    Anonymous | Friday, January 12, 2001 - 12:59 pm SUBJECT:DOWLADA KMG MAXAY KA DAMACSANTAHAY SAFARADAHA SOOMAALIYA WAXAAD MOODAA IN DOWLDA UU KA MADAXYAHAY CABDIQAASIM SALAAAD XASSAN IN AY KU JIRTO QORSHO AH IN AY DHAMAAN BADASHO DIPLOMAASIYIINTA SOOMAALIYEDD EE MUDADADII 10 SANO KA SII SHAQAYNAYYEY SAFAARADAHA IYO QUNSILIYAADKA SOOMAALIDA EE DIBEDDA KA FURAN. QORSHAHAA KOR KU XUSAN EE AAN SOO SHEEGAY WAXAA KU CADAYN KARAA ARRIMAHAN HOOS KU QORAN: 1.dOWLADDA KMG INTII LA DOORTAY WAX XIRIIR AH LAMA SAMAYN SAFARADAHA SOOMALIDA INTOODA BADAN. TAASI WAXAY CADAYNAYSAA IN AY WATAAN QORSHE CUSUB, 2. RISAL-WASARAHA DOWLADDA KMG AH MARKU HADDA TAGAY NEW-YORK WAX XIRIIR AH LAMA SAMEYN WAKIILKA SOOMAAKIY U FADHIDA UN-TA TAASO MICNAHEEGU TAHAY IYADOO WAKILADA LOOGU BADALAY NIN AY ISKU QABIIL YIHIIN MADAXWEYNAHA KMG OO LA DHAHO KIMIKO, 3.DOWLAda kmg ma jirto safaarad ay u soo dirtay liiska dowlada cusub ee la magacaabay. DOWLADA KMG AHI DIPLOMAASIYIINTII HORE WAY BADALI KARTAA BALSE WAXAAAD MOOD TALABOOYINKAN AY KULA DHQMAYSO SAFARADAHA EE AH XIRIIR LAANTA IN AY MIJAXAABINAYS DOWLDNIMADA AY DOWLADAKMG SHEEGANAYSO.wAXAA ISWEYDIIN LEH XAGAY JIREEN KUWA HADDA LEH sOOMALIY AYAAN MADAX U NAHAY MARKII DIBLOMMSINTA SOOMALIYEED AY 10 SANO EE LA SOO DHAAFAY MU MINTIDAYEEN IN AY QARANIMADA SOOMALIYEED KA MUQATO QURBAHA. DOWLADA KMG WAXAAN KU WANIN LAHAA IN DIPLOMAASIYIINTA SOOMALIYEED EE HADDA KU SUGAN SAFAARADAH SHARAFTOODA IYO ABAALMARINTA AY QARANKA XAQ UGU LEEYIHIIN LA MARIYO. |
    CARAAAAALE | Friday, January 12, 2001 - 02:09 pm TAAS WAXAA KASII DARAN IN MARKII CALI QALIIF UU YIMID NY UU HAWLIHII DAWLADA IYO BOROTOCOLKA AH U WADAY NIN WADAN KALE MATALA KAAS OO AH DANJIRAHA JABUUTI U FADHIYA UNTED NATIONSKA TAASOO AAAN SHARCI AHAAAN WAAFAQ SANAYN IN NIN AAN MUWAADIN SOMALI AHAYN UU FARAHA LAGALO SHAQO AAN ISAGA QUSAYNIN. (HADII WAKIILAKA SOMALIA LA RABIN HALAGA QAADO XILKA AY WADANKA U HAYSO HANA LAGU BADALO MUWAADIN KAlE) LAAKIINSE DAWLADA SOMALI OO LUGAHEEDA KU IS TAAGTO AYAAN FILAAYEY LAAKIINSE XAAJADA WAXAY GAARTAY IN DAWLADA CALOOSHEEDA IYO ORGANADEEDA AY NOQDAAN PUBLIC THAT IS ABSOLUTELY BULLSHIT. JABUUTI WAA KU MAHADSAN TAHAY TAAGEERADA IYO CAAWINAADA AY NOO FIDISAY WAANA WAXAAN U HAYNO LAAKIIN NO MORE THAN SALAAAM |
    HEELEY | Friday, January 12, 2001 - 05:36 pm c/qaasin waxaa horyaala dhowr liis oo hawiya gor gortana kula jira qabiilkeyga ayaan keenayaa ee iga sarifo dadkaan. waxaase ku sii dhagan dadka uu ka dhashey. suuse u qancin ninka ay shirkadda yihiin cali qaliif galeydh iyo mr- buubaa? |
