    WARIYE | Saturday, January 13, 2001 - 08:25 am Garoowe, (Apress)- War ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee maamulka C/llaahi Yuusuf ayaa ka hadlay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Yemen C/qaadir Baajamaal ee ku saabsanaa qabashada shirweyne dib u heshiisiin ah oo dhex mara kooxaha ka soo horjeeda shirkii Carta iyo dowladda ku meel gaarka ah. "Shirkaasi nama quseeyo waayo arrimaheenna annaga ayaa xallisannay haddii aanu nahay reer Puntland" ayaa lagu yiri warkaasi cad. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Soomaaliya aysan dhibaatadeeda xallin karin dalal shisheeye ah balse iyadu xallisan karto arrimaheeda.Warkaas ka soo baxay xarunta madaxtooyada C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa lagu sheegay in hadalka ka soo yeeray C/qaadir Baajamaal uu yahay mid dhinac u xaglinaya isla markaana abuuraya dagaallo sokeeye. Waxaa kaloo warkaasi cad lagu cambaareeyey dagaalkii ka dhacay Tayeeglow oo maamulka C/llaahi Yuusuf uu ku tilmaamay mid lagu hurinayo dagaallo sokeeye oo mar kale ka qarxa Soomaaliya. Jariiban, Xuseen Dalmar C/raxmaan oo horey u ahaa Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Jarriibaan ee maamulka Puntland ayaa caddeeyey inuu iska casilay xilkii uu u hayey maamulkaas, gaar ahaan degmada Jarriiban. Xuseen Dalmar oo u warramayey wuxuu caddeeyey sababta ku kalliftay inuu iska casilo xilkaas ay tahay caddaalad darro iyo sinnaan la'aan dhinaca beelaha dega degmadaas, iyadoo shaqsiyaad gaar ahi ay isaga takri falaan kuna adeegtaan magaca maamulka Puntland. "Dib u soo noqoshada C/llaahi Yuusuf uu ku soo noqdo maamulkaas waxaan u arkaa inay tahay dhibaato ku saa'idaysa shacabka Puntland" ayuu yiri Dalmar. Garoowe, Shir ay yeesheen Waxgarad ka tirsan Beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen ayaa lagu sameeyay Guddi ka kooban 18-xubno-od oo 7-ka mid ahi ay na-badoono yihiin, kuwaas oo diyaariyey eedeyn ay u jeedinayaan Maamulayaasha Puntland. Waxa ay sheegeen in tan & waqtigii la sameeyay Maamulkaas waxba u qaban Dadka degan Garowe, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka & Waxbarashada, iyaga oo xusay in Isbitaalka weyn ee Magaalada Garowe aan laga heli karin Dawo waxtar leh. Sidoo kale waxa ay sheegeen in garoonkii Diyaaradda ee ay lahayd Magaalada Garowe uu xiray Maamulka Puntland isagoo aan keenin wax bedelkeeda ah, Garoon kale oo furitaankiisa lagu howlan yahayna aysan jirin. Sidoo kale waxay Xubnahaa sheegeen in ay ka walaacsan yihiin heshiisyada uu Maamulka Puntland la galo Shirkadaha shisheeye maadaama beryahan dambe la arkayay waxyaabo haraadiga Nukliyerka ah oo lagu shubayo Xeebaha Soomaaliya, sida caadadaba u noqotay in dad badan ay doorteen lacag in ay siistaan dhulkoodii. waxayna sheegeen in warqad ay ku caddeynayaan arrimahaas u gudbiyeen C/llaahi Yuusuf aysana wax jawaab ah ka helin. |
    WARIYE | Saturday, January 13, 2001 - 08:36 am Garoowe, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Col Cabdillaahi Yusuf Axmed ayaa isu sharaxaya mar labaad doorashada madaxweynaha Puntland. Doorashada Puntland waxaa la filayaa inay dhacdo muddo toddoba bilood inaga xigto. Muddo toban cisho laga joogo, ayaa wiil uu dhalay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya. Maxamed Cabdirashiid Cali Sharmarke. Wuxuu sheegay in isu taagi doono doorashada Puntland. Wararka ka soo baxaya magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in maanta lagu dhawaaqay urur cusub. Ururkaas oo loo bixiyey Ururka badbaadinta Soomaaliyeed, waa urur taageera hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow. Qoraal laga soo saaray ururkan ayaa sheegaya inay taageero ka heystaan magaalada Mogadishu ilaa dhul taxan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaa maanta wada kulmay Muuse Suudi iyo King Kong iyo ergo kale oo katirsan dowladda KMG oo isugu jiray wasiiro kuxigeenno iyo xubno ka tirsan barlamaanka. Ilaa iyo iminka wax war ah kama soo bixin waxay labada dhinac ku wada hadleen ama isla garteen. |
    WARIYE | Saturday, January 13, 2001 - 08:43 am Gen. Moorgan, Gen. Gabyow iyo Col. Shaarguduud oo talo ku gorfeynaya xadka Soomaaliya & Itoobiya. Muqdisho (Sooyaal) 10 Jan - Wararka ka imaanaya G/bay ayaa waxay sheegayaan in ay talo ku gorfeynayaan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya Gen. Gabyow, Gen. Moorgan iyo Col. Shaarguduud. Warku wuxuu intaas ku darayaa in Sadexda hogaamiye ay falanqeynayaan siday u abuuri lahaayeen Maamul Goboleed awood leh oo loo sameeyo Gobolka J/hoose. Waxaa dhinaca kale isa soo taraya warar sheegaya in ay qoondeynayaan raggaasi sidii ay u qaadi lahaayeen weerar ay si wadajir ah ugu qaadi lahaayeen deegaanada Shabeelada Hoose iyo J/hoose oo labada gobolba ay awood ku leeyihiin beelo la rumaysan yahay in ay xoog ku qabsadeen mudooyinkii bubruka Soomaaliya. Waxaa iyana jartay kulan dhowaan ku dhex maray Saddexda Hogaamiye magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya, mase jiraan war saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Hogaamiyayaasha iyo Itoobiya toona. Dowladda KMG ayaa iyana dhinaceeda welwel ka muujisay in ay raggaasi kaalmo milateri iyo ciidanba ay ka helaan dowladda Itoobiya, ayna dowladda Itoobiya faragelin ku sameynayso arrimaha Soomaaliya u goonida ah, laakiin dhinaca Itoobiya ayaan ilaa iyo hadda wax war ahi ka soo bixin. Shaarguduud ayaa isagu rumaysan in gobolkiisa ay weerar ku soo yihiin beelo reer Mudug ah oo sida uu sheego meelo fog fog ka soo duulay, colaadiisa ugu weynina waxay salka ku haysaa arrintaas. Socdaalkii Cabdalle Deerow uu gobolkaas ku tegay dhowaana isagoo wata ciidamo ay isku beel yihiin Madaxweynaha Dowladda KMG waxay soo dedejisay in Ururka RRA weerar kedis ah ku soo qaado halkii lagu tuhmayey Deerow iyo ciidamadii la socday. Gen.Gabyow iyo Gen. Moorgan oo labaduba deegaankii ay ka talin jireen uu gacantooda ka maqan yahay, waxaana la rumaysan yahay in Isbaysiga Kismaayo haysta ay qayb ka yihiin jifi hoosaadka Dr. C/qaasim oo hadda ah Madaxweynaha DKMG. Arrinta colaada labada Jeneraal ayaa waxay dadka qaarkood rumaysan yihiin in ay kor u sii kacday kadib markii Saxaafaduhu qoreen in Dowladda KMG ahi Kismaayo u dirtay Shixnado kala duwan oo qaybtood hub lagu sheegay. Arrintu siday doonto ha ahaatee, xaaladaha siyaasadeed ee Gobolada Muqdisho ka hooseeya ayaa ah mid aad u qalafsan oo ay xiligan adagtahay furdaaminteedu. Dowladda KMG ee Soomaaliya mudadii dhowrka bilood aheyd ee ay jartay waxay culeys badan saartay siyaasadda arrimaha dibadda, waxayse lumisay sidii ay u xalin lahaayeen mushkiladaha isku murugsan ee dhex yaal beelaha Soomaaliya. “WAXAA KISMAAYO LA GEYN DOONAA CIIDAMO QARANKU LEEYAHAY” Siciid Islaan Muqdisho (Sooyaal) 10 Jan - Waxaa si weyn u soo baxayey toddobaadyadii la soo dhaafay warar sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG uu magaaladda Kismaayo u diray taakuleyn shixnado hub iyo waxyaalo kale isugu jira, arrintani waxay si weyn uga caraysiiyey xubnaha Hartiga iyo Ogaadeen ee ka tirsan Dowladda KMG. Haddaba waxaa shalay si wadajir ah u kulmay beelaha Hartiga iyo Ogaadeen oo isku dhinac ah iyo Dr. C/qaasim iyo madax kale oo iyaguna isku dhinac ah, waxaana si qoto dheer looga wada hadlay wararka la sheegay in Dowladdu ay shixnad hub iyo Matooro dabka dhaliya ugu dirtay magaaladda Kismaayo oo khilaaf beeleed ka taagan yahay xiligaan. Si aan haddaba u ogaano wixii laga wada hadlay waxaanu la xiriirnay Siciid Islaan oo ka mid ahaa raggii kulankaas ka qayb galay, wuxuuna noo sheegay in la xaqiijiyey in halkaas wax hub ah aan loo dirin, balse raashin iyo alaabooyin kale loo diray. Wuxuu kaloo Siciid Islaan intaas ku daray “Dhowaan wefti aanu ka mid nahay ayaa tegaya Kismaayo, waxaana la geyn doonaa ciidamo Qaranku leeyahay oo Boolis ah” Siciid Islaam wuxuu kaloo sheegay in rajadu ay aad u fiican tahay oo waanwaani ay socoto ayna ka wada hadleen Madaxweyne C/qaasim in wixii nabada waafaqsan lagu dadaalo. Cali Khaliif Galeydh iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo eedeyn kulul u soo jeediyey Dowladda Itoobiya faragelinta ay dalka Soomaaliya ku hayso Jabuuti (Sooyaal) 10 Jan - Raysal Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa si kulul u weeraray Dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay Itoobiya faragelin weyn ku hayso dalka Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in ay gobolo dalka Soomaaliya ka mid ah ay ciidamadeedu fariisan ku leeyihiin, ayna mudo dheer fadhiyeen goobo ay ka mid yihiin Gobolka Gedo, Luuq, Baym Bakool iyo meelo kale. Raysal Wasaare Cali Khaliif Galeydh wuxuu kaloo ku eedeeyey Dowladda Itoobiya in ay hub soo geliso wadanka Soomaaliya ayna dhowr goor Muqdisho qudheeda keentay hub ay ku taageerayso Hogaamiye Kooxeedyada, sida Muuse Suudi iyo qaar kale. Dhinaca kale waxaa la filayaa in shirka 11ka Jan. ka furmaya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ee arrimaha Soomaaliya looga hadlaayo in Raysal Wasaaruhu uu hor dhigi doono dacwad lidi ku ah dowladda Itoobiya. Sidoo kale shirka Ururka IGAD ee isagana dhowaan lagu qaban doono dalka Suudaan ayaa arrintaas ugu weyn tahay sidii looga hadli lahaa. Madaxweynaha dalka Jabuuti qudhiisa ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyey faragelinta ay ku hayso dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dowladda Jabuuti ka joojin doonto dalka Itoobiya in ay dekeddaheeda isticmaasho haddii aysan joojin faragelinta ay ku hayso dalka iyo dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey in faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya ay la mid tahay Itoobiya oo faragashatay arrimaha Dowladda Jabuuti. “ITOOBIYAA NA SOO WEERARTAY, MOORGAN BAA NAGU SOO DUULAY, NIN DAAD QAADAY XUMBUU GEED MOODAA” Baydhabo (Sooyaal) 10 Jan -Guddoomiyaha G/Bay, Qalinle oo Sooyaal u wararmayey. Xalay Tobbankii fiidnimo ayaan khadka Telefoonka ku waraysanay Guddoomiyaha G/Bay Md. Qalinle waxaana wax ka weydiinay dhowr arimood oo ku saabsan xaalada Gobolka Bay, dagaalkii dhowaan dhex maray RRAda iyo weftigii C/lle Deerow. Md. Qalinle oo arrinta dagaalkaas ka hadlayeyna wuxuu yiri, “ 247 KM ayey Muqdihso noo jirtaa, waana nalaku soo duulay, Ilaah ayaana na gargaaray, iyagiina guul darro ayey la kulmeen, gaadiid, rasaas, shidaal iyo weliba waxyaabo badan ayaan ka furanay “ Waxaan kaloo wax ka weydiinay in ay wax maxaabiis ah ka qabteen weftigii Deerow wuxuuna noogu jawaabay Md. Qalinle “Ciidamo Habar Gidir ah ayuu Deerow watay, haddii dagaalku dhacayna way naga carareen ilaa tobban qof ayaan ka dilnay, maxaabiistii aan qabanay wixii RRA ahaa waan iska sii daynay, anagu waxaan raadinaynay nimanka Wasiirada ah iyo kuwa Baarlamaanka ku jira..”. Waxaan kalee Md. Qalinle weydiinay in uu war ka hayo meesha Deerow hadda ku sugan yahay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Deerow uu Tiyeeglow hadda Joogo, wuxuuna ku jawaabay “Waa beentiis, ciidanka RRA waa heegan meel walbana ilaalo ayey dhigeen, waxayna diyaar u yihiin in ay dharbaaxo aysan ka soo waaqsan ku dhiftaan ciddii dhulkooda gar darro ku soo gasha, isagiina wuxuu joogaa meel 80 km noo jirta, maadaama aysan deegaankayaga aheyna dooni mayno in aan weerar halkaas ku tagno” Waxaan kaloo wax ka weydiinay Guddoomiyayaasha RRA iyo SPM waxa ay ka sameynayaan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuuna noo sheegay in ay halkaas howlo muhiim ah u joogaan, ayna xaaladoodu fiican tahay. Sidoo kale waxaan wax ka weydiinay in dowladda Itoobiya ciidamo ku taageedhay sida wararku sheegayaan wuxuuna ku jawaabay “Itoobiyaa taageeraysa, Moorgan baa ku soo duulay iyo arrimahaas ay ku andacoonayaan waxba kama jiraan, nin daad qaaday xumbuu geed moodaa, sidaas waaye warkoodu” Intaas ka dib Md. Qalinle wuxuu naga codsay in ummadda Soomaaliyeed ogaato in deegaankoodii lagu soo weeraray ee aysan iyagu cidna weerarin “ C/qaasim iyo xulafadiisa waa in ay iska daayaan gardarada ay ummadda ku wadaan, dadka nabada jecel ee reer Puntland sidaas ayaan u sheegnaynaa, waxay horay u sheegeen markay Jabuuti beenta ku dhisayeen in gobol walba iskiis isu maamulo, siday ku dhacday haddaba in ay nagu soo weeraraan guryahayaga anagoo joogno, ..” ayuu ugu danbeyntii Md.Qalinle hadalkiisii ku soo gabagabeeyey. |
