Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: ALI GALEYDH: SOMAALIYA WAXAA KU NOOL 700.000 SOMALI KOTALIG AH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARSAME

Monday, January 15, 2001 - 07:12 am
Hunguri meel xun galay!!

Socdaalkii Dowlad ku sheega ee ku yimaadeen magaalada Roma iyo waxey kala kulmeen Talyaniga. Ujeedadoodu waxey ku saleysneed in ay lacag urursadaan.

Kulankii ay la kulmeen dad ka tirsan dowladda Talyaniga waxa ay weydiisteen in la siiyo kaalmo dhaqaale oo ay ku tilmaameen dib u dhisida dalka.

Dowladda Talyaniga waxa ay ku jawaabtay in ay diyaar ula tahay dadka Soomaaliyeed kaalmo dhaqaale iyo mid dhismo haddii la helo xasilooni iyo dawlad loo wada dhanyahay.

Taasi markey ku qanci waayeen waxa ay la kulmeen koox ganacsato ah ay ka mid ahaayeen kuwii horey sunta ugu shubay baddeena oo aan waxba ka reebaneen, Ganacsatadaas waxay heshiis kula galeen in Soomaaliya baddeeda iyo berigeeda lagu duugo haraaga sunta warshadaha Talyaniga iyo kuwa Yurub ay wakiilka ka yihiin, isla markaasna laga iibiyo shacbiga Soomaaaliyeed raashin iyo dawooyin dhacay.

Intaas ka dib waxa ay hunguri ka dooneen Fatikaanka oo ah meesha laga xukumo Diinta Masiixiga (Mad-habta Katolikada) halkaas oo ay ku cadeeyeen in ay jiraan 700,000 oo Soomaali ah oo heysata Diinta Masiixiga, waxey kaloo kala hadleen sidii dib loogu dhisi lahaa Kaniisadihii burburay iyo sidii loo soo celin lahaa xarumihii lagu barbaarin jirey caruurta laguna fidin jirey diinta Masiixiga.

Baaderiyaasha ay la kulmeen waxey u ballan qaadeen iney u duceyndoonaan, ka dibna iney gacantooda ku dhisi doonaan Kaniisadihii la burbur-iyey iyo meel lagu xanaaneeyo caruuta.

Waxa la yaab leh in dowlad ku sheegga marka ay dalka gudihiisa joogaan in ay Kutubka Quraanka ku adeegtaan markay dibadda aadaan waxay ku tuugsadaan Diinta iyo Mabda’a ka jiro dalka ay tagaan.

Soomaaliyeey waxaad ogaataan in dawlad ku sheega ay ka koobantahay intii Qabiil walba soo nacay oo u kala baxa:- Haraaygii Siyaad Barre, Wa-daado ku sheeg,Ganacsato tuugo ah, Qaran diid, Janaaso ruug, iyo jirjiroolayaal calooshooda ku fac ah.

Waxa Qoray: Prof. Cumar Xasan (Gaalaguul)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 03:40 pm
ninkaa gaalaguul la yiraahdo ayaamahan ayaan waxaan arkay dhowr qoraal oo uu joornaalda somalida ku qoray, aad ayaana ula dhacay, waa nin aad dawlada cusub arinteeda ula socda, I am very much impressed with his thoughtfulness.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samatar

Monday, January 15, 2001 - 07:42 pm
well done prof gaalaguul, wadani waa kan u damqada markay shacabkiisu dulman yihiin.
waa kaa wajiga foosha xun ee ina salaad boy iyo ali khaliif galaydh, ma idinla tahay kuwa markay shacabkoodii oo liita xoolahooda dhacay, dadkoodana dilay oo ukuntii gacantooda ku jebshay inay ka daacad tahay qarankii burburay ayaan soo celinaynaa.
allow sahal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oday

Tuesday, January 16, 2001 - 12:48 am
Gaalguduud meeldhow wax ka arag.
Ma waxaad u malaysay in hadalka meesha aad ku soo qortay la rumaysanayuo oo sidaas dowlada cusub ee Soomaaliya looga soo horjeesan doono. Taas waa seektay waadna seegi doontaa. Intaadan qorin ayayna ahayd nad ka fiirsato. Mide kale adoo miiran baa intii caqli gaab ah beentaas intuu u sheego bay rumaystaan. hadalka gadaal ayaan ka dhamaystiri doonaa indha 'Allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mursal

Tuesday, January 16, 2001 - 02:21 am
To: Gaalaguul, iyo waxa la halmaala beenaale ayaad tahay, idinkuna been baad maqasheen, goormaa hadalkasi kasoo yeedhay Cali Khaliif, wixii uu yidhi oo dhan waannu maqlaynay waliba si toos ah ayaannu uga daawanaynay teifishinka ee maxaa kuu sanqadhay? mise luqadda ayaad aad u fahmi wayday, war niyohow munaafaqnimada iska daa oo dadku wax aysan odhanin ha ka samaynin, oo dadka maangaabka ah duufso ayaad isleedahaye mase duufsan kartide maangaabyohow dhaaf waxaad waddo. Miyaadan ogayn in ay dembiyada waaweyn ka mid tahay qof wax uusan odhan oo aad ka samayso. Haddaad doonto mucaarad ahow laakiin dhaaf edeb darrada ededlaaweyahow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Tuesday, January 16, 2001 - 06:51 am
TO DHAMMAAN DADKA HALKAN WAX KU QORAY

S/C

NINKII AMA QOFKII DOONAYA HADALKII ALI KHALIF
WAA KAN HOOS KU QORAN.

