Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: Geelle iyo fara gelinta soomaaliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi-Salah

Friday, January 12, 2001 - 01:47 am
Halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa qoraal uu qoray somalinet oo ku saabsan fadeexo ka dhacday New-York safarkii Dr.Ali Khalif iyo sidii fool xumadda lahayd ee loo bahdileeyey xafiis ka mid ah xafiisyaddii soomaali u furnaa muddaddii 10ka sano ahayd ee aynu dawlad beelnay, halkii ay ahaan lahayd in shaqsiyaadkii ku guulaystay inay xafideen karaamaddii iyo jiritaankii soomaaliyeed loo abaal gudi lahaa ayaa waxaa socota in siyaabo guracan loola macaamiltamayo.

Bal ila fiirsha waxa kasocda dawladdii aynu qiimaynay
Articles English Articles

WASIIRKA KOOWAAD OO AAN KULAN LAYEELAN WAKIILKA SOOMAALIYA U FADHIYA UN-TA 11 Jan 2001 at 18:51 (SomaliNet) Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo dhawaan booqasho ku yimid xarunta Qaramada Midoobey iyo wafdigiisa ayaa dhinac ka maray wakiilka Soomaaliya u fadhiya UN-ka. Sida ku cad sharciga caalamiga ah marka uu Wasiir ama Madaxweyne iyo Ra'iisul Wasaareba ay soo booqanayaan Qaramada Midoobe waxaa ay xiriir la sameeyaan wakiilka markaasi u fadhiya ee masalaya dalka.
Fartun Maxamed Xassan oo aheyd sii hayaha wakiilka kaliya ee ay Soomaaliya ku laheyd mudadii 10-sano aheyd ayaa inoo sheegtay in aysan kolkii horeba ka war qabin imaatinkii Ra'iisul Wasaare Cali Khaliif, iyadoo markaasi u aaneysay in uu qilaaf ka yimid dhanka Rooble Colhaye oo ah wakiilka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobey, iyadoo arintaasna ka hadleysana waxaa ay tiri" Colhaye waa nin reer Jabuuti ah oo ka wakiil ah dalkiisa, isagoo 1994 isku dayayna in uu albaabada u xiro xafiiska qura ee ay Soomaalida ku leedahay Qaramada Midoobey" ayeey tiri Fartun.

Sida ay inoo cadeysay Wakiiladu arintan oo ka socota Colhaye iyo dowladda KMG ah oo aan waxka oran karin arinta Jabuuti taasi oo keentay bey tiri in ay Jabuuti gacanta ku dhigto arinta Soomaaliya.

Fartun iyadoo arimahaasna ka hadleysana waxaa ay tiri "Ra'iisul Wasaare Cali Khaliif kolkii hore ee ay soo dalbanayeen imaatinkooda iyadoo aaney ka warqabin lana ogeysiin xafiiska Soomaalida kolkaas ayey la soo xiriireen ColHaye isla markaasna sida sharciga ah kolka uu Ra'iisul Wasaare wadan ka imanayo waxaa baratokolka u sii haga wakiilada masalaya dalkaas, imaatinkiisana waxaan ka war helnay kol ay soo dhiibteen codsigooda oo warqadii ay ku soo dalbeen ayaan arkey, isla markiina waan la xiriirey Cali wuxuuna igu yiri la xiriir Colhaye" ayey tiri Fartun.

Sidoo kalena waxaan la xiriirney Cali Khaliif waxaana wax ka weydiiney sida ay wax u jiraan, wuxuuna wafdiga oo aan markaasi kala hadalney Cabdirashiid Khalif inoo sheegay in arintaasi aysan hada ka hadleyn.

Farun Maxamed Xassan waxaan waxka weydiiney hadii ay jiraan cid kale oo lagu badaley booska ay u heysay Soomaaliya, waxeyna inoo sheegtay in aan wax war ahba aysan ka heyn amase aysan wada hadal Ra'iisul Wasaaraha.

Qore: Said Ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sooyaal

Friday, January 12, 2001 - 10:43 am
adiga maxaad la socotaa doqon yahow indhaha fur
geele waa soomaali ee la hadal kuwa amxaarada hubka ugu soo dhiibayso in lagu laayo dadwaynaha soomaaliyeed


talo yar baan ku siinayaa doqonyahow hala soo boodin wararka internet lagu soo qoro ee aan u badnayn xaqiiqada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Friday, January 12, 2001 - 07:20 pm
geele wax kale ma ahan waa nin hunguri weyn, oo raba inay wax ka soo gaaraan bililiqada soomaaliya oo waxaa uga wakiil ah cabdi/qasab iyo galaydh marka abdi-salah arintani la yaab ma lahan, ismail shuluq xoogaa mooryaanimo inuu isku yara eego ayuu doonayaa.