    yuusuf | Saturday, January 13, 2001 - 06:58 pm mahadsanid walaalkiis yuusuf |
    WARIYE | Sunday, January 14, 2001 - 12:37 am JOORNAALKA SOOYAAL EE KASOO BAXA BOSASO PUNTLAND AAN DASTUUR SAMAYSANEE AXDIGEENII MEE.! Ummadda reer Puntland iyagoo isku kaashanaya Isir ama Deegaan waxay dhisteen oo raali ku noqdeen inay helaan M/Goboleed ay islahaayeen si weyn bay Jabhadaha u dhaamaysaa, mar hadii taladda la baahiyo oo Baarlamaan iyo Gole fulineed la helo. Axdi baa la ansixiyay 15 May 1998-dii, haba yaraatee wax ka fulay ma jiraan, wuxuu noqday mid Ummadda dhibkeeda oo kaliya loo adeegsado. Ummaddu iyada oo xor ah bay Garoowe tagtay ooy wax ku heshiiyeen, maantana waxaa loo dhaqmayaa in Xornimadii dhimatay hadii laga cawdayna dhagar baa dhacday iyo in Shacbiga Xabad la huwiyo Dhimasho, Dhaawac,Xarig iyo caburin la diiday wixii laga cawday. Wax Ummadda danteeda ah oo DGPL cidii haysaa ha soo qorto oo Taariikhda haku daabaceen, Arimihii Bulshada waa ka sii dareen oo Jabhadii baa la qaatay, Arimihii Siyaasadda Dibada waa ka fara maran nahay iyaguun baa nagu danaystay, meelna wax kama keenin, cidina kuma haysato. Inta uu Ruuxu nool yahay waxaa la faray in uu kala saaro wixii ku fiican iyo wixii ku xun. Waxaanu hubnaa in dhibi ka korortay samayntii Maamul Goboleedka Puntland, waxtar la’aanya ka sokow waxyeelada Ummadda ku dhacday , Noloshii oo cirii gashay, maalintii la keenay Lacagtii lasoo rogay Maciishadu way sahlanayd maantana meesha ay marayso waa laga war qabaa. Dhulku shaqo ma leh, waxaa loo kalihi jiray Bada oo loo jilaabi jiray Maraakiib qaadatay Kaluunka; Jariif iyo Hart Group ayaa lagu casuumay oo cid kale ma gasho oo waa xaaluf oo maantay laga sugeyn in dib loogu shaqo tago. Sideetan iyo lix Markab baa hada ku jia iyo kuwo lagu soo wado, Bada sharcigeeda wali lama horkeenin Golaha Shacabka dhawr sanana Hart Group waa ku jartay taasi shaki weyn bay abuurtay iyo in wax kale lagu heshiiyay oo ka fog ilaalin iyo Kaluumaysi. Markii lagu daro kuwii inay baartaan Konoko ma istiri Dalkiiba waa kiraysan yahay: oo dulucda DGPL waxay ahayd in meel laga kasbadaba Bad iyo Beri. Intaan la gaarin sheekada Dastuurka waxaa furan arimo meel lagu ogaado, waa marka hore e Ummaddu Hogaan bay lahayd wax u habeeya oo meel ku hagaajiya, iyana Malaga gudbay oo Axdigii baa cunay?.Axdiga waxaa ku cadaa in uu yahay meel ku gaar meeshii malagu gaaray?mase waa weli?. Balan fiid jarmaado arooryaad bay u roon tahaye hadii EEBE inagu simo, waqtiguu inagu dhaco yaa garsoore ka noqonaya talada taagan waatan Kooxda durba soo samaystay Dastuur aan cidi kula labahayn xaajadu waxay u eg tahay “Halaq laba jeer isku meel kama wada qaniino” Macalin Xassan Mahdi Xassan LA MOOD NOQONSE WEYDAY DOWLADDA KMG Tan iyo maalintii ay bilaabatay isku dul noolaanshaha Aaadanuhu waxaa ka gilgilanaayay Bulshada, yagoo aan moogaynDiin, Midab iyo Qaarad hadafka ay leeyihiina wuxuu ahaa in laga gudbo isku dulnoolaanshaha. Waxyaabihii dhaliyay isku Dagaalkii 1AAD waxaa ka mid ahaa isku kacdoonkii Bulshada, Afrika Shucuubta ku nooli waxay u tafaxayteen xoriyad wayna heleen, aan is weydiino maxay ka faa’iideen coriyadii. Jawaabo badan oo bulshooyinka Afrika ay bixiyeen ayaa aheyd (gumeysi dadban), Soomaalidu waxay tiraahdaa kud ka guur oo qanjo ka guur, bulshadii Soomaaliyeed kacdoonkii Oktoobar waxay u keentay in ay ku waayaan qaranimadoodii 1960kii dhiiga badani u daatay, Tobban sanno oo burbur ah ayey waxay sameeyeen kacdoon qaran, Jabuuti oo aheyd dhul Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay shirkii Bulshadda, muddo ka dibna waxaa la saameeyey Dowlad ku meel gar ah, dib ayaa loo noqonayaa waa la noqonayaa erayadaas ayaa bulshadda lagu maaweelinayey, waxay noqotay rajadii bulshaddu (la mood noqonse weyday). Haddaba bulshada Soomaaliyeed waxaa ku haboon in ayan maqal muusikada siyaasiyiintaas ah isku dul noolaasho. Kismayo oo ah magaalo ay dadku ku jecel yihiin nabad, isboorti iyo shaqo waxayse isku bedeshay siyaasad, bulshadda Soomaaliyeed waa in ay garataa danteeda oo ah midii ay ku wada noolaayeen Tobban sanno oo burbur ah. W.Q. Maxamed Nuur Xooshle. |
    WARIYE | Sunday, January 14, 2001 - 01:53 am MUSHARAX SHEEGAY IN UU ISU TAAGAYO DOORASHADA PUNTLAND. Yaasiin Maxamed Ciise Guuleed (Laangare), oo ka mid ah bulshadda ku nool Gobolka Bari ayaa wuxuu Xarunta Wararka Soomaaliyeed soo gaarsiiyey qoraal uu ku sheegayo in uu isu sharaxayo Hogaanka DGPL, kaasoo la filaayo in loolankiisu bilowdo bilaha fooda inagu soo haya. Md. Yaasiin oo arrinkaas ka hadlayeyna wuxuu yiri “waxaan dhamaan shicibka Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aan isu sharixi doono Madaxweynaha DGPL saddexda sano ee soo socota, taas oo aan filaayo in ay si xor ah u dhici doonta…”. DAGAAL KA DHACAY SHALAY GALAB DEKEDDA KISMAAYO Kismaayo – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu shalay casarkii ka dib uu ka dhacay dagaal u dhexeeya laba kooxood oo hubaysan. Warku wuxuu intaas ku darayaa in dagaalkaasi uu sababay in dekedda Kismaayo albaabada loo xiro, sidoo kale kooxaha iskaga horyimid dagaalka ayaa lagu sheegayaa in ay beesha Mareexaan ka soo wada jeedaan, koox dabley ah ayaa la sheegayaa in ay diiday in ay dekedda waxna ka soo degaan waxna ka dhoofaan, iyadoo koox kale oo ka dhan ah ay daneynayeen sida wararku nagu soo gaarayaan in ay shixnad dowladda KMG ahi dekedda ka soo rogi laheyd ay doonayeen in ay gacan ku yeeshaan. balse ay ku muransan yihiin shixnad Dowladda KMG dooneysay in ay dekedda ka rogto oo la isku maandhaafay. Dagaalkaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu socday mudo dhowr saacaadood ah, basle markii danbe ay xaaladu degtay kadib markii odayaal kala dhex galeen kooxihii dagaalamayey. Dagaalkaas hal qof ayaa ku dhintay laakiin dhaawac lama soo sheegin |
    abiyoola | Monday, January 15, 2001 - 07:11 am waad ku mahadsan tahey warka qatarta oo loo baahan yahey oo ad nasoo gaarsiisey. waxaanaan ku lee yahey meeshaada kasii wad . |
    WARIYE | Tuesday, January 16, 2001 - 05:17 am WAXAA SHALAY GUSOO GABA GABOOBAY MAGAALDA QARDHRO SHIRKAAS OO SODAY MUDO 7 MAALMOOD AH WAXAA KASOO BAXAY BAYAAN AY BEESHA CISMAAN MAXAMUUD SHEEGAY HORUMARKA LOOBAAHAN YAHAY IN PUNTLAND LAGASAMEEYO IYO IN MAAMULKA HADA KAJIRA PUNTLAND AY UU INDHAHA KAXIRTAY WAX QABADKA BULSHADA LOONA BAAHAN YAHAY ISBADAL KU YIMAADA MAAMULKA PUNTLAND WAXAAN BAYAANKAA KU CAD IN AY JIRITAANKA PUNTLAND AY TAHAY MID MUQADAS AH OO BEELAHA KU DHAQAN BARI AY DAAFICI DOONAAN WIXII KHALKHAL KU KEENAAYA IYO IN LATAA GEERO WIXII DAN UMADA U AH. WAXAA KALOO MAGAALDA QARDHO LAGU SOO DHAWEEYAY SULDAANKA BEESHA WARSANGALI OO HALKAA SOCDAAL U TAGAY DADKA KU DHAQAN MAGAALDA QARDHO AYAA SIDII RAN KUSOO DHAWEEYAY SULDAANKA IYO WAFDIGII LASOCDAY AYGA OO CASUMAADA WAYN KULAHA XARUNTA BOQORTOOYDA. BOSAASO, PUNTLAND STATE OF SOMALIA |
    WARIYE | Tuesday, January 16, 2001 - 05:26 am WAREYSI MUUSE SUUDI: ANIGU DOWLAD UMA ARKO NIMANKAN Muuse Suudi Yalaxow oo ka mida hogaamiye kooxeedyada ka jira magaalada Muqdisho ahna kuwa sida weyn uga soo horjeeda dowladda KMG ah ayaa waxaa noo suurto gashay inaan wareysi layeelano. Suudi oo aanu kula xiriirney qadka telefoonka waxana ay su'aaluhu u dhaceeen sidan. Su'aal: Ka waran xaalada goobaha aad gacanta ku heyso ee uu maamulkaagu ka shaqeeyo? Suudi: Anaga waxaan ka mid nahay hogaamiye yaasha waxka maamula gobolka Banaadir, dadkeyguna amase taageerayaasheyduna waxa ay igu raaceen mabd'a, waxaana ka taliyaa Koonfur galbeed Muqdisho ilaa dagmooyinka Balcad iyo Xararyaale iyo weliba inta u dhaxeysa. Su'aal: Muuse adigu hogaamiye noocee ah baad tahay ma mid qabiil mise mid ku hadli kara magaca Gobolka Banaadir? Suudi: Anigu waxaan ahay mid ku hadli kara magaca banaadir oo waa la weydiinkaraa dhamaan dadka nala dagan ee hoos yimaada maamulkeena, taariikhdaana shegeyso. Su'aal: Maxaad uga soo horjeedaa dowladda KMG ah? Suudi: Umaba aqoonsani dowlad adinka hadaad u aragtaan in ay yihiin dowlad ma aqaan, maxow qaban karaa Cali Khaliif maxowse qaban karaa C/qasim, anigu waxaan u arkaa in Cali Khaliif looga baahan yahay dhulkiisa hatago oo dadkiisa ha heshiisiisto, C7qasimna waxaan u arkaa Xussen Ceydiid falago ka leexatay. Su'aal: Muuse inooma cadeyn sababta aad ugaga soo horjeedo dowladda ee ma inoo qeexi kartaa? Suudi: Meesha dowlad ma jirto, dalkase waa la kala heystaa, Waqooyiga Soomaaliya Ibrahim Cigal ayaa looga dambeeyaa Gobolada dhexena waxaa loga dambeeyaa Cabdulahi Yusuf, Xamarna rag ayaa isku heysto oo aan C/qasim iyo kooxdi Carta aanku jirin ilen iyagu meel ma heystaane, kuwa dagalka ku jira haleysku keene markaasaa Soomaali ay heshiinkartaa. Su'aal: Waxaa laguugu eedeeyay in aad gacan saar la leedahay dalka Itoobiya, hadana uu hub kaaga yimid arintaasi ma jirtaa? Suudi: Waxaasi waa waxey ku tuugsi tagaan qolooyinkaan Carta, waa la yiri ma ahee aawey hubka intow soo marey maxaa loo qaban waayay hadoo hub ii imaanaayay ileen Markab ama Dayuuradaa keeni laheydee, Soomaaliya hubka waa ka xeran yahay ayagaa Yaman iyo Liibiya hubu keentay oo waxaa ay yiraaheen dharey noo keentay Yaman, taasi waa been oo hub ayaa loo keenay. Su'aal: Muuse ma waxaad ileedahay hub iigama iman Itoobiya? Suudi: Haa! wax hub ah oo ii yimid ma jiro, aniga waxaan Calamka u sheegaa in aan hub la soo dagin balse C/qasim iyo in ay hada wadamadii Rushka ahaa ee bur burey inay hubka soo gadanooyaan, anaguse wax hub ah ma noo soo dago. Su'aal: Waxaad tiri Itoobiya ima caawinto, xagee ka keenta hadaba biilka iyo hubka aad ku kala hagto ciidankaaga? Suudi: Anaga ilaahaan tala saaranaa, taageera yaasheyda oo dibada iyo gudahana waa i soo caawiyaan, waa isku filan nahay. Su'aal: Adiga iyo xiriirka Itoobiya waa sidee? Suudi: Aniga iyo Itoobiya wax dhiba nama kala heysto, waa dad walaalahena oo aan darisnahay waana isku fican nahay waana is jecelnahay oo wax dhib ah nama kala heysto,balse waxaan idiin sheegaa dadkaan yeysan nagu diri dadkaan walaalaheyna, Itoobiyase waa meesha kaliya ee Soomaali ayku joogto fiisa la'aan labadaan nin o leh Itoobiya nasoo weerarooso ee ah Cali Khaliif iyo C/qasim dadkooda ayaa ugu badan qaxootiga ay Itoobiya heyso. Su'aal: Adiga iyo C/qasim wax wada hadal ah oo mar idiin bilowday miyey jiraan? Suudi: Wax wada hadal ah oo noo bilowday ma jiraan, maxaanse ku wada hadalnaa maxow yahay C/qasim cidka socotana iima imaankarto, meelahaasey wad wadaan in ay wada hadal bilowday aniga iyo ayaga taasna waa wax ay ku suuqtagaan oo caalamka ayey wax uga raadinayaan, aniga iyo ayagana ma kulmin mana wada kulmeyno!. Su'aal: Hadii uu C/qasim soo codsado in uu kula kulmo mala kulmi laheyd? Suudi: Hadow ii yimaado asigoon sheeganeyn waxa owhada sheeganaayo waa laga yaabaa in aan la kulmo, balse inta uu leeyahay Madaxweyne ayaan ahay la kulmi maayo. Su'aal: Shirka Yaman ay wado maxaad ku diiday? Suudi: Yaman waxey isku tilmaantey iney Soomaali taqaan waana been, maxey Soomaali ka taqaan Yaman, mideeda kale manoo cadeyn shirka waxa uu ku saabsan yahay waxeyna aqoonsadeen C/qasim anagana tagimeyno cid C/qasim maxadaxweyne oow u yahay. Su'aalaha kolkii aanu dhameynay ayaa Muuse Suudi waxaa uu na weydiiyay in aan wada shaqeyno BBC-da afsoomaaliga, anagoo markaasi ugu jawaabney in aysan wada shaqeyn ka dhaxeyn hada idaacada BBC-da balse aanu axsaabnahay shaqalaheeda ayuu yiri waxaan rabaa in aan ka hadlo cadaalad daro oo ay BBC-da nagu sameysay isagoo arintaas ka hadlayana waxaa uu yiri Suudi "BBC-da magacii xageena waa laga badalay oo waxaa loo baxshay idaacda C/qasim iyada iyo HornAfrik iyo midan la yiraahdo STN, BBC-da waxey nagu sameysaa cadaalad daro oo marka aan war saxaafadeed aanu soo dirnana hoos ayaa la dhigaa marka waxaan Soomaalida u sheegayaa in aan wararkeeda lagu kal soonan waana idaacad u adeegta C/qasim iyo koodi Carta". |
