Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government: MABA DHALANE DHAWR-TAYSAN OGAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YAXYE

Monday, January 15, 2001 - 07:15 am
MA DHALANEE DHOWRTEYSAN OGAA!!

Waxay ahayd horaantii bishii Agosto markii kooxdii isugu tagtay Carta oo ka tirsan Jabuuti ay sameysteen waxa ay ugu magac dareen "Dowlad" hase yeeshee Soomaalidu u taqaan kooxda Carta, ujeedada kooxda Carta waxay ahayd inay soo celiyaan maamulkii dalka laga eriyay 1991-kii oo uu ka maqan yahay marxuum MAxamed Siyaad Barre, taasna waxaa tusaale nooga filan markii aad tagto Hoteelada: Saxafi, Lafweyne, Shaamo iyo kan Ra-madaan inaad ku arkeysid xub-no Wasiiro ka ahaa maamulkii 21-sano talada hayay iyo taliyayaal Ciidan oo dunuub ka galay shacabka Soomaaliyeed ee Koonfurta, gobolada dhexe iyo kuwa W/Galbeed, una baah-an in sharciga la hor keeno, wa-ayo dhibaatada maanta heysata Soomaalida gunteedu waxay ahayd dhibaato ay geysteen kuwa jiifa Hoteelada Muqdisho, taasina waa sharaf darro u soo hoyatay dadka Koofurta oo markaas aaminsaneyn qaarkood in Janaraalada iyo Wasiiradii hore aysan dembi gelin mar haddii ay qabiilkooda ay ka daba mareen, taasi oo keentay inay dib u soo noqdaan maamulkii Siyaad Barre.

Akhriste anigoo ka faa'ii-deysanaya fursadan wargeysku I siiyay waxaan soo bandhig-ayaa dhacdooyin dhab ah oo ay ku tallaabsadeen kooxda C/qa-asim madaxda u yahay oo had-dii aad dhug u yeelato aad gara-neyso in colaad cusub ay doon-ayaan inay dadka gaar ahaan reer Muqdisho u abuuraan.

1-Ninka lagu magacaabo Cali Khaliif Galleyr wuxuu xog-wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in Dameer dabadii ninkii galay uu biday dan, taasi oo ku micneyn karo in Koofurta dadka ku nool oo aan wax qab-san karin ay isaga iyo ragiisa ula joogaan dan ay leeyihiin ee ays-an waxqabad iyo horumar midna ula joogin.

2-Dhacdadii labaadna waxay ahayd qorsheynta dagaa-lada colaadeed, kaddib markii la isku dayay in la dilo nin ganacs-ade Xildhibaan ah, ujeedaduna ay ahayd in dagaal la dhex dhi-go laba beelood oo K/Muqdisho wada degan kaddibna colaadu ku fido W/Muqdisho, waxaana qorsheysnaa in laga taqaluso afar kale oo xubnood oo maga-cyadooda qaar halkan ku cad-deyn karo.

3-Waxaa laga taqalusay dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ku geeriy-ooday wax aysan muteysan isla markaana aan qoysaskii la siin raaligelin tacsiyeyn iyo in si dhab ah gacanta loogu geliyo kuwii geystay falkaan, taasoo cadeyneysa inay ka soo jeedeen kooxda Carta, dan iyo heelana aan laga laheyn in wax loo qabto si dhab ah.

4-Waxay si dhab ah aduunka uga doonayaan hanti ay jeebka ku gurtaan taas oo ay ku fashilmeen kooxdii ganacs-atada ahaydna ay bilaabeen inay ka shaqeeyaan lacagtii ay amaahiyeen si degdeg ah inay u helaan taasina waa tan keentay in kooxda Carta la aaminin, waayo koox ganacsato ahna lagu daro xubnihii u baxay dalka Talyaaniga.

