon qof kale uga haybaysan, taas waxaan ku darayaa in aan aniguna horay u arkay meelo aad wax ku qortay sayid cumaroow, mar kastana HAbar gidir u xaglinaysid, waxaadna sheeganaysaa in aan isku deegaan nahay, runtu waxay tahay wax kastaba ahoow in adiga iyo Habar gidir isku mid ii tihiin marba haddii aragtidaadu saas tahay, Habar gidir wali riyo ayay ku jiraan, waxay isleeyihiin waxii aad geysateen waa la iloobi, heshiisna waa dhici, hantidii xooga ay ku haystaana waa xalaalaysan, intay riyadaas ku jiraan wax naga dhexeeya ayaaba iska yar, Somalinimana nagama dhaxayso, haatan Gaalkacyo oo la wada ogyahay waxii ay ka geysteen, oo haatan maatadooda loo ogolaaday in soo degaan dhib iyo shido ayay ka wadaan, intaas dad ayaa lagu dilay ayaa la leeyahay, waagii lala heshiinayana waan ka soo horjeeday, waxaana u arkayay in heshiiskaas habar gidir kaliya dani ugu jirto, intay koonfur ay mooryaantoodii baabi'inayso ayay iyaguna Gaalkacyo nabadna ku joogaan, waliba dad aan waxba galabsan ay ku dilayaan, maanigaa waalan mise caddan baa laga heesayaa, anigu waxaan aaminsanahay in haddii aan Dawlada Puntland arintaas si degdega wax laaga qaban arintu qabiil isku badali doonto, ama nabad ha ku noolaadeen ama hanaga maqnaadeen habar gidir. |
    gurey | Sunday, January 14, 2001 - 08:43 am Booteeye: waad salaaman tahay marka ugu horaysa waan ku raacsan in Somalida oo dhibaato geysteen haba lagu kala darnaadee. The title of your article was '' Moryan are not going to Puntland'' first of all who is Moryan? did you mean all Hawiye poeple are Moryan? of course not.. as i understand from your article, you acknowledged the existance of Puntand and its people but still there are other places where some of your people ocuppied illegally..therefore what you telling is if you have the means to conquered defenless people is ok..there will be no peace and reconcilation until all properties return to their rightfull owners. as far as I can see that is not happening at moment.. Abdiqasim is not delivering his promises. stop being so paranoid..you can welcome to Puntland as far as you the right intentions. finally i suggest that you changed the title as Moryan uma socoto dhul ayan lahayn and then take action bye |
    Booteeye | Sunday, January 14, 2001 - 10:46 pm Sayruukh Saaxiib waxaad tiri in la xisaabtamo ayaad diidan tihiin, hadii la xisaabtamo oo xaq laguugu yeesho armaad xanaaqdaa oo aad kiis iska waal noqotaa? Anigu sidaan hore kuugu sheegay ma aaminsani wax la yiraahdo hawiye iyo daaroodnimo. HADIISE AAN ISKU DAYO inaan garbixiyo , wixii soomaaliya ka dhacay 1991-2000, waxaa dusha usaarayaa HAWIYE , wixii ka horeeyayana DAAROOD, inta kalana eed ma laha. Ninka yiri hawiye la degi maynana waxaan u sheegi lahaa asigoo aan xanaaqin. waligaa ma aragtay laba reer oo hawiye ah oo degan boosaaso, qardho, caluula ,iskushuban, garoowe iwm, anigu waxaan ku tusinayaa majeerteen deganaa waligood beledwayne, jowhar, balcad, ceelbuur, marka , jamaame, iyo kismanyo oo dhamaantood dhul hawiye ah. Car ka jawaabe adinkoo aanan caaynamin, waxaa idiin cadaynaya inaanan la idinla degi karin oo aad cunsuriyiin tihiin, markaaad nin hawiye qoraalkiis ku aragtaan boggan waxaad hadal ka bilaabaysaan naga tag, naga dhexbax iwm, bal soo fiiri bogga ra,iyiga ee hiiraan cid aan adinka ahayn kuma caytanto, waligeeyna ma arag cid inid leh shisheeye ayaa tihiin ee ordaha naga taga!!! |