    WARIYE | Tuesday, January 16, 2001 - 05:30 am Xiisad colaadeed oo ka taagan… Gaalkacyo, Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo iyo tuulooyinka u dhow dhow. Xiisaddaan colaadeed ayaa waxay u dhexeysaa beelaha Majeerteen iyo Sacad oo iyagu dhowaan dagaallo ku dhex mareen tuulooyin ku dhow dhow magaalada Gaalkacyo, ayna ku dhinteen ilaa 10 qof, labada dhinac ayaa la sheegay inay ciidamo halkaasi u dirayaan, iyadoo ciidamo ka tirsan Puntland ay haatan soo gaareen magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale ciidamo ka tirsan beesha Sacad ayaa iyaguna ka amba baxay oo heegan lagu geliyey magaalada Gaalkacyo duleedkeeda, iyadoo lagu warramay in labada dhinac ay habeen hore is weydaarsadeen rasaas, inkastoo odoyaasha labada dhinac ay dadaal ugu jiraan xiisaddaas, weli nama soo gaarin wax ku dhintay iyo wax ku dhaawacmay xiisaddan cusub. Hada waxaa magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda kusugan ciidamo katirsan Puntland oo kot udhaafaaya ilaa iyo 5 kuno oo isugi jira daraawiish iyo police. |
    WARIYE | Tuesday, January 16, 2001 - 05:42 am Garowe,16 jan Wasiirka warfaafinta ee maamul gobaleedka Puntland ayaa cadeeyay warwar uu hada kahor mas'uul katirsan maamulka Puntland uu kasheegay Radio Gaalkacyo, mas'uulkaas oo sheegay inay jiraas ciidamo Masar kasocota inay dhawaan soo gaari doonaan SOMALIA oo ay kawaawin doonaan dowlda KMG dhanka nabadlayada, wasiirka iyo mas'uulkaas kahadlay Radion Gaalkacyo maalintii Isniinta 15-1-2001 ayaa labaduba dhaliil usoo jeediyay faragalinta ay kuhayaan dowlada carbeeda wadanka soomaaliya. Dhanka kale magaalda Boosaaso ee G/Bari meel ujirta 30 oo layiraa QOWL ayaa lasheegay inay DHOOLATUS ku sameeyeen ciidamo katirsan Maamul Gobaleedka Puntland qayba daraawiishta halkaas oo laga tumaayay muustikada astaanta u ahaanjirtay CIIDAN kii soomaaliyeed 1977 markii ay dagaalka isga horyimaadeen dalka Itoobiya. Halkaas ayaa waxaa ciidamada dhoololatus kusameeyeen meelo loo dhisay waxaa kale oo halkaa kamuuq day DOONAYA dheereeya oo ay kabuuxaan ciidamo oo kadibna xeebata QAW lagu daadinaayay, waxaa kaloo ka qayb qaatay dhoolatus kaas GAWAARI WAAWEEN ee nooca loo yaqan TIKNIKOda iyo dhowrgaari oo noocaan TANKSka loo yaqaan oo markii ugu horaysay la arkay ayada oo dhoolatus lagu sameenaayo. Dhowlatuskaan ayaa dad badan ay u arkan inat tahay mid uu maamulka isugu diyaarinaayo wax uu ugu yeeray DUULAANKA CARTA. |
    WARIYE | Tuesday, January 16, 2001 - 06:22 am Mugdisho, 15 jan Mar aanu laxiriirnay Wasiirka difaaca ee dowlda KMG Cabdullahi Boqor Muuse (King Kong) ayaa waxaa wax kawaydiinay warar ayaa mahaan la isla dhexaraayay oo sheegayay in uu khilaafweyn ka dhextaagan yahay asaga iyo Cabdiqaasim, sidatan buu waray siga udhacay. Su'aal: Mudane wasiir maxaa kajira wararka sheegaaya inuu khilaaf adiga iyo Cabdiqaasim idin dhex maray? W/G: wararkaas waxna kama jiraan, waajirtaa inaa isku afgarn waynay wax jaalo dhacay sida alaabtii loo diray Kismaayo iyo dagaalkii lagu qaaday Balacad laakiinse arimahaas waanu kawada hadalnay. Su'aal: maxaad uga carootay alaabahaas aad sheegatay in loo diray Kismaayo? W/G: Kismaayo waa magaalo dagaal kadhacay, cabdiqaasimna horay ayuu balanqaad usameeyay inuusan arintaa sii CAKARIN doonin iyo in laga saaro ciidamada xooga ku haysta oo lageeyo ciidamo QARAN, marka aritaas bay falkaan kasoo horjeeday. Su'aal: maxaa markaas lagu xaliyay arintaas Kismaayo? W/G: arintaas waxaa lagu xaliyay wixii horay la isku affahmay oo aheed in ciidamo isku dhaf ah oo QARAN halkaa lageeyo, waxaan dhawaan ukacitimi doona Kismaayo Xildhibano katirsan baarlamaanka iyo ciidamo. Su'aal: waxaan lasoconaa inay hada kahor tageen magaalda Kismaayo rag katirsan maamulka iyo Xildhibaano oo ubadnaa Beesha Mareexaan, hada xildhibaanodaan ma beesha mareexaan bay kasocdaan? W/G: Maya waxy kasocdaan Beesha Harti oo awalana si cad u dhaliilay wax yaalihii kadhacay Kismaayo iyo nawaaxigeeda dadkaana waa dad udhashay J/hoose iyo J/dhaxe. Su'aal: waxaa dhawaan u amba baxay wadanka Ruushaka Jen. Galaal oo halkaa u aaday arimo kusaabsan dhanka milatariga, maxaa adiga u aadiwayday Rushka maadaama aad tahay wasiirka Gaanshaandhiga? W/G: wakhtigaas hawlo fara badan baa halkaan iiga socday iyo sidii loo howl galin lahaa cidaamada police ka ee Xamar iyo hawlo kale, sidaas bay iigu suur toobi wayday inaan aado Ruushaka waxaan aamin sanahay inay halkaan howlka culustan Ruushka taal ay isugayso. Su'aal: waxaa lasheegay inuu khilaad kadhex yimid adiga , Ra'iisul wasaare kuxugeenka Jaamac Kaluun iyo Saraakiil katirsan Gudiga nabada ee qaranka oo kamid yahay Jen. Galaal iyo rag kale iyo wasaarada arrimaha dibada, oo kusaabsan ciidamada la aruurinaayo oo aad ku candacooteen in aan ciidamada beel kaliya laga aruurin ee soomaali oo dhan laga aruuriyo? W/G: waa jirataa khilaaf dhankaas ah laakiin mar dhow ayaa insha allah la xalin doonaa. Su'aal: waxaa dhawaan weerar lagu qaaday Cadala Deerow isaaq asagoo socdaal kumaraayay Bay iyo Bakool, maxaa arinataas ka horan laheed? W/G: arintaa waa arin khalad ah weerarna Cabdala Deerow maqaadin waxuuna xaq uleeyahay meesha uu kudhashay inuu tago, laakiin aniga waxaan aamin sanahy arintaan in si nabad ah lagu dhameenkaro hadana ay ku howlan yihiin odayaasha iyo waxgaradka beesha D&M loomana baahna in la is weeraro ayada oo aan lawada hadal. Su'aal: waxaa hada lasheegayaa inay ciidamo Itoobiyan ah ay Soomaaliya soo galeen waxaan mas'uuliyiin kamid ah maamulka aad katrsan tahay ku handadeen inay iska dhicindoonaan Itoobiya maadama aad tahay wasiirka Gaanshaadhinga maciidan baa idiin diyaarsan oo aad uga hortageesaan Itoobiya? W/G: halkaan waxaan isku dayay naa inaanu marka hore intaanan dad kale kuduulin in marka hore soomaaliya dhexdeed lanadiifsho oo khilaafka ku jira Soomaalida dhexdeeda laxaliyo oo markaa ciidan Qaran oo kaamil ah lasameeyo, kadib markaa bay soomaaliya iska dhicinkartaa wixii dibada kasoo weerara. Su'aal: ugu danbeen tii adiga iyo madaxkale o faraban oo uu kamid yahay Ra'iisul wasaare Cali Khaliif Galayrdh sidaan lawada socono waxaad kamid tahay masuuliyiinta iyo madaxda katimid kuna aftirsata Puntland, malaga yabaa inaad halkaa tagi doontaan? W/G: haa, waanu tagi doonaa Puntland oo waa dhulkeenii dadka halkaa joogana taageero ayay inoo hayaan madaama aan anugu nahay mas uuliyiin soomaaliyeed oo katirsan dowlda KMG ee soomaaliya aadna lasocotid howsha faraha badan ee sugaysa maamulkaan howsheena tana ugu way waxay taalaa Xamar loona baahan yahay in wax ween laga qabto, Puntland odayaal iyo wax garad ayaanu udirnay oo kumaqan. |
    WARIYE | Wednesday, January 17, 2001 - 04:16 am Gaalkacyo, wararka naga soo gaaraya magaala Madaxda G/Mudug, Gaalkacyo, ayaa sheegay in xalay gaari kasoo baxay magaaldaas oo dad raak ah saarnaayeen in laxabadeeyay halkaas ay kudhinteen labo qof oo rag ah oo u dhashay beesha DHULBAHANTE ee Harti, maal mahaan ayaa waxaa magaalda iyo nawaaxigeeda kataagnaa iskor imaad iyo xiisado udhaxeeya beesha Cumar maxamuud ee Majeerteen iyo Beesha Sacad ee Habar gidir, dhawaan dagaal kadhacay magaalda BALIBUSLE ayaa lasheegay inay kudhinteen dad gaaraya 10 qof, 7 kamid ah ay udhasheen beesha Sacad iyo 3 kale oo u dhalatay Cumar maxamuud. Xiisada nawaaxigaas ayaa aad ukacan maleeshiyada labada beelood ayaa labaduba ku hanjabay inay aar goosan doonaan, mar aan maanta magaalda Gaalkcayo laxariiya ayaa waxaa la iisheegay inay dhaka magaalda Gaalkacyo kusoo wajahan yihiin ciidamo katimid dhanka koonfurta iyo Moqdisho, dhanka kale maleeshiyooyin ku aftirsada beesha Maxamuud saleebaan oo katimid dhanka G/Bari inay soo gareen magaalda Balibusle waxaa lasheegay in ciidamada Puntland iska hortaageen gawaari kale oo aysaar naayeen rag aad u hubaysan oo yaguna kayimid dhanka Bari laga ceshay magaalda Buurtinle oo loo diiday inay usoo gudbaan dhanka magaalda Gaalkacyo. Arintaan cakiran ayaa waxaa lasheegayaa inay ku dhexjiraan odayaasha beelaha degaankaas dagan. Dhanka kale waxaa degmada Gaalkacyo lagu soo kurdhiyay ciidamadii boqolaal gaaraya ee Daraawiishta oharay u joogay Xarunta daraawiishata ay kuleeyihiin magaalada Buurtinle. |
    wadani | Wednesday, January 17, 2001 - 09:46 am alle ha caawiyo Gaalkacyo aamin aamin wadani |
    Kacaan-diid | Wednesday, January 17, 2001 - 10:59 am War midkaagan isku magacaabay Wariye, Kala taga meesha beenta iyo propogandada. Puntland annaga nooga warrami mayside, naga daa beenta iyo waxaad shubayso, maandhow. |
    WARIYE | Wednesday, January 17, 2001 - 11:17 pm Djibouti politician reportedly seeks asylum in Puntland BBC Monitoring Service - United Kingdom, Jan 17, 2001 A Djibouti politician has sought political asylum in the Puntland regional administration [in northeastern Somalia] and is now in the port town of Boosaaso reports have said. According to a [Somali newspaper] published in Boosaaso, Kaaha Bari, Mr Abdallah Barqadle sought political asylum in Puntland. Reports say the politician travelled by boat from Djibouti port. However, the newspaper did not give details as to why the politician had sought asylum. It is expected that some senior Puntland officials will soon hold discussions with the politician. The Djibouti politician is expected to be transferred to Garoowe, the administrative capital of Puntland, where Col Abdullahi Yusuf Ahmed is based. |
    WERIYE | Wednesday, January 17, 2001 - 11:21 pm TO: WARDIID/KACAANDIID adiga hadaad maqashid warar aadan lasocon waxaad umalay naysaa inay been yihiin WELL WAKE UP THAT IS WHAT WE CALL NEW (SOMETHING NEWS THAT HAPPENED SOMEWHERE) marka nin yahow waxaa meesha ku qoron waarun waxaana dhamaan tood laga soo tabiyay Puntland, marka AMA ISKA SEEXO AMA NEWS ka dhageeso. |
    Ugaaska | Thursday, January 18, 2001 - 02:46 am WERIYE. werie dee been uun lama soo weriyee bal hadda isku yrehe khalad.Runta &beenta) Umaadda Belaayo ha u saadine. wax baa dhintay iyo wax baa is dilaya yaad la imaanaysaa,kula fududaa dhimasha iyo is dilku. Cammii war beenaadka ka feejignow.. |
    Puntlander | Thursday, January 18, 2001 - 04:41 am WERIYE WELL DONE BRO, KEEP UP THE GOOD WORK, TO THE REST OF YOU, GO SOMEWHERE ELSE IF THE NEWS HURTS YOU. May Allah protect all the Somali's AMIN |
    ahmed | Thursday, January 18, 2001 - 05:41 am mr wariye, mahaysaa warkusaabsan labada nin ee dhulbahante ee aad soowarisey in gaalkacayo agagaarkeeda lagudiley. yaaadiley, magacyadooda mahaysaa. dad waxisu nahay ayaa arimo caafimaad ahaan halkaa ujoogaye. |
    SIID AKIBU | Thursday, January 18, 2001 - 07:34 am PUNTLAND AA MGANGALYO SIYAASADEED LA WEYDIISTAY AA WARKAAS AA IGA DAGAA, QOXOOTI FARA BADAN OO KONFUR KA SOO SOCDANA WAA LA ARKAA. |
    Kacaan-diid | Thursday, January 18, 2001 - 08:49 am Wariye, or whatever your name is, Just by using the title "Wariye", does not necessarily make you a real, "Wariye", and we don't have to take your lies. Your reporting of lies, does not follow your title (WRRARKII UGU DANBEEYEY EE PUNTLAND). Even worse, you don't know how to make your lies believable. For example, You wrote " Wasiirka warfaafinta ee maamul gobaleedka Puntland ayaa cadeeyay warwar uu hada kahor mas'uul katirsan maamulka Puntland uu kasheegay Radio Gaalkacyo, mas'uulkaas oo sheegay inay jiraas ciidamo Masar kasocota inay dhawaan soo gaari doonaan SOMALIA oo ay kawaawin doonaan dowlda KMG dhanka nabadlayada, wasiirka iyo mas'uulkaas kahadlay Radion Gaalkacyo maalintii Isniinta 15-1-2001 ayaa labaduba dhaliil usoo jeediyay faragalinta ay kuhayaan dowlada carbeeda wadanka soomaaliya". Ka warran haddaan ku iraahdo PUNTLAND STATE OF SOMALIA, ma laha wasiir warfaafineed. Haddaad been sheegayso wax u eg baa la sheegaay. Maxaa lagu dhegaystaa haddaadan waxaad ka hadlaysoba garanayn. One advise for you. Do your home work, before fabricating lies about Puntland, otherwise keep your mouth shut. Been waxaa noogu filan inta Somalinet lagu qoree, naga daa ha noogu soo galin Page-kan Puntland looga hadlee. Naga daa maandhow, aan kuu ducaynee. Most of us are more informed than you, when it comes to Puntland news, and we can't stand reading your lies. |