    Anonymous | Friday, January 12, 2001 - 11:44 pm WAXAA ISWEYDIIN LEH SOOMAALIYA MAA MAXMIYAD AY JABUUTI ISKA LWWDAHAYBAA. CALI KHALIIF-GALAYDH TALAABOOYINKA UU KU DHQAAQAY MARKU TAGAY NEW-YORK WUXUU FADEEXAD KU SAMEEYEY QARANIMADII IYO MADAXBANAANIDII EE SOOMAALINIMO EE UU HORYAALKA U AHAA. HADUU U ARKO QOFKA MADAXDA KA AH ERGADA sOOMALIDA U FADHID UN-TA IN AYSAN U QALMIN JAGADA MUU KA BADALO AWOODISA WUU LEEYHAYE INTII SIDII NAAG HINAASTAY MARTI U NOQONAYO XAFIIS DAL KALE WAA JABUUTI. ANIGA RUNTII MA DIFAACAYO QOFKA HADDA HAYA JAGADA XAFIISKA SOOMAALIYEED EE NEW-YORK EE WAXAAN DIFAACAYAA SUMCADA, SHARAFTA IYO KARAMADA XAFIISKA SOOMALIYA U FADHIYA UN-TA. ADUUNKU SIDEEBU U ARKIDOONA DOWLADA KMG MARKAY DALBANAYSO AQOONSIGA CAALAMIGA ISLAMARKA IYADOO DOWLADA KMG MIJAXAABINAYSA MEESHII U AHEYD BARTILMAAMEEDKA-XAFIIKA SOOMALIY U FADHIYA UN-TA EE DOWLADA KU MEEL-GAARAKI AHI KU HELI LAHAYD AQOONSIGEEDA KA DIFAACI LAHAYD HAGARDAMADA GUMAYSIGA AMXARADU KU HAYO QARANKA SOOMALIYEED. DHAMAAN DADKA SOOMAALIYEED EE WAX-GARADKA AH WAXAAN KA CODSANAYAA IN AY CAMBAAREYAAN TALABADAA QARAN-DIIDKA AH EE DOWLADA KU SHEEGA CARTE KAGA DHAQAAQDAY NEW.YORK. |
    Guuleed S. | Saturday, January 13, 2001 - 02:27 am D-KMG ee C/qaasim iyo Galeyr horseed u hayaan ilaa hadda qalad weyn ey galeen anigu ma arko. Dal iyo dad dhibaato kala gaartey muddo dheer ilaa haddana fari ka qodneyn in la yiraahdo, wixii dhib dhacay ama haddaba socda ragaas maamulka u sareeya waa Qaasim iyo Galeyr-e, ha hagaajiyaan HADDA or otherwise ,,,,,,,. Safaaradihii jiray waa ognahay in mas`uuliyiintii noo fadhiday oo sii waday jiritaanka safaaradihii Soomaliyeed, kuwo wanaagsaa iyo kuwo xun-ba ey isugu jireen 10-kii sanno ee tagtey. Fartuun Maxamed Xassan, oo ah gabdhii sii shaqeeyneysay kursigii UN-ta aan ku laheyn, waxeey ila tahay in si wax yahiin gabdhaas, inkastoo aan aqoon u laheyn sababta uu Galeyr, uu hareer mareyna ey fool-xuntahay hadii wax dhib eyna sameeyn. |
    Anonymous | Saturday, January 13, 2001 - 02:52 am WAXAAN LA WAABAY FIKRADA GUULEES UU KA BIXIYEY SIDA LOOLA DHAQMAY XAFIISKA SOOMALIYA U FADHIYA UN-TA. MARKAAN ARRINTAN AAN SOO BANDHIGAYEY WAXAAN KA HADLAYNAA MAHA SHAKHSIGA MMESHA MADAXDA KA AH E WAXAAN KA HADLAYEY XIFIISKA SOW SOOMLI ISKMA LEH, XAFIISKU SOO UMA AHA WAKIIL QARANKA SOOMALIDA. MAXAA KU KALIFAY INA-SALLAD-BOY IYO INA KHALIIF-GALAYR IN AY BROTOKOOLKII IYO NIDAAMKAA SOOMAALIY LAGU YAQAANAY IN AY DABA-MEERTEEYAAN OO AY MIDIDIN U NOQDAAN NINKA JABUUTI U FADHIYA UN-TA.DOWLADDA KMG MAHA ARRINTII UGU HORAYSAY EE BROTOKOL XUMADA AHEYD EE AY KU DHAQAADAY.INA