    Wiil-Qardhood | Monday, January 15, 2001 - 01:20 am To: Booteeye Hadalka ha is hoos galin Kismaanyo kuma jirto dhulka Hawiye dago ama leeyahay S/C |
    Abdirizak | Monday, January 15, 2001 - 04:51 am To:Booteeye;Horta waa la isku dhex dhunsanyahay, saaxiib waxaa jira nin garta naqa iskuna naqaya asagu isna ogeyn,waxaad sheegtay in majeerteen uu dago dagaanka hawiyaha hawiyuhuna uusan dagin degaanka majeerteenka,halkaas adigaa ka cadeeyey hawiye,tankale waxaad sheegtay in khadka hiiraan aannu ku caytanno,saaxiib haddan kuu sheegayaa annaga waa nagu ceeb in aannu caytanno ee waxaan u sheekaynaa sidii gobtii oo kale waxaanna leennahay hadal gobeed waxa wax caaya oo hadalka xun isticmaalaa waa isla idinka oo qaadanaya amase ku adeeganaya magacayaga,Waxaad kale oo sheegtay 91 ilaa 2000,dhibkii dhacay hawiyaa lahaa,intii ka horeysana daarood,Saaxiib waad fiicantahay hadii aad ogtahay dhibka hawiye geystay anna waxaan kuu sheegayaa in uusan ahayn mid laga heshiin karo ama laga wada hadli karo amaba nolol dambe lagu wada qaybsankaro,Tan daarood maxamed siyaad waad ogtahay uma xaglinkartid xukun daarood haddii aad caddaalad tahay,tii cabdirashiidna bal noo soo sheeg dhibaatada hawiye ay u gaysatay: |
    Booteeye | Monday, January 15, 2001 - 06:17 am Abdirisak 1978 ayaad cadowga soomaliya ku soo hogaamiseen gudaha dalka somaliya. |
    Wiil-Qardhood | Tuesday, January 16, 2001 - 03:46 am To:Booteeye Booteeyow waxaa laga yaabaa in dadka soomaalidu aysan 1978 isku cadaw lahyn, adigu waxaa lagayaabaa in aad nabad iyo barwaaqo ku haysatay meeshaad markaas joogtay oo aadan wax dhib ah kala kulmin Dawladdii Ina Siyaad iyo Ina Salaad. Laakiin waxaa jirtay dadka ama qabiilka soomaaliyeed ee majeertenku ay arkeen wixii shar iyo dhib ay Ina Siyaad/Ina Salaad lahaayeen. Booteeyow waxaa marag madoonto ah in qabiilka soomaaliyeed ee MJ uu ahaa kuwo aad iyo aad ugu dadaalay soomaalinimada hadday noqoto dadaalkii xornimo doonka ama dagaaladii amxaaradda ee 60aadkii iyo kii 77dii. Marka Booteeyow waxaa dhacday in Ina Siyaad/ina Salaad ay ugu abaal gudeen in ay u istimaalaan dadka majeerteen ah hubkii iyo awooddii soomaaliyeed oo ay ula dhaqmeen sidii Cadaw shisheeye iyagoo aan waxba gaysan kaliya in ay soomaalinimada ay aad ugu ololaynayeen. Marka boteeyow maxaad samaynlahay haddii dawladdii wadanku ay kuula dagaalanto sidii cadawgii? Haddii aan hadalka kuu soo koobo Dawladdii Ina Siyaad/Ina Salaad ayaa dadkii ay masuulka ka ahayd ku kaliftay in ay wadanka ka cararaan. Masse kula tahay in Qabiil dhan uu wadankooda katagilahaa HADDII AAN LA KALIFIN- iiga soo jawaab oo ha illaawin-. nabadey |
    Abdirizak | Tuesday, January 16, 2001 - 04:11 am To.Booteeye War ma hadaad toostay oo taariikhda caalamkaba lama socotid,war ma taqaan macnaha jabhad?sida aad ogtahayba wadanka waxaa ka jirtay dawlad ama xukun digteetar ah,waxaa ku kaca oo ka horyimaada dad u dhashay dalka oo aasasa urur ama jabhad ka soo hor jeeda xukunkaas lana dagaasha si ay u rido,hadaba waxaa khsaba in ay jabhaddu hesho cid taageerta,waxa taageeri karaana waa dawlado kale waana wax caalamka oo dhan ka jira ee ma aha wax majeerteen uu ugu horeeyey. |