    A.B. Farah | Friday, January 19, 2001 - 02:06 pm BROTHERS PUNTLAND IS LIKE AMERICA WETHER YOU LIKE IT OR NOT WE HAVE A FREE AND FAIR ELECTION WHICH AT THE END OF THE DAY MEANS THE MAJORITY RULES TO WIIL-DHULBAHANTE I,VE SEEN YOU MOAN AND GROAN IN EVERY DISCUSION I HAVE TAKING PARTY OF SO BROTHER CAN I TELL SIMPLE AND HONESTY ANSWER DECIDE WHO YOU WANT BE PUNTLANDER AS YOU SAID IT OR SOMALILANDER AS I SEE IT IF YOU WANT KNOW WHERE IM COMING FROM CHECK THE FORUM AND SEE TOPICS THAT YOU HAVE TAKING PART IN EVERY ONE THEM YOUR INSULTING AS I WOULD LIKE TO KNOW THE REASON [ABTI]WHAT HAVE WE DONE TO YOU OR IS IT THAT YOU SIMPLY CANT TAKE ANYMORE IM NOT SAYING MJ MUST RULE THE REST OF THE HARTI ALL IM SAYING IS LET THE PEOPLE OF PUNTLAND DECIDE WHO LEADES THEM IN THE UPCOMIG GENERAL ELECTION AND PLEASE DONT LET THE IDOIT WHO STARTED THE TOPIC DEVIDE OUR UNITY PEACE AND LOVE A.B.Farah satuarday, january19, 2001 - 05:27 pm -------------------------------------------------------------------------------- |
    WARIYE | Friday, January 19, 2001 - 02:10 pm To: Ahmed waxaad isoo waydiisay ragii ladilay walaal waxaa warar faah faahsan kaheli kartaa isbitaalka Gaalkacyo oo ay yaalaan dadkii kudhaawac may shilkaas raga dhintay waxaa magacooda lama sheegin laakin mid wuxuu ahaa Darawalkii gaariga. warkaasna wax aan uga saad sanaayo majiro waa war dhacay hada dhowrcisho ayay kusii socotaa inta ay dhaawaca uu yaal isbitaalka Gaalkacyo ninkii rabaa waala hadli karaa WARBIXIN DHEERAAS AH AYAY IDINSIINAYAAN. dadka soo caytamay waxaan idiin sheegayaa inaad isga waxdaan meesha ama wararka akhrisataan (idinka ayay idin jirtaa hadaad aaminaysaan) wararkaan waxaa soo tabiya dad lagu kalsoon yahay waxay waraka usoo tabiyaan dhamaan warbaahinta qurbaha warka dahuu shaki galona meesha laga soo sheegay baa lal hadlaa si loo xaqiijiyo. ARINTAA GAALKACYO WAA ARIN DHACADAY XAQNA MAAHA DADKA MASAAKIINTA AH OO DHIMATAY IN XATAA LA XAQIRO DHIMASHADOODA. dadkaan waxay ahaayeen dad ganacsato ah gaarigana wuxuu u socday magaalada Laas Caano meel u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo ayuuna shilka kadhacay ninkii Puntland la xariira waa waydiin karaa shicibka reer Puntland. WARKII NASOO GARAANA HORAAN KASOO GALINAY NAA NINKII AMINAAYO AAMIN KII AAN AAMINAYNA HA AAMIN MEESHAN SANDULO MAJIRTO FAA IIDAYSO AMA ISKA TAG. Nink yiri Puntland wasiir warfaafin maleh waxaan u oron lahaa wasiirkii hore Casharo waa jirtaa in laga wareejiyay laakiin waxaa hada haya oo ayna hoostimaadaa Ninka layiraahdo Mohamed Abdi Kulmiye oo wiigan laagy daray inoo noqdo wasiir kuxigeenka wasaarada arrimaha bulshada ee lasoco isbadala kadhacaaya Puntland intaad iska soo hadli ama aadan ka fiirsan SIDAA IYO NABADGALYO |
    I-LOVE-MY-PEOPLE | Friday, January 19, 2001 - 03:47 pm WARIYE- walaalkiis shaqa fiican baad meesha ka wadaa. dadkaan aa la murmeysid waa isaaq iyo hawiye faadio ay leeyihiina majirto. they don't like the existence of PUNTLAND! maseer baa hayo! Long Live Somalia! I-LOVE-MY-PEOPLE |
    Cismaan Maxamuud | Friday, January 19, 2001 - 06:42 pm WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY SHIR AY YEESHEEN BEESHA CISMAAN MAXAMUUD Shir wadatashi ah oo soconayey muddo dhan todobo casho 01 – 08/01/2001, laguna qabtey degmada Qardho, ayna yeesheen beesha Cismaan Maxamuud oo ay ka soo qayb galeen waxgarad ka kooban nabadoono, culimaa’udiin, samadoono, aqoonyahano, iyo dhalinyaro. Waxaa si qoto dheer loogu lafagurey qodobada ay ka mid yihiin. 1. Danaha degmada qardho Wax qabadka iyo wax ka tabashadda maamulka Puntland xiligii uu dhisnaa. Filashada waaga cusub ee siyaasadeed ee inagu soo fool leh. Hanaanka geedi socodka nabada iyo dibu-heshiisiinta ee ay wado dwladda kumeel gaarka ahi. Haddaba dood dheer kadib iyo ka baaraandeg wuxuu shirku soo saarey baaqyada iyo talooyinka war-murtiyeedkani xambaarsan yahay. A. Danaha degmada qardho Degmada Qardho waxay ka mid tahay degmooyinka Puntland ee Soomaaliya, kuwa ugu da`da wayn, waxayna caan ku tahay daaqa wanaagsan oo ay ku wada dhaqmi karaan dhamaan noocyada xoolaha la dhaqdo dalkeena. Waxay leedahay kaymo dabiici ah oo alla ku manaystay, laguna qurxiyey duur joog iyo ugaar kala gedisan, waxay si siman xad ula leedahay goboladda Sool, Sanaag iyo Nugaal, waxayna xiriirisaa gobolka Bari iyo goboladaas. Waxaase ayaan darro noqotay in tobankii sano ee la soo dhaafey lagu qaadey weerar naxariisdarro ah wax alla wixii astaan dabiici ahaa ee deegaankaasu lahaa, laysna oran karo waxba kama jiraan maanta. Waxaa dhibaatooyinka la geystey kamid ah: · Waxaa si cadowtinimo ah loo gubay dhamaan kaymihii dabiiciga ahaa iyadoo la soo siisanayo wax aan u dhigmin Waxaa si aan loo meeldeyin loo degey dhammaan dooxooyinkii iyo balliyadii aftinka ahaa iyadoo si qiyaas la`aan ah looga qodey barkado qaarkood isaga dhow yihiin 3Km taas oo fududeysay nabaad guur rasmi ah. Waxaa si sharci darro ah loo seeraystey dhulkii caanka ku ahaa daaqa xoolaha Waxaa dhammaan la dabargooyey oo la dhoofiyey ugaartii iyo duurjoogtii, waxaana halkaa ku dhintay bilicdii kaymaha deegaanka Qardho. Haddaba markey arimahaasu cadaadeen waxaa shirku soo jeedinayaa: 1. In dhaqanka u nixid la’aanta deegaanka laga waantoobo laguna bedelo mid ah u hiilinta iyo daryeelka bay`adda, laguna wacyi geliyo dhammaan dadweynaha ku nool deegaankas, sidii ay uga hortegi lahaayeen cid alla cidii waxyeelaynaysa deegaanka 2. In gacan buuxda la siiyo ciidanka daraawiishta ee ku hawlan ka hortaga xaalufinta deegaanka 3. In la sooceliyo seerayaashii xilliilaha ahaa ee waqtigii dowladii hore si daaqa dhulku u soo noolaado. 4. In la soo celiyo sharcigii ka qornaa ilaalinta deegaanka, dadkana loo baahiyo. B. Waxqabqadka iyo tabashada Maamulka Puntland xiligii ay dhisnayd i. Waxqabadka Maamulka Puntland Inkastoo dhismihii iyo ku dhawaaqidii maamul goboleedka puntland soo celiyey haybadii iyo karaamadii shacabka Puntland lahaa, haddana ay dhammaanayso mudadii sadexda sano ahayd ee la doortay, waxaa muuqata in baahidii loo dhisay iyo balanqaadyadii ku caddaa axdigii la wada qortey aan wax weyn laga qaban marka laga reebo arrimaha soo socda. 1. Qaadida isbaarooyinnkii dadka socdaalka ah lagu dhibi jirey 2.Wax ka qabashada dadkii tahriibta ku dhoofi jirey ee badda ku le’an jirey. 3.Wax ka qabashda dhoofinta xad-dhaafka ahayd ee dhuxusha. 4.Meelaynta qaybo ka mid ah dhalinyaradii dalka oo la qorey ciidanka daraawiishta iyo booliska 5.Asaaska habka garsoorka sida maxkamadaha degmooyinka qaarkood, inkastoo wax fulintu yar tahay. ii. Wax ka tabashada Maamulka Puntland Tabashada shacabka Puntland ee xagga maamulka aad ayey u badan tahay, waxaana ugu horeeya in aan haba yaraatee maamulku gacan ka geysan dhinacyada kala ah: 1. Waxbarashada 2. Caafimaadka dadka iyo xoolahaba 3. Horumarinta biyaha 4. Baahinta korontada 5. Dibu dejinta iyo daryeelka dadka soo barakacay Waxaa aad looga dhawaaqayaa arrimaha mamulku ku talaabsaday oo ay ka mid yihiin a. Soo daabicidda lacagaha been abuurka ah ee khalkhalka geliyey dhaqaalihii yaraa ee dadku haystay, taas oo keentay in wax badan oo dadku isugu filaa in ay qabsadaan sicir barar awgiis aan maanta la qabsan karin. b. Waxaa aad la isu weydiinayaa meelaha la mariyo cashuuraha xad-dhaafka ah ee aan cidna ku baaqan ee kala gedisan. c. Waxaa aad looga ciil qabaa heshiisyada dahsoon ee lala galay shirkadaha shisheeye kuwaas oo daldalanaya khayraadkii badda ee loo sinaa oo kooxda xukunka haysaa iyo in yar oo ay uga maarmi waayeen ay si gaar ahaaneed u manaafacaadsadaan. d. Waxaa dhaawac dhaqaale loo geystay kalluumaysatadii yar yaryarayd ee deegaanka Puntland, ka dib markii qalabkoodii iyo bay’addiiba ay burburiyeen, baddiina xaalufiyeen maraakiibta doolka ah ee heshiisyada xaaraanta ah lala soo galay e. Waxaa shaki laga qabaa in shirkadahaasi ay haraaga sunta halista ah ee nugliyeerka (neuclear waste) ku aasaan xeebaha deegaanka Puntland. f. Waxaa aad looga caraysan yahay sida bareerka ah ee loogu galda’ay ama loo barbar maray axdigii Puntland ee midnimada iyo baadi goob qaran Soomaaliyeed asaaskiisa iyo saldhiggiisu ahaa, ka dib markii ay kooxda xukunka haysaa diiday in ay ka qayb qaadato madashii dibu-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed dadkana iska hortaagtay iyadoo adeegsanaysa muquunin iyo farsamooyin kale. C. Filashada waaga cusub ee siyaasadeed Haddaba, si loo daweeyo khaladaadkaas waxaa laga filanayaa waaga cusub ee siyaasadeed ee Puntland in uu noqdo sidan: 1. Mid siyaasaddiisu ku wajahan tahay wax ka qabashada adeegyada arrimaha bulshada, sida Ammaanka, waxbarashada, caafimaadka dadka iyo xoolaha. 2. Kor u qaadidda dhaqaalaha bulshada ee lagu khalkhaliyey maamul xumada iyo lacagaha been abuurka ah. 3. In cashuuraha layska qaado wax qabadkoodu dib ugu soo noqdo bulshada. 4. In heshiisyada lala gelayo shirkadaha shisheeye ay noqdaan kuwo cad oo aan mugdi ku jirin (transparancy). 5. In aan meel looga dhicin midnimada gobolada Puntland. 6. In la dhaqan geliyo axdigii Puntland ee lagu heshiiyey shirkii Garoowe kaas oo qorayey baadi goobka qaran Soomaliyeed iyo ka mid noqoshadiisa. Haddaba, beesha Cismaan Maxamuud waxay ku dhiiri gelinaysaa shacbiga Puntland in la ilaaliyo xasiloonidii iyo nabadda ay goboladani hiddaha u lahaayeen, waxaana sina loo aqbali karin go’aankii doorashada ee kooxda maamulka haysaa ku soo qortay wargeyska Kaaha Bari cadadkiisii 507 ee 05/01/2001. Waxayna beeshu ku baraarujinaysaa beelaha kale ee Puntland in aan sina loo aqbalin wax yaalahaas oo kale. Maadaama kooxda xukunka haysaa gabtay soo diyaarinta hannaan doorasho loo simanyahay aanna hadda laga aqbali karin mid yeeris, waxaan ugu baaqaynaa guurtida iyo salaadiinta beelaha Puntland in ay ayagu qaadaan xilka soo diyaarinta hannaankii doorashada Puntland si laysu raaco ee aan loo ka dhantaalmin. Waxaa shirka layskaga raacay in la taageero gacan buuxdana la siiyo musharaxii ama kooxdii loo arko in ay fulinayaa arrimaha kor ku xusan. Waxaan ku baraarujinaynaa dadweynaha reer Puntland in ay gacan siiyaan cid alla ciddi ogol ka mid noqoshada qaran Soomaaliyeed diyaarna u ah in ay gogol wada xaajood la furato dawladda ku meel gaarka ah. D. Hanaanka geedi socodka nabadda iyo dibu-heshiisiinta Waxaan la qarin karin dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ka dhaxashay nadaamkii keli taliska ahaa ee burburay, waxaana xusid mudan xanuunkii iyo halaagii lagala kulmay dagaaladii sokeeye ee looga gol lahaa in laysku muquuniyo awoodduna koox gacanta u gasho. Maadaama qorshaha iyo talada Dawladda KMG ahi ka duwan yahay kuwaas hore, kuna salaysan yahay nabad, dibu-heshiisiin iyo talo wadaag waxaa ka go’an beesha Cismaan Maxamuud in ay gacan siiyaan qorshaha iyo siyaasadda dawladda KMG ahi ku hawlan tahay in ay Soomaali isugu keento. Waxaan soo dhoweynaynaa waraysigii Ra’iisul wasaare Dr. Cali Khaliif Gallayr ka siidaayey idaacadda BBCda safarkiisii uu Talyaaniga ku tegey guud ahaan iyo gaar ahaanba warka uu ku muujiyey wax ka qabka dawladda ee ku wajahan gobolada Puntland iyo Somaliland. Waxaan ug baaqaynaa dawladda KMG ah: 1) In dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed, shaqada si siman loogu baahiyo dhammaan gobolada dalka ee aan hal meel lagu tuuntuunsan arrinkaas oo horseedi kara in burbur dambe dalka soo food saaro. 2) In aan meel lagaga dhicin ee la ilaaliyo axdi qarameedkii lagu dhigtay CARTA. 3) In dawladdu gacan buuxda siiso sidii loo wada xallin lahaa deegaamada khilaafaadku ka taagan yahay ee laysku hayo, annaga oo u soo jeedinayna dhinacyada is haya in wax kasta loo wadaago loogana wada hadlo si walaalnimo ah. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinaynaa guud ahaan shacabka reer Muqdisho gaar ahaan hogaamiye kooxeedyada taageeray hannaanka geedi socodka nabadda isla markaasna wada shaqaynta nabadeed la leh dawladda KMG ah. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiye kooxeedyada weli qaadacsan baadigoobka qaranimada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan halgankii adkaa ee lagu dhaliyey gobonimadeenii soo hoyatay 1960kii. Wa billaahi tawfiiq. Saxiixayaasha Baaqaqn: 1) Nabaddoon Cismaan Ismaacill Cali Faahiye 2) Axmad Faarax Dall’aan 3) Maxamad Aadan cali 4) Cabdi Diiriye Jaamac 5) Abshir Ismaaciil Guray 6) Cali Maxamuud Ildab 7) Axmad Maxamuud Yuusuf 8) Cumar Maxamuud Xasan 9) Cabdisamad Timir Diiriye 10) Maxamuud Ducaale Faarax 11) Samaddoon Cali Cartan Jaamac 12) Cali Shire Cali 13) Cabdi Caarshe cali 14) Ismaacill Aw-Cali 15) Maxamuud Xasan Diric 16) Cabdi cali Xundhur 17) Cali Xaaji Yuusuf 18) Yusuf Aw-Muuse Maxamud 19) Dr.Xirsi Magan Ciise 20) Dr.Axmad Muusa Cali 21) Avv.Maxamad Firin Yuusf 22) Eng.Axmad Xaaji Nuur 23) Eng.Cabdullahi Axmad Cabdi 24) Dr. Yaasiin cabdi xaaji 25) Dr.Cali Cabdi Seed 26) Cabdullaahi cali Qood 27) Cusman Moxamad Barre 28) Cusman Buux Cali 29) Xirsi Shire Cali 30) Issa CumarMuusa Dhuxul 31) Cabdi Shukuur Siciid Muusa 32) Maxamad Yuusuf Dhaanto 33) Col. Cabdi Nuur Axmad (luuq) 34) Cali Aadan Ciiraale 35) Cabdirisaaq Faarax Bootaan 36) Abdullahi Khaalid Aw-Muuse 37) Jaamac Cismaan Cabdi 38) Cabdi-risaaq Warsame Maxamad 39) Maxamuud Yuusuf Xuseen 40) Carab Abshir Xuseen Nuur 41) Ciisa Xuseen Nuur Dhegey 42) Maxamuud Hiirad Kaatun 43) Xsan Muusa Cisman 44) Cabdirisaaq Ciisa Nuux 45 Axmad Maxamad Ducaale 46) Maxamuud X. Cali Cisman 47) Cabdi Shire Maxamad 48) Axmad Shire Guure 49) Abdullahi Maxamad Guuleed 50) Cabdullahi Nuux 51 ) Siciid Caabdi Seed 52) Siciid Xareed Samatar 53) Maxamd Salad Ciisa 54) Cali-Baashi Siciid Aw-Muuse 55) Caqbdillahi Ismaacill Yuusf 56) Siciid dall’aan Axmad 57) Abshir Faarax Xasan 58) Mire Barre Yuusuf 59) Khaliif Shabeele Cabdi 60) Liibaan cabdillahi Deni 61) Maxamuud Muusa Maxamad 62) Huruuse Maxamd Cali 63) Maxamuud Muusa Maxamad 64) Mire Maxamuud Shirdoon 65) Shabeel Siciid Xuseen 66) Cabdirisaaq Maxamuud Joome. |
    WARIYE | Saturday, January 20, 2001 - 01:39 am To: Cismaan Maxamuud waad mahad santahay walaal warkaa aad halkaan noogu soodartay aniga Warmurtiyeed kaan waan maqlay laakiin waraaqda ayaan wali isoo gaarin sidaadaraadee meesha manan ku dari karin marka arintaa waad ku mahadsan tahay> TO: pUNTLANDER, AHMED, SIID AKIBU AND I LOVE MY POEPLE walaala yaal waad mahadsan tihiin dhamaantiin, insha Allah wixii war cusub ahna halkaan baad kahelo doontaan. DHAAN NIN KII WADANKA LAHADLA AMA WAR KADHACA PUNTLAND AMA SOOMALIYA SOO HELA AAD BAAN UJECLAAN LEHEEN HADAAD NALASOO SOCODSIISAAN LAAKIIN HALA ISKA ILAA LIYO WARAKA BEENTA AH. |
    WARIYE | Saturday, January 20, 2001 - 01:45 am MOGDISHO Jan 19 (HOL) - Maliishiyooyin ka tirsan ciidammadii ku jiray xeryaha ee Dowladda KMG ah ayaa shalay waxa ay xirteen waddada isgoyska Fagax ee waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana rasaas ay dadweynaha ku fureen ay halkaasi ku dishay labo qof oo rayid ah. Mid ka mid ah waxa ay ahayd qof dumar ah. Maliishiyooyinkan gadooday ayaa waxa ay tirsanayeen mushaar la'aan, iyagoo ku andacoonaya in bishaan iyo bishii ka horreysayba aan la siinin wax mushaar ah, waxayna ka soo bexeen xeradii hore ee Gaadiidka Booliska oo ay ku xareysnaayeen. Waxa ay shalay hakiyeen dhammaan isu socodkii gawaarida qaada dadweynaha, waxaana la arkayey dadweynaha deegaanka iyo kuwa xaafadda Fagax oo lugeynaya, kaddib markii ay gawaarida BL-ka ah amar ku siiyeen maliishiyadu inaysan marin dariiqa. Maliishiyadu, waxaa kaloo ay hor istaageen dhaqdhaqaaqii ka socday Hoteel Ramadaan oo ka mid ah meelaha laga jaangooyo siyaasadda Dowladda KMG ah, ayna deggan yihiin badi xubnaha Dowladda. Waxa ay ku amrayeen dadka u gudbaya dhinaca hoteelka inay dib u laabtaan. Xubno ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa waxa ay sheegeen inay arrintaasi dhex galeen odoyaasha qabaa'ilka ay ka soo jeedaan maliishiyooyinka iyo bulshada ganacsatada oo ku qanciyey inay dib ugu laabtaan maliishiyooyinku xeradoodii. Arrintan waxa ay ku soo aaday iyadoo Maxkamadaha Islaamigu ay dib maliishiyooyinkoodii ugala bexeen xeryihii ay kula jireen maliishiyooyinka u xareysan Dowladda KMG ah. Ma cadda sababtu, waxaase la isla dhex marayaa inuu jiro khilaaf ku saabsan miisaaniyad dhaqaale oo Maxkamaduhu ay doonayaan inay u madax bannaanaadaan. Maxkamadda Islaamiga ee Ifka Xalan oo toddobaadkii tagay ay maliishiyooyin u dheceen, kana sii daayeen maxaabiis ku jirtay ayaa iyaduna dib ugu yeeratay maliishiyooyinkii ay horey ugu wareejisay Dowladda KMG ah. |
    WARIYE | Saturday, January 20, 2001 - 02:01 am Baaq Nabadeed oo ku socda dowladda kumeelgaarka ah oo ku saabsan xaqdarrada magaalada Kismaayo Thursday, January 18, 2001 Qoraalkani waa baaq nabadeed oo ku saabsan xaqdarrada ay dowladda KMG ahi ka wado gobolka Jubbada hoose siiba magaalada Kismaayo. Waa baaq nabadeed oo ay dadka degaanka Jubbadda Hoose ay codkooda ugu sheegayaan dadka Soomaaliyeed xaqdarrada laga wado degaankooda. Waxaan la wada soconaa in dagaalka sokeeye uu keenay khasaaro dhan kasta ah, dadka Soomaaliduna rabaan dowladda dhowrta danta dalka iyo dadka. Magaalada Kismaayo waxay ka mid tahay magaalooyinka dagaalka sokeeye uu burburiye tobankii sanno ee dowlad la'aantu jirtay. Haddba markii u dhamaaday shirkii nabadraadinta Soomaaliya ee Carta, laguna dhisay dowladda kumeelgaarka ah, waxaan fileynay in xaalka gobolka Jubbada Hoose siiba magaalada Kismaayo xalwaara loo heli doono, oo dadkii guryahooda loogu celin doono. Nasiib darro waxaa dhacday in dowladda kumeelgaarka ahi ku dhaqaaqday xaqdarro iyo inay sii fogeyso xaalka gobolka Jubadda Hoose oo markii horeba xumaa. Sidaas darteed dadka degaanka Jubbada Hoose waxay u arkaan in dowladda KMG ahi qaaday arrimo dhaliyey shaki, xaqdarro iyo in colaad lagu sii kordhiyo gobolka Jubbada Hoose. Dadka degaanka Jubbada Hoose waxay u arkaan in dowladda KMG ahi qaaday talaabo ay dooneyso inay maamul ugu sameeyso gobolka Jubbada Hoose, iyadoo gacan siineysa kooxaha qabsaday magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbadda Hoose. Dadka degaanka Jubbada Hoose waxay doonayaan inay guryahooda iyo hantidooda laga soo saaray ay ku laabtaan oo ugu noolaadaan si nabad leh. Sida ku cad Axdiga Kumeelgaarka ee dowladda qodobkiisa 32 ee ismaamulgoboleedka sida hoos ka muuqata. Qodobka Lambarkiisu yahay 2. wuxuu leeyahay sidan: Gobollada waxay yeelanayaan ismaamul goboleed leh awood maamul oo ay arrimahooda gudaha ku maamushaan, si waafaqsan sharciga. Qodobka Lambarkiisu yahay 5. wuxuu leeyahay sidan: Goloyaasha Goboladu waxay ka koobanyihiin xubno wakillo ka ah degmoyinka. Qodobka Lambarkiisu yahay 7. wuxuu leeyahay sidan: Xubnaha Golaha degmooyinka waxa soo dooranaya wakiilo matalaya bulshada degaannadooda. Haddba sida halkaan ka muuqata dowladda KMG waxay ka soo horjeeda oo ku tumaneysaa axdigii KMG ahaa ee lagu dhisay dowladda. Sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa dadka nabadda jecel oo Soomaaliyeed inay ka qayb galaan qoraalkan lagu saxiixayo baaq nabadeed oo ku socda dowladda KMG ah kuna saabsan xaqdarrada magaalada Kismaayo iyo gobolka Jubbada Hoose oo dhan. Qoraalkan lagu saxiixayo halkan hoose, waa baaqa la soo saari doono haddii illaah yiraahdo, waxaa loo gudbin doona dadka ay khuseeyso siiba dowladda KMG ee Soomaaliya, dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, ururadda caalamiga ah iyo hayadaha warbaahinta siiba laanta af Soomaaliga ee BBC-da. Ugu dambeyntii dadka degaanka gobolka Jubbada hoose waxay doonayaan inay helaan dowladda u xaqsoorta dadka oo dhan, Waad mahadsan tihiin. # Magaca Dalka 1 Khadar Abdirahman Farole Australia 2 Batun Hussien Nur = 3 Mahamed Abdirahman Farole = 3 Ayan Abdirahman Farole = 5 Naima Abdirahman Farole = 6 Abshir Abdirahman Farole = 7 Osman Abdirahman Farole = 8 Hussien Abdirahman Farole = 9 Samiro Abdirahman Farole = 10 Sahro Abdirahman Farole = 11 Abdi Ali USA 12 Yusuf Hashi India 13 Idiris Aydiid = 14 Maxamuud yasiin = 15 Maxamed Aadan = 16 Ahmed Adan Canada 17 Hoodo Abdi Abdiqadir Mohamed = 18 Abdullahi Hassan USA 19 Abdirashid Mohamed Ibraahin = 20 Abdilaahi Mohamed Ibraahin = 21 Abdirahman Mohamed Ibraahin = 22 Amina Mohamed Ibraahin = 23 Farhia Mohamed Ibraahin = 24 Hawa Guuled Mohamed = 25 Eng sacdi Daahir England 26 DR Abdi Ismail Ali = 27 ENG. Mohamed Bashir Isse Canada 28 Cumar Jaamac Faarax Waceys = 29 Osman Salah Samatar USA 30 Issa Aden Ahmed Denmark 31 Ahmed Aden Ahmed = 32 Mahamed Abdi Ahmed = 33 Ayan Abdi Ahmed = 34 Mohamed Said Ahmed USA 35 Abdullahi Abdirahman Farah Australia 36 Ismaciil Jaamac Canada 37 Abdullahi Ali Dheel Australia 38 Jama Mohamed Aw-Cali USA 39 Ahmed jama Guntiyare = 40 Mahamoud Abdalla = 41 Hussien Sharif = 42 Mahdi Shakiib Sh Mohamud = 43 Cabdirashiid Mohomed N.America 44 Jamaal Dheel = 45 Maxamud Dheel = 46 Jamaal Dheel = 47 Maxamud Dheel = 48 Maxamed Ganey = 49 Cabdirisak Cadare = 50 Bashiir Xiis Xirsi = 51 Xandule Cabdirisak Marayare = 52 Xasan Tuke = 53 Axmed Tuke = 54 Axmed Sh Xasan = 55 Liiban Bashiir Axmed = 56 Cabirik Xasan Colow = 57 Maxamed Dheel = 58 Mubaarak Dhiidhaco N.America 59 Maryam Buubiye = 60 Cibaado Buubiye = 61 Jamal Buubiye = 62 Ashar Buuubiye = 63 Cabdiwali Sh. Maxamed = 64 Bashiir Siraaje Xasan = 65 Cadare Bashiir Xiis = 66 Liiban Adan Jaamac Biixi = 67 C/qaadir Adan Jaamac Biixi N.America 68 Maxmed Aney Axmed = 69 Cabdilaahi Aden Yusuf = 70 Jibriil Axmed Gurbe = 71 Maxamed Cabdi Biixi = 72 Cabdilwali Sh. Xasan = 73 Cabdiraxman Sh. Xasan = 74 Haboon C/laahi = 75 C/risaaq Sh. Ibraahim = 76 Hinda Sh. Ibraahim N.America 77 Cabdiraxman Sh. Ibraahim = 78 Foosiya Sh. Ibraahim = 79 Cabdinasir Gayre = 80 Bashiir Bastaani = 81 Cirmar Cali Biixi = 82 Yusuf Cali Biixi = 83 cabdirisaak cali biixi = 84 yusuf cali biixi = 85 fadumo aw aden raage N.America 86 Cabdirisaak Abuker Max,ed = 87 C/risaak Abuker = 88 Dr. C/nasir abuker = 89 Siciid Qorsheel = 90 Cabdixkiim Ciis Cali = 91 Mahdi Cabdirashiid = 92 C/laahi jeeri Cabdi Dheeg = 93 Burhaan Marayare = 94 Cabdifatax Marayare = 95 Haashim Cabdalle Awbaare N.America 96 Mohamed Muse Abdi Sweden 97 Maryan Adan Muse = 98 Abdiqani Mohamed Muse = 99 Farxiyo Mohamed Muse = 100 Amal Cabdi Mohamed = 101 Dahabo Adan Muse = 102 Xaliimo Adan Muse = 103 Fadumo Muse Abdi = 104 Farxiyo Adan Aluu = 105 Muna Adan Giirow = 106 Saciid Muse Abdi = 107 Suleiman abdi hashi Norway 108 Abdirahman Elmi Hashi = 109 Abdikafi Abdi Hashi = 110 Bashir Mohamed Egal = 111 Sharmaake Bashir Mohamed = 112 Ahmed Bashir Mohamed = 113 Hooda Bashir Mohamed Norway 114 Sacdiya Bashir Mohamed = 116 Faaduma Bashir Mohamed = 117 Farah Mohamed Egal = 118 Hassan Mohamed Egal = 119 Ahmed Mohamed Egal = 120 Abdihakin Ismail Saciid Sweden 121 Dahir Muse Abdi = 122 Abdi Haji Mahamed = 123 Mahamed Ali Farah = 124 Abdi Hassan Diiriye = 125 Abdirisaq Mahamud Hirsi = 126 Jamiilo Saciid Hirsi = 127 Mahamed Abdi Hassan = 128 Asha Abdi Hassan = 130 Mahamed Abdi Hassan = 131 Abdulahi Adan Shekh Doon Sweden 132 Faysal Adan Shekh Doon = 133 Baashi Adan Shekh Doon = 134 Deeqo Adan Shekh Doon = 135 Ali Sabtiye Omar = 136 Abdilahi Shire Ali = 137 Zuhayb muumin qalaf N.America 138 Fartuun Axmed jamac = 139 Sahra axmed Jamac = 140 Maxamed Salad Bare = 141 Sucdi Axmed Mire = 142 Xamud Sahal Warsame = 143 Maxamed Axmed Farax = 144 Shirwac Guled Sahal = 145 Mire Warsame Koshin-dheere = 146 Sharmarke Yusuf Ismaciil = 147 Xussen Yoyaan Xirsi = 148 Abdiraxmaan Maxamed Denmark 149 maxamed Faarax Ciise = 150 Osman max,mud Max,med = 151 C/qaadir Xaaji Jaamac = 152 Max,mud Qiilmawaaye = 153 Faarax Saciid Aw Yuusuf = 154 Cabdi muuse Shiil = 155 Maxamud Maxamed Emjey = 156 Max,med Cali Kaambo = 157 C/risaaq Jaamac Ciise = 158 Abdirisak M hussein Sweden 159 Jaamac Cali Warsame Denmark 160 Xaawo