We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 11:13 am Jariiradda Ayaamahapress oo qortey: SOOMAALIYA OO MARKII UGU HORREYSAY COD KA DHEX DHIIBATAY GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr ayaa markii ugu horreysay cod ka dhex dhiibtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Miooday muddo tobon sano ah. Cali Khaliif, waxa uu ka soo horjeestay in la qaado cunaqabataynta dhinaca hubka ee saaran dalalka Itoobiya iyo Eretrea, arrintaas oo ahayd dadaal ay dowladda Mareykanku ku doonaysay in cunaqabataynta hubka looga qaado dalalkaas oo la hor dhigay Golaha Ammaanka Arbacadii dhoweyd. Ra'iisal Wasaaraha oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagay xarunta Qaramada Midoobay ee New York tan iyo intii loo magacaabay xilka waxa uu gebi ahaanba ku gacan sayray in la qaado cunaqabatayntaas, gaar ahaan tan Itoobiya oo uu sheegay inay dakano kala dhexeyso. Hadal ay faafisay wakaaladda wararka Reuters oo uu sii daayey telefishinka caanka ah ee gaarka loo leeyahay ee dalka Mareykanka, Cable News Network (CNN), waxa uu ku yiri Cali Khaliif "waxaan filayaa haddii la qaado cunaqabataynta inay keenayso niyadjab weyn." Dowladda Mareykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay hor dhigtay Arbacadii tagtay in la qaado cunaqabataynta hubka ee saaran dalalka Itoobiya iyo Eretrea, taas oo lagu soo rogay bishii May 17-keedii sannadkii 1998-kii markii uu dagaal dhinaca xuduudda ah ka dhex qarxay labada dal. Dalalka Norway, Ireland, Mauritiues iyo kuwo kale oo haatan ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku adkeystay in xilligan oo la qaado cunaqabataynta ay hor istaagayso hirgelidda heshiiskii bishii December ee sannadkii tagay ay labada dal ku soo afjareen dagaalkii labada sano u dhexeeyey. Danjiraha Itoobiya ee Qaramada Midoobay, Cabdulmajiid Xuseen ayaa sheegay in dalkiisu aanu qorsheynaynin inuu wax hub ah dibadda kala yimaado xitaa haddii la qaado cunaqabataynta hubka, laakiin waxaan doonaynaa ayuu yiri in cunaqabataynta loo qaado si dhaqso ah maaddaama la wada gaaray heshiis bishii December. Danjiraha Eretrea ee Qaramada Midoobay, ninka la yiraahdo Haile Menkerios ayaa isna dhinaca kale waxa uu sheegay in dalkiisu uusan ka soo horjeedin in la qaado cunaqabataynta, "ma ahan arrintan mid muhiimad weyn u leh dalkeenna" ayuu yiri. Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr, waxa uu dhowaan ku eedeeyey ciidammada Itoobiya inay xoog ku haystaan magaalooyin ka mid ah Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Doolow iyo Luuq. Itoobiya ayaa iyadu beenisay inay wax fara gelin milateri ah ku hayso Soomaaliya. Xubno ka mid ah wafdiga la socda Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay wada qadeeyeen Cali Khaliif iyo Cabdulmajiid Xuseen. Wada hadallo gaaban oo ay sheegeen qadada kaddib, waxa ay labada nin is weydaarsadeen aragtidooda ku wajahan xiriirka ka dhexeeya labada dal ee deriska ah. Xiriirka labada dal, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkaa tan iyo 1970-meeyadii, markii Soomaaliya ay ku qaaday Itoobiya dagaal naqshadeysan oo ay ku qabsatay gobolka Soomaali Galbeed ee ay gacanta ku hayso haatan dowladda Itoobiya. Waxaa ciidanka Soomaaliya ka soo saaray halkaas sannadkii 1978-kii ciidammada Itoobiya oo ay taageerayeen ciidamo ka socda Midowgii Sofiyeeti ee hore iyo dalka Cuba. Ra'iisal Wasaare Galayr oo haatan weli ku jira lugtii labaad booqasho uu ku marayo magaalooyinka Washington D.C. iyo New York ayaa lagu wadaa inuu la kulmo hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka iyo xubno ka mid ah maamulka cusub ee dalka Mareykanka oo hadda ku jira xilli kala guur ah. Waxaa kaloo uu Cali Khaliif la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka kulan ka dhici doona magaalada Washington. Jimcaha nagu soo aaddan ayaa la filayaa in wafdiga Ra'iisal Wasaaruhu ay ka soo amba baxaan dalka Mareykanka. Ma cadda halka ay ku wajahan yihiin. Waraysi xalay uu siiyey telefishinka CNN ayaa Ra'iisal Wasaare Galayr waxa uu sheegay in dowladdooda ku meel gaarka ah ay ka shaqeyn doono dib u dhiska dalka, waxaana uu sheegay in wax soo saarka dalka Soomaaliya uu ku filan yahay kobaca dhaqaale ee dalka. "Waxa aan ka shaqeynayno marka hore waa sugidda nabadgelyada, waxaana noo raaca kobaca dhaqaalaha oo gebi ahaanba burburay" ayuu yiri Galayr oo waraysi siinayey Jim Clancy oo ah Soo saaraha barnaamijka Inside Africa ee telefishinka CNN. Waxaa kale oo uu Ra'iisal Wasaaruhu waraysi siiyey jariiradda caanka ah ee Time Magazine iyo Globe.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 11:33 am " Talo keen ahaaw, ama tala raac". Cigaalow, Cabdulaahi Yuusufoow , Shaarguduudow, Caatoow,ina Ceydiidow , Muse Suudiyow waxaan muran ku jirin in D-KMG ey ictiraaf leysku raacsanyahay ey hadda heysato. Maxaa talo idiin ah, ragaan wey idinka raayeen inkastoo wadanka gudihiisa idinka aad maamushaan oo marqaati ma doonto ah. Siyaasada walaalayaaloow maa wax ka badashaan sida tan idinka iyo raaciyadda idin hoos joogtaba dan uma ahan mar hadii UN-ka ey kuwaan Carta warka ka dhageeysaneeyso.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 03:49 pm ASALAAMU CALAYKUM? CALI MUXUU CODKA DHIIBTAA RERKIISII UU KA DHASHAY AYAA DANYEEER IYO DONFAAR SOO WERARAY EE WAX HA U QABTO DADKAA OMAHA AH 9 CISHO OO ISKU XIGTA BYE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 07:07 pm LOL@WACAYS
|