WARSAXAAFADEED CALI KHALIF DEC 30.2000 AT 13:56

RA,IISAL WASAARAHA DAWLADDA KMG AH CALI KHALIF
OO MAANTA SHIR JARAA,ID KU QABTAY HOTEL RAMADAN
EE MAGAALADA MUQDISHO.
AYAA SHEEGAY IN BOOQASHADII LABADA TODDOBAAD AHEYD
EE AY ASAGA IYO WAFTIGIISU KU TAGEEN DALALKA
IMAARAADKA CARABTA IYO TALYAANIGA AY KU SOO
DHAMMAATAY GUUL IYON IS AFRGARAD WUXUUNA SI
GAAR AH U XUSAY IN DALKA TALYAANIGU KU BOORIYEY
INAY XIRIIR FIICAN LA YEESHAAN DAWLADDA ITOBIYA
IYO DALALKA KALE EE DARISKA AH.

"INNAGA IYO MAS'UULIYIINTA TALYAANIGA WAXAAN ISKU
AFGARANAY IN TALYAANIGU UUSAN XIRIIR LA YEELAN
KOOXAHA KA SOO HORJEEDA DAWLADDA KMG AH"
AYUU YIRI CALI KHALIF OO SHEEGAY IN TALYAANIGU
BALAN-QAADAY INUU KAALMADIISA TODOBAADYO GUDIHIIS
KU SOO GAARSIIN DOONO SOMALIA SI UU UGA QAYB-QAATO
DIB U DHISKA DALKA DHAQAN CELINTA MALIISHIYOOINKA
IYO QALABAYNTA CIIDANKA BOOLISKA.

"INKASTA OO XUKUUMADA TALYAANIGU WAX KA TABANEYSO
DILKII BAADARI TALYAANI OO XAMAR LAGU TOOGTAY IYO
DUMINTII KANIISAD KU TIIL XAMAR, HADDANA WAXAAN
BOOQANAY XARUNTA VATICAN (WAA XARUNTA DIINTA
KAATOLIGA) TAAS OO AAN U ARAGNO INAY KU JIRTO
DAN SIYAASADEED OO AAN KU RAADSANAYNO MASLAXADA
SOMALIA" AYUU YIRI RA,IISAL WASAARE CALI KHALIF.

MARKASTA WAXAAD SLOGAN KA DHIGATAAN NABAD IYO'
DIB U HESHIISIIN HADDANA DUULAAN HUBAYSAN AYAY
ASKARTA DAWLADDU QAADEEN DEGMADA BALCAD OO KA
MIDA MEELAHA UGU NABADGELYADA FIICAN K00NFURTA
SOMALIA? AYAAN WAYDIIYEY RA,IISAL WASAARE CALI
WUXUUNA KU JAWAABAY IN AAN BALCAD LAGU DUULIN
AYNA TAHAY MAGAALO DADKA JOOGA AY NABAD KU NOOL
YIHIIN CIIDAMADA BALCAD TEGAYNA WAXAY DABA JOOGAAN
HUB HALKAAS LAGU SHEEGAY MANA JIRTO CID SI-GAARA
U HAYSATA BALCAD OOMEGAN LOOGA DHIGANAYO, WAANA
TEGI KARAA MARKII AAN DOONO AYUU YIRI CALI KHALIF
OO INTAAS RAACIYEY IN LA WADA OGAA WIXII HALKAAS
KA DHACAY. DHANKA KALE RA,IISAL WASAARE GALEYR
WUXUU QIRAY IN AYSAN DAWLADDA TALYAANIGA SI RASMI
AH UGALA HADLIN XAALKA WIILKA SOOMAALIYEED XAASHI
CUMAR HASSAN OO DHAWAAN AY MAXAKAMADA RACFAANKA
EE ROMA KU XUKUNTAY XABSI DAA,IN,KA DIB MARKII
LAGU SOO EEDEEYEY INUU LUG KU LAHAA DILKII WARIYAD
TALYAANI AH ALPHI OO U SHAQEYNEYSAY RAI,TAASOO
IYADA IYO SAWIRQAADE BOOSNIYAAN AH MIRAN HIROVAN
LAGU DILAY MAGAALADA XAMAR 20-MAARSO 1994 ISLA
SHIRKAAS JARAA,ID WAXAA GOOBJOOG KA AHAA
WASIIRKA ARRIMAHA DEBEDDA MR BUUBAA OO SHEEGAY
DAWLADDA SACUUDIGU AY KU WARGELISAY INAY
XUKUUMADDA CUSUB U OGOLAATAY SHAN IYO TOBAN MILYAN
OO DOOLAR CADAAN AH IYO BOQOL IYO KONTON MILYAN
RIYAALKA SACUUDIGA AH OO LOOGU TALAGALAY MASHAA-
RIICDA DIB U DHISKA.