SALADA BOY MARKUU DHAWAAN TAGAY ETHIOPIA WUXUU ADDIS-ABEBA KA TAGAY ISAGOON MARKII HORE KALA HADAL QAAB HAB-MAAMUSEED EE XUKUMADA ETHIOPIA U FIDIN-DOONTO. TAASI WAXAY KEENTAY IN CALANKII SOOMALIYED AAN GAGADA DAYUURADA EE BOOLE-ADDIS.ABEBA AAN LA SUDHIN ISLAMARKKANA LOO SOOO DIRO WASIIRKA MACDENTA EE WAYANAHA ETHIOPIA KA TALIYA. sOOMALIDU WAXAY KU MAHMAHDAA RI WALBA SHILALKAY ISDHIGTO AYAA LOOGU QALAA.fOOLXUMADA INA-SALAAD BOY KAGA DHACDAY DALKA AAN CADOWGA NAHAY EE XABASHIDA WAA MID ISAGU ISKU GAYSTAY QARANKA SOOMAALIYEEDNA FADEXADEEYEY. WAXAA LA YAAB LEH CALI KHALIIF GAKLAYD OO AH NIN WAAYARNIMA DHEER LEH AQOON BALAARANA LEH IN UU GARAN-WAAYEY IN UU MUDNAANTA KOOBAAD SIYO SUMACA QARANIMADA SOOMALIYEED OO AW MADIDIN U NOQDAY XAFIISKU JABUUTI UN-TA U FADHIYA. |
    Mohamed | Saturday, January 13, 2001 - 03:22 am Run ahaantii arrinta ka dhacday New york waa wax laga naxo waxaana ayaan daro ah in shaqsi ka mid ah shaqsiyaadka soomaaliyeed oo aynu aqoon iyo waayo aragnimo ku tuhmaynay inuu maanta sidaa u dhaqmayo. Run ahaantii waa wax laga naxo in dad noocaas ahi ay hogaan inoo hayaan, maxaad sugaysaan oo wanaag ah oo uu soo wadaa ninka sheeganaya wasiirka 1aad oo qaranka isla markaana aynu ognahay hawsha hortaalla inuu sidaa u dhaqmayo, waxaan qabaa maamulka hadda jiraa inuusan waxba dhaamin kii 10sano ka hor layska tuuray. Gabadha masuulka uga ahayd soomaliya UNta waxay mudan tahay abaal marin macnawiya iyo mid maadi ah ee maanta umaysan baahnayn in la hoos geeyo xafiiska jabouti. Nin yaaban |
    Anonymous | Saturday, January 13, 2001 - 03:58 am falalka ay dowlada kmg ku dhaqmayso kuma koobna oo kali ah waxa ka dhacay addis-abeba iyo new-york waxaa iyada jirta ninka barlaamnka soomaliyad u ah gudoomiyaha in uu marku dhawaan ku sugnaa tayeeglow ay la soo xiriireen saraakil xabashi ah oo ay telefoon kuwada hadleen. waxaa la yaabay jahilnimada ninkaa sheegaynaya in uu barlamaan Soomaaliyeeed u madaxyahay sidu u baabiyey sharftii iyo karaamada u qaranka u ahayey isagoo ah gudoomiyo d¨han in uuogolaado sarkaal xabashi ah in uu telefoon kula hadlo. Muuna ogayn in dalka itoobiy ninka u dhigmi kara eoo ay telefoon baratakool ku xiriir karaan in uu noqdo ugu yaraan wasiir. Dowlada kmg waxaa fican intayna dowladnimada sheegan in ay barato nidaamka habmaamusseka dowliga ah |