    Booteeye | Tuesday, January 16, 2001 - 11:02 pm Wiil Qardhood waa runtaa in dad aanan waxba galabsan laga barakiciyay guryahoodii, runtii waxa ay ahayd wax laga xumaado, waxaan xasuustaa nin wasiir ahaa oo yiri, maxaa dadka baraagahooda loo burburinayaa, maxaase loo laynayaa, waa markii MAHBAR la lahaa reerka aad ka dhalatay, ninkaa oo la oran jiray cabdullaahi warsame (abgaal), waxaa laga qaaday jagadiisii waana la xiray. laakiin nin yahow waxaa jira LABA WIIL QARDHOOD mid xayraan ah , oo aan waxba hubsan iyo mid dagan, waxaan filayaa inaad tahay kan macquulka ah, waxaan ku waydiin lahaa dad badan oo reer qardho ah oo aan saaxiibo ahayn, oo aan kala lunay, miyaan ku waydiin karaa? |
    Wiil-Qardhood | Wednesday, January 17, 2001 - 12:25 am To: booteeye Booteeyow waaruntaa oo waxaa jira ninkale oo isaguna wiil qardhood labaxa oo yara jahawareersan oo Ina Salaad Boy maxweyne u yahay. Waxaanse uqaatay in uu rabo in uu magaca meel uga dhoce ee ula jeedo kale maleh waayo aad iyo aad baan ukala duwanahay. Mida kale Booteyow anigu Qardho kuma caqliyaysan oo dhulk kale oo soomaaliya ayaan marba meel joogi jiray, laakin waa laga yaaba in aan ina ayayaa shooda garto, haddii ay dad layaqaan yihiin. S/C |
    Booteeye | Wednesday, January 17, 2001 - 01:18 am Wiil qardhiid adigoo mahadsan, qofkii cabdiqaasim u aqoonsan madaxwayne, ma qof wareersanbaa, anigu madaxwaynaha runta ah ee soomaaliya ninkaa ayaaan u aqoonsanahay. |
    DUUFAAN | Wednesday, January 17, 2001 - 02:09 am To: Booteeye hadii uu ina salaad boy madaxweeyne soomaaliyeed ahaan lahaa ma'uusan taageereen dhiigyacab yada dhulka aysan leheen xooga kuheesta, haduu madaxweynee soomaaliyeed yahay wuxuu kahadli lahaa dhibaatada ay reerka uu ka dhashay ay ku hayaan dhulka soomaaliya gaar ahaan koonfurta sida Baraawe oo dadka halkaa daga xoog dholkoodii looga xayuub shay taasna waligiis kama hadlin, sidaa oo kale Kismaayo, sh/dhexe iwm. haduu madaxweyne soomaaliyeed yahay muusan ka soo horjeesteen xiiwii lagu gaaray Carta oo aheed meeshii asaguba lagu sharaxay, 2 wiig ee uu madaxweeyne ku sheega ahaa boo 41 qodob oo cahdii gii carta ku tunta la ismana weydii. haduu madaxweyne soomaaliyeed yahay muusan u af duubeen dowlada magaalada moqdisho ayada oo lagu hisheeyay Baydhabo. hadii madaxweyne soomaaliyeed yahay muusan iska magacaabeen rar in adeeradiis ah asaga oo kala tashay Baarlamaanka. Hadii uu madaxweyne yahay muusan udireen taakulo reer tolkiis oo dhul ayasan laheen xoog kuheesta. Hadii uu madaxweyne soomaaliyeed yahay muusan soo rareen reer tolkii oo xoog kuma dajiyeen dhul dad kale lee yahay. Hadii madaxweeyne soomaaliyeed yahay wuxuu kahadli lahaa xaalufinta lagu hayo dhuka soomaaliyeed oo xooga ku heestaan reer tolkiis. Hadii uu madaxweyne soomaaliyeed yahay dhul walba oo soomaali dagan tahay ayaa laga soo dhaween lahaa. Hadii umadaxweyne soomaaliyeed yahay ma uusan weerareen magaalada Balcad asaga oo Hotel kujira oo xataa VILLA