We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 03:25 pm Dawlada Cadawga ah ee Ethopia waxay sheegatay si cad in Wadanka somalia yahay qayb iyaga ka mid ah ama falaagoowday ayna rabaan inay qabsadaan dhamaan Xeebaha badweynta hindiya iyo badda casba. Waxay qabsadeen meelo badan oo xuduuda ah waxayna rabaan inay u gudbaan xeebaha iyagoo ku gabanaaya inay isticmaalayaan dekedeheena. Bedelistii calanka Ethopia wuxuu ku tusinayaa inay calankeenii ku darsadeen calankoodii ama ay labadii Calan isu geeyeen 10kii sano ee aan Aduunka ka maqnayn taasoo ay la timi dawlada cusub ee Tigreegu oo dad badan oo Soomaaliyeed aaminsan yihiin inay aad uga fiican yihiin dawladihii hore ( XAYLA SALAASE & MINGIUSTU) kuwaasoo Tigreega xukunka uga horeeyey, laakiin waxaa xaqiiqo ah inay 1000 jeer ka khatarsan tahay kuwii ka horeeyey! FIIRI CALANKA CUSUB EE ETHOPIA: <img src="http://www.ethiospokes.net/Images/flg.gif" Safiirka Ethopia u fadhiyana UN Cadulmajiid wuxuu sheegtay inay iyagu Somalia u metelayaan laakiin Cali Khaliif uu ka cayriyey shirkiina ka saaray! Arimahaasoo dhami waxay ku tusinayaan Cadawnimada iyo gumaysiga cusub ee Amxaarada, waxyse Siyaasiyiin Soomaali isku sheeg ahi qirayaan inaynu AMXAARO saaxiibnimo naga dhexayso walaalayaal xagee bay ku ilaaween 3 1/2 Malyuun Soomaali ah Gumaysta ama Adoonsada. Walaalayaal ka digtoonaada Ethopia iyo dabadhilifyadooda waa kuwa maanta ama shalayba (anadihii lasoo dhaafay) inagu soo hogaamiyey AMXAARADA. Walaalkiin SOMALIRUNA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 30, 2001 - 11:24 am If you want to make such alegation against anybody you should based it on the fact. My frined your above statement very far from the truth and we know that. Eithopa is our brothers and sisters in the region so do not make new war base on your view which is nonesence.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 30, 2001 - 03:28 pm itoobiya ayaan raacaynaa inta habar gaajo dawlad ay madax u tahay ku darman lahayn, kuwii Daarood ee raacay ma aragteen waxa ka raacay? wasiirka gaashaandhiga ayaa hada waxaa loo xilsaaray in uu nadaafada xamar ka shaqeeyo, maxaa wasaarada gaashandhiga iyo qashanka xamar iska galay, haddii aad beentay moodo waa kan warkii joornaalka Sahan oo waliba dawlada cusub wax la wada ama ka aqriso:http://www.somaliawatch.org/archivedec00/010129101.htm RAG AY KU JIRAAN CABDULLAAHI BOQOR IYO XASAN ABSHIR OO MADAX LOOGA DHIGAY GUDIYADA NADAAFADDA MUQDISHO. Sahan, Muqdisho. 2001-01-29 Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga dawladda ku meelgaarka ah ee Muqdisho C/laahi Boqor Muuse, Xasan Abshir Faarax oo isna ah Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee dawladaas, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Axmed Maxamed Bide iyo qaar kale oo kale oo ka mid ah wasiiradda iyo xildhibaanada dawladda ku meelgaarka ah ee ay dhiseen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo David Stephen ayaa Loo xilsaaray in ay hawlaha nadaafadda iyo amniga kala shaqeeyaan masuuliyiinta Gobolka Banaadir. Wareegto rasmi ah oo uu Sabtidii soo saaray Madaxweyne C/qaasim Salaad ayaa masuuliyadaas loogu xulay wasiiradda in ay wax ka fuliyaan, iydoo ay hawshani qayb ka tahay olole nadaafadeed oo ay dawladda ku meelgaarka ah ee Carte kaga shaqaynayso jidadka magaalada Muqdisho. C/laahi Boqor waxaa todobaadkii hore lagu khasbay in uu beeniyo war uu ka sii daayay arbacadii Idaacada HornAfrik oo ah idaacad si aad ah u taageerta dawladda cusub, warkaas uu idaacadda ka sii daayay wasiirku waxa uu sheegayay in aysan jirin wax weerar ah oo ay Itoobiya ku hayso soomaaliya iyo wax dhib ah oo ay u geysatay Soomaalida, hase ahaatee waxa dhakafaar ku noqotay saxaafadda madaxa banaan ee Muqdisho markii Wasiirku subaxnimadii khamiista iska soo dhex galay kulan ay wada lahaayeen wasaaradda Warfaafinta ee dawladaas iyo saxaafadda Muqdisho, halkaas oo wasiirka gaashaandhigu ku soo bandhigay war beeninaya hadal uu habeenkii maaalintaas ka jeediyay idaacadda HornAfrik, wuxuuna wasiirku ku cududaartay in uusan war hayn markii hore hadase loo waramay, hase ahaatee warar xog ogaal ahi waxa ay sheegayaan in C/qaasim Salaad ku khasbay C/laahi Boqor in uu beeniyo hadalkiisii ama in uu is casilo. Cabdullaahi Boqor oo ka hadlayay shirkaas beenintuna waxa uu si aad ah u weeraray masuuliyiinta ku shiraysa Ceel Barde oo uu ku tilmaamay dabadhilifyo Amxaaro. Masuuliyiinta macaga Buntilaan kaga qayb galay shirka Carte ayaa waxa ay ku guul daraysteen in ay ka baajiyaan ciidan, hub iyo sahay C/qaasim u diaray magaalada Kismaayo si looga hor tago ciidamada is bahaysiga ay C/qaasim bah wadaagta yihiin ee xoogga halkaas ku haysta oo laga soo saaro, waxayna taasi dhaawac weyn u geysatay xushmadii ay ku lahaayeen Buntilaan, waxa kale oo uu Wasiirka Gaashaandhigu qirtay in uusan waxba ka ogeyn dagaalkii Balcad dawladda kmg ahi ku qaaday, isadoo isla mar ahaantaana janankii dagaalkaas hogaaminayay jaranaal Galaal loo diray wafti kaligiis ah dalka Ruushka halkii laga filayay in isaga ama wasiirka mid is casilo.
|