    cabdala | Saturday, January 13, 2001 - 04:19 am war waaye webi kaabareeya waxan soo xusuustay hees ka mid ah heesihii bob marley oo uu ku yiri" many more will have to suffer many more will have to die" marka gabadha wakiilka u ah Soomaaliya waa loo gafay hase yeeshee dadkiinan Cali qaliif ka sugaya inuu raaligelin ka baxsho qaladkiisa xusuusta inuu ninku millions of dollars ka dhacay Soomaaliya markii uu ahaa wasiirkii warshadhaha maalgelintii warshadii Mareerey mana jirin maalin uu yiri hala iga raali ahaado intii Siyaad talinayeyna wuxuu ahaa nin Wanted ah oo ay raadiso Interbol kolka xaalka ilaah ha sahlo balse soomaaliya amaana alah |
    Wiil-qardhood | Saturday, January 13, 2001 - 06:27 am Akhyaartu salaaman, bacdi waxaan akhriyey dhammaan qoraalka kor ku xusan waxaa iiga soo baxay in dadka halkan ku cabiray aragtidoodu dhammaantood ay arkeen wax ka yaabiya laakiin waxaan la yaabanahay maxaa u diiday in arimahan iyo kuwa la mid ka ahiba ka muuqdaan bogaga hore ee soomaalida si nimanka khaladka samaynayaaa uga waantoobaan waayo hadda waxay arintu u egtahay niman aashhun ku adimaya, waxaanse aanan marnaba filayn in wasiirkeenna aqoonta badani inaggu hor kufayo oo uu inagu ceebaynayo golaha caalamka waayo meesha fadeexadu ka dhacday balcad iyo teiglow maaha ee New-york oo ah hoyga dunida, waxaanse la yaabanahay odayga indhaadkaantiisa uu weli kusii indha adagyahay khaladka uu galay, halkii uu shacabka iyo´wakiilkaba raalli gelin siin lahaa. |
    Hanad | Saturday, January 13, 2001 - 06:48 am Caddaalad daradda waa la bartaa, haddii la bartana sida laysaga daayaa waa adkaataa Ali Khalif haddaad ka sugaysaan inuu cadaali noqdo waa sacabka oo aynu timo ku aragno, xaggee buu ka keenay wakiilkii soomaaliya mudada soomaaliya dagaalka soomaaliyeed ka socday oo ay dowlad la`aanta ahayd wakiiladdii yaraa ee fara kutiriska ahaa ee xafiday hawshii ay qaranka u hayeen inuu maanta isagoo aanay waxba gacan ugu jirin oo og in xamar ay kala qaybsan tahay iskaba daa goboladdii kale ee waddanka inuu qarankii soomaaliyeed ee dhiciska ahaa isagu gacantiisa ku bireeyo isaga oo danaynaya waxa hankiisu ama dantiisa gaarka ahi ku jirto sida hadda muuqatana waxa jira akhbaar badan oo qarsoon ama ha noqoto in magaca ummadda lagu xoolaysto iyada oo wakiil laga dhiganayo dad ajnebi ah si ay sirtaasi u noqoto mid marnaba aysan suurta gelin in shacabka soomaaliyeed wax ka ogaado, waa yaabe maantana Ali miyaa loo soo diray umaddan saddexda jeer agowmawday. Soomaali waa goblon kan hadda fadeexaddiisu taagan tahay markii la dooranayey waxaan moodaynay mid ummadda ka gudbin kara meesha ay maanta taagan tahay laakiin waxa cadaatay in ninku meeshaba uu shaqa kasoo doontay si uu koontada inta ka dhiman u buuxiyo taasna waxa cadaynaya qaababka kala duwan ee uu u dhaqmayo waana ka xumahay |