Aaden Jaamac = 161 Xassan Nuur Cali = 162 Warsame Xaaji Cali = 163 Qaadi Faarax xuseen = 164 Xasna Cali Diini = 165 Sureer Nuur Ali = 166 Xasan abshir Saalax = 167 Cabdinuur Xuseen Cali = 168 Cabdulaahi Muuse Xuseen = 169 Abdulakadir Yassin Warsame UK 170 Siciid Jama Ali Sweden 171 Farah Qasim = 172 Dr Mohamed Macalin = 173 Fadumo Jimcale = 174 Muxiyadiin Xassan = 175 Nagruma Maxamed = 176 Jasmin Ahmed = 177 A/nasir Hersi = 178 Anisa Haji Hassan = 179 Abdidahir Muse = 180 Amino cilmi = 181 Mohamed Ismail (dacwo) USA 182 Ahmed ismail (shan daqiiqo) = 183 Mohamed Mire (amore) = 184 Abdi Wali Ali = 185 Sahra Aabdi = 186 Ahmed Osman = 187 Falis Said USA 188 Mohamed Mohamoud Osman = 189 Mohamoud Osman Said = 190 Howa Ibrahim Osman = 191 Khadijo Mohamoud Osman = 192 Sumeya Mohamoud Osman = 193 Maryama Mohamoud Osman = 194 Muna Mohamoud Osman = 195 Jama Said Ali = 196 Kadro Osman Said = 197 Kadijo Dayib Sugule = 198 Axmed Xaji Maxamud Finland 199 Xassan Xaji = 200 Cali Xaaji = 201 Isamciil Maxamed = 202 Abdirashid ALi Yusuf Sweden 203 Abdirashid M Omar Holland 204 Hamud Ismail = 205 Faysal baafow = 206 maxamed cali jamac Sweden 207 xaawo ibraahin cali = 208 faysal maxamed jamac = 209 fartuun maxamed cali = 210 ayaan maxamed cali = 211 Mahamed Allore Holland 212 Liiban Mahamed Allore = 213 Kariim Mahamed Allore = 214 Yasiin Mahamed Allore = 215 Jasmiin Mahamed Allore = 216 halima isse mahamoud = 217 Nasir Mahamed Allore = 218 Abdi mahamoud allore Canada 219 Aida & Nadiir Abdi allore = 220 jasmiin abdi allore = 221 Maxamuud Cali Xirsi Denmark 222 Ayaan Maxamuud Cali = 223 Asmaa Maxamuud Cali = 224 Aasiya Maxamuud Cali = 225 Hawa Isse Mahamoud Belgium 226 Ahmed Mahamed Allore Canada 227 Khadra Mahamed Allore = 228 Abshir Mahamed Allore = 229 Mahamed Ahmed Allore = 230 Mohamoud Mahamed Allore = 231 Reihana Mahamed Allore = 232 Cadnaan Faarax Finland 233 Asha Ali Mahomed YarYare Canada 234 Yunus Anas Denmark 235 Maxammed Aden = 236 Cadiqaadir Cabdikariim = 237 Baashi Farah Baando = 238 Yaasiin Qiilmawaaye = 239 Saciid Farah Baande = 240 Coloow Xasan = 241 Cabdiqaadir Farah Boostaale = 242 Sh. Cabdalla Maxammed = 243 Maxammuud Qiilmawaaye = 244 Farah kuuja = 245 Mohamed Farah Isse Denmark 246 Faarax Abshir Ali = 247 Hodan Mahamed Yuusuf = 248 Barlin Ali Ahmed = 249 Guuled Mohamed Osman Belgium 250 Prof. Mohamed Ali Canada 251 Drs. Halima Yussuf = 253 Aden Ibrahim Diiriye Newzealand 254 Luul Aden Ibrahim Diiriye = 255 A/rahman A Ibrahim Diriye = 256 A/fatah Aden Ibrahim Diriye = 257 Kaltuun Aden Ibrahim Diriye = 258 Hawa Max'ed Abdulle Cawke = 259 Ali Axmed cali xoog. = 260 Xuseen Bayaxaw Afrax = 261 Xassan Bayaxaw Afrax = 262 Abdullahi Ibrahim Diiriye = 263 Maxamed Abdi Jaamac Afey = 264 Eng Gibril Mohamed Yusuf Sweden 265 Abdulee Jama Hasan Kuwait 266 Mohamed Cadaawe Barkhadle Finland 267 Said Mohamud France 268 Mohamed SH Said "dhag jacaafe" USA 269 Ismaciil Dirir Yusuf England 270 Abdi-Salam Ismaaciil Dirir = 271 Abdi-Aziz Ismaaciil Dirir = 272 Faduma Ismaaciil Dirir = 273 Fardowsa Ismaaciil Dirir = 274 Caasha Ismaaciil Dirir = 275 Khadra Ismaaciil Dirir = 276 Madiina Ismaaciil Dirir = 277 Abdirizak Ismaaciil Dirir = 278 Suleman Ismaaciil Dirir = 279 Mohamud Shakib sh Mohamud USA 280 Abdiqadir Shakib sh Mohamud = 281 Abdiwahab Shakib sh Mohamud = 282 Abdirizak Shakib sh Mohamud = 283 Yusuf Yasiin Buux "Shitaar" Sweden |
    WARIYE | Saturday, January 20, 2001 - 02:09 am Garoowe, (Apress)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa warqad qoraal ah oo uu u diray Golaha Amma-anka wuxuu ugu baaqay in Golaha Ammaanku uu ka fiirsado go'aankii uu ku aqoonsaday Kooxdii Carta lagu soo dhoodhoobay, isla markaasna ka laabto aqoonsigaas aan laga fiirsan ee Kooxda Carta la siiyey maadaama ay tahay Do-wlad aan loo dhamayn oo inta badan Soomaalidu ka maqan tahay.. Waxa kale oo C/llaahi Yuusuf uu sheegay in Kooxda Carta ay dagaalo ka curiyeen meelo ka mid ah K/soomaaliya haatana ay damacsan yihiin in ay goobo kale oo cusub ka abuuraan dagaalo sokeeye. "Ma garan karno sababta Gobolada Xasiloon ee ammaanku ka jiro ay isaga indho tireyso Qaramada Midoobay" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo sidoo kale sheegay in Kooxda Carta uu u aqoonsan yahay Kooxo dagaal oogayaal ah oo doonaya in Soomaaliya mar kale dib ugu laabato dagaaladii sokeeye". C/llaahi Yuusuf waxa uu Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay dhexdhexaad ka ahaato arrimaha Soomaaliya oo aysan Cidna la safan. |
    abdirizak | Saturday, January 20, 2001 - 02:13 am To:wariye aad iyo aad ayaad u mahadsantahay,walaal waxaan kaa codsanayaa dadka dhaliilsan amaseba ka ka soo horjeeda in aad wararka soo tabiso waa dad aan jeclayn dhacdooyinka amase jiritaanka puntland,waxaanse si gaara adiga kaaga codsanayaa in aan ogaado adigu gobolkee ayaad u dhalatay assalkaagu?adoo runta sheegaya oo aanis qarin,markaas ayaan kuu sheegayaa sababta aan kuu waydiiyey,tan kale fadlan ha u jawaabin qof kasta oo isku daya in uu wararka aad soo tabisay dhaliil amaba puntland u arka in la xayeysiinayo,shaqada aad ku magacaabantahay waa wariye wariana wuxuu maqlay buu sheegaa kamana jawaabo su"aal kasta. |
    WARIYE | Saturday, January 20, 2001 - 02:37 am Arta Faction now starts to undermine Puntland Security GALKAIO, Jan. 17 (PUNTIN): A number of destabilizing incidents associated with the Arta Faction-Puntland political controversy have taken place in Puntland in the past week. On January 13, an armed group acting under the cover of the night sneaked into the residences of some prominent businessmen and killed three of them. This has not been related to the common revenge killings in the inter-clan feuds which are very common in Somalia. In another incident just two days later, an armed group ambushed a truck from Galkaio to Las Anod at Taallo Cad, just ten kilometers to the northeast of Galkaio. The truck overturned after the driver was hit. At least two have been reported killed and around ten people injured, some seriously. The ambushers were identified as new comers to the city form Mogadishu. According to sources in Galkaio, the incident is believed to be a part of a concerted campaign launched by the Arta group. According to one source, there is a rumor that Arta faction has chosen Galkaio, a multi-clan city in the south of Puntland, to be the target of its campaign to bring Puntland to its knees. The security situation and stability in Puntland has been a rarity in Somalia and was the only achievement the Puntland local administration could be proud of since its establishment. These destabilizing incidents are taking place at a time when the Puntland people are preparing for election at the end of three-year mandate given to the present administration. The Arta faction, a group groomed by the Djibouti government, but not recognized neither by the existing local administrations in many peaceful parts of Somalia nor by the other armed faction, is now believed to be trying to undermine the relative peace and stability enjoyed by these areas in order to weaken them and bring them into their fold. Earlier this month Arta faction tried to resort to force to dislodge a faction militia in Balaad, a town 30 km to the north of Mogadishu. -------------------------------------------------------------------------------- |
    WARIYE | Saturday, January 20, 2001 - 02:43 am TO: ABDIRIZAAK walaalkiis aniga marabo inaan kuwaan iska hadlaayo kanciyo laakiin waxa uun baa lahaa u sheeg. Walaal aniga hadaa isoo waydiisay meesha ku dhashay aniga waan iskaa sheegayaa oo waxna qarsanmaayo inga waxaan ahay nin Puntland asalkiisa kasoo jeedo laakiin waxaan ku dhashay Magaalada Xamar. Now Tell me why do ask?? thanx all |
    WARIYE | Saturday, January 20, 2001 - 02:46 am This article has not yet been rated ! THE INDIAN OCEAN NEWSLETTER # 934 - 20/01/01 SOMALIA : Discord at the heart of the government Already at odds with its numerous rivals, Somalia’s interim government also has to face internal strife which most of the time looks like clan rivalry. A few weeks ago these splits led to a confrontation between president Abdi Quassam Salad Hassan and his minister of defense Abdullahi Musse "King Kong" concerning aid given to the militia who were controlling Kisimayo in the south of the country (ION 932). More recently a big problem has raised its head, this time between the prime minister Al Khalif Galayr and the minister of foreign affairs Ismael Muhamad Hurreh " Buba" who looks after his own business and bends his knee only to president Salad Hassan, to the prime minister’s great displeasure. During a meeting of the Somalian council of ministers at Mogadiscio January 11 the two men attacked each other verbally about aid of $15 million received from Saudi Arabia that Buba was able to acquire during a recent trip there. When the Somalian ministers asked how the money was going to be shared out, the prime minister answered that he didn’t know because he had not been informed of Buba’s trip to Saudi. He also considered as prime minister he was head of the government and that Buba should at least have reported the results back to him instead of running directly to the president to speak to him and make statements in the local press The prime minister’s statements angered Buba and he lost his temper. It took all the skill of the vice premier minister Osman Jama Ali Kalun’s (Issaq) to avoid a more serious clash. I.O.N. - This incident illustrates the attempts made by president Salad Hassan to extend his role which in the beginning was intended to symbolic. In fact Buba ( who is Isaq/Eidagale) has got on well with the Saudian authorities for years,and due to this the has entered the good books of president Salad Hassan (Habr Gedir, Hawiye ) by organizing this last trip to Saudi Arabia and to Cairo where the summit meeting of the Arab league took place a few months ago. Salad Hassan immediately made an ally of him and after taking some time to think about making him prime minister finally appointed him foreign minister. From that time Buba has played the Irrir card (the common ancestor of the Issaq and the Hawiye) against Darods (like the prime minister). In this context the attempts of Ali Khalif Galayr to gather under his wing the Darods who support the Somalian interim government have been opposed by the Issaq ministers and the protocol visit which he made to the Vatican was not appreciated by the pro Saudi Buba. Copyright 2000 Indigo Publications. |
