Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics: Xaalada Beesha CIISE MAXAMUUD - Gudaha & Banaanka Dalka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciise Riyoole

Saturday, January 13, 2001 - 07:01 pm
Sabti, Janaayo 13, 2001
Wargeyska Ayaamaha Press

Garoowe, Nugaal -

Shir ay yeesheen Waxgarad ka tirsan Beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen ayaa lagu sameeyay Guddi ka kooban 18-xubno-od oo 7-ka mid ahi ay na-badoono yihiin, kuwaas oo diyaariyey eedeyn ay u jeedinayaan Maamulayaasha Puntland.
Waxa ay sheegeen in tan & waqtigii la sameeyay Maamulkaas waxba u qaban Dadka degan Garowe, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka & Waxbarashada, iyaga oo xusay in Isbitaalka weyn ee Magaalada Garowe aan laga heli karin Dawo waxtar leh. Sidoo kale waxa ay sheegeen in garoonkii Diyaaradda ee ay lahayd Magaalada Garowe uu xiray Maamulka Puntland isagoo aan keenin wax bedelkeeda ah, Garoon kale oo furitaankiisa lagu howlan yahayna aysan jirin. Sidoo kale waxay Xubnahaa sheegeen in ay ka walaacsan yihiin heshiisyada uu Maamulka Puntland la galo Shirkadaha shisheeye maadaama beryahan dambe la arkayay waxyaabo haraadiga Nukliyerka ah oo lagu shubayo Xeebaha Soomaaliya, sida caadadaba u noqotay in dad badan ay doorteen lacag in ay siistaan dhulkoodii. waxayna sheegeen in warqad ay ku caddeynayaan arrimahaas u gudbiyeen C/llaahi Yuusuf aysana wax jawaab ah ka helin.

END

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciise Riyoole

Saturday, January 13, 2001 - 07:04 pm
Maantana xaafadeena ayaan ka fiirsanaayay video laga soo diray "Puntland" oo 3 magaalo ku tusaayo. Garoowe ayaa ugu muuqaal fiican, in comparison to Boosaaso and Gaalkacyo. Laakin waxyaalaha muhiimka ah sida isbitaalo & waxbarasho waa ku liidataa. Injustice from Cabdullahi Yuusuf and his Corrupt Crew. Shame on you.

Garoowe Forever

Ciise Riyoole