    wadani | Saturday, January 13, 2001 - 09:41 am Waxaan u maleenayaa, in muwaadin kasta uu dareemay fadeexada iyo karaamo iska qaadka. arintan ah in cali khaliif galaydh uu dhinac maro xafiiska qaranka waa arin aad iyo aad u xasaasi ah waxaana halkaas ka muuqata in mu'aamarad weyn soomaaliya iyo shacbigeeda la la damacsan yahay taas ayaana keentay in cid kasta oo lagu tuuhmaa in xoogaa wadanimo ku jirto daaqada laga saaro. shaqsi ahaan waxaan aaminsan nahay in safarkii uu ku tegay ali khaliif galaydh new york ay tahay mid lagu doonayay in hanti lagu soo helo(ilaa in ka badan 400 oo malyuun oo dolarka america ah)magaca shacabkeena ka dibna halkaas ay ku kala qeybsadaan, raga u dhuun daloola sida ismail shuluq, omar bashiir of sudan, boore of d'jibouti iyo wakiilka u fadhiya d'jibbouti newyork. arintan ma ahan arin sahlan waa mid ka mid ah dibindaabyada lala rabo shacbiga masaakiinta ah, waxaa kaloo jira sida aad la socotaan in cabdi/qaasim nin ay isku reer yihiin loo diray rusia gen galaal sida wargaysyada sida ku soo baxday waxay qiratay kooxda carta,in sarkaal ruush ah ay ku wada kulmayaan galaal d'jibouti laakiin sida xaqiiqda ah oo laga helay ilo wargal ah shaqsiga ay ku wad kulmayaan waa nin sarkaal sare horay uga ahaan jiray kgb ama hay'adii sirdoonka ee soviet-ka lahaan jiray, ninkaasi hadda waa nin la shaqaysta kooxo organized mafia ah oo aad ugu xoog leh wadanka ruushka ama waa nin u soo sameeya dealka, waxay kooxahaas ka shaqaystaan illigal money laundry inay raadiyaan goobo lagu aaso nuclear waste-ga dawladaha horay u maray iyagaa lacago badan lagu siiyaa ka dibna waxay xoogaa uga tuuraan lacagahaa dawlado faqiir ah oo dunida sadexaad ah ama kooxo sida kuwa carta ah. arintan oo runtii ah mid aad ay u xiisaynayaan in badan oo shacabka soomaaliyeed ah iyadoo ku soo aaday mar si fool xun loogu soo jebiyay kooxda carta degaanada digil iyo mirifle. waxaana in badan oo horay u arkaysay in wixii arta ka soo baxay ay ahaayeen wax sharrci ah ay maanta u arkaan inay yihiin kuwa hadaan la iska qaban soomaaliya u sababi kara inay gaarto hal ay ka soo noqon weydo beri ama ay ku danbayso dawlado kala madax banaan. |
    Anonymous | Saturday, January 13, 2001 - 12:24 pm intiinan dhamaantiin waa qaldan tihiin ninka moduucan furay waxaan u maleynaayey nin su,aal qaba ooqof kasta fikiradeeda ku darsato laakin ninku wuxuu igu noqday nin inuu wax sheego meesha u yimid laakiin aan aqoon mowduuca la isticmaalo dhamaantiin waxaa ii muuqata in ay qabyaaladi idin qaaday oo gabadha baad isku reertihiin mucaadana waa tihiin |