MAXAMED MUXIYADIIN CALI-MUQDISHO.

TAASI MIYEYSAN CADDEYNAYN IN CALI QIRTAY
TEGISTA KANIISADAAS SI UGU SHEEGO IN AY JIRAAN
DAD HEYSTA DIINTA KIRISTAANKA SI UU UGU
TUUGSADO SHACABKAN XAQ-DARRADA LAGU HAYO.
MAGACOODUNA LOOGU TUUGSANAYO GAAL IYO ISLAAM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mursal

Tuesday, January 16, 2001 - 07:32 am
To: C/Kariin Xasan, saaxiib warkan aad meesha kusoo qortey, waa laga yaabaa in ay wax ka jiraan anigu ma beeninayo inuu Cali Khaliif tegey kaniisadda oo uu la kulmay rag waaweyn oo dhinaca diinta looga dambeeyo, ee waxaan diidanahay inaad dameeri dhaan raacday noqotid ma haysaa wax cad oo aad leedahay wuxuu yidhi dad soomaali ah oo gaalo ah ayaa jirta. Midda kale mar walba waxaad tidhaahdaa ina Cigaal ma tuugsado miyuusan ahayn ninkii yidhi waxaannu nahay Yuhuud oo ayna ahayn sababtii Xaramka loogu diiday?, maxaad isaga dhigtaa nin wax walba war u haya oo aad boodhka isugu qarinaysaa, haku cadaab tegin saaxiib waxaadan ogayn, haddana ramadaan kariim hana dhihin, waxaan filayaa wax wayn ayaa kaa khaldan. Haddaad hayso wax cad ii sheeg laakiin been in laysugu markhaati furo ma oggoli.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dirir

Tuesday, January 16, 2001 - 07:26 pm
war ali khaliif iyo ina salaad boy ayaadan aqoon u lahayn, tuugadani wax kasta oo dantooda soo gashaa waa ay ku dhaqaaqayaan, anigu ma biciidsanayo arintan waana taa uu shacabka ku hor qirtay.
ragii shalay kuu jir nixi waayay, ayaa i leedihiin maanta oo aan ka soo bogsanay dhibkii ay ummaddeena ku hayeen ayaan aaminayaa, horaa loo yiri walee doofaar ma daahirmo ama hal booli ah nirig xalaal ahi ma dhasho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

la taliye

Tuesday, January 16, 2001 - 08:09 pm
waxaan ku raac sanahay ninka mowduucaan furay oo runta sheegayo.
to. odayga fadlan magaca ha ku ciyaari hadaad dowlada tageereysid you have aright to do so. balse ogoow dowlad ku sheega in ay san dowlad noqoneyn mucaarad la aan.
somaali xaal waxaa u ah gobaleysi waana sida looga gudbi karo dhibka taagan
dowladii shalay dhalatay ayaa manta cawimo hub iyo dhaqaalo sineysa jabhadaha xooga ku haysta kismaayo oo ah ceyr &mareexan. somaliyeey nin walba dhulkiisa ha ku noqdo dowlada artana qabiilka ha joojiso oofederalisam waxa haku maa musho sabaabto ah artan waxaay dhaanta warlordska

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowneyn

Tuesday, January 16, 2001 - 10:56 pm
Dirir:

Fakar walaalow min fadlak ma umalaynaysa in qof islaam ah loo diidi karro xaramka. Casala qof ku haddu khalad galay wa halkii lagaga maydhi laha. Illaah ba kugu dhaarshe ma idinka dhabba inaydin rumaysantihin taas. Horta maqlay in ay u diideen mudane cigaal xajka innu tago balse baroortu orgi ka wayn. Boqortoyadda wahabigga ah ee fidmada Islaamka kula dhex jirta xaqdarrana uga maroojisatay hogaanka xaramaynka ahlul baytkii waxay ka baqayso ka qotodheer waxan aad ka hadlaysid ee macquulba aan ahayn. Qolyoonka dajjal la saftay waxa jabkoodu yaal Mahdiga haddeer sacadiisi joogto marku ku so baxo marka ficilkan aan horre loo falin ee sucudigu ku kaceen waxa weeye baqdin laga baqayo nuurka maxamaddiya ee ay isku taxaluujiyaan wahabiyiinta dajjal illaah mooday inay demiyaan oo waa kuwii maalintay galleen wahabiyiintu madina ay rasuulkii scws qabrigiisii vandalize garayay kana tirtiray "Yaa"da kamid ahayd Yaa Muxammad iyako ku andaconaya in Illahay mooye cidkale yaa loo adeegsan karayn aan joogin oo ay afbuxanna yidhahdeen nabiggi iyo nuurkiisiba qabrigiisa ayay ku kooban yihiin wa kuwa dadka cuqdad ka qaadsiyay mowliidka lacagtana bixiya dadkii muslimka aha innay dib u so muslimiyaan. Dhoohane ba moogan jabka lala maaganayahay ee hoy intaad walaalka eeganaysid diinta ya laga saarin maanta aduun wa gabogabe. Shaitanna been cad kuguma khaldee wax run ah ayuu si gurracankugu fasira wa sidda raggani ay ugu adeegsadaan tawxidka islaam oo dhani ay rumaysanyihiin loona adeegsado in derejodii rasuulka scws iyo kaalinti rasuulka ee illahay inaggu badbaadinayay inay meesha ka saaran. Allow miyaanay ogayn cirka iyo dhulkaba in loo tagay rasuulka daradiis scws. Shaitan tarmana illahay hadafka khalqiga Illaahay ka ma dhigin ee wa imtixaan lagu kala saarayo dadka maanta oo qashinkii kor tageen wa maalin xaqqi dabbayaal iyo cadceed. Waxa ku waraya ee badbadaya wa rasuulka iyo intii uu u hogaamiyo jannada wixii aan Nuurkaa illahay so dajiyay diidana wa qofdiday Illaahay. Kadinkii illaahay yidhi so mara mahe mid kale illahay kama ogola wa khasarro shaqada kulli wixi qab iyo is qaad qaad ka kor bood is yidhaahdana.

Kowneyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mursal

Wednesday, January 17, 2001 - 12:33 am
To: Kowneyn, saaxiib waa sidaad u sheegtay oo jidkii ilaahay banneeyay mooyee mid kale waa lagu halaagmayaaye, xaq miyaa?, diintuse miyey ina faraysaa in qofna khaladka lagu raaco, qof kale oo aad necebtahayna wax uusan dhihin inaad ka samayso, war soomaaliyeey ilaahay ka baqa oo aakhiro xusuusta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alal

Wednesday, January 17, 2001 - 01:42 am
To: C/kariin Xasan, horta niyow waannu kugu wareeraye, marka layidhaahdo Cali Khaliif ayaa Washington shir ku qabtay waxaad tidhaahdaa aniga ayaa joogay; Rooma haddii laga hadlo waxaad tidhaahdaa aniga ayaa joogay, Hargeysa haddii gabadh yari ku dhuusto waxaad tidhaahdaa aniga ayaa joogay maxaad tahay?, ma shaydaan baad tahay, maxaad niyow isaga dhigtaa nin wax walba lasocda oo dadka kale ka horreeya, anigu waan yaabanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fagadhe

Wednesday, January 17, 2001 - 02:02 am
To: waa la yaabay saaxiibow, sidaad u aragtay baannu annguna u aragnay. Ma maqashay "caryaa ninkaa gaadha oon qoslin". Waa tan oo kale markaan arko wax uu qoreyba waan qoslaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Wednesday, January 17, 2001 - 05:07 am
TO MURSAL

S/C

SAAXIIB HADDII AANU CALI KA HADLAYN ARRIMO KU
SAABSAN DIINTA KOTOLIGA MUXUU KA DOONAY XARUNTOODA
VATICAN, SAAXIIB MALAHA QOF KALE AYAAD IGU KHALDA-
YSAA, WELIGAY CIGAAL MA TAAGEERIN UMANA DHALAN
ISAQ XAGGEE AYAAD KU ARAGTAY QORAAL AAN KU RAACSA-
NAHAY CIGAAL.

TO ALALE

S/C

SAAXIIB ANIGU KAMA HADLIN SHIR ALI KU QABTAY
WASHINGTON MALAHA QOF KALE AYAAD IGU KHALDAYSAA
WAXAAN KA JAWAABAY QORAL AY QORTAY GABAR LA
YIRAAH MUNA OO SHEEGAYSAY IN CALI IYO MOHAMED
CALI SAMATAR LAGU GARAACAY WASHINGTON, TAASNA
WAXAAN KU CADDEEYEY QORAALKAYGA SIDA AAN UGA SOO
HORJEEDO DHIBKA LOO GEYSTAY CALI.

ALI SIYAASAD AHAAN WAAN UGA SOO HORJEEDAA LAKIN
MA DOONAYO IN DHIB LOO GEYSTO, SHAYDAAN MA AHI
EE WAXAAN AHAY QOF CAADI AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Wednesday, January 17, 2001 - 05:20 am
TO: C/kariin Xasan, saaxiib waxaan kuugu hambalyeynayaa sida fiican ee aanay cadhadu ku jirin ee aad ugu jawaabtay labada ninba runtiina waa sida loo baahan yahay horaybayna soomaalidu u tidhi haddaan lakala roonaan roob ma da,o. Saaxiib ra,yi waa ra,yi dadku isku wada ra,yi ma aha taasna micneheedu ma aha in lays caayo anigaygan kulahadlayaa adiga waan kaa fikrad duwanahay laakiin kuma cambaaraynayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mursal

Wednesday, January 17, 2001 - 05:27 am
To: C/kariin Xasan, saaxiib su,aashaadu waxay la mid tahay maxay soomaalidu u tagtay maraykanka. Ninku haddii uu Rooma tegey ma khasab baa in laga hadlo diinta katooliga, maxaase saaxiib madaxdu waligeed caawimo way raadsataa waxayna ka raadsadaan cidday is leeyihiin waxbaad ka helaysaan, ee saaxiib maxaa waxaan jirin looga samaynayaa Cali Khaliif, anigu middaan ka hadlayaa waa middaa. Haddaad jawaab cad hayso iga dhaadhici oo wax cad i tus laakiin ha dhihin haddii uuna ka hadlin muxuu halkaa u tegey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Wednesday, January 17, 2001 - 08:58 am
TO MURSAL

S/C

SALAANTA ISLAANKA KA DIB MURSALAW CALI ISAGA
AYAA QIRTAY INUU TEGAY XARUNTA DIINTA KATOLIGA
VATICAN.