    Kacaan-diid | Saturday, January 20, 2001 - 10:08 am TO: SO-CALLED WARIYE: Dad waxaa ugu daran qof inta khaladkiisa loo sheega aan qaadan ee wali kusii indhacad. War heedhe Puntland iyo meel kale toona war kama hayside iska daa hadalka badan iyo lurka. Haddii aadan deynayn inaad been sheegtona, waxaan kulahaa isku day inaad wax u eg sheegto. Mar kale baan kuu sheegayaaye Puntland ma laha wasaarad iyo wasiir warfaafineed midna. Awad Asharo kaddib, wasaaraddii waxaa laga dhigay Agaasin, waxaana xukuma Agaasime. I doubt, you know the difference between a "Wasiir" and " Agaasime". Yet, you are trying to inform us about Puntland. Waxaa lagu jiraa qarnigii 21-aad, waana information age. There is no such thing as "One Man News Organization", and don't expect us to accept your lies and misinformation. Haddaad Wariye ahaan lahayd, ama journalism ethics-ka wax ka aqoon lahayd, marka aad khalad samayso oo lagu saxo, sida kan "Wasiirka Warfaafinta Puntland", kuma aad sii indha adaygteen been, ee waxaad samayn lahayd "correction and apology". Anigu kuma caayin, xaasha lillah, mana caytamo, been baad sheegtay baan ku iri, waana kuu caddeeyey, oo example baan ku siiyey, haddii ay dadka meesha akhrisanayaa, inta wax ka og Puntland ay kugu raacaanna, ha la arko markaas. Inta ka horraysana, war nin yahow adigaa wax kuu warrama u baahane naso, oo anagana hanna danbaajin. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 02:30 am GAALKACYO, Maalintii shalay ahayd waxaa magaalada Gaalkacyo shir ku yeeshay waxgarad, nabaddoono iyo culumaa'uddiin ka tirsan beesha Habargidir iyo beesha Majeerteen, waxaana shirkaas ka qayb galay C/llaahi Yuusuf Axmed. C/llaahi Yuusuf oo halkaas ka hadlay wuxuu ugu baaqay xubnaha ka qayb galay shirkaas in laga shaqeeyo nabadgelyada gobolka Mudug oo uu sheegay inay ku nool yihiin dad fara badan oo ka kala yimid gobollada dalka. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 02:35 am C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa booqasho degdeg ah ku yimid magaalada Gaalkacyo wuxuuna waraysi uu siiyey idaacadda Gaalkacyo uu kaga warramay xaaladda Puntland iyo xaaladda Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf wuxuu aad ugu dheeraaday nabadgelyo xumo maalmahaan ka jirtay gobolka Mudug oo uu sheegay inay ka dambeeyaan dad doonaya inay jiridda u siibaan nabadgelyadii la unkay sannadkii 1993-kii. "Dadka doonaya inay fadqalalo ka abuuraan gobolka Mudug u dulqaadan mayno" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Sidoo kale wuxuu ka sii aadi doonaa Magaalada Baydhaba halkaas oo uu uga qeyb galayo dhismaha Maamul Goboleed loogaga dhawaaqayo Magaalada Baydhabo. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Magaalada Baydhaba ay dhawaan imaanayaan Hogaamiye Kooxeedyada kala ah Shaati-guduud, Gabyow, Jen. Morgan & Mas'uul ka socda Ururka SNF oo aan la caddeyn midka uu yahay kuwaasoo si rasmi ah ugu dhawaaqaya Maamul Goboleed magaciisa lagu sheegay Jubba land, marna lagu sheegay Maamul Goboleedka K/galbeed Soomaaliya, kaasoo sida la sheegay ka koobnaanaya Lixda Gobol ee kala ah J/hoose, J/dhexe, Bay, Bakool, Sh/hoose & Gedo. Shirka lagu dhisayo Maamulkaas ayaa la sheegay in lagu qabanayo Degmada Waajid oo haatan ay qabanqaabadiisu ka socoto, waxaana lagu dhawaaqayaa Maamulkaas 26-ka Bishan Janaayo, iyadoo uu Madaxweyne ka noqonayo Maamulkaas Col. Shaati-guduud Madaxweyne Kuxigeenana ay ka noqonayaan Gabyow, Morgan & Col. C/risaaq Isaaq Biixi oo la sheegay in uu ka mid yahay ka qeyb galayaasha Shirkaa. Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya in Shirkaa ay ka qeyb galayaan Cumar Xaaji Masalle oo hore colaadi uga dhexeysey itoobiya lana sheegay in heshiis dhex nmaray. iyo Cabdi Warsame Isaaq oo iyagana lagu wado in ay ka mid noqdaan Mas'uuliyiinta Maamulkaas. Mar uu C/llaahi Yuusuf ka hadlayay arrimaha Siyaasadda waxa uu sheegay in aanu aqoonsanayn Maamulka lagu dhisay Carta isla markaana wax wadahadal ahi uusan dhex marin, dhex marina doonin, wuxuuna sidoo kale xusay in xalka Soomaaliya uu yahay in la soo dhiso Maamul Goboleedyo kadibna shir weyne Qaran la isugu yimaado, wuxuuna sheegay in laga yaabo inuu isu soo taago mar kale Jagada Madaxtinimada Maamul Goboleedka Puntland oo uu sheegay in uu raali ku yahay Cid kasta oo ay Dadweynuhu doortaan, balse haddii isaga la doorto uu qaban doono waxyaabo badan. Ugu dambeyntii wuxuu C/llaahi Yuusuf ugu baaqay Dadka Reer puntland inay adkeystaan Maamulkooda ayna gacan ka geystaan shir kasta oo dib u heshiisiin ah oo dalka gudihiisa lagu qabanayo. wuxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay inay dhex dhexaad ka noqoto arrimaha Soomaaliya. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 02:47 am DR. GAAGAAB OO SHEEGAY 40 SANNO NIN DALKA KA MAQNAA IN….. Gaalkacayo – Sooyaal. Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo u waramayey Raadiyo Gaalkacayo ayaa sheegay in uusan isu sharixi doonin nin wadanka ka maqnaa 40 sanno ama Baasaboor ajnebi ah haysta Hogaanka Puntland Saddexda sanno ee soo socota. Sida aynu ka war haysno waxaa dhowaan Idaacada BBC-da laga sii daayey waraysi lala yeeshay Maxamed C/rashiid Cali Sharmaarke, oo uu ku sheegay in uu isu sharixi doono Madaxweynanimada Puntaland. Dadka siyaasadaha faalleeya ayaa waxay hadalka Dr. Gaagaab ku fasireen mid ka soo hor dhacay hindisaha maamulka uu hadda ka tirsan yahay ku taamayo, waxaa kaloo laga warqabaa in rag haysta Baasabooro Ajnebi ahi ay xiligaan ka tirsan yihiin Maamul Goboleedka Puntland. Doodo kulul oo ka dhashay hadalka Gaagaab ayaa la isku weydiiyey awooda keliga ku ah ninkaas oo uu afka ugu ballaariyey go’aanka adag ee ka mamnuucaya dadka reer Puntland ee dibadda ku maqan in ay Hogaanka Puntland wax ka qabtaan, iyadoo aan weli meelna laga akhrin lana go’aamin, bulshadduna isku raacin go’aanka Gaagaab keligiis Gaalkacayo gudaheeda uu kaga dhawaqay. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 02:50 am COL. C/LAAHI OO LA FILAAYO IN UU U KICITIMO DALKA ITOOBIYA Gaalkacayo – Sooyaal, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa doraad subaxnimadii tegay magaalada Gaalkacayo, halkaasoo la sheegay in uu dhowr maalmood joogi doono. Warku wuxuu intaas ku darayaa in booqashada Co. C/laahi Yuusuf ee Gaalkacayo ay ku beegantay xili ay gobolka Mudug ka jirto xaalad nabadgelyo xumo, magaalada Gaalakcayana ay aad uga kacsaneyd xiisado ka dhashay dad rayid ah oo shirqool lagu laayey. Col. C/laahi oo ka hadlayey xaalada nabadgelyo ee Gobolkaas ayaa ku faanay in uu ahaa ninkii dhaliyey nabadgelyada Gaalkacayo iyo deegaankeeda bulshaddu ku wada degan tahay, wuxuuna eedeyn kulul dhabarka uga tuuray siduu hadalka u yiriye Kooxda Carta, wuxuu kaloo sheegay in uu ku dadaali doono mudada gaaban ee uu halkaas joogo in uu gacmaha isu saari doono odayaasha iyo bulshadda Gobolkaas oo dhibaatooyinka kala tirsanaya. Warar madax banana ayaa waxay sheegayaan in Col.C/laahi iyo wefti uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Howlaha Guud Cabdi Cabdule (Jini Boqor) ay dhowaan u kicitimi doonaan dalka Itoobiya, iyadoo mudadba la hadal hayey in Col. C/laahi looga yeeray Adisababa. Ma jiraan warar dheeli tiran ama qeexaya ujeeddada socdaalka Itoobiya uu xiligaan ku aadayo Col. C/laahi, waxaase soo shaac baxaya in ay halkaas joogaan rag ay isku jaal yihiin oo ay ka mid yihiin Gen.Gabyow iyo Shaarguduud |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 02:55 am ERGADA PUNTLAND EE MUQDISHO JOOGTA OO KA CABANAYA DEYMO LOO HAYSTA. Muqdisho – Yool. In ka badan 45 Ergay oo reer Puntland ah oo Muqdisho ku sugan, kuwaasoo ka kala yimid Jabuuti iyo Gobolada dalka waxay si weyn uga cabanayaan deymo lacageed oo looga haysto hoteelada iyo baararka cuntada. Dowladda ku meel gaarka ah ayaa horayba ugu ballan qaaday Ergada reer Puntland min Hal Malyan ninkiiba si ay deymaha loo haysto isaga bixiyaan, balse Ergadu weli waxay ka qatan yihiin ballan qaadkii Dowladdu u fidisay. Waxaa Dowladda KMG laba jeer oo hore ay u siisay ergadaas lacago 600 Kun oo mar ah iyo 400 Kun oo mar ah, balse baahida ergadu waxay sii kordheysay Saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo deymihii ugu badnaa loo haysto xiligaan. Mar aan la kulmay qaar Ergadaas ka mid ah waxay ii sheegeen in ay cambaareynayaan Dowladda Cusub ee ay taageerayaasha u ahaayeen, kadib markii ay fulin weyday ballan qaadkeedii ahaa in ay deymaha Ergayooyinkaas ka bixin doonto. Wasaarada Maaliyada ee Dowladda KMG ah ayaa Ganacsatada u qortay qoraal ay kaga codsaneyso in ay deymahaas ka bixiyaan Ergada Puntland, iyadoo Ganacsatadu W/maaliyada ku xirtay in ay qoraal caddeynaya arrintaas ka hesho, ayaa misana waxay diideen in ay lacagtaas bixiyaan, kadib markii W/Maaliyadu ay qoraalkii caddeynta ahaa u gudbisay. Mid ka mid ah Wasiiradda goboladda Puntland oo aan kala sheekaystay arrintaas waxa ay wax uga qaban waayeen ayaa iigu jawaab celiyey “Anagu qofna Muqdisho kuma sooryen karno, waayo wax dhaqaale ah oo gacanta noogu jiraa ma jiro…” Dhinaca kale, Ergada Puntland oo aan wax ka weydiiyey in haddii deymahaas Dowladdu ka bixin weyso in ay mowqifkooda wax u dhimayso, waxay iigu jawaabeen “Koley Hogaamiye Kooxeedyo anagu isu dhiibi mayno, waayo waa waa nimanka nabada Soomaaliya hortaagan” Bile Maxamuud Qabowsade, oo Muqdisho jooga. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 02:57 am WASIIRO, K/XIGEEN WASIIRO IYO XILDHIBAANO DKMG U DIRTAY GOBOLADA GEDO IYO JUBBADA HOOSE. Waxaa Dowladda KMG waday dhowaalahaanba dadaal ay Goboladda dalka ugu diraysay wufuud heer sare ah oo ay ku doonaysay in ay ku gaarsiiso mushatamaca Goboladda Soomaaliya qaarkood degan hindisaha Dowladda cusub iyo howlaha ay Soomaaliya ka doonayso in ay ka hirgeliso. Waxay Dowladdu horay wufuud ugu dirtay gobolka Hiiraan, iyo gobolka Bay, walow weftigii dhinaca Bay u kicitimay ay dagaal kala kulmeen mudadii aysan dhameysan safarkoodii, dibna ugu soo noqdeen magaaladda Muqdisho, waxaa iyana jirtay wefti kale oo dhinaca magaalada Kismaayo u kicitimay kaasoo dhaliyey muran siyaasadeed. Dabayaaqada Toddobaadkan ayey Dowladda KMG wefti ballaaran u dirtay gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose, weftigaas waxaa hogaaminayey Wasiirka Howlaha Guud ee DKMG Cabdi Guuleed Maxamed waxaana weheliyey Wasiir ku/xigeeno iyo Xildhibaano, uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Maxamed Amiin Sheekh Cabdulaahi, waxaana lagu soo waramayaa in ay degmooyinka Baardheere, Bu’aale, Buur-dhuubo, Garbahaaray iyo Afmadow ay tegi doonaan, ujeeddada socdaalka weftiga ayaa Dowladda KMG ku fasirtay in uu ku wajahan yahay gaarsiinta goboladda barnaamijka Dowladda Cusub, iyo la socoshada xaaladaha nololeed ee deegamadaas ka jira. Waxayna kulamo la yeelan doonaan dadweynaha iyo waxgaradka deegamadaas ku nool, warku wuxuu intaas ku darayaa in ay weftigu horay u sii qaadeen raashin iyo lacago ay goboladaas ugu talo galeen. Haseyeeshee, warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in ujeeddada socdaalka ee weftiga dowladdu uu salka ku hayo sidii looga hortegi lahaa barnaamij lagu doonayo in maamul goboleedyo laga hirgeliyo geyigaas. Yool –Muqdisho. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 03:01 am BARRE HIIRAALE OO CIIDAMO DHEERAAD AH KA CODSADAY XUSEEN CAYDIID IN UU KISMAAYO KEENO Kismaayo – Yool. Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in shalay uu soo gabagaboobay shir laba maalmood halkaas uga socday Isbahaysiga magaalada Kismaayo haysta, shirkaas oo ay uga hadlayeen xaalada kacsan ee deegaanka J/hoose. Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay shirkaas guddoominayeen Korneylada kala ah Barre Hiiraale, Seeraar iyo nin lagu magacaabo Xoor, waxaana lagu dhisay dhowr guddi oo uu ugu horeeyo guddi loogu yeeray guddiga nabadgelyada gobolka J/hoose iyo guddiga arrimaha degdega ah, waxaana Guddoomiye loogu doortay Col. Barre Hiiraale Guddiga Arrimaha degdega, waxaana ku xigeen looga dhigay Seeraar. Warar madax banaan oo na soo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in Barre Hiiraale uu ka codsaday Xuseen Caydiid in uu magaalada Kismaayo keeno ciidamo xoojin ah, oo sida laga cabsi qabo ka difaaa weerar kaga yimaada dhinaca SPM oo horay magaaladaas looga saaray. Dhinaca kale waxaa jira heshiis shalay isagana lagu soo gabagabeeyey magaalada Dhoobley, heshiiskaas oo u dhexeeyey labada garab ee Ururka SPM oo kala ah Cawlyahan iyo Maxamed Subeer oo labaduba qabiilka Ugaadeenka ka tirsan. Labada beelood oo mudo dagaal sokeeye ka dhexeeyey ayaa waxaa heshiiskaan soo abaabulay saraakiil sarsare, nabadoono, iyo ganacsato dibadda ka timid, shirkaasina wuxuu ku dhamaaday isafgarad iyo guul. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 03:02 am DOWLADA SOOMAALIYA LA DHIGAY BANGIGA JABUUTI. Wararka kasoo baxaya dhinaca xukuumada ayaa cadeeyey in dowlada Sucuudiga lacagtii ay ugu deeqday dowlada ku meel gaarka la dhigay Bangiga Dalka Jabuuti. Lacagta ya dowlada Sucuudigu ugu deeqday Somaaliya ayaa lagu sheegay cadadkeeda 15 milyan oo doolarka maraykanka ah. Sida uu sheegay wasiirka Arimaha dibada ee dowlada cusub ee Soomaaliya Ismaciil Buubaa waxaa loogu tala galay inta laga sameynayo Bangi dhexe in lagu sii maamulo bangiga dowlada aanu deriska nahay ee Jabuuti waa sida uu hadla u dhigayee mar uu u waramayey Saxaafada. Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Raysalwasaaraha oo isgu ku doodayey markii hore in la hayo lacagta oo aanay carabtu bixin tan iyo inta la magacaabayo Gudoomiye dhexe oo bangi iyo hati dhowr guud. Hase ahatee madaxweyne C/qaasim ayaa codsaday in lo baahanyahay in howlo badan la qabto oo had u xayiran dhaqqale la,aan sidaa daradedna aan la huri karin in la sii adeegsado bangiyada deriska. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 03:05 am ISKA HOR’IMAAD KA DHACAY MEEL U DHOW HOTEEL RAMADAAN. Waxaa shalay subax abaarihii 10 kii aroornimo ka dhacay meel u dhow Hoteel Ramadaan Iska hor’imaad ay ku dhinteen sadex ruux kuna dhaawacmeen laba nin oo maleeshiyadii dagaalamaysay ah. Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay maleeshiyo waqooyiga muqdisho degan in ay xirteen jidka dabadeedna ay is hortageen gaari ay saarnayeen maleeshiyo kale oo ka soo jeeda konfurta muqdisho kuna sii jeeday hoteel Ramadaan halkaasi oo ay rasaas xoog leh isku dhaafsadeen mudo daqiiqado ah. Dadka ku dhintay halkaas ayaa u badnaa dad shacab ah oo dariiqa iska marayey. Ilaa iyo shalay waxaa la sheegayaa in ay xirteen maleeshiyadaas wadada aada fagax waxayna ku xabadeeyeen duhurnimadii gaari uu lee yahay mid ka mid ah ganacsade caan ah oo la yiraahdo Abuukar Cadaani o ah ninka iska leh Hoteel RaMadaan. Maalmahan magaalada muqdisho way ka roonayd dagaal iyo jid gooyo lakiin shalay iyo maantay waxaa soo kordhayey jidgooyooyinka maleeshiyooyyinkla ay ku sameeynayaan wadooyinka waaweyn ee muqdisho iyagoo kasoo horjeeda xasilonida ay ciidamada dowlada ka wadaan Banaadir. |