SOOMAALIYE tagi karin. Hadii uu madaxweyne soomaaliyeed yahay wuxuu dhihi lahaa in GURYAHA IYO XOOLAHA xooga lagu heesto dibloogu cesho dadkii lahaa ee muusan ka aamuseen oo wakhtikale kuma dhumiyeen arima kale oo aan wax tar laheen. Hadii uu madaxweyne soomaaliyeed yahay muusan u aqoon sadeen MOORYAANTA CAYRKA ah XOOGA DALKA intaa iyo inkala ninka falay seebuu ku yahay MADAXWEYNE SOOMAALIYEED, ninka hadaad rabtid inaad ogaatid wax uu rabo ama uu daneenaayo waxaa lafiirshaa FICILADIISA ilaa iyo hadana waxaan aragnaa in INA SALAAD BOY uu udhaqmaayo si KABA QABIIL istic maalaaya magac QARAN nimo, marka ninkii kaas taageera waanin jahwareersan ama qabiilnimo ku taageeraaya. |
    Abdirizak | Friday, January 19, 2001 - 11:47 pm Waxaydaan isugu wareerin cabdiqaasin iyo golihiisa waa ninba xeeshi u xamaalay,nin waliba markuu xoogaa ka uruursado asagaa isga tagi doona waayo waxaa dawlad wax maamusha loo yaqaan tii ummaddu ay raalli ka tahay maamulkeeduna uu yahay mid dalka ku fida,sida aad ogtihiin waxaa la sheegaa in xamar dawlad soomaaliyeed fadhido hadana waxaad maqlaysaa ciidamada maxkamadaha hadana waxaad maqlaysaa ciidamada ganacsatada hadana waxaad maqlaysaa maleyshiyooyinka suudi ama caato ama ina caydiid ama qanyare,marka ma iisheegi kartaan intiina taageersan carta,Maxaan ku taageeraa baarlamaanka carta lagu soo dhisay? |
    hawie | Sunday, January 21, 2001 - 01:24 pm wale darodow sida u cabada qasatan majerten o fid no kiciye ah war maxaad kuu diday in aad amustid doqon yahow darod watii waagii aan ad kays tay marki celasha laigu gurayay ,, ala mahadii waan is bad badiyay qiyanadadiina iyo dulmigii ad ka gashay shacabka somaliyed ee hawiye waatuu ilaah kugu badalay salkac iyo inaad tugsatid suqyada o tanga ee kenya |
    abdirizak | Wednesday, January 24, 2001 - 05:16 pm To.ninka la baxay hawie waryaa intaadan madasha imaan soo baro afsoomaali la fahmi karo,baadiyaad ka timid si wax loo qorona ma taqaanid rag sheekaysanaya ayaad soo dhexgalaysaa adoo kale waan aqaan waxaad tahay mooryaan yar oo hada ababaya. |
    MR XXXXXXXXXX | Thursday, January 25, 2001 - 10:53 am WARYAA BOOTEEYE HAL WAX BAA KUU FURAN MAANTA ILEEN WAA LAGU OGYAHAYE, WAXAAD TIRAAHDAA "HADAAN MOORYAAN NAHAY CID KASTAA NAGA AWOOD BADAN MAANTEE I BADBAADIYA OO WAAN ISKU KIIN DHIIBAY REER PUNTLAND HADAA TIHIIN AWALBA IDINKAA I XUKUMI JIREY WAAN CAASIGAROOBAY LAAKIIN HADA WAAN SOO NOQDAY OO KA WAAN TOOBAY WIXII AAN HORAY U FALAY" INTAA HADAA TIRAAHDO WAA LAGAALA HADLAYAAA RAXANWAYNTA KAADIDA KAA KEENTAY. |
    Booteeye | Friday, January 26, 2001 - 12:17 am Mr XXXXXXX Ma aniga amxaaro leh, gudaha aethopia ayaan kuugu imaanayaa , ayaad adigu idifaacaysaa? Waxa qaylo ka dhacaya garoowe iyo hargaysa miyaadan arag oo ay leeyihiin dadka xamar jooga amxaaro ayay nagu dirayaan. inaad i difaaci karto iyo inkale waxaan ku garan doonaa, hadaan sida aniga calanka israil iyo kan ethopia aad garoowe ku gubto, car waa kaas e calanka ethopia ciid xitaa dusha uga shub. War awooda soomaaliya ilaah ka sokow waa aniga , aniga ayaana ku difaacay DON,T WORRY BRO, soo barbaar. Hadaanan awood lahayn, mar hore ayaad xamar adiga iyoamxaaro iigu imaan lahaydeen. |