HA ISKU QALDIN WADAN IYO KANIISAD NINKANI
ISAGA AYAA QIRTAY TEGISTA KANIISADDA ANIGU
KAMAAN HADLIN ISAGAA AFKIISA KU HADLAY
SHEEGTAYNA TEGISTA XARUNTAAS, WADAN KASTA
OO ADDUUNKA KU YAAL GAAR AHAAN WADAMADA
GAALADA WAXAA KU YAAL KANIISADO IYO MASAAJIDO.


MARKAA KALA SAAR WADAN IYO DIIN, WAXAYNU
KA HADLAYNAA WAA HADALKII CALI LAGA QORAY
MARKII UU SHIRKA JARAA,ID KU QABTAY XAMAR.


TO ABDIRASHID

S/C

SALAANTA ISLAAMKA KA DIB SAAXIIB WAAD MAHADSAN
TAHAY, RUN AHAANTII WAAN TAAGEERSANAHAY IN
WAX LA KALA FAA,IIDO IYADOO AAN LAYSKU FEKRAD
AHAYN, WAXAAN KA XUMAHAY IN DAD BADANI CARO
DARTEED AY CAYTAMAAN IYAGOO WELIBA WAALIDKA
CAAYA, MARKA AY ARKAAN QOF QORAY QORAALO KA
SOO HORJEEDA FEKRADOODA.


ANIGU RUNTII WAAN KA SOO HORJEEDAA HABKA LAGU
DHISAY DAWLADDA KMG AH SIYAASAD AHAAN TAAS
MACNAHEEDU MAAHA IN AAN NECEBAHAY DALKAYGA IYO
DADKAYGA AMA NIMANKA SIYAASIYIINTA AH.

WAXAYNU NAHAY DAD ISLAAM AH, WALAALA AH KUNA
HADLA HAL LUQAD OO KELIYA WAA NASIIB ILAAHAY
INA SIIYEY DHIBKA INA HEYSTAA WUXUU YAHAY
QABIIL.

ANIGA SHAKHSI AAN MA JIRO CID AMA QABIIL
AAN TAAGEERO U HAYO WAAYO QABIIL KASTA OO
SOOMAALIYEED OON LUG KU LAHAYN DHIBAATADA
INA HEYSATA, QABIIL KASTAA WUXUU XUKUNKII
U DHIIBAY MUNAAFAQ AAN WAX NAFA U HAYN
ILAA MUNAAFAQIINTAAS LA SOO QABTO NABAD IYO
DAWLAD XALAAL AH WAY INAGA DHEERTAHAY SAAXIIB.

NABADGELYO SAAXIIBAYAALAW.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Thursday, January 18, 2001 - 02:11 am
To: C/kariin Xasan, saaxiib alle ha kaa raalli noqdo, ka dib way jiraan waxa aad sheegayso oo dhan oo xaaladda soomaaliya iyo meeshay sartu ka qudhuntay nin waliba wuu u jeedaa laakiin saaxiib haddii aynu ogeyn shalay oo dhibkii aynaan ka fekerin aynu illaa maanta kasoo waaqsan la,nahay miyeyna fiicnayn inaynu wax uun isku raacno si aynu uga bogsanno dhibkii shalay ina gaadhay, taa waxaan uga jeedaa inaynu samaysanno xeerar ina kala haga oo xitaa madaxwaynaha qaban kara ka dibna usii gogolxaadha in lagu guulaysto in la qabqabto raggan nafta inoo keenay, haddii aynaan sidaa yeelin sow iyaga cimrigoodu ma sii dheeraanayo, ummadduna ku dabargo,i mayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Friday, January 19, 2001 - 03:09 am
TO ABDIRASHID

S/C

Salaanta islaamka ka dib, saaxiib waxaan
aaminsanahay in aynu ka bixi karo dhibka
ina heysta haddii aynu ka taqalusno
munaafaqiintan shacabkii soomaaliyeed
inba meel ku ooday.

saaxiib sida aan qabo shacabka somaaliyeed
isuma qabo wax xumaata ah meelo badan ayaan
tegay wakhtiyo kala duwan weliba intii
colaada sokeeye socotay aad iyo aad ayey u
yar yihiin dadka xumaatada wada, intii xumaanta
waday ooy ku shaqeysanayaan nimanka munaafaqinta
ah ayaa qariyey intii wanaagsanahayd.

waynu sameyn karaa xeer ina kala haga laakiin
inta ay joogaan munaafaqiintaas ayna ina heystaan
inteena wanaagsani isuma imaan karo waxna kuma
heshiin karo.