    WARIYE | Sunday, January 21, 2001 - 05:28 am COL. CABDULAHI YUSUF IYO GEN.CUMAR XAAJI MASALE OO BEYDHABA KA SOO DAGAY 20 Jan 2001 at 15:37 Waxaa maanta magaalada Beydhaba ka soo dagay dhowr hogaamiye oo ka mida kooxaha Soomaalida kuwaas oo lagu wado in ay ku dhawaaqaan maamul goboleed oo ay yeelanayaan gobolada Bay, Bakool, Gado, Jubada dhexe, Jubada Hoose iyo Shabeelaha Hoose. Waxaa maanta magaalada Beydhaba soo gaarey Col.Cabdulahi Yusuf oo ka soo dagay degmada Bardaale oo ka tirsan gobolka Bay, waxaa isla maantana garoonka Baydhaba ka soo dagay Gen. Cumar Xaaji Masale oo isna ka yimid magaalada Kismaayo. Sida ay inoo sheegen waxgarad caawa ku sugan ahna qaban qaabiyeyaasha shirka Baydhaba in weli lagu mashquulsan yahay dajinta dastuurka maamul goboleedka. Magaalada Baydhaba waxaa horey ugu sugnaa Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan iyo Gen. Aaden Cabdulahi Nuur Gabyow, waxaa kale oo magaalada ku soo qulqulaya odayaasha dhaqanka ee gobolada lafilayo in looga dhawaaqo maamul goboleedka. Col.Cabdulahi Yusuf Axmed iyo Gen Cumar Xaaji Masale ayaa la sheegay in lagu wado in ay kulmaan taas oo lagu soo afjarayo baa la yiri xiriir xumadii u dhaxeysay labadaasi hogaamiye, waxaana howshaas loo xilsaarey gudi kulmin doona berito labadaasi nin. |
    WARIYE | Thursday, February 01, 2001 - 07:58 am C-LAAHI YUUSUF OO MAANTA GEERIYOODE. WARARKA NAGA SOO GAARAYA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND WAXAY SHEEGAYAAN IN MADAXWEYNIHII DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND MAANTA AY TOOGTEEN NIMAN KA TIRSAN CIDAMADII WAARDIYEYNAYEY. WIXII WAR AH EE INTAA KA BADAN DIB BAAN IDINKALA SOCODSIIN DOONAA. |
    Badhan | Thursday, February 01, 2001 - 08:14 am Waxba ha saadin dhimashada ina Yusuf iga walee kan ka danbeeya kaaga daran ee Cabdillahiga qarso. Mooryaan gube, Iidoor cabsiiye, faqshtii iyo hadhaagii afweyne ka nixiye baan ahay. Puntilande xoogsay kaalay aniga isha igu cun. |
    HASAN | Thursday, February 01, 2001 - 08:24 am DHUUSO HAWIYE UF-UF-UF-UF-UF ILLEEN DHUUSO HAWIYE QOF NOOL WAA DISHAA |
    THE REAL WARIYE | Thursday, February 01, 2001 - 09:31 am To: Fake WARIYE waryaa maxaa meesha lasoo gashay???? orodoo meelkale la aad JAQJAQ daada meeshaan anaa WARIYE ka ah orodoo magac kale soo raadso. meeshaan loogama baahna CAYAYAANKA maskaxda kajiran ee wararka ayaa la akhristaa ee maaha meel ay dugaagu wax isaga soo qoraan DUF KUBAX |
    WARIYE | Tuesday, February 06, 2001 - 10:42 pm ha la iga raali noqdo xoogaa VACATION ah baa qaatee madaama ay ayaamahaan xiisado Putnland ah ay jiraan ayaan ayaan jeclahay wararka inaan si toos ah idiinku soo gudbiyo. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka C/llaahi Yuusuf Garowe, Arbaco, Feb,07 2001 Taliyihii hoggaanka kormeerka iyo xiriirka bulshada Maxamed C/raxmaan Sugulle ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey maamul goboleedka Puntland. Sababaha uu sarkaalkaas isku casilay ayaa ka dambaysay kaddib markii uu ka xumaaday sida maamulka C/llaahi Yuusuf ula dhaqmay dadkii bannaanbaxa ka dhigay magaalada Boosaaso. Maxamed C/raxmaan Sugulle ayaa C/llaahi Yuusuf ku tilmaamay nin diktaatoor ah oo uusan la shaqeyn karin. Iska hor imaad ka dhacay Qardho… Qardho, (Apress)- Arbaco, Feb,07 2001 Siduu noo soo sheegay weriyeheenna gobolka Bari C/fataax Jaamac magaalada Qardho iska hor imaad uu ku dhex maray ciidamo hubeysan oo deegaanka ah iyo maliishiyo daacad u ah C/llaahi Yuusuf oo ka tagtay magaalooyinka Garoowe iyo Burtinle, kuwaasoo doonayey inay xoojiyaan ciidamada maamul goboleedka Puntland ee ku sugan magaalada Qardho. Ciidammadaasi ayaa intii aysan gaarin magaalada Qardho waxay la kulmeen dhowr iska hor imaad waxaana la sheegay in ciidankaas ay markii dambe jiireen kooxihii is hor taagay, waxayna galeen magaalada Qardho. Waagu markuu baryey ayaa lagu warramay in dadweynihii deegaanka ay ciidammadaasi ku keceen, waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay saddex qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr kale. Ciidanka maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegay inay ku xareeyeen xero ay horey u deggenaan jireen ciidanka Daraawiishta iyadoo odoyaal ka yimid Boosaaso ay ciidankaasi u jeediyeen in loo furo waddo ay maraan, hase yeeshee maliishiyadii deegaanka ayaa la sheegay inay arrintaasi diideen, waxaana la sheegay in ciidammadaasi haatan lagu hareereysan yahay. |
    WARIYE | Tuesday, February 06, 2001 - 11:00 pm saaka waxaa halkaan Boosaaso nagu soo garaay dad kayimid magaalada Qardho oo lasheegay inuu habeenkii Isniinta 1:00am habeenimo dagaal kadhacay dagaalkaas wuxuu dhacay markii ay ciidamo kayimid Garowe oo ku hubaysan Teniko ama gawaarida dagaalka ay soo galeen magaalda islamarkaa baa waxaa ka hortagay ciidamo kale oo diiday inay ciidamadaas soo galaan gobalka Bari. Baxado ayaa la isdhaafsaday halkaa waxaa kudhintay nin kamid ah ciidamada DARAAWIISHTA ay goo kadib u cararay dhanka Xerada Policeka iyo DARAAWIISHTA halkaa ay ilaa iyo hada ku xareesan yihiin. Waxaa kaloo ayaamahan xiran jidka isku xira Boosaaso iyo Garowe halkaas oo meel layiraahdo ALLXAMDULILLAH ay fadhiyaan ciidan kale oo gooyay jidka oo sheegay in si dagdag ah loo soo siidaayo odayaashii loodhigay magaalada GAALKACYO waxaana aynoo sheegaan dad meeshaa soo maray in lasoo siidaynaayay gawaarida shicibka kaliya kuwad dowldana meeshaa diblooga soo celinaayay, waxaa kale oo ay sheegayaan inuu ciicdankale oo xoojin ah soo gaaray BOONDADA Allxamdulillah oo ay maleeshida qoryo ku xireen buuraha u dhaxeeya buudadasaa, waxaa kaloo shalay magaalada kusoo laabtay LACAGTII MUSHAHARKA MAAMULKA PUNTLAND markii loo diiday gawaaridii wada inay halkaa dhaafaan. Dhanka kale magaalada GAALKACYO ayaa waxaa odayaasha BEEDHA OMAR MAXAMUUD kacodsadeen maamulka PUNTLAND in sidag dag ah odayaasha BOOSAASO loogu cesho lana siidaayo. Codsigaas ayaa lagu gacan seeray waxaana la isla dhexmarayaa in odayaasha loo gudbindoono xabsi ku yaal ITOOBIYA halkaas uu kusugan yahay MADAXWEYNE C/ALLAHI YUSSUF taas bay waxay kacaraysiisay odayaasha MUDUG iyo ISMIMADA PUNTLAND. Waxaa maanta la filayaa inuu BOQOR Maxamuud uu la hadlo ciidamada isku aruursanaaya BARI iyo in dibloo furu jidka waxaana lasheegaya inay rag hogaaminaaya ciidamada BARI ay sheegayaan inay xiri doonaan jidka meesha lasgasoo galo Bari oo layiraahdo KALABAYR oo wax yar ujirta GAROWE, xaalada ayaa hada waxaa dhexgalay ISIMADA laakiin hada arintu waxay taagan tahay QIR IYO QIR halka uu maamulka ku adkeesanaayo ina ODAYAASHA laxiray lasii dayndoonin iyo dhanka kakale oo BEELAHA BARI ay codsanayaan in ODAYAASHOODA dib loo soo cesho. WIXII WAR AH OO SOO KORDHA WAAN IDINLA SOO SOCONSIINDOONAA. |
    WARIYE | Tuesday, February 06, 2001 - 11:25 pm Boosaaso, 7 Feb. waxaa shalay magaalada Boosaso ka amba baxay Xaawo oo ah Xaaska Madaxweynaha Puntland State waxaana lasheegayaa inay arintaas keentay xiisado isasoo taraya oo udhaxeesa shicibka iyo Maamulka Puntland, Madaxweyne Cabdullahi Yussuf ayaa hada wuxuu ku sugan yahay wadan Talyaaniga asaga iyo qaarkamid ah wasiirada Puntland sida Wasiirka Howlaha guud ahna Madaxa GUDIGA AMINIGA G/BARI, dhanaka kale warar hada nasoo gararaya ayaa waxay sheegayaan in Odayaashii lagu xirxiray magaalada Boosaaso oo hada ku jira Xabsiga DHEXE ee magaalada GAALKACYO in aan lasiin daydoonin lana xukimo doono, taas oo laga baqayo inay arinta sii cakariso, maalmahaa oodhan ayaa waxaa isku dayay ODYAASHA Bari in nimankaas DAMIIN loogu sii daayo taas oo lagadiiday, sidoo kale markii maxaabiistaas lageeyay magaalda GAROWE ayaa waxaa diiday POLICEka Garowe in lago xiro xabsiga wayn ee Maamulka, kadib markaa ayaa waxaa Odayaasha loo sii gudbiyay dhanka magaalda Gaalkacyo oo ay ilaa iyo hada ay ku xiran yihiin, shalay ayaa odaaya G/MUDUG waxay kacodsadeen in odayaasha lasiidaayo laguna cesho Bari, arintaas waxaa ku gacan seeray SARAAKIISHA MAAMULKA, taas oo ay aad uga caray siisay ISIMADA, labo cisho kahor baa SULDAAN GARAASE wuxuu ku dhaleeceeyay in MADAXWEYNE C/Allhi Yussuf uu dhagaha kaxirtay cosiyadii ay odayaasha kaga codsadeen in Raga la xirxiray lasii daayo, Wuxuu SULDAANKA intaas ku sii daray in aan dadka lacadaadin xaqoodana lasiiyo, wuxuu Suldaanka yiri( PUNTLAND cahdi baa uyaal maaha in cahdigaas lagu tunto, hadii arintaa sidagdag ah loo xalin waayo waxay arinta dib ugu soo laaban doontaa ISIMADA ayagaan GOÁAMINDOONA). Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in arintaas ay kaxanaajisay MADAXWEYNAHA. |
    WARIYE | Tuesday, February 06, 2001 - 11:28 pm Boosaaso, 7 Feb. waxaa shalay magaalada Boosaso ka amba baxay Xaawo oo ah Xaaska Madaxweynaha Puntland State waxaana lasheegayaa inay arintaas keentay xiisado isasoo taraya oo udhaxeesa shicibka iyo Maamulka Puntland, Madaxweyne Cabdullahi Yussuf ayaa hada wuxuu ku sugan yahay wadan Talyaaniga asaga iyo qaarkamid ah wasiirada Puntland sida Wasiirka Howlaha guud CABDI CABDULLE SICIID (JINI BOQOR) ahna Madaxa GUDIGA AMINIGA G/BARI, dhanaka kale warar hada nasoo gararaya ayaa waxay sheegayaan in Odayaashii lagu xirxiray magaalada Boosaaso oo hada ku jira Xabsiga DHEXE ee magaalada GAALKACYO in aan lasiin daydoonin lana xukimo doono, taas oo laga baqayo inay arinta sii cakariso, maalmahaa oodhan ayaa waxaa isku dayay ODYAASHA Bari in nimankaas DAMIIN loogu sii daayo taas oo lagadiiday, sidoo kale markii maxaabiistaas lageeyay magaalda GAROWE ayaa waxaa diiday POLICEka Garowe in lago xiro xabsiga wayn ee Maamulka, kadib markaa ayaa waxaa Odayaasha loo sii gudbiyay dhanka magaalda Gaalkacyo oo ay ilaa iyo hada ay ku xiran yihiin, shalay ayaa odaaya G/MUDUG waxay kacodsadeen in odayaasha lasiidaayo laguna cesho Bari, arintaas waxaa ku gacan seeray SARAAKIISHA MAAMULKA, taas oo ay aad uga caray siisay ISIMADA, labo cisho kahor baa SULDAAN GARAASE wuxuu ku dhaleeceeyay in MADAXWEYNE C/Allhi Yussuf uu dhagaha kaxirtay cosiyadii ay odayaasha kaga codsadeen in Raga la xirxiray lasii daayo, Wuxuu SULDAANKA intaas ku sii daray in aan dadka lacadaadin xaqoodana lasiiyo, wuxuu Suldaanka yiri( PUNTLAND cahdi baa uyaal maaha in cahdigaas lagu tunto, hadii arintaa sidagdag ah loo xalin waayo waxay arinta dib ugu soo laaban doontaa ISIMADA ayagaan GOÁAMINDOONA). Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in arintaas ay kaxanaajisay MADAXWEYNAHA. |
    Anonymous | Wednesday, February 07, 2001 - 04:52 am THANX 100% Wariye |