5-Waxay abaabuleen isku daygii ugu dambeeyay ee ahaa weerarkii ay ku qaadeen degmada Balcad iyagoo adee-gsanaya wiilashii ka soo daalay dagaalada waxaana dagaalkan Balcad lagu qaaday hoggaam-inayay laba Janaraal, kaddibna muddo Lix Saacadood ah oo ay joogeen Balcad waxaa cadaatay inay bililiqeystaan shacbigii masaakiinta ahaa oo horayba u dulmanaa, kaddibna markii ay arkeen waxay bilaabeen inay iska difaacaan, taasoo keentay in ka badan 29-Tikniko ah ay u soo firxadaan sida la sheegayna dhalinyarada qaarkood laga soo cararay, arrintan waa fadeexadii ugu horeysay ee Ciidan ee soo gaarta kooxda Carta sababtuna waxay ahayd in dadka W/Muqdisho loo abuuro colaad cusub si looga horkeeno walaalahood K/Muqdisho oo colaad laga dhex abuuray sanadihii 1991--1992-kii.

Dhacdooyinkan oo dhan waxay ku tusayaan guul darrada cusub ee soo wajahday kooxda Carta oo ku go'doonsan hot-eelada, waxa ay shacabka Muq-disho u qabtaan iska daaye waxay awoodi la'yihiin in goob-ihii ay ka yimaadeen ku noqd-aan, maadaama aysan heysan dhaqaale ay dib ugu noqdaan.

Akhriste waxaa jira dhacdooyin qarsoon oo haddii waqtigu ogolaado aan ku soo bandhigi doono qoraalada danbe, sida xilalka aan jirin ee kooxda sheeganeyso.

Ugu danbeyn waxaan da-dka Muqdisho uga digayaa ina-ysan ku kadsoomin arrimaha jira, waayo Soomaalidu waxay ku mah-maahdaa 'MA DHAL-ANEE DHOWRTEYSAN OGAA" oo micnaheedu yahay adigoo aan xaalada iyo waqtiga qiimeyn inaad isaga soo boodo arrimo kaa horeeyay, sidaa aawgeed waxaa isweydiin mudan kooxda Carta ma ka hirgelin karaan Xamar waxa ay doonayaan? Waa habeen xalay ahaa oo teg-ay inay wax ka qabtaan xaalada toban sano jirsatay..

W/Q: Cali Gurey Ducaale Geelle



Sabti 13-ka Janaayo 2001. XIDDIGTA BANAADIR Cad. 600-aad San. 6-aad Bogga 6-aad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiil qardhood

Monday, January 15, 2001 - 10:26 am
war adiga maaxaa kaaga jira wax w/muqdishu iyo k/muqdishu adigaan kaa maqlay halkeed ka keentay magaalo qaybsan anigu ma joogo joornaalka aad soo xigatayna ma qorin waxaad sheegayso
marka doqonnimada iska daaye dadkaaga dhinac ka raac cid aad isku diri karto ma jirto
ragaan aad carto leedahay waa dowlad meel kasta auunka iyo dalkiba laga dambeeyo,
hadii bartay muucaarad nimo uun hada ku dadaal sidaad muxaafadnomo u baran lahayd

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasiin

Thursday, January 18, 2001 - 06:50 pm
to: wiilqardhood
walaal waxaan u maleenayaa inay caadifad ku qaaday, magaca aad sidatid iyo ra'yigaaguna isma lahan, ee waxaan ku oran lahaa waan aqaan ninka la yiraahdo wiil-qardhood aragtidiisa, sidana uma hadlo:
"hadii bartay muucaarad nimo uun hada ku dadaal sidaad muxaafadnomo u baran lahayd'.
waa kuu dadnimo xumo inaad iska yeeshid waxaadan ahayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, January 19, 2001 - 12:01 am
To: Yaasiin

Walaal aad baad ugu mahadsantahay sida aad u garatay ninkan aad moodo in ay si wax kayihiin ee labaxa wiilqardhood isagoo ulajeedo kale leh.

mahadsanid