waxaynu munaafaqiinta ka taqalusi karaa marka
qabiil kastaa munaafaqiisa qabto ama eryo ka
dibna ay waayaan meel ay qabtaan ama cid ay
qasaan way iska tegi amaba la xir-xiro.

waa socotaa saaxiib waan soo noqon doonaa hadda
waan yara mashquulsanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Tuesday, January 23, 2001 - 06:56 am
To: C/kariin xasan, saaxiib aad iyo aad ayaan kuugu raacsanahay in soomaalidu(shacabku) yahay dad nadiif ah ee dhibaatadu ay tahay munaafiqiinta oo raba inay iskukeen jabiyaan ilaahow naga qabo kuwaas, maxaynu yeellaa saaxiib? oo aan ka ahayn in shacabku gacanta isqabsado oo uu ka tanaasulo nimankaa danaha gaarka ah wata oo teenna ciidda hoos geliyey.

Heestii waddaniga ahayd ee arligaygow waxaa ka mid ahaa ereyadan:
Haddii ayan dabayl urin
Awood maleh naftayduye
Markaan uurka hooyadey
Ifka uugasoo baxay
Anigoon aababa baran
Neecawdiisa udugga leh
Kii igu anqariyoo Arligaygow

Inaan kuu adeegoon
Cadow kaa ilaashoon
Aayahaaga taliyaan
Axdi kuugu marayaa Arligaygoow

Kase kaa horjeedaa abaal dhecee
Addoonsiga la jire sow ma oga?
horta sow ma oga?

Anfacaa inuu cunay, saw ma oga?
Biyahaa ku oon baxay
Amaah inaad ku leedahay,
Horta saw ma oga?

Waxseed ku uursamaataa
Arligaygoow
Irbad kaama ridi karo aqoon yare
Bulshadana ku eedow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLIN DHAB AH

Tuesday, January 23, 2001 - 10:20 am
LABADIINAN NIN EE ISKA DHIGAYA MUSLIMIINTA FIICAN OGAADA IN ILAAHAY QALBIGIINA DAALACANAYO,OGAADA IN AAKHIRO LA IDIN WAYDIINIIYO KHIYAANADA AAD UMADA KULA DHEX JIRTAAN IDINKOO MAGACA DIINTA MUSLINKA ADEEGSANAYA.
ARINTAAS WAXAAN UGA JEEDAA NINKAN AAD EEDAYNAYSAAN WAXA UU KA MID YAHAY HADUUBA DENBI GALAY ANIGU DANBI UU GALAY GARAN MAAYEE,DADKA SOOMAALI UGU DENBIGA YAR(DHIIG MUSLIN AAN GELIN),HADABA WAXAAD U DHALEECAYNAYSAAN EE AAD MARNA ISKA DHIGAYSAAN NIMAN WANAAG SHEEGAYA,MARNA BEEN ABUUR AAN SAL IYO BAAR TOONA LAHAYN QORAYA,WAXAA WEEYE WAXAAD TIHIIN NIMAN QABIIL AAMINSAN,HADA WAA MARKAAN RUNTA KA HADALNO.
NINKAAS SOOMAALI BAA DOORATAY,WAXAANA LAGU DOORTAY AQOONTIISA,DIINTIISA,IYO WAX GARADNIMADIISA.
U MALAYN MAAYO LABADIINU IN AAD REERIHIINA KA ADAG TIHIIN ISKA DAA INAAD SOOMAALI MADAX U NOQOTAANE.
CALI KHALIIF WAA NIN MUSLIN AH TUKADA(ANIGAA INDHAHAYGA SAARAY SALAADI KAMA TAGTO,ILAAH BAA IGU OG),LABADIINA MA XAQIIJIN KARO INAAD SALAAD IYO TIIRARKA ISLAAMKA FULISAAN.
HADUU BAADARI U TEGEY IYO HADUU UN-KA TEGEY IYO HADUU KENYA TEGEY DANTA UMADA IYO ILAAHAY DARTIIS BUU U TEGEY.
IDINKU WAXAAD KU NOOSHIHIIN WADAN GAALO AH MID WALOOWBA CARUURTAADA AYAAD SUBIXII GAALO U GEYSAA,WAXAA LA GEEYAA KASNIISADA IYO MEELO KA DARAN,HADAAD MUSLIN DHAB AH TAHAY MAAD WADAMADA GAALADA KA HAAJIRTID,JAWAABTAADU WAA "DAN BAA I KEENTAY",SIDOO KALE CALI KHALIIF DAN SOOMAALIYEED BAA U GEYSEY VATIKANKA.
ILAAHAY HALAGA BAQO OO CADOWGA AMXAARADA IYO CADOWGA SOOMAALIYEED IYO ISLAAMKABA HA LA ISKA DHICIYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Tuesday, January 23, 2001 - 11:56 pm
To: Muslin dhab ah, saaxiib khalad baad fahantay annagu(anigu) cidna maanaan magac dhabin ama Cali Khaliif ha noqoto ama cidkale, si kale haddaan wax kuugu sheego dammiin far waawayn baa wax loogu dhigaaye ma taqaannaa micnaha erayga MUNAAFAQ? waa kuwa muslinka sheeganaya ee gaalada la jira(UUR KU GAALO) markaa maxay yihiin kuwa hadda Baydhabo isugu tagay?. Bal haddaad muslin dhab ah tahay oo aadan qabiil u xaglinayn sheeg waxa ay yihiin. Iyagu way caddaysteene annaga miyaad na taqaannaa? aniga iyo C/kariin, muslinka dhabta ahi waxbuu hubsadaa ee iskama dhacdhaco ee saaxiib u fiirso waxaad qoreysid oo ha nagu khaldamin haddaad cay iyo aflagaaddo u timidna adiga lee waaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yusuf

Wednesday, January 24, 2001 - 12:16 am
Ninka la baxay muslim dhab ah u malaynmaayo in aad tahay muslim dhab ah, sidee u difaacaysaa ninka islaamka sheeganaya oo ummad dhan masalaya oo inta gaaladdii u tagay kaniisadda galay oo baryay. muutago masaajidada ku yaal Itaaliya halkaasuu lacag badan ka soo heli lahaa. war ha sheegan in aad tahay muslim dhab ah. adoo waxaas taageersan, isku xishood, at least soo qoro magac caadi oo taageer Cali khaliif haddii aad iskuqabiil tihiin. ileen waxaad u daafacaysaa oo aad rabtaa in aad ka tirtirtid danbiga weyn uu ilaahay iyo dhammaan ummadda muslimiinta ka galay.
markaasaad leedahay waa danbi yar. nin ummad muslin ka socda oo kaniisad galay sida carafaat shakhsiyadda uu leeyahay maxay tahay, qiimo aad u yar buu ku gatay diintiisii. annagoo aan masuul ahayn ilmahayaga Europe jooga uma ogolin in ay kaniisada galaan, qofkii kaniisad gala waa khatar danbi weyn, haddii aad masuul tahay oo ummad muslimiin ah matalaysid waa ka sii daran tahay.
aad baan uga xanaaqay ninkaan sheeganaya muslim dhab ah oo haddanna daafacaya munaafaqaas labo aflaha ah, markuu Xamar tagana masaajidka galaya, marka uu Roma tagana Kaniisadda galaya waa maxay waxaas, weligay ma maqal nin masuul soomaali ah oo sidaas falay. mar baan maqlay Siad Barre iyo Cumar Carte oo mosko tagay oo ubax dhigay sanamkii Lenin oo haddanna u sajuuday, taasina waaba ka sii daran tahay. haddaan diinta siday tahay loo difaacayn yaan lagu soo gaban.

wa bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Wednesday, January 24, 2001 - 12:37 am
To: Yuusuf, mahadsanid saaxiib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIM HASSAN

Sunday, January 28, 2001 - 08:17 am
TO ABDIRASHID

S/C

SALAANTA ISLAAMKA KA DIB, SXB WAAN KA XUMAHAY
IN AANNAN KUU SOO JAWAABIN MASHQUUL BAAN NOQDAY.

SXB AAD BAAD UGU MAHADSAN TAHAY SIDA AAD UGU
JAWAABTAY NINKA SHEEGANAYA MUSLIN DHAB AH, WIXII
AAN ORAN LAHAA ADAA YIRI IYO YUUSUF.

WAXAYNU NAHAY UMMAD DHIB HEYSTO HADDANA AAN
DOONAYN INAY DHIBKA KA BAXDO, SABABTOO AH WAXAAN
WELI HIIL IYO HOOBA LA GARAB TAAGANAHAY KUWII
ABUURAY AMA KA DAMBEEYEY DHIBAATADA AAN ILAA
HADDA KA SOO KABAN LA,NAHAY, WAXAA MUNAAFAQA
KA DARAN MID AAN WAXBA KU HAYSAN MARKA LAGA
HADLO MUNAAFAQIINTA LA SOO TAAGAN QABIILKAYGA
AYAAD WAX KA SHEEGTAY, MUNAAFAQ QABIIL MA LEH
WAA DANEYSTE WAA LABA WEJIILE REERKIISII IYO
EHELKIISII WAXAY KU NOOL YIHIIN DEBEDDA CIDINA
UGA DHIMAN MAYSO SOMALIA, WAXAY RABAAN INAY KU
SHAQEYSTAAN DAD KALE CARUURTOOD.

HADDABA TALO INAGA AYEY INALA GUDBOON TAHAY
SIDII AYNU KA YEELI LAHAYN MUNAAFAQIINTAAS
IYO KUWA TAAGEERADA LA DABA TAAGANBA.

ILAAHAY XAQA HAYNA GARAN SIIYO AMIIM.
QABYAALADUNA HA DHACDO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Monday, January 29, 2001 - 01:02 am
To: C/kariin Xasan, saaxiib aad baad u mahadsantahay malaai,gtuna ha ku salaanto. Saaxiib waa ayaandarro runtii ummad dhan oo wax walba leh, aqoonyahan, culimo, ardey iyo dhinac walba oo bulshadu ka kooban tahay oo nin danayste ahi uu dantiisa ku wato oo iyagu aan ka fekeranin waxa ay dantu ugu jirto. Saaxiib kolley wax waliba waqti ayey leeyihiin, ummadduna hadda way bislaatay oo INSHA ALLAAHU dadku dantooda way garan doonaan waynuna ka bixi dhibaatada aynu ku jirno, laakiin nebigu wuxuu yiri SHEEG XAQA XITAA HADDUU DACAR KA QADHAADH YAHAY, inta ay naftu inagu jirto waa in aynnu wadnaa wixii ummadda dan u ah, innagoo aan cidna ku xad gudbin.

WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Monday, January 29, 2001 - 01:56 am
TO ABDIRASHID

S/C

Salaanta islaamka ka dib sxb ilaahay raali ha
kaa noqdo, saaxiib mahadsanid waa runtaa oo wax
waliba waxay leeyihiin meel ay ka bilowdaan kuna
dhammaadaan, waxaana filayaa in hadda lagu jiro
dhammaadkii lagu soo qa-qaban lahaa munaafaqiinta
waxaana shacabka soomaaliyeed u dambeyn doona
haddii allaha awooda lihi ogolaado wanaag iyo
sharaf, ilaahayna awooda ha siiyo kuwa adeecay
isaga iyo rasiilkeenii suubanaa naxariis iyo
nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

saaxiib xaqu waa cad yahay, xaq darraduna waa
caddahay,ilaahay shacabka soomaaliyeedna xaqa
ha garan siiyo.

wa billaahi tawfiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mursal

Monday, January 29, 2001 - 02:31 am
To: Abdirashid iyo C/kariin Xasan, runtii waxaad ka hadasheen arrin aad iyo aad u wanaagsan oo runtii macquul ah, ma waxaad uga jeeddaan haddii uu qof kuwa isku sheegaya inay hoggaamiyeyaal yihiin ay khalad ku jiraan yaan lagu raacine xitaa haddii ay qadhaadhahay ood ogtahay inaad dhibaato kala kulmaysid adigoo siduu alle yidhi aan ka leexanaynin runta u sheeg, oo waxa ay danta ummaddu ku jirto, waa in laga hormariyaa midda gaarka ah. Saaxiibayaal fiicnaan lahaydaa waxa aad afka ka leedihiin idinkoo fuliya ama soomaaliduba fuliso dhibaataba maynaan aragneen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirashid

Monday, January 29, 2001 - 03:44 am
To: Mursal, saaxiib fiicnaan lahaydaa in dadku ay haldhinac wax kawada arkaan oo ah dhinaca wanaagga ah, dhibaato mayna dhacdeen, haddii hadalka sidaad u tidhi aan kuugu jawaabo, garo adigu dantaada markaan ku leeyahay ha u fahmin inaan ka wado laakiin midka ummadda oo dhan, markaad shay samaynaysid haddaad ka fekerto ummadda faa,iido ma u leedahay mise uma aha oo aynu joojinno danta gaarka ah waxa inagu dhacay inaguma dheceen. Laakiin wixii inagu dhacay dersin ha inoo noqoto waa midda aannu ka hadlayno ee adigu sideed wax u aragtey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Tuesday, January 30, 2001 - 02:06 am
TO MURSAL

S/C

SALAANTA ISLAAMKA KA DIB, SAAXIIB SOOMAALIDA
AYAA KU MAAH-MAAHDA FAR KELI FOOL MA DHAQDO,
HADDII AYNU GACMAHA IS QABSANO HOR ILAAHAY
INAGOON QABIIL ISKU RAACAYN UMMADDEENA MIYEYNAAN
BADBAADIN KAREYN ILAAHAYNA AAN KAASHANO.

WAXAAN FILAYAA MURSALAW IN QOF WALIBA WANAAGA
AMA XUMAHA GARANAYO, WAXAA ILA HABBOON ANIGA
IN XAL WANAAGSAN LA GAARI KARO HADDII AYNU
DAACAD KA NAHAY DANTA SHACABKA SOOMAALIYEED.

MIYEYSAN HABBOONAYN IN AYNU CARUURTEENA,
WAALIDKEEN, WALAALAHEEN IYO EHEHLKEEN SIDA
AYNU UGA NAXAYNO MARKA AY DHIB HEYSTAAN IN AYNU
UGA NAXNO KUWA KALENA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahdi

Tuesday, January 30, 2001 - 03:34 am
Waa wax cajib ah dadka maanta isu dayayo iney taageraan Galeyr Iyoi C/qaasim war hadey nimamkan wadaniyiin yihiin maxey wax uga qaban waayeen marki ey talada hayeen hadanase qaasim gaal maxuu cveydiid markii uu joogey u iman waayey marka uu sirayo doqonka Aliyo Mahdi?

Ugu dambeyn nimankan waa in laiska qabtaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Tuesday, January 30, 2001 - 05:58 am
To: Mahdi, saaxiib kuma fahmin waxaad u dan lahayd way fiicnaan lahayd inaad far la fami karo aad kusoo qortid meesha. Middeeda kale Caydiid, Cali Mahdi, Galeyr iyo cid kale toona ma dhihin waan taageersanahay, waxaan ahay nin nin shicib ah oo soomaali ah aa dulman cidkastoo wax ii qabanaysa ama xitaa i og inaan dulmanahay waan la jirayaa.